Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

SHIR LOOGA HADLAY SIDII LOO BADBAADIN LAHAA BEER AFAR QARNI JIRTAY AYAA MAANTA LAGU QABTAY XARUNTA MADAXTOOYADA.

Radio Midnimo, 9 Jun 2003, Boosaaso- Shir uu guddoominaayo Xilhayaha Dowladda Eng. Faarax Maxamuud Yuusuf “Dooxojoog” oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Madaxtooyada Dr. C/raxmaan Siciid :Dhega weyne” iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay deegaamada Puntland, ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada DGPL.

Ugu horeyn waxaa shirkaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa beerta taariikhiga ah ee Coomaayo oo ku taal degmada Baargal oo ay ku timid dhibaato ka soo wajahday daadad xoog leh oo dhowaan ku soo rogmaday, kuwaasoo daboolay ama burburiyey ishii biyaha ee beertaas waraabin jirtay, bertan ayaa jirtay mudo Afar Qarni ah, waana beer ay ku beeran yihiin in ka badan 10 kun oo geed.

Waxaa shirkaas lagu gudoomiyey in hay’adaha iyo Maamulka Puntlandba ay u diraan guddi xaqiiqo raadin ah oo labada dhinac ka socda.

Nin u hadlay Hay’adaha ayaa wuxuu ammaanay nabada Puntland, isagoo intaas ku daray in wada shaqeyn buuxda la yeelan doonaan Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland.

Guddiga xaqiiqo raadinta ayaa dhaqso ugu ambabixi doona halka ay ku taal beerta Coomaayo ee degmada Baargaal.

Guddoomiyaha Degmada Baargaal C/naasir Siciid Maxamed ayaa shalay Idaacada Midnimo u sheegay in dhibaato weyni ka jirto beerta Coomaayo, lagana yaabo in ay waxyeelo ka soo gaarto boqolaal qoys oo anfacsada beertaas.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


MADAXWEYNE KU XIGEENKA DGPL AYAA MAANTA KU SOO LAABTAY DALKA.

Radio Midnimo, 9 Jun 2003, Boosaaso- 11-kii barqanimo ayaa Madaxweyne ku xigeenka DGPL Maxamed Cabdi Xaashi waxaa uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan Golaha xukuumada iyo maamulka Puntland masuuliyiin fara badan oo ka socday.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu safar ugu maqnaa in mudo ah wadanka Mareykanka oo uu degan yahay, wuxuuna halkaas kula kulmay Jaaliyadaha reer Puntland ee ku dhaqan gudaha qaarada Ameerika.

Markii uu ku soo laabtay magaalada Boosaaso ayuu wuxuu Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Xubnaha Golaha Xukuumada ee ku sugan magaalada Boosaaso, waxaana halkaas lagu baray xubnaha cusub ee ku soo biiray golaha Dowladda ee ka soo jeeday jabhadii GPB.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


SAFARKII UGU HOREEYEY AYAA LA FILAYAA IN U BAXO

Radio Midnimo, 9 Jun 2003, Boosaaso- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in safarkii ugu horeeyey uu u baxayo C/nuur Axmed Darmaan oo isgu isku sheegay in uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya maalinimadii Khamiista ee toddobaadkii la soo dhaafay.

Darmaan ayaa wararku sheegayaan in uu u kicitimi doono dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga sii gudbi doono dalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Wshiton.

Lama yaqaan sababta uu u ambabaxayo laakiin warar ayaa sheegaya in safarkiisu ku lug leeyahay siduu u soo sameysan lahaa lacag Soomaali been abuur ah. C/nuur Darmaan ayaa si weyn uga mida raga lagu xanto in ay ka baayac mushtaraan lacagaha been abuur ah ee la soo geliyo gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyey in uu ka mid ahaa raggii soo sameystay lacagaha sanandihii 90-kii oo uu jiray sicir bararkii ugu xooga weynaa Soomaaliya.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.