Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

QAYLO DHAAN ABAAREED AYAA WAXAY KA TIMID DEGMADA CALUULA IYO BEER AFAR QARNI JIRTAY OO DHIBAATO SOO WAJAHDAY DEGMADA BAARGAAL.

Radio Midnimo, Boosaaso, 08/06/2003- Maamulka iyo odayaasha degmada Caluula ayaa manta Idaacda soo gaarsiiyey qoraal ay ku tilmaamayaan in deegaankaas ay ka jirto abaar xoog leh oo ku baahsan dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka degmada.

Qoraalku wuxuu intaas ku darayaa in abaartaani ay dhibaato ku hayso xoolaha iyo dadkaba, kadib markii ay biyo yareeyeen ceelashii biyaha laga cabi jiray.

Maamulka iyo Odayaashuba waxay ka codsanayaan Maamulka iyo hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay deegaanka Puntland in ay gacan ka geystaan dhibaatada abaareed ee jirta.

Dhinaca kalena beer weyn oo mudo Afar Qarni ah ku ooleyd degmada Baargaal oo ay ku beeran yihiin in ka badan Tobban kun oo geed Timireed ayaa waxaa soo food saaray dhibaato weyn, kadib markii ay u geysteen roobab lixaad leh oo degmadaas ka da’ay burbur ishii biyaha ee beerta waraabin jirtay.

Beertaan oo la yiraahdo Coomaayo ayaan wax biyo ah helin sida uu Radio Midnimo u sheegay Guddoomiyaha Degmada Baargaal C/naasir Siciid Maxamed.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo noo sheegay in haddii ay sidaan ku sii socoto dhibaatada haysata beertaas ay ciriir gelin doonto boqolaal qoys oo noloshoodu ay ku xirneyd wax-soo-saarka beertaas.

Guddoomiayaha Degmada ayaa isaguna wuxuu ka codsanayaa Dowladda iyo ha’adaha samafalka in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan beertaan taariikhiga ah.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


DHEXDHEXAADIN AYAA LAGA DHEX WADAA MUUSE SUUDI YALAXOW IYO MAXAMED DHEERE.

Radio Midnimo, Boosaaso, 08/06/2003- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nabadeyn laga dhex wado labada Hogaamiye Kooxeed ee Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere) oo dhowaan uu dagaal ku dhex maray deegaanka Raage Ceele.

Nabadeyntaan oo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka beelaha ay ka soo kala jeedaan ayaa loogu googol xaarayaa in ay ka dhacdo Hoteel Ramadaan oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Dhinaca Muuse Suudi Yalaxow ayaan wax war ahi ka soo bixin, hase yeeshee Eng. Axmadey Sheekh Xasan oo ka tirsan garabka Muuse Suudi ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan wada hadalka nabada.

Waraysi uu siiyey warbaahinta magaalada Muqdisho manta Maxamed Dheere ayaa waxaa ka muuqday in uusan haba yaraatee ogoleyn wax nabadeyn ah oo la dhex dhigo isaga iyo Muuse Suudi Yalaxow.

Maxamed Dheere oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay Raage Ceele ayuu ku tilmaamay weerar gardaro ah oo lala beegsaday deegaamadiisa, wuxuuna intaas raaciyey in ay jiraan kooxo doonaya in gobolka She/dhexe ay ka abuuraan nabadgelyo xumo.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


CISMAAN CAATO AYAA MAANTA TEGAY MAGAALADA KISMAAYO

Radio Midnimo, Boosaaso, 08/06/2003- Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in manta uu halkaas tegay Hogaamiye Kooxeedka Cismaan Cali Xasan “Cismaan Caato”.

Cismaan Caato ayaa warku sheegayaa in uu ka soo kicitimay magaalada Bu’aale, kadib markii uu ka soo qayb galay aaskii marxuum Allaha u naxariistee Aadan “Gabyow”.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Cismaan Caato uu marti qaad ka helay Isbahaysiga haysta magaalada Kismaayo ee la magac baxay “Isbahaysiga Dooxada Jubba”.

Cismaan Caato ayaa waxaa ugu danbeysay magaalada Kismaayo 1992dii. Xiligaas oo ay UNISOM joogtay dalka Soomaaliya. Cismaan Caato ayaa dhowaan booqasho ku tegay deegaanka Somaliland.

Dhinaca kale magaalada Beled Weyne ayaa manta waxaa ka dhacay shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen culimaa’udiinka, iyo waxgaradka deegaanka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay soo celinta xasiloonida deegaankaas iyo Midnimo loo sameynayo beelaha deegaankaas.

Sh. C/raxmaan Ugas Khaliif oo ka mid ahaa hogaamiye dhaqamedyada ka qayb gelaya kulankaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay maxkamada Islaamiga ah, isla markaasna kooxaha burcada ah lagula dhaqmo si waafaqsan sharciga Islaamka.

Maxkamada Islaamiga ah ee magaalada B/weyne ayaa howsheedii wax qabad hoos u dhacaday iyadoo loo aaneynaayo gacan siin la’aanta bulshada deegaanka kaga timid.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.