Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

FAALO:MAXAA SABABA DAGAALLADA SOKEEYE?
W/Q:M. Dalmar

Dagaallada hadda addunka ka aloosan waxay u badan dagaallo sokeeye, oo ka dhexdhaca dad isku waddan ah.  Waayihii hore, dagaallada sokeeye waxaa loo arki jirey kuwa ku kooban bulshada dagaallamaysa. Dhawaanse, waxaa la dareemay  khatarta dagaallada sokeeye u leeyihiin adduunweeynaha. Waxaa walwal laga muujiyey dalalka dagaalladaas ku qaran-dumay oo loo arkay inay noqdeen gabbaad ay ku gabbadaan iyo marin ay soo maraan hubka, maan-dooriyayaasha, argagixisada, cudurada faafa iwm.  Sidaas-daraadeed, waxaa waqtiyadaan dambe la isku taxalujiyey in la fahmo sababaha dagaallada sokeeye keena si loo helo xalkooda.

Maxaa sababa dagallada sokeeye?

Dagaallada sokeeye waxaa aalaaba loo aaneeyaa nacayb ku saleeysan qawmiyad, qabiil ama qadiyad diineed. Haseyeeshe, waxaa aragtidaas beeniyey khubaro caalami ah oo cilmi baaris ku sameeyey 52 dagal sokeeye oo culus oo dhacay muddaddi u dhexeeysey 1960-1999. Daraasad uu soo saaray Bankiga Adduunku “Breaking the Conflict Trap: Civil War and Development Policy” ayaa qabta in dhaqaaluhu yahay sababta ugu weyn oo saldhigga u ah dagaallada sokeeye (arigtidaas waxaad moodaa in Soomaalidu horey uga dharagsaneyd). Dagaalka sokeeye iyo horumarka dhaqaaluhu waa isku xiran yihiin, waana isasaameeyaan. Haddii dhaqaaluhu hagaaso oo horumari waayo, isla marahaantaasna la kala bursado, waxaa dhaceysa in lagu dagaallamo hantida yar oo soo hartay. Inta badan, jabhadaha mucaaradka ahi ma aha, kuwo xaq-ku-dirir ah oo ka dhiidhiyey dulmi, cadaal-darro iyo maamul-xumo ee waa  kooxo la mid ah kuwa dawladda haysta oo iyaguna raba inay markooda bililiqeeystaan khayraadka yar ee la haysto.

Sida ku cad daraasadda, waxaa jira astaamo lagu garto dalka halista u ah dagaalka sokeeye. Dalkaasi wuxuu si xad-dhaaf ah ugu tiirsan yahay dhoofinta badeeco ka timaada khayraadka dabiiciga ah ama deeq dibadeed ama lacagaha ay soo diraan dadk dibedda u haajiray. Ku tiirsanaanta dhoofinta badeecadaha ceerin waxay leedahay laba cilladood: wa mare, badeecadahaasi waxay u nugul yihiin bililiqeeysiga, waa marka kale, sicirkooda ee sayladaha caalamiga ah ayaan xasiloonayn oo mararka qaarkood aad hoos ugu dhaca, dhaqaalaha dalkana la daga.

Haddan aragtidaas ku dabaqno Soomaaliya, waxaan ognahay in dakhliga laga helo dhoofinta ay 80% ka timaado xoolaha nool. Haseyeeshe, waxaa la oran karaa, xoolaha nooli qayb kama aha dagaalka sokeeye oo waxaa ugu wacan habka loo soo saaro. Sida la ogyahay, xoolaha waxaa dhaqa reer miyi aad u tirobadan (55% dadweeynaha Soomaaliyeed), mana aha badeeco hal kooxi maamuli karto. Maxaa haddaba lagu dagaallamayaa? Shayga ugu weeyn oo Soomaaliya lagu dagaallamayo waa deeqda dibedda. Waxaa iyaguna qayb ka qaata hurinta dagaalka sokeeye lacagaha dibedda laga soo diro, lacagaha la beenabuuro, dhoofinta dhuxusha, shirkadaha kalluumeeysiga iwm. Waxaa jirey xilli moosku maalgelin jirey dagaalka sokeeye intaanan daadadku qaadin beerihiisii.

Dabinka dagaalka sokeeye

Dagaalka sokeyee wuxuu dalka ku rida dabin ama hog uusan ka soo bixi karin. Wuxuu abuura kooxo ku tiirsan dagaalka sokeeye oo uu mehered u yahay, kana faa’iideeysta jiritaankiisa. Waxaa markaas adkaata in dagaalka la soo afjaro. Xitaa haddii la soo afjaro, waxaa adkaaneeysa in dib loo dhiso kaabiyaashii dhaqaalah iyo bulshada ee la burburiyay, in la soo celiyo hantidii iyo maskaxdii guurtay, in la ciribtiro cudaradii dagaalku keenay, in la daryeelo naafadii dagalka ku cawarmay, in la xakameeyo ammmaankii faraha ka baxay ama in la soo celiyo kalsoonidii dhuntay. Waxaa la isweeydiiyaa, dagaal-ogayaashu ma garoowsan yihiin khasaaraha iyo cawaaqib-xumada dagaalka sokeeye!

Sidee looga baxaa dagaalka

Sidaan kor ku xusay, way adagtahay si looga baxo dagaalka sokeeye mar hadduu xidideeysto. Waxa loo baahan yahay dadaal xad-dhaaf ah oo daacad ah oo ka yimaada guda iyo deeqda wax ku ool ah ka timada dibedda. Heerka Soomaaliya manta marayso, waxaan is leeyahay, qodobadaani waxbay ka tari karaan:

  1. Ciidan caalami ah oo nabadda ilaaliya, dadkana hubka ka dhiga. Arrintaas waxaa moodaa in la isla gartay, lana go'aansaday. waxaa haray waa iyado si habsami ah loo fuliyo.
  2. Deeq dibadeed oo lixaad leh oo loo jiheeyo adeegayada asaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, dayactirka kaabiyasha dhaqaalaha, shaqo-siinta iwm. Deeqda dibedda waxaa la soo jiidan karaa markii la muujiyo xilkasnimo iyo wax-qabad daacad ah.
  3. Hantidhawr adag oo hubiya shilin kasta oo dakhli ah meeshu ka yimid, meeshuu yaal, meeshu ku baxay iyo wixii laga dheefay. Sida loo go'aansaday in la keeno cidamo caalami ah oo nabadda ilaaliya, iyaa iyana loogu baahan yahay in la keeno hantidhawrayaal caalami ah oo ilaaliya maaliyadda dawladda. Waa muhim in sanooyinka hore beesha caalmku awod ku yeelato maamulka maaliyadda dawladda. Waxaa la abuuri karaa Guddi Hantidhawr ah oo uu hoggaaminayo Bankiga Adduunku. Arrintaani ma aha mid ugub oo Soomaaliya lagu bilaabayo. Waxaa jirta in hantidhawr caalami ah lagu soo rogay Xukuumadda Falastiin. Waxaa kaloo jirta in Bankiga Adduunku maamulo lacagata laga helo saliida dawladdaa Jaad si aan loo musuqmaasuqin. Haddii aan qorshaha lagu darin xisaabtan dhab ah, laguma guuleeysan doono, siday ila tahay, in la joojiyo dagaalka sokeeye. Waayo, markii horeba waxaa dagaalka kiciyey xisaabtan la’aan.
  4.  Dhismaha iyo dibuhabeynta hay'adaha dawladda iyadoo lala kaashano beesha caalamka. Hay’adahaas waxaa ka mid ah Golayaasha xukuumadda iyo barlamaanka, maxkamadaha, booliska, habka lacagta iyo maaliyadda, degmooyinka, gobollada, hantidhawrka, guddiyada doorashada iwm. Waa hawl aad u culus oo u baahan miyir iyo maskax.

Haddaan soo kobo, laba qodob ayaa muhim ah. In la helo (1) ciidamo caalami ah oo ilaaliya nabadda, dadkana hubka ka dhiga; (2) ciidan xisaabiyayaal ah oo ilaaliya maaliyadda iyo khayraadka dalka.  Weliba qodobkaan dambe ayaa sii muhimsan. Sababtoo ah hubka waxaa lagu gatay lacag aan lagu kasban marinkii toosnaa.

Allow talada na waafaji.

M. Dalmar
mdalmar@sympatico.ca


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.