Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Warar goos goos ah oo Muhiim ah oo Muqdishu iyo Koonfurta Somalia ku saabsan

Radio Midnimo, 6 Jun 2003, Boosaaso- ciidamada Cumar Finish ayaa shalay galab heegan buuxda la galeyey ka dib markii la ogaaday in ciidamada Muuse Suude ay heegan buuxda galeen, waxaa shalay la arkayey ciidamo iyo hub tiro badan oo yaala wadooyinka madiina soonaha uu xukumo cumar finish.

dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in odayaal ka tirsan beelaha Cayr iyo Mareexaan in ay shalay u ambabaxeen magaalada Kismaayo, safarka odayaasha beelahan ayaa la qoondeynayaa in lagu soo xalin doono khilaaf isa soo tarayey beryahaan una dhaxeeyay hogaamiyayaasha Isbahaysiga Dooxada Jabba ee xoogga ku haysta magaalada Kismaayo.

Hogaamiye Kooxedka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) ayaa la kulmay odayaal ka socda beelaha gobolka Hiiraan oo ay ka wada hadleen arrimaha ay ka mid yihiin, nabad galyada iyo in la isku daro labada maamul ee shabeelada dhexe iyo hiiraan.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in suuqyada magaalada Muqdisho lagu arkay shalay rasaas badan iyo qalabaka ciidamada oo la kala gadanayo, qalabkan ayaa lagu soo waramayaa in ay iska leeyihiin Maamulka Carta oo uu hogaamiyo C/qaasim Salaad Xasan.

Lama yaqaan sababta keentay rasaastaan iyo qalabkaan in lagu arko suuqyada, waxay wararka qaar sheegayaan in saraakiisha haysay saanada iyo qalabka kaleba ay gateen ka dib markii ay waayeey lacagahii ay ku lahaayeey maamulka carta.

Raysal Wasaaraha Maamulka Carta Xasan Abshir oo lagu waday in uu aado gobolka shabeelada hoose ayaa baaqday, baaqashadaan ayaa lagu sababeeyey ka dib markii dhinaca amaanka ay cabsiyi ka timid.

Dhinaca kale, Sheekh Aadan madoobe iyo Maxamed Cabdi xaabsade oo labaduba ka mid ah ku xigeenada ururka RRA ayaa muran xoog lihi soo kala dhex galay, waxaana lagu micneeyey murankoodan mid salka ku haya booqasho ay xubno ka tirsan maamulka Carta ay ku tegi lahaayeen gobolada bay iyo bakool meelo ka tirsan, Arrinta waxaa si aada u diidan saraakiisha ciidamada RRA, garabka Sheekh Aadan Madoobe.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in markab shidaal oo macaawimo ah uu shalay ku soo xirtay dekeda ceel macaan markabkaan ayaa waxaa maamulka siiyey dalka Imaaraadka Carabta, waxaana isla shalayba lagu xilwareejiyey ganacsato reer Muqdisho ah.

lama yaqaan sababta loogu wareejiyey ganacsatadaan. ayadoo dadka qaar ay qabaan in ay Maamulka Carto uu xiligaan ku jiro hanti urursi.

Garoonka diyaaradaha ee cisaley ayaa shalay waxaa laga dhoofiyey Ugaar fara badan oo loo wado dhinaca dalka Imaaraadka Carabta, waxaana dhoofiyey ganacsato reer Moqdisho ah iyadoo ay ku soo badanaysay maalmahaan deegaanka Koonfurta Soomaaliya arrinka caynkan oo kale ah, waxay kaloo keeneen ganacsatadu keenaan dalka daawo biyaha loogu shubo ugaarta ka dibna loogu qabto markay suuxaan.

Wararku waxay kaloo intaas ku darayaan in doonyaha kaluumaysiga ee xeebaha magaalada Muqdisho ay ka cabanayeen maalmahaan baaritaan ay ku sameeyaan maraakiibta dagaalka ee mareekanka oo xeebta Muqdish u soo dhawaaday afartii maalmood ee ina dhaafay.

Weriyaha Radio Midnimo ee magaalada Muqdisho

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


SIIHAYAHA MAAMULKA DOWLADDA IYO XUBNO KALE AYAA MAANTA BOOQDAY SALDHIGYADA BOOLISKA EE MAGAALADA BOOSAASO

Radio Midnimo, 6 Jun 2003, Boosaaso -Siihaya xilka Maamulka DGPL Eng. Faarax Maxamuud Dooxajoog, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/shkuur Mire Aadan iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Ibraahin Cartan Ismaaciil ayaa maanta booqasho ku tegay Saldhigyada Booliska ee magaalada Boosaaso.

Booqashada masuuliyiintan ayaa waxay ku saabsaneyd siday wax uga soo ogaan lahaayeen xaaladaha nololeed, iyo denbiyada ay ugu xiran yihiin maxaabiistu halkaas.

Masuuliyiintu waxay booqashadooda ku tageen saldhiga Bartamaha magaalada Boosaaso iyo saldhiga Biyo Kulule oo labadauba ku yaal magaalada Boosaaso, waxayna mid mid ula kulmeen dhamaan maxaabiista oo isugu jiray rag iyo dumar.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa isagu u sheegay maxaabiista in ay ugu yimaadeen si ay u ogaadaan xaalada xabsiyada iyo cadaalada ka jirta.

Sidoo kale waxaa isaguna hadal ka jeediyey Saldhiga Bartamaha Sii Hayaha Maamulka isagoo la hadlaya madaxda saldhigaasna wuxuu u sheegay in ay xilka u hayaan shacabka loona baahan yahay is xilqaam, cadaalad iyo karti in looga baxo howsha.

Sii hayuhu wuxuu intaas raaciyey in ciidanku ay yihiin kuwii xiriirka la yeelan lahaa dadweynaha cadaaladana ugu shaqeyn lahaa, wuxuuna ballan qaaday in Maamulku wax ka qaban doono dhibaatooyinkii ay soo bandhigeen maxaabiista iyo masuuliyiinta saldhigyadu.

Ma aha markii ugu horeysay ee masuuliyiin noocan oo kale ah ay booqdaan xarumaha maxaabiista lagu hayo, waxaana horay booqasho tan oo kale ahi ay u suura gelisay in la dhiso bulaacadaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Boosaaso oo isagu si aad u dayacnaa.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.