If there were one perception that I categorically
disagree with, that would be: "Every people gets
the government it deserves". I think this can
hardly go well with the Somalian experience. For nearly
three decades people have seen their confidence, their
nationalism, their country, their safety, and above
all their survival on the mercy of one, and only one
man, 'A president".
Like every people, Somalians can recognize good from
bad president, but their job stops there, because
beyond that point lies death, no body can mess with
"The president". Having said that, I think
that a single person, who was not, and has never been
a representative sample, cannot be considered as basis
of judgment in this context.
This negative figure that destroyed the entire nation
just to continue to be in power, was never found collectively
guilty of any wrongdoing, because his crimes were
passed on to a wide range of clan mixtures, but unfortunately
his legacy still continue to haunt presently everybody,
and his inheritance are visible in our way of running
pieces of what was once Somalia.
I see little presidents who
claimed sovereignty in small slices of the country.
What impacted me are not the disintegration of the
nation, but indeed the behavior of these mini-presidents.
I see sacred mini-presidents, who are powerful in
these cantons, and capable (if troubled) to unleash
destructive punishment on their subjects. I see a
de-fact parliament who has no power or no say in the
running of the so-called government. I see a mini-president
being elected with dubious or questionable results.
I see a mini-president appointing, and firing weekly
a new Prime Minister. I see all mini-presidents above
the judicial systems they agreed to respect. Generally
speaking, I see that we learned nothing from our history,
and primarily we failed to realize how dangerous "the
president" could be.
Therefore, wouldn't be better instead of talking how
to elect a new president, we discuss at the onset,
how to protect the people from future generations
of presidents? To control the president, and avoid
repetitions of the past catastrophes, I propose that:
1) No president should be in office for more than
one term of 5 years for the coming 25 years, in order
that "the president" can learn how to walk
away from power, and the people could enjoy the satisfaction
of electing new one.
2) The salary of the president should not be more
than a cabinet position.
3) The president should not be worshiped; instead
he (and I use he for good reason) should be taught
that his job is temporary one, and clearly understand
this: "there is no such thing like professional
president".
4) The best way to contain the president's destructive
power is not Federalism, as many suppose, but to dissociate
from him the mass media (radio and TVs). In final
account we don't want to listen too much about him
in our very private time. There is better news in
the country to know about.
5) It takes a good deal of endeavors to regain the
continuously eroded trust of the people, and it pays
to.
6) Two Ministries shouldn't be set up, at all: Information
and Justice. They are instruments of Personal Cult
and dictatorship. Let's be realistic you can't satisfy
the entire clan denominations with cabinet posts.
It will only serve to enlarge the "president's"
chain of control.
In conclusion let's limit and regulate the power that
one person can have above all of us.
Abdirahman Shire (dhidhi)
shirreh@aol.com
Ciidamada
Shisheeyuhu ma shar baa mase waa shifo?
Akhristow haddaan fegrada aan
ka qabo in Ciidamo shisheeye Soomaaliya la keeno,
taasoo looga dan leeyahay in ay hubka ka dhigaan maleeshiyada
ama dableyda faraha looga gubtay ee hortaagan in dalkii
lagu heshiiyo, isla markaasna la soo celiyo sharaftii
iyo qaranimadii Soomaalida ka luntay dhawr iyo sano
ka hor, arrintaasi waxaan u arkaa mid liddi(cakis/opposite)ku
ah ama aan faa'iido ka soo jeedin ujeeddadii laga
lahaa gaar ahaanna inaan shil la'aan dagaal oogayaasha
iyo ciidankooda hubka uga dhigi karin. Haddaba waxaa
isweydiin leh; Haddii aan Soomaalidu ismaqlayn oo
ismaamuli karin, ma waxay maqli doonaan raggaa hubka
sitaa ciidamo Shisheeye? una badan Afrikaanka Yamyamka
ah, inta kalena ay noqon karaan Aasiyaan iyo Caddaan,
kuwaas oo aysan dhaqan, diin, af iyo suurad midna
wadaagin, waliba dhalashana bal warkeeda daaye? Haddii
marka jawaabtu tahay maya, sow cadda inuu iska hor
imaad dhici doono maalinta ugu horraysa ee ciidamo
shisheeye cagaha soo dhigaan dalka Soomaaliya meel
ka mid ah? Waxaa la oran jirey maahmaah ahayd "khayr
wax kaama dhimee shar u toog hay" sidaas awgeed
jaahwareerka ay ciidamo shisheeye Soomaalida u geystaan
sow ka darnaan mahayo kii ciidankii UNSOM iyo Ciidankii
Caydiid ka qarxay? Teeda kale sow dhimashadu ka badnaanmayso
intii waagaas? Mase Mooryaantii baa Mu'miniin noqotay
oo intay gar qaataan qoryohooda si fudud ugu samafalaya
Soomaali? Aniga ilama aha in ay wali Soomaalinimo
u danaynayaa, ayagoo qoryaha ku danaysta mooyee.
Arrintu sida rag moodayaan uma
fududa, waxayse u badan tahay ee aan idin tusaaleeyey,
taasoo loo baahan yahay in Soomaali kasta ku talo
galo, haddii uusan dadkiisa dagayn waayo Nabad raadinteeda
iyo waanwaan heshiis Soomaaliyeed waxay guri doonaan
hadday ciidankaas shisheeye yimaadaan. Sababtoo ah
waxay la imaan doonaan caadooyin hor leh ee Soomaalidu
ka carooto, sida handadaad, guulguulidda shacabka
iyo wareerro guryo Islaameed, dil kas ah, ama kama'
ah, kufsi joogto ah oo bareero ah, maxaa yeelay raggu
naagohoodii ma wataan, dumarna waa u baahan yihiin,
Ciidamadaas shisheeye waxay wataan cudurka dilaaga
ah ee AIDS-ka qaasatan ciidamada Afrika laga keenayo
oo la wada ogyahay sida Cudurkaasi u waxyeeleeyay
bulshooyinka Afrika.
Maxaa haddaba taas ka imaan
doona? Dagaal ba'an ee ka dhex dilaaca Soomaalida
iyo ciidamadii shisheeyayaha ee loo keenay oo kaliya
inay burcadda hubka ka guraan. Kadibna sow colaadi
kama dhex dhalan doonto Soomaalida iyo Unsomtii labad,
taasoo aakhirka isugu biyo shuban doonta in Ciidanka
Shisheeye Soomaaliya ka noqdaan? waase goorma? Waa
goor ay 100,000 oo qof dileen, 2,000, 000 00 dumar
ahna kufsadeen, oo ay 50, 000 oo caruur ah oo midabyo
kala duwan watana meesha ku dhaleen.
Ninkii aqoon lahow masuubadaas
odoros, kadibna uga hortag sida xal waara loogu raadin
karo Soomaalida, taasoo ah: waxay ku maahmaahdaa "Jinni
ninkii keena ayaa u jid bixiya ama Jinni ninkii keenaa
bixiya" marka arrinta ah burburkii Soomaaliya
ku habsaday 1991kii, waxaa sabab u ahaa Ururro sheeganayey
inay qabiilkooda u adeegayaan, magaca Soomaaliyeedna
watay,
ciidamo shisheeye kuma jirin burburkiina kama qayb
qaadan iyo bililiqaysigii toona ee wixii dalkoodii
iyo dadkoodiiba baaba'shey waxay ahaayeen Soomaali
soocan. Haddii runtu sidaas tahay, Soomaalidu caqli
ma la'a waase qabiili, horor, danaystayaal, dad isu
cadow ah, ee aan adduunyada ilbaxday ku dayan, sidaas
awgeed awoodii ay ku burburiyeen qarankoodii hodanka
ahaa wali waa ay leeyihiin, taas ayeyna ku heshiin
karaan hadday doonayaan oo dhammaan daacad u yihiin.
Haddii aysan doonaynna xoogag shisheeye kuma sandullayn
karaan, teeda kalena waajibba kuma aha, illaa ay caddaato
in ay dagaal oogayaashu waalan yihiin, ama qayru masuul
yihiin.
Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadahayaa,
ciidamada shisheeye inta la illobo oo Allaah la kaashado
ama la wakiisho, Soomaali doo dhami ha iscafiso, wixii
xoolo la kala haystay iyo magtiina ha la isa siiyo.
Waxaa taas ku xiga in horjoogayaasha
maleeshiya kasta ay hubka ka soo aruuriyaan inta ay
xukumaan, kadibna kuwaasoo aan hub sida lagu xereeyo
xerada ciidamada si loogu tabaro ciidankii qaranka
Soomaaliyeed ee Federaalka ah iyo kan goboleedkaba.
Soomaalidu sidaas waa yeeli
karaan hadday doonayaan, haddii kale qabiil walba
gaar ha isu xukumo, Soomaali dambena yaan qofna laga
maqal, illayn cidina ma rabtee.
Intaas ayaan maanta iri.
Wa Billaahi Tawfiiq
Aden Dirie Ali
dirieadam@hotmail.com