Ujeedo: Heshiis
ku dayasho mudan
GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED
G/W/S/015/03 London, 04/06/2003
Mudanayaal, Marwooyin Walaalayaal
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu
hambalyo u dirayaa dhamaan shacbiga reer Puntland gaar
ahaan madaxda maamulka iyo mas'uuliyiintii hirgalisay
heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Madaxa maalmul
gobaleedka Col. Abdullahi Yusuf ahmed iyo madaxa Golaha
Badbaadada Puntland General Mohamud Muse Hersi "Adde".
Goluhu wuxuu hambalyo u dirayaa sidoo
kale Boqor Osman Aw Mohamud iyo Sultan Saciid Sultan
Abdisalaan iyo dhamaan qeybaha bulshada ee ka qeyb qaatay
heshiiskaas, Heshiiskan oo koobi ka mid ah maanta soo
gaaray
xafiiskeena kuna Taariikheysnaa 17 May 2003 ayna wada
saxiixeen Golaha Badbaadada Puntland iyo madaxda Maamul
gobaleedka Puntland.
Heshiiskan oo ku dayasho mudan darteed
wuxuu Goluha Wadatashiga Soomaaliyeed ugu baaqayaa Soomaalida
khilaafku ka dhaxeeyo in ay arrimahooda ku xaliyaan
"Wadahal iyo Walaalnimo", taas oo kama dambeystii
lagu gaari karo nabad iyo nidaam suura galiya wada shaqeyn.
WADA HADALKU HA GUULEYSTO
Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda ahna
Wakiilka
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed u jooga dalka Talyaaniga
Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com