Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

SHIR LOOGA HADLAYEY KHALKHALKA SRIFKA LACAGAHA AYAA MAANTA LAGU QABTAY XARUNTA GOBOLKA BARI.

Radio Midnimo, (Bosaso) 5 Jun 2003- Shir balaaran oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo maamulka Puntland ka socday, ganacsato iyo sariflayaasha magaalada Boosaaso ayaa manta lagu qabtay xarunta gobolka Bari.

Shirkaas waxaa furay Gudoomiyaha Gobolka Bari Ibraahin Cartan Ismaaciil, wuxuuna ku soo dhoweeyey hadalka ganacsatada iyo sariflayaasha, waxaana ugu horeyn hadalka qaatay Sarifle Axmed Caseyr “Faruur” wuxuuna sheegay in dhibaatada jirtaa ay tahay iyadoo la waayey Shilinkii Somaaliga. Aadan Doolar oo isaguna ka mid ah sariflayaasha suuqa lacagaha qalaad ayaa hadalka ku raacay Md. Faruur.

Liibaan Yuusuf oo ka mid ahaa Ganacsatada ayaa isaguna dhaliil weyn u soo jeediyey Maamulka DGPL, wuxuuna sheegay in Afar maalmood uu hoos u sii dhacayey sarifka Doolarka, laakiin shalay oo keliya dekedda wax laga canshuuran waayey, shalyna shirka ay Maamulku isugu yimaadeen ay arrintaasi khasabtay.

Wssiirka Maamliyada Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole oo isaguna shirkaas hadal dheer ka jeediyey ayaa sheegay adduunka oo dhan ay ka jirto hoos u dhac ku yimaada sarifka lacagaha, laakiin ay xuduud u sameeyaan, markaas kadib in dareenku uu yimaado.

Wuxuu kaloo Wasiirku sheegay in dareenkaasi uu ku jiray, bishan Juun Kowdeediina uu Doolarku marayey Laba Milyan iyo Labab Boqol oo kun, bishii Labadeediina wuxuu sheegay in uu noqday Hal Milyan iyo Sagaal Boqol, bisha Saddexdiina wuxuu sheegay in Hal Miyan iyo Sideed Boqol uu ahaa, laakiin shlay oo bishu aheyd Afar ayuu carabka ku adkeeyey in uu gaaray Hal Milyan iyo Laba Boqol Boqolka Doolar, shalayna uu dareenku dhacay.

Wuxuu kaloo eedeyn u soo jeediyey dad uu sheegay in ay curyaamin wadaan oo iyagu ururinayaan lacagaha dababdeedka ka faa’iideystaan

Warkaan oo tifaftiran waxaad ku maqli doontaan barnaamij gaara oo aad ku maqli doontaan khudbadihii iyo hadaladii la is weydaarsanayey.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


SHIR LOOGA HADLAY SHUBAN BIYOODKA AYAA MAANTA LAGU QABTAY ISBITAALKA GUUD EE MAGAALADA BOOSAASO.

Radio Midnimo, (Bosaso) 5 Jun 2003-Shir ay ka soo qayb galeen Sii hayaha xilka Maamulka Dowladda Faarax Maxamed “Dooxojoog”, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dr. C/raxmaan Siciid “Dhegaweyne”, iyo dhakhaatiirta Caafimaadka iyo weliba Hay’adaha A70 iyo Bisha Cas, shirkaan ayaa looga hadlayey sidii wax looga qabn lahaa dhibaatada shuban biyoodka oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay dad gaaray Sideed qof ay ku dhinteen, qaar kalena ay isbitaalka u jiifaan.

Shirkaan oo mudo gaaban socday ayaa la iskula gartay in subaxnimada Sabtida ah la qabto shir ballaaran oo ay si wadajira uga soo qayb galaan Hay’adaha Caalamiga ah ee caafimaadka sida WHO, UNICEF, OXFAM, Wasaaradda Caafimaadka, iyo Dhakhaatiirta, si loo xakameeyo waxyeelada shuban biyoodku ku hayo magaalada Boosaso.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


MADAXWEYNAHA DGPL OO KULAN KULA YEESHAY SARAAKIIL MAREYKAN IYO ITOOBIYAAN AH HALKA LOO YAQAAN BALI SOOFE

Radio Midnimo, (Galdogob) 5 Jun 2003- Maanta barqanimadii ayaa Madaxweynaha DGPL C/laahi Yuusuf oo ay weheliyaan Ambasador C/laahi Sheekh Ismaaciil, Dr. Hilowle Iimaan cumar oo labaduba ka mida hogaanka SRRC iyo Maxamed Maxamuud Guuleed oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Aragtida cusub waxay ay kulan kula yeesheen halka loo yaqaan Balli Soofe oo 18 KM u jira magaalada Goldogob una dhexeeya degmooyinka Goldogob iyo Dhudub saraakiil Mareynkan iyo Itoobiyaan ah.

Kulankan ayaa wararku sheegayaan in looga wada hadlay arrimo ku saabsan amniga iyo ka hortaga waxa loogu yeero argagixisada. Gen. Cadde Muuse ayaa isagu ku sugan magaalada Gaalkacayo oo aan ka mid aheyn xubnaha la kulmaya weftigaas.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiishaasi ay kala hadlayaan qaabkii iyo wadadii ciidamada shisheeye lagu soo gelin lahaa gudaha wadanka Soomaaliya marka lagu soo dhiso dowlad Soomaaliyeed meesha loo yaqaan Imbigaati oo ku taal duleedka magaalada Nayroobi

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.