Annagoo ah jaaliyadda
Puntland ee
ku nool gobolka Alberta ee dalka Canada.
Waxaan si aan
la qiyaasi karin ugu
faraxsannahay una
soo dhaweyneynaa nabadda iyo is-afgaradka dhexmaray labadii dhinac ee ku hardamayey siyaasadda Puntland. Inkasta oo uu
shicibka reer
Puntland, dibad iyo gudaba, mar walba dareensanaa in aan marna
la halmaami Karin riximnimada qotada dheer ee
aan marnaba
go i karin, haddana is-maandhaafkii siyaasiyiinta ayaa keenay in dhiillo colaadeed gayiga horayso labadii sano ee
la soo dhaafay.
Waxaa xaqiiqo ah in la wada
dareensanyahay dib-u-dhaca
dhan walbaba leh oo
uu ismaandhaafkaasi
baday Puntland. Ehelka reer Puntland
marnaba ma mudna
in wixii khilaaf siyaasadeed
ah xal loogu
raadiyo xabbad caaraddeed iyo dhiig daata. Ehel is-gumaadaa waa aakhiro
iyo adduunba seeg,
waxaana mahad aan
la koobi karin
leh Eebbihii garansiiyey
isu damqashada
iyo isu hilowga so keeye nimo. Waxaa ammaan iyo karaamaba mudan siyaasiyiintii, cuqaashii, ciidankii, indheer-gratadii iyo shicibkii ku
mintiday in la soo afjaro
colaadan dheeraatay. Oo keentay kana dhigtay
dadka reer Puntland kugu-dhimey
kaa-dhimey, adduun-seeg
aakhiro-seeg, ceeb iyo cayr iyo kala-irdhow sokeeye. Waxaannu u diraynaa hambalyo iyo taageero buuxda dad kii ka shaqeeyay nabadaan oo ah mid islaamnimada iyo ehelnimadu ku dheehantahay taasoo khilaafkii jirey xal looga gaaray,
waxaana Eebbe
ka rejeyneynaa inuu dhammaanteen ina solansiiyo isu dabaca iyo wax ku taarashada nabadda Puntland. Haddii ay jiraan dad aan weli qanacsanayn
dhankay doonaan
haka tirsanaadeene waxaan ku boorrinaynaa inay tabashadooda caqli ku maareeyaan ee aan cadowtinnimo
la siyaadin. Waxaan
rejeyneynaa in xal kaa lamid ah laga
gaaro arrimaha
murugsan ee Somalia, Eebbana ha ku ilhaamiyo siyaasiyiinta iyo dhammaan ummadda Somaaliyeed garashada dantooda,
dadkooda iyo dalkooda.
Waxaan sidoo
kale rajeyneynaa in jaaliyadaha Somaliyeed ee dibaddu
ay intii karaankood
ah dhiirri geliyaan nabadda iyo maslaxadda ummadda Somaliyeed, meeshii waxuun wanaag ah laga hirgeliyana, ama gobolkooda ha ahaato ama mid kale ha ahaadee, inay hambalyo iyo bogaadin ku hareeyaan. Eebbe raxmaddiisa ha noo soo dedejiyo.
Waxaa hambalyadaan iyo taageeradaan idiin soo gud biyay
xubnaha hoos ku qoran
- Aden Cabdi Xuseen
- Adan Koshin
- Muse Koshin
- Abshir Saed
Qaloombi
- Axmad Khalif Cabdi
- Amale Hayan Salah
- Bashir Yasin
Jamac-Nur
- Cabdulqadir Caarre
- Cabdirahman Cukur
- Cusman Salad Xirsi
- Cabdirisaq Maxamad Cali-Hayaan
- Cabdelaziz Mohamed Karshe
- Cabdulaahi Ibraahim Haaji Saed
- Cali Cabdulqadir Maxamed
- Cabdixakiim Maxamad Cali
- Cabdirahman Ahmed Ali {Sharmaarke}
- Duale Samatar
- Hasan Osman
- Hassan Huruuse {Timo Faras}
- Maxamad Farax Diriye (Cawil)
- Mahmood cise {Raaxeeye}
- Said Ahmed Mohamed{karaani}
- Warda Axmad Jamac
Dumarka
- Casho Khalif Weyrax
- Caasho Osman
- Khadijo Maxamad Cali
- Khadra Cabdullahi Fidar
- Maryan Xirsi-Geelle Calas
- Maryan Abdulqadir Mohamed
- Xalimo Warsame Farax
Waxaa kaloo halkaan hambalyo diiran idiin soo gud binaya
Madaxa Somali Canadian
Society of Calgary
Abdirahmaan Cukur.
|