Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Madaxwaynaha Puntland oo maanta soo gaaray Gaalkacyo

Gaalkacyo, (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Gaakacyo. Dad aad u badan oo caleemo qoyan ruxaayay isla markaaana ay farxadi ka muuqato ayaa tubnaa wadada laamiga ah hareereheeda waxayna dadku uga hortageen wafdiga masaafo dheer oo gaaraysa 40 km, sidoo kale guriga madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa hor tubnaa dad aad ubadan oo ruxayay caleemo qoyan, calamo cad cad iyo waliba calanka Soomaalida ayagoo qaadayay heeso iyo hal ku dhigyo wadani ah. soo dhawaynta wafdiga waxaa ku weheliyay dadwaynaha oo hor kacaayay gudoomyaha gobolka, taliyaha qaybta booliska, Duqa degmada Gaalkacyo iyo masuuliyiin kaleeto

Subaxdii hore ayaa haween faraxsan waxay gawaari makarafoono lagu soo rakibay ay la wareegayeen magaalada waxayna dadka ku guubaabinayeen inay wafdiga so dhaweeyaan waxay kaloo guubaabadooda ku cabirayeen Buraanbur.

Madaxwaynaha waxaa socodkiisa ku weheliya wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka Axmned maxamed cigaal, Gudoomiyaha ururka USC Muqdisho ahna la gudoomiyaha ururka SRRC Hilowle Imaam Cumar iyo C/laahi Shiikh Ismaaciil oo ah gudoomiyaha ururka SSNM/Prem ahna la gudoomiyaha ururka SRRC, gudoomiyaha daladda ururka Aragtida cusub Maxamed Maxamuud Gacma dheere, Xog hayaha ururka arimaha dibadda ee SRRC Yuusuf Cumar AZ- hari iyo masuuliyiin kaleeto.

Madaxwaynaha iyo wafigiisa ayaa waxoogaa ku soo hakaday magaalada Buurtinle, Xarfo, iyo Bacaadwayn. Intay joogaan magaalada Gaalkacyo, waxay la kulmi doonaan madaxda gobolka kuwad degmada iyo odayaasha magaalada waxayna dabadeed u kici timi doonaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

AllPuntland


Wararkii Radio Galkacyo ee Asbuucaan:

<<<<<<<Halkaan ka dhagayso>>>>>


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.