Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Kulan maanta ku Dhex maray Xarunta Madaxtooyada Guddiga Hubkadhigista Soomaalida ee EGAD iyo Puntland.

Radio Midnimo (Boosaaso) 01/06/2003 Kulan ballaaran ayaa manta wuxuu ka dhcay xarunta Madxtooyada DGPL, kulankaan wuxuu u dhexeeyey Kooxda Hubkadhigida Soomaaliya ay u soo xilsaareen Ururka EGAD, waxaana hormuud ahaa oo hogaaminayey nin lagu magacaabo Gen. Mansooba.

Waxay kulan la yeesheen masuuliyiin badan oo ka tirsan Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland, oo uu horkacayo Madaxweynaha DGPL C/laahi Yuusuf Axmed.

Kulankan waxaa kaloo ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha SRRC oo ay ka mid yihiin Dr. C/laahi Sheekh Ismaaciil, Dr. Hilowle Iimaan Maxamed, Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, iyo Maxamad Maxamuud “Gacma-dheere” oo madax u ah aragtida dallada cusub.

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadlay C/laahi Yuusuf oo ku soo dhoweeyey weftigaas deegaamada Puntland, wuxuu kaloo sheegay in ay puntland diyaar u tahay hanaan kasta oo lagu sameynayo dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay iyo sidii dadka hubka looga ururin lahaa, wuxuuna soo dhoweeyey si loo tabab geliyo dowlad Soomaliyeed in wadanka la keeno ciidamo shisheeye ka hor inta aan la dhisin dowladaas.

Wuxuu kaloo Madaxweynuhu carabka ku dhiftay in diyaar u yahay haddii loo baahdo in Ciidamada Daraawiishta DGPL ay ka qayb qaataan hub ka dhigista lagu sameynayo Soomaaliya, waxa uu yiri “Ma jirto cid iyo dowlad aanu diideyno oo iyadu ka qayb gelaysa hub ka dhigiista Soomaaliya lagu sameynayo”

Intaas ka dib waxaa hadalkii lagu soo dhoweeyey Gen. Mansooba oo isagu madax u ahaa wefdigaan, waxa uu sheegay in aysan Soomaaliya ka jirin dagaal sokeeye ee ay Soomaaliya ka jiraan dagaalo qabiil, wuxuu kaloo intaas ku dary in dadka Soomaaliyeed ay manta doonayaan nabadgelyo meel kasta oo ay tageena ay taas u muujiyeen.

Jeneraalku wuxuu kaloo intaas raaciyey in wadamo badan oo dagaalo sokeeye ka socodo ay leeyihiin dowlado sida Koongo, Ruwaanda, Ivery Kost iwm, balse ay nasiib darro tahay in aysan Soomaaliya wax dowlad ah aysan laheyn, hadlakiisii ayuu sii watay oo wuxuu yiri “Bulshada Caalamku waxba ka hagran mayso wakhtigaan sidii Dowlad Soomaaliya loogu dhisi lahaa, waad aragtaan AU, EU, Arab Leag iyo IGAD-ba…” wuxuu kaloo sheegay in ay Puntland u yimaadaan laba arrimood in ay kormeeraan heshiiskii 27 Oktoobar ee xabad joojinta iyo in Guddiga hub ka digista ay warbixino soo ururiyaan.

Ugudanbeyntii wuxuu Jeneraalku mahadnaq u soo jeediyey Madaxweynaha DGPL iyo Mucaaradka isagoo si weyn ugu farxay Wasiirada cusub ee mucaaradka oo fadhiyey shirkaas.

Waxaa kaloo isaguna halkaas ka hadlay C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Golaha SRRC, wuxuuna halkaas ka akhriyey qoraal ay si wada jir ugu saxiixan yihiin C/laahi Yuusuf Axmed, C./laahi Sheekh Ismaaciil, Maxamed Maxamuud iyo Gen. Moorgan, qoraalkan ayaa nuxurka uu xambaarsanaa wuxuu ahaa in hub ka dhigis buuxda Soomaaliya lagu sameeyo, in wax laga qabto maleeshiyooyinka hubeysan iyo weliba maleeshiyooyinka gaarka ay u leeyihiin ganacsatada iyo NGOska.

Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa isagu soo dhooweeyey in ciidamo la keeno Soomaaliya, balse wuxuu carabka ku dhiftay in ay jiraan ciidamo xoog ku haysta dhul aysan laheyn, wuxuuna talo ahaan u soo jeediyey in la xadeeyo ciidan waliba meesha uu degayo iyo in dib loogu cesho ciidamadaasi deegaanadii ay ka yimadeen.

Weftiga ayaa manta ka baxaya magaalad Boosaaso, waxayna ku sii nagaan doonaan magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa beri la qorsheynayaa in Madaxweynaha DGPL uu u ambabixi doono magaalada Garoowe, halkaasoo uu uga sii gudbi doono magaalada Gaalkacayo, dabadeedna shirka dibu heshiisiinta Soomaalida uga socda dalka Kenya.

Radio Midnimo, Boosaaso
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.