Waxaa beryahaan
ka socday magaalada
Bosaso heshiis nabadeed lagu soo
afjarayey colaadii
muddada laba sandood
ah ka dhex aloosanayd
dadka wallaalaha ah oo ku dhaqan
dhulka Puntland. Kooxaha colaadu
dhexmartay waxaa
kala ho’gaaminayey Cabdullaahi Yusuf Ahmed iyo Mohamud Musse
Xirsi (Cadde),
oo sida ay sheegeen
iyagu mudda
afar bilood laga joogo
bilaabay wada hadal hoosaad ay u kala dabqaadayeen Boqor Cusman iyo Suldaan
Saciid oo
ka soo jeeda Gobolada
Togdheer iyo
sanaag, cimrigooda allaha dheereeyee. Muddadaas afarta bilooda ka dib waxay isku afgarteen Cabdullaahi iyo Cadde in la isugu yimaado Bosaso lagana heshiiyo wax allaale iyo wixii
khilaafa oo
jira si loogu
daneeyo ummadda
reer Puntland, loona baajiyo colaad
dambe oo
gacan ka hadala oo ka dhacda cariga
Puntland.
Waxa saldhiga u ahaa
colaada labada
dhinac khilaaf ku saabsan cida
xaqa u leh
hogaaminta iyo gacan ku haynta
maamulka Puntland.
Maamulkaas isaga ah waxaa xilligaas sida la wada ogsoonyahay gacanta ku hayey
Cabdullaahi Yusuf
Ahmed, wuxuuna ogolaaday inuu heshiis nabadeed
oo ku
dhisan isu-tanaasul
la galo kooxda Golaha Badbaadada
Puntland oo
uu hogaaminayey Mohamud Musse Xirsi
(Cadde). Dabcan
waxa lagu heshiinayey
wuxuu ugu
muuqday qof kasta
oo siyaasada
indha indheeya in wax lagu dhamaynayo saddex arrimood midkood:
1.
In Cabdullaahi
ka tanaasulo sheegashada
madaxnimada Puntland kuna wareejiyo dadka diidan xukunkiisa
ama qola
saddexaad, ama.
2.
In Cadde uu si buuxda uga
taanaasulo ku
haysashada Cabdullaahi madaxnimada Puntland, ama.
3.
In si waaqici
ah oo cid waliba
ku qanci karto,
khilaaf dambena
meesha ka saari kara loogu
qaybsado maamulka
markaas jiray ee
Cabdullaahi horay
u dhisay. Arrintaan oo ahay inay ku salaysnaato
wadaagida maamulka
markaas jiray. Maamul kaas oo ahaa
mid ku dhisan
kuna jaango’an baahida iyo awooda
ka jirta Dawlad
Goboleedka Puntland.
Markii
uu bilawday wada
hadalkii nabadu
waxaa soo ifbaxayey
warar tibaaxaya
in Kooxda Cadde hogaaminayey
(GBP) la siin doono
Wasiirul Dawlo iyo jagooyin kale oo muhiima, Cabdullaahina
loo aqoonsan
doono inuu ahaado
Madaxaweynaha dawlad
Goboleedka Puntland khilaafkiina halkaas lagu soo afjari
doono. Sida laysla dhexmarayey
arrintaasi waxay
ahayd mid ay ku heshiiyeen Cabdullaahi iyo Cadde inta
Cadde aanu
Bosaso imaan. Waxaase isla markiiba soo
baxay in arrintaas
Cabdullaahi ka baxay cagtana ku dhuftay.
Cadde oo
ay isu cesheen mucaaradkiisa
xagjira iyo
Cabdullaahi wuxuu door biday midka uu
isagu u arkayey
inuu u danaynayo nabad guud oo
Puntland ka islaaxi
karta wuxuuna aqbalay
Cabdullaahi laakiin
wuxuu ka dhameeyey in Cabdullaahi ogolaado jagooyin mucayina, sidaas ayaana qalinka
lagu duugay,
in kasta oo aan
heshiiska lagu
magacaabin jagooyinkaas. Xilligaas isaga ah Cadde waxaa sidii
gantaallaha ugu
soo dhaceyey eedayn
aad xadka
u dhaafsan kuna waajahan
heshiiska Cadde
la galay Cabdullaahi Yusuf, waxayna dadka qaarkiis saadaalinayeen in Cabdullahi ka
bixi doono wax kasta oo uu
Cadde la galay
waqti aan dheerayn,
Caddese dhegaha
ayuu ka furaystay.
Nasiib
daro, markii la soo gaarey meelaynta
iyo magacaabida
jagooyinka, Cabdullaahi wuxuu u qoondeeyey Kooxda GBP waxay ahaayeen kuwa aad uga
fog wixii laga
filayey layskuna ogaa, marka laga
saaro jagooyin
tira yar oo
hoose oo
aan miisaan siyaasadeed
lahayn. Sida la sheegay Cadde
taasi waxay
ku noqotay lama filaan iyo arrin
u hiilinaysa kuwuu
ku tala-diiday Cabdullaahina ugu hiiliyey.
Arrini
waxay doonto ha noqotee, sida dadka
Bosaso ku
sugni sheegayaan Cadde wuxuu go’aan
ku gaarey,
in dhega-adayga, shakiga, raxmad la’aanta iyo xukun jacaylka
Cabdullaahi darteed
aan dagaal dambe
loogu horseedin
looguna gelin ummadda
wallaalaha ah, wuxuuna
door biday inuu
dusha u rito quursiga
Cabdullaahi iyo
cayda iyo ceebaynta
taageerayaashiisa xagjira
ee dibada iyo
gudaha.
Maxaa
la gudboon reer
Puntland gudoh iyo dibad
Waxaa dad badani oo reer Puntland ahi aaminsan yihiin,
in waxa ugu horreeya oo ummada ku dhaqan Puntland
ay u baahan tahay ay tahay nabad waarta iyo dadka
wallaalaha oo ku wada noolaada ehelnimo iyo istixraam.
Sida muuqata heshiisku kuma salaysana saddexdii qodob
ee la filayey midkoodna. Waxaana shaki lahayn in Cabdullaahi
aanu ula shaqayn Cadde sidii loo baahnaa, nabadaytuna
hal geesood ahayd, isla markaana cabdullaahi muujiyey
in aanu dareensanayn baahida dadka reer Puntland u
qabaan nabad iyo xasilooni. Arrini si kasta ha ahaatee
waxaa waajib ah in la garto jaga kasta oo Puntland
ka jirta, balan kasta oo Cabdullaahi galo oo ka baxo,
in ay ka qiima badan tahay nabad ay ku seexato gabar
sagaal bilood jirta oo reer Puntland ah. Siyaasi kasta
oo reer Puntland ah si ku meel gaar ah ayuu u joogi
doonaa jagana uga qaban doonaa Puntland. Puntland iyo dadkeeduse
waa jiri
doonaan waana joogi
doonaan.
Waxaana fiican
in la fahmo in sharafta iyo qiimaha dalkaas
iyo dadkiisu
berito yeeshaan ay ku xiran tahay
isu-tanaasulka, is xaqdhowrka, nabad kuwada noolaashaha,
xasiloonida, horumarka
iyo saburka maanta
dadka joogaa
muujiyaan.
Illaahay dariiqa toosan ha
ina waafajiyo.
Omar
Mohamud Farah (Dhollawaa)
dhollawaa@yahoo.com.au
TUUG INTAADAN
TUUG ORAN BUU TUUG KUDHAHAA
W/Q:Gacal
Toodhe
Waxaan
aad ula yaabay Maqaal ku qoran Mudugonline oo ah (Hanaan
Umaadan Dudine Hanbaad ududay) asagoo tibaaxay
Qoraagu in kuwa kooxda Yeey kasoo horjeedaa ay yihiin
kuwo iyagu burburiyay Puntland ushaqaynayay kooxo
Soomaaliyeed oo uu magacrabay Asagoo ku tilmaamay
Yeey iyo kooxdiisa kuwa Ceeb kasaliim ah .
Haddaba waa yaabe yaa xukunka Puntland boobay ma waxaa
boobay Yeey iyo kooxdiisa mise kuwa kale taasi waa
caddaan marag madoonta ah in Yeey uu diiday kana baxay
wixii lagu heshiiyay isla markaana uu bilaabay Xaajo
Ugub ah oo ah in Qoriga caaradiisa wax lagu kala qaato
oo dad ehel ah oo aan caada ulahayn ubilaabay waxaa
xilka leh.
Ma Yeeybaa aaminsan in Xukunka Puntland uu isaga iyo
in lahal maashaa ay dhaxal uleeyihiin mise kuwa kasoo
horjeeda taas waxaa ka jawaabay Col.Yeey oo yiri Xoog
iyo Xeeladba Puntland anaa danbaaba waxaana ku taageeray
ma aha waxgaradka Puntland ee waa in makas ah oo aad
moodo in Noociyad ama Namuun gaarah lagu soo xulay.
Ceebta waxa dhacay yaa iska leh? taasi waa marag madoonto
in Puntland uu nasiibkeed noqday (Allow Xeradaa
Xayn Waraabiyo Yeeyi ku Xarbido) kaddib markii
koox aan marna Rabbi iyo Rag toona aqooni ay majaraha
uqabteen Puntland ayagoo dhaxal siiyay Nacayb Isdil
kala go' dadka bahwadaagta ah ee aan dhib iyo dheef
toona kukala harijirin.
Waxaa Gacaliyoow Xusid mudan in kooxdaasu ay laayeen
Dadkii sharafta kulahaa Degaanka Sida Suldaan Hurre
Ganacsade Faarax Dheere Ganacsade C/risaaq Boobe iyo
odayaal iyo Gabdho aan waxba galabsan taasu ah Fulaynimo
iyo wax magaradnimo ahna wax dadka waxyaqaanka ihi
waxay ka Sariigtaan oo aan marna Abaar ahayn.
Waxaan aad ula yaabay markuu Qoraagu yiri waa ogahay
cidda Kismaayo markii laqabsanayay xagga kale ushaqaynaysay
waa yaabe mawaan afkiisa iyo dhegtiisu is maqal miyaan
Yeey intuu Ciidama udiray Kismaayo oran Mushaharna
anaa siinaya anayna iga Amar qaadanayaan ileen nina
wuxuusan aqoon ulahayn ma bilee saw markaas Moorgana
mawanjalin Dhalintii halkaa kudagaalamaysay miyaanay
noqon filanwaa iyo afkala qaad walee Taariikhdu ma
arxanto miyaanay sababin in Kismaayo Afar sanadood
lahaysto oo odayadii uheelanaa Kismaayo sidii Haweenkii
may barooran markii sida shaxda ninba yiri kanaan
dagay kanina iilaaban.
War ileen Ninkii noolaada wax walbana waa arkaa waana
maqlaa waxayba ugu darnayd markuu yiri Qoraagu heshiis
baad gashay kaneecadii iyo qaxootigiibaad kasoo gashay
waa lagu soo dhaweeyay miyaadan ina adeer ogayn Garaadku
waa Hibo alle bixiyo ee cidwalbaaa ma heli karto Markaad
ehelkaa Gacantaa midig aad goysay markaad utun iyo
alkuumo abuurtay ragii kalena ay arkeen inaan caqli
kaasoo socon ayay go'aan kugaareen inaan Bahdood makastu
isku baabi'in ayagoo waliba maraya Marxaladay ugu
Xoogbadnaayeen taasina waa marag madoonto oo ninkii
Waddanka joogaayi waa ogyahay taasina waa garaad iyo
kasmo lays dheeryahay hadaadse nagu ceebaysay kugula
yaaabi maayo oo Weel walba wixii kujiruu dhididaa
oo Garaadkaa.
Waxaan kaloo Saaxiib ku xusuusinayaa Inaan kaaga haray
oo kaaga tanaasulay waxaan isku haynay oo marakaan
ay moogaygii ahayd kaddib markaad garanwayday Abaartaadii
waxaa kaaga sii daran markaynu Heshiis kala saxiixanay
muslin iyo gaalaba marag kayihiin inaad kabaxday balantii
oo aad soo amaamuday wasaarado been ah oo aadan ixtiraamin
Sharci iyo Heshiis toona anna aan iri war dhurwaa
marabi manoqdo waana kooxdii iyo garaadkeede aynu
qaadano si nabaddu uwaarto.
Ileen waa yaabe waxay ugu darnayd markii ina adeerkaa
aad heshiiseen aad suuqa Boosaaso kutoogatay oo aadan
soo qaaban kii dilay oo haddana aan iri waa gacalkaa
oo ilaah saa ugalay ee Dulqaad muuji laakiin adiga
kuugu muuqata inaan kaa baqay oo aan kaaa isu dhiibay
runtii waan kaa isu dhiibay laakiin baqdin ma aha
oo anoo intaa ka itaal yarba waan kaaa diiday laakiin
waa ianaynu kala badbaadno magaceen uusan bi'in muuqaalkeenana
aan lawaayin laakiin Maaankii aan qaangaar ahayni
magaran karo.
Karagoo laba saar waxayba gun iyo caar bixisay markii
aad haddana isku dhajisay Taliyihii Booliska iyo Gudoomiyaha
Gobolka oo ku jirtay heshiiskii la saxiixay 17/05/2003
oo haddana aan iri wacade waa kuwii oo aan haddana
iri nabad baankadooranay ina adeer miyaadan inaba
garaadkaaga kashaqaysiinayn miyaadan dhug lahayn miyaadan
marna xisaabtamayn mise waxaa kumadax maray taageerada
Ninka Aabaha ka ah dhibka iyo magac xumada aynu maanta
joogno.
Ugu danbayn ileen Ari Tanag kama ilbexee miyaadan
walqashii Nabadda ka dhigin Shalay markii aan kuu
tanaasulay oo aan waxwalba kaaga haray in aad Laba
Gabdhood iyo Nin aad kudisho suuqa magaalad qardhood
Afarna aadan kudhaawicin kulase yaabi maayo oo kooxdaani
waa koox saan soo sheegay lasoo xulay oo qaab iyo
qab gaara lagu xulay oo aan marna aqoon wanaaga iyo
toobyaha nolosha kulase yaabi maayo oo Maan rag
waa Mudacyo Afkood.
Waxaan kusoo koobayaa Dadka Reer Puntland Magac iyo
Taariikh ayay ku lahaayeen Bulsha waynta Somaliya
Raggii magacaaa dhaliyay allaha una xariisto waxay
kugaareen garaad iyo karti iyo dawlad aqoon waxaase
Dhaxlay kuwaad usacab tumayso oo inoo qaybiyay Jifooyinka
inagu ooday Puntland kaliya ian duutiyay Kismaayo
iyo Jubooyinka inaga dhaariyay Hogaanka Guud ee Soomaaliya
haddaba saaxiib Bal xoogaa Feker arinta rogrog caadifadda
kasaar aniga iya adigana akhristayaashaa inoo dhex
ah labada kooxoodna umaddaa u dhex ah.
Gobanimadu waa inaad Garato Diintaada
Galad eebe weeyee nabdu Gacalle ee qaado
Garaadkii wanaagsani Gartuu kugu hagaajaaye
Gaban haygu noqonine Gafkaa dib uga soo laabo.
Gacal Toodhe.
daadihiye@hotmail.com