Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dardaaran:Fariin ku socota Jaaliyada Puntland ee dibada

Cajalad muuqaal ah isuguna jirta dardaaran iyo warbixin ku saabsan heshiiskii nabadeynta ee Puntland oo si wada jira ay u soo direen Cabdulaahi Yusuf iyo Jeneral Cadde Muuse.
»»»»[halkaan Guji]»»»» ama ka gal lifaaqaan. »»»»{http://radiogalkayo.com/news/abdullahi.php}


Winston Tubman:Shirku waa sii socon doonaa ummana istaagayo Cabdiqaasim

Nayrobi [MOL] 31 July 2003- Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya Winston Tubman ayaa sheegay in inkasta oo uu madaxwaynaha dowladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya C/qaasim Salad Xasan uu ka tagay shirka haddana in uu sii socondoono wadahadalka soomaalida.

Sida uu tabman u sheegay IRIN maqnaanshaha C/qaasim dhibaato ayay ku keeni doontaa shirka, laakiin sida uu sheegay wada hadalku wuu socon doonaa, mana istaagi doono.

C/qaasin ayaa maalinnimadii arbacada ahayd u sheegay IRIN in uu u joogay Kenya ka qaybgalka wada hadalka nabadda, illaa laga qanciyo qodobada iyaga quseeya , waxaa kaloo uu sheegay c/qaasim in sababta uu u qaatay go’aankan tagista ay tahay in urur goboleedka igad ee wada wadahadalka ay iska dhega tireen oo ay ka soo qaadeen maalaayacni waxyaabihii iyaga quseeyay.

Warsaxaafadeed kala gooni ah oo uu soo saaray C/qaasin maalinnimadii talaadada ahayd ayuu ku eedeeyay xubnaha urur goboleedka IGAD oo ka kooban Ethiopia, Kenya, iyo Jabuuti ay qayb ka noqdeen dhibaatada iyo hala qabsanida dowladda kumeel gaarka ah.

Ra’iisall wasaaraha dowladda ku meel gaarka ah xasan abshir faarax ay guddoomiyaha baarlamaanka C/lla Deerow Isaaq ayaa iyagu wali waxa ay ku sugan yihiin Nairobi, iyagoo ka soo horjeestay go’aanka C/qaasim ee dib uga laabashada shirka.

C/qaasim ayaa sidoo kale u sheegay IRIN in labada ninba ay sii joogi karaan shirka balse aanay lahayn wax awood ah oo ay dowladda kumeel gaarka ah ugu saxiixaan go’aan wax ku ool ah.

Diidmada C/qaasim ayaa waxaa lala xiriirinayaa heshiiskii nabadeed ee ay 5-tii bishan july gaareen kooxaha kala duwan ee ka qayb galaya shirka nabadda, kaasoo ay ku jireen xubno ka tirsan dowladda kumeel gaarka ah.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda kumeel gaarka ah C/raxmaan ibi ayaa u sheegay IRIN in C/qaasim uu ku soo noqonayo shirka sida u dhaqsiyaha badan ee loo siiyo tixgalin ku filan qodobada la tilmaamay, isagoo intaa raaciyay in ay 90-daqiiqo oo kaliya qaadanayso in C/qaasin uu dib uga soo noqdo muqdihso, kuna yimaado Nairobi

Wada hadalka oo furmay Otoobar sannadkii hore ayaa hadda waxa uu ku dhow yahay heer gabagabo iyadoo haatanna ay harsan tahay oo kliya xulidda iyo cidda ka midnoqonaysa xubnaha baarlamaanka.

Sidoo kale qiimayn ama faallo madax bannaan oo lagu sameeyay charterka soomaaliya kaasoo lagu wado inuu matalo qorshaha koowaad ee muddada ku meel gaarka ah ayaa la soo jeediyay in laga tanasulo gabi ahaantiisba

faalladan ayaa waxaa bixiyay NGO-ga dajka ah ee la yiraahdo Novib oo taageera bulshada rayidka soomaalida ee ka qayb galaya shirka wada hadalka soomaalida iyadoo lagu sheegay warbixinta in uu yahay mid lagu saleeyay shaqsinimo, isla markaana aan loogu yeeri Karin charter, ama axdi.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu tilmaamay oo laysku xusuusiyay is khilaafka ka dhex jira dokumentigaas, iyadoo la calaamadeeyay, sida in lagu andacoonayo arrin cilmaani ah, ama aan adduun iyo aaqiro midna lug ku lahayn, isla markaana la sii wado sharci marka dambe ansixinaya shucuur diimeed.

Faalladu waxaa sidoo kale ay xustay in shaxda kumeel gaarka ay ka koobnayd qoraal aan qeexnayn, isla markaana la sheegay inuu leeyahay khalad naxweed aan caqli ku salaysnayn oo laga naxo haddii anay gabi ahaanba ceeb ahayn.

Sidoo kale faallada ayaa waxaa lagu sheegay in warbixintu ay si aada diiradda u saartay qodobo quseeya dhinac kaliya, sida dhismayaasha dowladeed taasoo ahaan lahayd in ay samayso dowladda kumeel gaarka ah

Weriye C/risaaq SH.Aduun
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.