Nayrobi [MOL] 30 July 2003- Madaxweynihii kooxda Carta
Cabdqaasim Salad Xasan ayaa maanta isaga baxay shirkii
nabadeynta Somalida isla markaana isla maantaba ka dhoofay
magaalada Nayrobi isagoo u sii jeeda magaalada Muqdishu.
Cabdiqasim oo lagu soo doortay shirkii aan loo dhamayn
ee ka dhacay Tuulada Carta ee dalka Jabuuti muddo 3 sanno
ka hor ah ayaa habba yaraatee ku guulaysan inuu wax maamul
ah ka hirgaliyo magaalada Muqdishu oo u ahayd xurun muddadii
uu sheeganayay Madaxweynenimada. Cabdiqasim ayaa sheegay
sababta uu shirka uga baxay inay tahay iyadoo aan Somaliland
laga soo qeyb galin shirka sidii uu marar badan codsaday,
waxuu intaas ku daray in Dawlada Itoobiya doonayso inay
Somaliya kala qaybiso oo ay doonayso in Somaliland dawlad
ahaan loo aqoonsado. Somaliland ayaa horey u diiday inay
ka soo qayb gasho shirka ayna sheegeen inay wada haddal
galayaan kaliya markii Dawlad loo dhan yahay laga sameeyo
koonfurta Somaliya.
Waxaa wali shirka jooga Xasan Abshir oo ah ra'iisal Wasaarihii
Kooxda Carta iyo gudoomiyihii Baarlamaanka Cabdalla Deeroow
oo Kooxda Carta bilowgii shirka uga wakiil ahaa inay uga
qaybgalaan. Cabdiqasim ayaa sheegay inuu masuuliyiintaas
uu kala noqday xilkii uu u soo wakiishay aysana magaciisa
hadda waxii ka dambeeya matalin. dhinaca Ra'iisal wasaare
Xasan abshir iyo gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyaguna
ku adkaysanaya in sharci ahaan sida uu qorayo axdi qarameedkii
ay Carta ku soo samaysteen ay iyagu dawlada uga masuul
yihiin wada haddal kasta oo ay la galayaan kooxaha siyaasada
ay isaga soo horjeedaan. arintaan ayaana ka dhigtay kooxda
Carta inay imminka u kala qeybsameen laba kooxood oo iska
soo horjeeda oo koox walba sheeganayso inay iyagu matalaan
kooxda Carta.
Wali wax wara kama soo bixin Dawladaha safka hore ee
IGAD oo iyagu ka dambeeyay abaabulka shirkaan oo hadda
socday in ka badan 9 billood. waxaa jira qodob kooxaha
sayaasadu ku heshiiyeen oo dhigayay in waxii ka dambeeyay
heshiiskii bishaan 5-teedi la gaaray caddii shirka ka
hortimaada loo aqoonsan doono dagaal ooge lagana codsaday
in qaramada midoobay ay wax ka qabtaan.
Mudugonline.com
|