Khartoum [MOL] 29 July 2003- Waxaa
waayadanba booqasho ku joogay magaalada Khartoum ee dalka
Sudan.Wasiirka wax-barashada ee maamul goboleedka Puntland.Mudane
Xassan Max'ed Dhiilood.
Hadaba war baahinta la iska arko
iyo kuwa la dhagaysto ee dalkan oo ay waliba weheliyaan
jariiradaha aadka loo akhriyo ee dalkan Sudan ayaa qaadaa
dhigay booqashada wasiirka oo si heer wasiir loo soo dhaweeyey.iyadoo
ay telfishinada muujinayeen sawiro kayd ah oo ay ka hayeen
guud ahaan madaxwaynaha Puntland Mudane C/lahi Yuusuf
Axmed iyo Qariirada halka ay kaga taal Puntland oo ay
ku tilmaameen inay tahay Puntland sadex meelood meel marka
Somaliya la eego.
Wasiirka ayaa maalmihii ugu danbeeyey ee todobaadkan aad
ugu mashquulsanaa kulamo uu la yeelanayey mas'uuliyiinta
dalka,oo awal iyagu marti galiyey.waxaana uu ilaa hadda
la soo kulmay lataliyaha madaxwaynaha xaga diinta, ninka
isagu jagadiisa oo kale ka haya dalka waa wasiirka wax-barashadee,
mas'uuliyiin sarsare oo iyagu ka tirsan wasaarada arimaha
dibadda, maamulada jaamacadaha iyo masuuliyiin kale oo
badan.
Waxaana wasiirka la siiyey balan qaadyo fara badan oo
ku saabsanaa dib u dhiska hanaanka wax-barasho ee Puntland,
waxaa wasiirka si aada u soo dhaweeyey ardayda Somaliyeed
ee Sudan wax ka barata, iyo gaar ahaanba kuwa reer Puntland
xaflado isdaba jooga ah oo soo qaban qaabiyeen maamulka
sare ee ardayda oo horkacayo Xog-hayaha arimaha dibadda
Farax Cali Xirsi iyo kan Bulshada ayaa waxay u dhacaday
si aan caadi ahayn oo agaasim sare loo yeelay.
Waxaa qoraalkayga weheliya sawirada wasiirka oo uu dhinaca
midig ka taagan yahay xog hayaha arimaha dibadda ee ardayda,
dhinaca bidixna nin ka mida ah waftiga Wasiirka la socday.Sawirka
hoosena waa guud ahaan ardaydii iyo jawiga guud sida uu
ahaa.
Kulankani waa kii ugu danbeeyey
oo dhacay maalintii shalay ahayd oo wasiirka socdaalkiisa
ku soo khatimayey waxaana wasiirka la filayaa inuu isaga
iyo wafdigiisa u an ba baxaan Dalka Austarelia oo ay ka
haystaan casumaad taa la mid ah.
C/lahi Cali
Khartoum, Sudan
Mudugonline.com
|