jawaab
ku saabsan qoraalkii mudugonline ee "Maxaad ka
ogtahay Cadaalad Darada BBC-da"
WQ: ZAINAB ELMI
ZAINABELMI@aol.com
Walaalaha Somaliyeed,
Salaan xushmad mudan ka dib. Waxaa nasiib wanaag
aan galey maanta website-ka mudugonline.com waxaana
ka akhriyey qoraal
halkaas ku xusnaa oo wax ka sheegey masuulka
somaliyeed ee madaxda u ah la'aanta af-somaliga ee
BBC Yusuf Garaad.
Anigu waxaan ahey gabar somaliyeed oo ku dhaqan dalka
dibadiisa. Waxaan wax ka oran hayaa arinkaas la xusey:
Sidey aniga ila tahey dhaliisha lagu dhaliiley Yusuf
Garaad waa mid runtii cad oo uu garan karo qof kasta
oo somali ah oo garaad leh. Yusuf ilaa maalintii la
magacaabey runtii wuxuu ku shaqeynayey masuuliyad
qaawan oo aan lala gaban. Aniga oo aan inaba isha
ka gabin inaan ku eego Yusuf iyo dhaqankiisa guracan
waxaan ku raacey qoraagii qorey warqadii ku tiil mudugonline
iney aheyd mid run sheegtey.
Waxaanse aniga ku darahayaa oo aan dhagaheyga ku
dhageystey inuusan taas kaliyah sameyn ee uu xitaa
dadka uu u dirayo shaqada meelaha aduunka akhbaarah
cusub eey ka jiraan uu u diro dadka u dhashey gobollo
gaarkood, runtii waxaan ka xishoonhayaa inaan ku sifoobo
Yusuf Garaad oo kale oo aan dadka somaliyeed u kala
saar saaro reer reer iyo jifo jifo oo ah tan maanta
meshaad aragteen Somali dhigtey. Shirka Nairobi ka
socoda ayuu u direy?? Dagaalkii Iraq ayuu u direy?
Falastine ayuu u direy? Meeye dadkii BBC ku lahaa
khibrada dheeraadka ahaa? maxaan dadkaas ugu maqli
weyney iney ka qeyb qaataan socodaaladda jira wakhtiyadaan
aduunku laba kacleynta uu ku jiro?? Meeh ragii ahaa
Cowke? Meeh Cabdullahi Xaaji? meeh ina mahamed Siraad?
Meeye Saciido?? meeh Cabdinuur? maxaa ragaas oo eey
dadka somaliyeed wadda garanhayaan ka qaadey shaashadda
BBC oo eey u dhaafi waayeen akhbaaraha kaliyah iyo
london? Balse aan idin weeydiiyee sidee u aragtaan
ineysan idiinka muuqan wareysiga qaarkood oo eeysan
ka dhex muuqan ruug cadaagii somaliyeed ee BBC?? Raalise
dhagahiina ma ku yihiin ?? koley aniga maya oo dhaliiil
badan baan ka qabaa arinkaas, walow aan jecelahey
iney somali oo dhan u dhantahey BBC oo aan ka dhadhansado
luqad kasta amaba lahjo kasta oo somaliyeed.
Calaa kuli xaal, ninka qorey qoraalkaanow waa ku
mahadsantahey , waxaase loo sii baahanyahey in inta
qoraalkaaga lagu badallo English loo diro maamulka
sare ee la'aanta BBC si haddii uusan Yusuf Garaad
isaga naftiisa isu badalin loo badallo sida ugu dhakhsa
badan.
Haddii aan nahey shacabka somaliyeed ma dooneyn nin
mathal somali guud oo eexda!! ma dooneyn nin qabiil
ku shaqeysta oo noo shaqeeya!! ma dooneyn nin reer
u adeega!! ma dooneyn nin aan garan macalinkiisii!
ma dooneyn nin aan dareen somaalinimo laheyn!! ma
dooneyno nin u adeega dad gaar ah!!
Marka Yusuf Garaad ha kala doorto (labo daran -kii
roon) inuu is casillo iyo inuu is cadillo.
Yusuf ogow, iney BBC kula joogaan rag kaa khibrad
badan oo kaa cilmi badan oo ka garasha dheer intaba
oo somaali ah ogow inuu aduunku yahey harka labadiisa
galin iyo hooska oo wareega!!.
Yusuf, qofka somaaliga waa asiil ilaa uusan ka aheyn
midaan ku dhalan xalaal ee ku sifoow inaad magac somalidda
measha aad u joogtid aad ku sifoowdid.
Yusuf, BBC waa murayadda ey iska daawadaan shacabka
somaliyeed xitaa hadii eey heystaan website kale oo
inta badan ka fiican kuwa waayahaan dambe ka soo baxa
la'aanta BBC. Marka ha ku sifeyn la'aantaas iney noqoto
la'aantii Bililiqada iyo Been abuurka Calanka - somaliyeed.
Yusuf meeh garaadkii magacaagu uu watey???
Amaana allah,
Waa gacallo