Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

SUXUFI BILE QABOWSADE OO ISKA SHARAXAY KEENYA
Bosaaso, [MOL] 28 July 2003-Warqad dheer oo uu soo gaasiiyey xafiiska mudugonline ee Bososo Bile Maxamuud Qabowsade ayuu shaaca uga qaaday inuu isu taagay jagada madaxtnimda somaaliya. Bile Qabaowsade oo ah Weriye aad looga yaqaan Somaliya oo dhan kana soo shaqeeyay saxaafad kala duwan ayaa waayadii danbe shaqadiisa u badnayd wargeysyada iyo raadiyayaasha. Bile oo dad badan magaciisa iyo codkiisa ka maqleen idaacada BBC oo marar badan waraysiyo ka qaaday ayaa waxuu wadanka Somaliya uga soo warami jiray hay'ado badan oo warka faafiya. Wargeyska Yool ee uga caansan wargeysyada Somaliya ka soo baxa ayuu Bile ka ahaa tafaftire sare intii Dawlad Goboleedka Puntland la aasaasay ka dib.

Bile Qabowsade ayaa noqday ninkii ugu horeeyay oo Suxufi ah Joogana Somaliya oo isu soo taaga una tartama jagada Madaxnimada Somaliya oo la filayo in dhawaan ay ka dhacdo Magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya.

Suxifigaan ayaa waxaa mudo sii horaysay lagu xiray degaanka puntland isagoo loo arkay nin qoray waxyaabo lidi ku ahaa maamulka Dawlad goboleedka Puntland hase ahatee xiliyadii u danbaysay waxuu ahaa nin isku hawla horumarka puntland, waxaayna lahaayeen maamulka hada jira xiriir aad u wacan waxuuna ka mid ahaa ergadii shirka loo qaaday xiligii shirku ka bilowdday magaalada Eldoret ee wadanka Kenya.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Mr. Khaliif cabdi xuseen oo Wadanka Suudaan loo masaafirayay ka dib markii dambi lagu waayay
Mr. Khaliif cabdi xuseen

Khartuum, [MOL] 28 July 2003-Asbuucii aynu soo dhaafnay waxaa Dalkan Suudaan si masaafuris ah lagu keenay 5 qof oo loo haystay in ay xiriir la leeyihiin ururka ALQAACIDA ee uu hogaamiyo Usaama Binlaadin. Shantaan qof ayaa 22/7/2003 laga xiray dalka Malaawi waxaana halkaas ay ka wadeen hawlo samafal oo la xirriira barida iyo fidinta diinta Islaamka, ragaasi oo isugu jiray Turki Sucuudiyiin iyo Suudaan waxaa ka mid ahaa wadaad Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Kenya oo layiraahdo Mr. Khaliif cabdi xuseen oo kasoo jeeda gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya gaar-ahaan magaalada Gaarisa. Mr. Khaliif waxaa uu ka shaqaynayay dalka Malaawi ilaa iyo sanadii 2000 waxaana uu ahaa macalin wax kadhiga Machad lagu barto diinta Islaamka oo ku yaala Malaawi laguna magacaabo Abuubakar Asidiiq.

Fousiya Sheekh Moxamud Cali, oo ah xaaska Khalif Abdi Hussein, iyo carruurtooda. (Daily Nation)

Warkaan oo aan kasoo xiganay wargayska maalin laha ah ee kasoo baxa dalka Suudaan ee layiraahdo Akhbaarul yoom ayaa waxaa uu intaas ku daray in dawlada Suudaan ay dadaal ugashay sidii nimankaan oo uu ku jiro nin udhashay dalkeeda loo sii dayn lahaan xiligii ay ku xirnaayeen dalka Musanbiig oo ah halkii lageeyay markii laga qaaday Malaawi.

Wargaysku waxaa uu waraysiyo kala duwan la yeeshay ragaasi lasoo daayay waxaana uu waydiiyay su'aalo badan oo laxariiray xaaladooda waxaana uu waydiiyay ninka layiraahdo Mr.Max,muud Sandaar oo isagu udhashay dalka Suudaan kana mid ahaa ragaas howsha ay kalahayeen Malaawi waxa ay ahayd waxaan uu sheegay in ay ahayd un hawl samafa oo ku aadanayd sidii muslimiinta dalkaas ku nool wax loogu qaban lahaa. Sidoo kale Wargaysku waxaa uu waydiiyay Mr.Khaliif cabdi xuseen sida uu u arko imaatinkiisa Suudaan waxaana uu ku jawaabay "waxay ahayd arin kadis ah in aan imaado Suudaan markii iigu horaysay anigoo sidaan oo kale ah" waxuu kaloo yiri "waligay kuma fakirin inaan Suudaan tagi doono ayadoo xaalkaygu uu sidaan yahay" waxaana uu intaa raaciyey "waa illaah mahdii waxaan u mahad celinayaa dawlada iyo dadka reer Suudaan sidii wanaaga lahayd ee ay noo soo dhaweeyeen"

Horay waxaa codsi ugu gudbiyey dowlada Kenya marwada uu qabo Mr.Khaliif Cabdi, codsigaas oo ay kaga dhalbnaysay dawladu in ay meel ku sheegto ninkeedi islamarkaan ay ka shaqayso sidii loo siidayan lahaa sida uu qoaray Wargayska Daily Nation ee dalka kenya ka soobaxa inkastoo aanay dowlada Kenya jawaab cad ka bixin arintaas siidaynta Mr Khaliif Cabadi Xuseen. Waxaa ay ku soo beegantay xili muslimiinta dalka kenya ay si wayn udiidan yihiin howlaha uu maraykanku kawado dalka kenya ee la-dirirka arga-gixisada waxaana ay u arkaan dadbadan oo keenyaan ahi in ujeedada kadanbaysaa ay tahay in lacaburiyo oo la hor istaago howlaha samafalka ee ayka wadaan hay,adaha islaamku wadamada Afrika iyodoo taargat(target) laga dhignayo dadyowga muslimka ah inkastoo siidaynata nimankaasi ay ahayd mid aad loogu farxo haddana waxaa dad badani iswaydiinayaan halka ay ku danbayn doonto hawlihii samafal ee ay ufidinayeen malaayiinta qof ee iyagu ku tabaalaysan qaarada Afrika.

Dowlada Suudaan hada waxaa ay ku hawlan tahay sidii loogu sahli lahaa ragaasi in ay ku laabtaan wadamadii ay u kala dhasheen.

Mohamed Hassan Yosuf, Kharduum, Suudaan.
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.