Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Maxaad ka ogtahay Cadaalad Darada BBC-da ee kala eexashada Website-yada Somalida?

Ottawa [MOL] 27 July 2003- Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Somaliga ayaa noqotay mid Eedo badan ka gashay Somali, dad badana u aanaynayaan in BBC-du qeyb ka tahay xasilooni la'aanta ka jirta Somaliya mudo ka badan 10 sanno ka dib markii Laanta afka Somaliga ee BBC-du la safatay qeyb ka mida kooxaha Somalida ee siyaasada Somaliya isaga soo horjeeda. BBC waa erayo lasoo gaabiyay oo u taagan British Broadcast Corporation, Dawladda Ingiriiska ayaa iska leh hab maamul ahaanse way ka mamdaxbaanantahay waxaana lagu magacaabaa Crown Corporation inay tahay oo macnaheedu yahay Shirkad Dawladdu wax ku leedahay sidii British Airways iyo Hay'adaha la midkaa maamulkase u madax banaan. Maaddama ay BBC-du ka madax banaantahay Awoodda Dawladdii iska lahayd seebay ku suura gashay in loo adeegsato siyaayasado ku salaysan Qabiil ama Hogaamiye Kooxeed?

BBC-du waxay eed ka gashay Websiteyada laga leeyahay Somaliland, Puntland, Bay iyo Bakool iyadoo isla markaasna Eex u samaysay Websiteyada laga leeyahay Koonfurta Somaliya qaasatan kuwa Muqdishu. Iyadoo awal dad badan ka dheregsanaayeen dagaalka hubeysan ee saxaafada ee BBC iyo maamulkeeda laanteeda Afka Somaligu ayaa haddana dad badan yaabi doonaan markay arkaan website-ka laanta Afka Somaliga ee BBC oo markii aan aragnay eexda BBC-da ee website-yada Somalida go'aansanay inaan la socodsiino aqristayaasheena. dhinaca Midig ee bogaas aan soo sheegnay waxaad ku arkaysaa lifaaqyo websate-yo Somali ah balse haddaad u sii fiirsatid magacyada website-yada waxaad ogaanaysaa wax qof kastaa la yaabo. Marar badan ayaa Aqoonyahanno Somaliyeed ka hadleen Dhinac la safashada Maamulka Laanta Afka Somaliga ee BBCda ee Kooxda carta, waxaanse wali waxba laga qorin Eexda ay u kala samaysay Warbaahinta Somaliyeed Gaar ahaan kuwa ku abtirsada Somaliland, Puntland, Bay iyo Bakool. Dadka booqda Bogga BBC-da ayaa waxay arkayaan ka sokow wararka buunbuuninta dagaal oogayaasha koonfurta iyo qarinta wararka xasuuqa iyo dabargoynta ah ee koonfurta Somaliya, in BBC-du si aan xishood lahayn Lifaaq ugu samaysay website-yo uu hantiilayaasha ka mid yahay Yuusuf Garaad sida Horn Afrik iyo Website-yo kale oo aad ugu dhaw dhaw dhalasho iyo Siyaasadba Yusuf Garaad Madaxa Laanta Afka Somaliga ee BBC-da iyo Cabdiqasim Salad Xasan Hogaamiyaha Kooxda Carta.

In badan oo Somalida dibbadda ku nool ka mid ah ayaa aad ula yaaban Eexda qaawan ee laanta afka Somaliga ee BBC-du ka gashay Websiteyada Somaliyeed. Hadii aad si qoto dheer u fiirisid waxaad arkaysaa inaan laga helayn Website ay maamulaan dadka Somaliyeed ee ku nool Gobolada Somaliland, Puntland, Bay iyo Bakool midna marka laga reebo Radio Hargaysa oo isagu ah hay'ad Dawladeed ee aan ahayn mid dadwayne.

Waxaa iyana horey u jiray oo taas ka daran in tababar ay Qaramada Midoobay u wakiilatay in BBC-du siiso wareyayasha Somalida ay in ka yar 3 weriye laga casumay Puntland halka Muqdishu kaliyana ay ka yimaadeen 95% Weriyayaashii la tababarayay. sudbirsigaas oo soo jiray waqti dheer ayaa Weriyayaal sare oo reer Puntland ah mar hore ka gaabsadeen inay ka qayb galaan aqoon isweydaarsiga iyo tababarada suxifayada ee BBC-du abaabusho ama bixiso inta wax laga qabanayo eexda qaawan BBC-da.

Hadaba waxaa is waydiin mudan maxay ku dhacday inay BBC-da Laanteeda Afka Somaligu u bareerto eexda intaas leg? maxaase ku kalifay? sideese ku dhacday in laanta afka Somaliga BBC-du ogolaato in hal qoys oo Somaliyeed loo afduubo Somali oo dhan. Waa su'aal laga rabo qof kasta oo Somali ah inuu jawaab u helo.

Waxaa haddaba ka cad meesha in Yusuf Garaad tolkiis ugu jiro meeshii Marxuum Caydiid, iyadoo midna qori caaradii tolkiis wax ugu doonay midna qalinka caaradiisa. miyaan lagu tilmaami karin Madaxa Laanta Afka Somaliga ee BBC-da inuu yahay General Caydiid oo qalin wata.

Editorial
Mudugonline.com


Shirka Somalida oo la soo gabagobeyn doono Bisha August.

Nayrobi [MOL] 27 July 2003-Shirka Dib u sheesiinta Somalida ee ka socda xaafada Mbegathi ee magaalada Nayrobi ayaa la filayaa inuu soo xirmo dabayaaqada Bisha August ee inagu soo aadan isla mar ahaantaasna waxaa tobaadkaan soo socda xirmaya Wajigii Labaad ee shirka. Marka wajiga seddexaad la gaaro ayaa la filayaa in muddo toban casho ah lagu doorto Gole Baarlamaan kadibna ay baarkamaanku doortaan Madaxwayne markaasna madaxwaynuhu soo doorto Ra'iisul Wasaare.

Warar MudugOnline ka heshay rag ka tirsan Hogaanka Shirka Dib U heshiisiinta Somaliyeed ee haatan Mbegathi ka socda ayaa sheegaya in dawladdu Saddexda bilood ee ugu horaysa ay dibad joog ku ahaan doonto Nairobi. Qorsha-haan ayaa lagu macneeyay sidii Wadamada IGAD iyo Beesha Caalamku kula socon lahaayeen hormarka iyo waxqabadka Dawladda isla mar ahaantaasna loo sii diyaariyo Dhismayaal Wadanka Gudihiisa ah oo ay Dawladdu Maamulkeed ka hawgaliso. Go'aankaan ayaa Hawlwadeenada shirku qaateen si aysan Dawladdu u noqon Dibadyaal aan hoy haysan sidii ku dhacday tii Carta lagu soo dhisay oo markay Xamar timid wayday meel ay ku hoyato kadibna ay khasab ku noqotay inay dagto Hotelo dad shacab ah leeyhiin, halka dhismayaashii Dawladda iyo Wasaaradihiiba ay gacanta ugu jiraan Dagaal ogaayaal aan ka amar qaadan.

Waxaa kaloo iyaguna is diyaarin ku jira Ciidamadii Nabad Ilaalinta ee Dawladaha Afrikanku usoo diri lahaayeen Wadanka Somaliya, waxaana haatan ku sugan Gobolo ka ka mid ah Dalka Jeneralo ka tirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta iyo hub ka dhigista oo Sahminaya goobihii ay ciidamadaasi degi lahaayeen. Asbuucaan ayaa Jeneraalka wata ciidamada sahankaa ee hub ka dhigista Colonel Cabdixamiid Khaliifa sheegay in magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo istaraatiji ah kuna taal bartamaha wadanka noqon doonto xurunta laga maamuli doono ciidamada hub-kadhigista taas oo ka caraysiisay kooxo reer Muqdishu ah oo ka xun in ciidanka la geeyo magaalada Gaalkacyo oo ay u arkaan meel aan u qalmin in laga maamulo ciidamada nabad illaalinta.

Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.