Shirkadaha
Dahabshiil iyo Daallo Airlines: Garwadeen dhaqaale
oo bogaadin iyo ku-dayashaba mudan
WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Email: wacays2001@hotmail.com
"Haddaan nahay
Jamhuuriyadda Jabuuti annaga ayaa maanta ugu dhow cid
saldhig ama tiir-dhexaad u noqon karaysa daryeelka afka
iyo dhaqanka la wadaago……Ilaahay ha idin garab galo,annaguna
waxba idinkama hagran doonno intii karaankayaga ah"
(Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle)
"Wax sidaan
oo kale u qiimo badan waxaan ogaannay cidda keliya
ee dooneysa in ay gacan ka geysato in ay tahay ciddii
lahayd, iyagii baanuna dib ugu soo celinnay"
(Dr. Maxamed Daahir Afrax)
Dabayaaqadii bishii Juun ee ina dhaaftay ayaan tagey
magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, si aan uga qayb
galo kulan-aqooneed, dhaqaneed, iyo suugaaneed lagu
qabanayey magaalada Jabuuti. Aniga iyo rag kaloo saaxiibadey
ah waxaan sii raacnay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda
Daallo Airlines oo naga qaadday magaalada Boosaaso.
Kulan-aqooneedkan waxaa soo qabanqaabiyey Naadiga
PEN ee hal-abuurka iyo Qorayaasha af-Soomaaliga ku
hadla ee Naadi-weynaha PEN INTERNATIONAL. Kulankan
waxaa loogu magac daray "Toddobaadka hal-abuurka
Soomaaliyeed", wuxuuna ka koobnaa saddex hawlgal
oo is feer-socday, kuwaas oo kala ah shirweynahii
labaad ee Naadigan PEN, dood-wadaag aqooneed iyo bandhig
fan iyo suugaaneed. Guud ahaan dadkii kulankan kasoo
qaybgalay oo kor u dhaafayey 100 qof oo isugu jirey
Soomaali iyo ajnabi waxay ka kala yimaadeen Jabuuti,
(Somaliland, Puntland, Koorfurta Soomaaliya), Itoobiya,
Keenya, Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo Carabta.
Maalintii furitaanka kulankan, waxaa la naloo qaybiyey
galal ay ku jireen qoraallo loogu sii tala-galay ka-qaybgalayaasha
iyo marti sharaftii kale ee lagu casumay munaasabadda
furitaanka. Galalkii la qaybinayey waxaa dusha kaga
qornaa erayadan: "Shirweynaha labaad ee Naadiga
PEN ee hal-abuurka iyo qorayaasha ku hadla Afka-Soomaaliga,
iyo toddobaadka hal-abuurka Soomaaliyeed, 24/06 -
02/07/003, Guriga ummadda ee Jabuuti, Jambuuriyadda
Jabuuti. Waxaa taageero ka geystay Dahabshiil iyo
Daallo Airlines"
Inta aanan furin galkii i horyaallay ee ay erayadaasi
ku dul qornaayeen, waxaan durba is-weydiiyey nooca
ay noqon karto taageerada ay shirkadahaasi bixiyeen,
waayo waxay aniga ii ahayd markii iigu horreysay ee
aan maqlo shirkado Soomaaliyeed oo taageero ka geystay
kulan-aqooneed caalami ah oo dunida daafaheeda la
isaga yimid. In kastoo aan xog-ogaal u ahaa in shirkadaha
caalamiga ah ee dunida horay u martay ay kaalimo firfircoon
ka qaataan mashaariicda horumarineed ee dalalkooda
iyo dadkooda, iyo weliba gurmadyada caalamiga ah,
misana marna ma aanan filayn in shirkadaha Soomaaliyeed
ay xilligakan adag gaari karayeen biseylka heerkaas
oo kale ah. Waxaan is-weydiiyey in ay shirkadahani
dareemeen in horumarka ganacsigoodu uu ku xiran yahay
taageeridda barnaamijyada horumarineed ee dalkooda
iyo dadkooda!!
Dhanka kale, marna la-yaab iguma ayan noqon in dowladda
iyo Shacabka Jabuuti ay mar kale dhabarka u riteen
martigelinta iyo maalgelinta kulankan sidan oo kale
u ballaaran, waayo qof kastoo Soomaali ah wuxuu si
weyn uga dheregsanaa 13kii sano ee ay Soomaaliya dhulka
taallay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay hormood
ka ahaayeen dadaal kasta ee ku wajahnaa daryeelka
danaha ummadda Soomaaliyeed.
Kulankan waxaa furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti
Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo halkaas ka jeediyey
khudbad dhaqaajisay dareenka ka-qaybgalayaashii iyo
marti sharaftii kale ee lagu casumay madasha kulankan.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Jabuuti
tahay cidda ugu dhow ee saldhig ama tiir-dhexaad u
noqon karaysa daryeelka afka iyo dhaqanka la wadaago
inta ay soo noqoneyso dowlad Soomaaliyeed oo leh awood
ay xilkaa ku qaaddo mar kale, isagoo kulankan iyo
xarakadda PEN u rajeeyey garab-gal Eebbe, islamarkaana
hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Jabuuti aysan
waxba ka hagran doonin intii karaankooda ah.
Ka hor khudbadda furitaanka Madaxweynaha Jabuuti,
waxaa iyaguna halkaas warbixinno kasoo jeediyey Nuuradiin
Faarax oo ah qoraa sare oo wax ku qora afka Ingiriiska,
balse si weyn looga yaqaanno geyiga Soomaalida iyo
dunidaba, iyo qoraa sare Dr. Maxamed Daahir Afrax
oo ah guddoomiyaha Naadiga PEN ee hal-abuurka iyo
qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla, hormuudna ka ahaa
qabanqaabada kulankan. waxayna labadooduba dhowr jeer
kusoo ceceliyeen mahadnaq iyo bogaadin ku aaddan taageerada
ay dowladda Jabuuti iyo shirkadaha Dahabshiil iyo
Daalo Airlines ka geysteen suurtagalinta kulankan.
Dr. Maxamed Daahir Afrax oo warbixintiisa si gaar
ah ugu soo qaaday marxaladihii kala duwanaa ee uu
soo maray qabanqaabada kulankan, wuxuu sheegay in
uu magaalada Nayroobi u tagey sidii uu qorshaha kulankan
ugu bandhigi lahaa hay'adaha samafalka caalamiga ah
ee sheegta in ay Soomaaliya ka shaqeeyaan, balse haatan
saldhiggoodu yahay magaalaada Nayroobi, wuxuuna intaas
raaciyey in uu dadaal dheer u galay sidii hay'adahaas
dhaqaalaha faraha badan kusoo qaata "wax-u-qabadka
Soomaalida" uu ugu qancin lahaa in ciddii ku
andacoonaysa "Soomaali baan wax u qabanaynaa"
ay waajib ku tahay taageeridda qorshaha kulankan oo
ay ujeeddadiisu tahay dhuraynta iyo dhiirrigalinta
hal-abuurka iyo qorayaasha Soomaalida, si ay kaalinta
kaga aaddan uga qaataan sidii dhaqan nabadeed iyo
dib-u-dhis looga taabbagalin lahaa geyiga Soomaalida
iyo weliba Geeska Afrika.
Lamood noqonse weyday. Dr. Afrax wuxuu magaalada
Nayroobi kala soo noqday hungo, hase yeeshee wuxuu
sheegay in uu soo ogaaday in " wax sidan oo kale
u qiime badan cidda keliya ee u diyaar noqon karta
in ay gacan ka geysato in ay tahay ciddii lahayd".
Sidaas awgeed, Dr. Afrax wuxuu qorshihii qabanqaabada
kulankanka dib ugu soo celiyey "ciddii lahayd"
kuwaas oo ay hormuud u noqdeen dowladda iyo shacabka
Jabuuti, oo uu mayalka u hayo Madaxweyne Ismaaciil
Cumar Geelle, iyo dhanka kale qaar ka mid ah madaxda
shirkadaha Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay. Labadaa
dhinac oo iskaashanaya waxay isla markiiba dhulka
ka qaadeen qorshihii kulankan hal-abuurka ee ay hay'adaha
samafalka ee shisheeye ku soo bahdileen magaalada
Nayroobi.
In kastoo aan laysku wada raacsanayn jawaabteeda
haddana dad badan oo ka mid ah ka-qaybgalayaashii
kulankan ayaa isla markiiba bilaabay in ay is-weydiiyaan
su'aashan: ciddii markeedii horeba dooneysay in aad
afkeeda ku beddesho afkaaga hooyo dhaqankeedana qaadato
sidee bay gacan kaaga siin karaysaa horumarinta afkaaga
hooyo iyo dhaqankaaga kuu gaarka ah?
Saacadihii ay socdeen khudbadaha furitaanka kulankan,
waxaan mar kasta is-weydiinayey nooca taageerada ay
bixiyeen shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines,
iyadoo dhanka kalena ay igu sii kordhayeen dareen
farxadeed iyo mid ku-digashaba; waxaan sii sawiranayey
naxdinta iyo u-qaadan-waaga ku dhici doona hay'adihii
samafalka ee magaalada Nayroobi dhoobnaa, ka dib marka
ay maqlaan in dowladda iyo shacabka Jabuuti iyo shirkado
Soomaaliyeed oo iskaashaday ay buuxiyeen kaalimihii
dhalanteedka ahaa ee ay Deeq-bixiyeyaasha kaga lacag
qaadan jireen. Waxaa hortayda ku sii qormayey sida
fudud ee ay u qaldi doonaan Ddeq-bixiyeyaasha sida
indho la'aanta ah lacagta ugu dhiiba, waayo waxaa
hubaal ah in ay Deeq-bixiyeyaashu ogaan doonaan inuu
qabsoomay shir Soomaaliyeed oo caalami ah oo aysan
ka dhex muuqan hay'adihii lacagaha kaga soo guran
jirey wax-u-qabadka Soomaalida.
Duhurnimadii markii la soo gunaanaday kulan-hawleedkii
maalintaas, waxaan ku dhaqaaqay waraysiyo kala duwan
oo aan la yeeshay guddigii qabanqaabada iyo ka-qaybgalayaashii
kulankan, si aan u ogaado nooca taageerada ay bixiyeen
shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines iyo dareenka
ka-qaybgalayaasha kulankan ee ku aaddan taageeradaas
iyada ah. Run ahaantii, ma aanan dooneyn in aan waraysto
madaxda shirkadahaas oo aan hubo in aan ka heli karey
xog intaas ka badan, waayo ujeeddadaydu waxay ahayd
oo keliya in aan cabbiro dareenka dadka caadiga ah
ee kulankan ka soo qayb galay, kuwaasoo si weyn ugu
diirsaday kaalinta aan la caadeysan ee ay shirkadaha
Soomaaliyeed ka qaateen suurta-galinta kulan-aqooneed
noocaan ah.
Guddiga qabanqaabadu waxay ii xaqiijiyeen in Shirkadda
Daallo Airlines ay kulankan ku taageertay tikidho
lacag la'aan ah oo ka-qaybgalayaasha kulankan ay kusoo
raaceen kuna sii raaceen diyaaradaha shirkaddan ee
u kala goosha dunida dacalladeeda, halka shirkadda
Dahabshiil-na ay ku yaboohday lacag caddaan ah oo
aan cadadkeeda la ii sheegin taas oo gacan weyn ka
geysatey kharashka hoteellada iyo cuntada ka-qaybgalayaasha.
Sida la wada xusuusan yahay qaran-jabkii Soomaaliya
wuxuu saameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee
nolosha dadka Soomaaliyeed. Ka-sokow burburkii dowladnimadii
Soomaaliya, waxaa mar qura la waayey dhammaan adeegyadii
bulsho. Waxaa burburay hay'adihii dowliga ahaa ama
kuwii gaarka loo lahaa ee adeeg-bixinta. Waxaa kala
xirmay ganacsigii iyo isu-socodkii dadka. Waxaa la
boobay dhammaan xarumihii iyo agabkii adeegyadaas
lagu fulin jirey. Ma aha wax lala yaabo in ay dowladi
burburto, waxaase naxdin iyo caloolyowba leh in Qaran
muddo dheer soo dhisnaa uu mar qura jiritaan beelo,
ummaddii lahaydna ay ku kala oodmaan xayndaabka qabyaaladda.
Muddadii ay dagaallada sokeeye ka oognaayeen Soomaaliya,
waxaa maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayey
baahida loo qabo buuxinta kaalimihii ay banneeyeen
hay'adihii adeeg-bixinta ee dowladda ama kuwii gaarka
loo lahaa. Waxaan anigu qof ahaan xusuustaa iyadoo
reer Puntland ay dhoofka, qaadashada lacagaha dibedda
looga soo xawilo, iyo taleefan-dirsashadaba u aadaan
Addis-ababa iyo Jabuuti.
Kaddib markii ay dagaalladii sokeeye qaboobeen ama
ay kusoo koobmeen goobo gaar ah oo ka mid ah dalka
Soomaaliya, waxaa geyiga soomaalida ka ambaqaaday
shirkado fara badan oo loo abuuray ujeeddooyin ganacsi,
hase yeeshee shirkadahaasi badankood waxay ku dambeeyeen
hungo iyo burbur, waxayna badidood eersadeen waabaayadii
qabyaaladda, nin jecleysiga, iyo danaysiga gaar ahaaneed
ee horeba u soo halligay qarannimadii Soomaaliyeed.
Shirkadaha fara-ku-tiriska ah ee ka badbaaday aafooyinkaas
isla markaana la soo banbaxay hab-dhaqan cusub oo
ka duwan kii lagu wada sumoobay waxaa ka mid ah shirkadaha
Dahabshiil iyo Daalo Airlines oo haatan noqday shirkadaha
ugu waaweyn oo intii karaankood ah u guntan daboolidda
baahida qaybo ka mid ah adeegyadii ay u harraadanaayeen
Soomalida ku kala dhaqan dunida daafaheeda.
Shirkadaha Dahabshiil iyo Daalo Airlines waxaan oran
karnaa waxay ka gudbeen xayndaabkii qabyaaladda iyo
nin jeclaysiga, waana taas sirta ka dambeysa horumarka
ay ku tallaabsadeen. Waxay u muuqdaan in ay garwaaqsadeen
in horumarka ganacsigoodu uu ku dhisaalan yahay taageeridda
barnaamijyada horumarineed ee dadkooda iyo dalkooda.
Dhambaalka ugu muhiimsan ee ay gudbineyso tallaabadan
cusub ee ay qaadeen shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo
Airlines ayaa ah "in ummadda Soomaaliyeed ay
wax qabsan karto iyagoo aan gorof ceebeed la dhex
wareegin hay'adaha shisheeye ee iyaga usoo shaqo tagey".
Waana dhambaalkii uu u horseedayey Naadiga PEN markii
uu ku tallaabsanayey in uu hormuudka beec-mushtarka
Soomaaliyeed ku casumo taakulaynta kulan-weynaha qorayaasha
iyo hal-abuurka. Dareenkan cusub ee abuurmay waxaa
dhaqaajintiisa iyo joogtayntiisa marti loogu yahay
garwadeenka dhaqaalaha ee maskaxda furan oo kaashanaya
tacliinleyda iyo indheergaradka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines
waxay jidbixiyeen u noqdeen kaalintii garwadeennimo
ee looga fadhiyey ganacsatada Soomaaliyeed, waana
tallaabo bogaadin iyo ku-dayashaba mudan.
»»MUDUGONLINE.COM
KA AQRISO WARBIXINTII "TODDOBAADKA HAL-ABUURKA
IYO QORAAGA SOOMAALIYEED "EE
MAQAALKANI KA HADLAYO»»
WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Email: wacays2001@hotmail.com