Kharduum, [MOL] 26 July 2003- Waxaa 22kii bishaan aynu
ku jirno soo gaaray magaalada Kharduum ee caasimada u
ah dalkan Suudaan wafdi balaaran oo ka socday Maamul gobleedka
P/L oo uu horkacayay Wasiirka Waxbarshada iyo Barbaarinta
Mr.Xasan Maxamuud Diilood, waxaana socdaalkiisa ku waheliyay
Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso Dr. C/qaadir
Maxamuud iyo xubno kale. Waftiga waxaa si wayn ugu soo
dhaweeyay Gagida Duyiiradaha ee magaalada Kharduum masuuliyiin
sarsare oo ka tirsan xukuumada Suudaan, kadibna waxaan
la dajiyay Hoteelka Hotel Boqor Faysal oo ka mida Hateelada
ugu caansan magaalada Kharduum.
Wafdigu waxaa uu sheegay in booqashadan ay ka danbaysay
ka dib markii ay ka heleen martiqaad rasmi ah dowlada
Suudaan gaar-ahaan Wasaarada Waxbarshada ee dalkan Suudaan,
waxaana ay ku sheegeen waraysiyo ay bixiyeen in ujeedada
socdaalkooda ay tahay sidii xukuumada Suudaan ay ugala
hadli lahayeen xiriiro dhowr ah oo ay ugu horayso waxbarshada
iyo sidii uu uga heli lahaa Maamulku xayba wax ku ool
ah deeqaha waxbarsho ee ay Suudaan siiso Soomaalida waxaan
la wada ogsoon yahay in dowalada Suudaan ay ka mid tahay
dowladaha siiya deeqaha waxbarsho Soomaaliya waloow inta
badan deeqdaasi ay helaan ardayda ka timaada gobolada
koonfureed gaar ahaan magaalada muqdisho.
Wafdigu waxaa uu lakulmay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan
xukuumada suudaan sida, Wasiirka waxbarshada. Lataliyaha
Madaxwaynaha Arimaha Diinta iyo qaar ka tirsan madaxda
jaamacdaha wadanka waxaan dhamaantood ay ka wada hadleen
sidii dowlada Suudaan ay gacan uga fidin lahayd iyo waliba
taageero waxbarshada ka socota maamul gobleedka p/l. Sidoo
kale xukuuma soodaan waxaa ay balan qaaday in ay intii
karaankeeda ah wax la qabanayso guud ahaan soomaalida
gaar-ahaana Maamulka P/L. Sidoo kale wafdigu waxaa uu
la kulmay ardayda soomaliyeed ee waxka barta jaamacada
la yiraahdo Jaamatul Afriiqiya AL Caalamiya oo ah Jaamacad
ka mida juwa ay ardayda Soomaaliyeed ee wadankaan wax
ka barta aadka ugu badan yihiin.
Ardayda soomaaliya ee wax ka barta dalka Suudaan waxaan
cadadkooda lagu sheegaa in ay ka badan yihiin 1000 arday
waxaana ay uga warbixiyeen xaalada uu marayo dalkii soomaaliya
iyo guud ahaan safarkooda. Wafdigu waxaa uu kulan gooni
ah la yeeshay ardayda ka timid gobolada P/L waxaana ay
uga warbixiyeen Maamul gaboleedkii ay kasoo kaceen iyo
horumarka uu gaaray wadankii waxaa kale oo ay waxbixin
ka siiyeen ujeedada socdaalkood waxaana ay sheegeen in
sarakoodu uu dheer yahay ayna hadda ku sii jeedaan dalka
Australia. waxaana intaa ay ku dareen in ujeedada safardaas
oo dhan looga goleeyahay sidii sare laagu qaadi lahaa
guud-ahaan xiriika P/L ay kala leedahay wadamada dunida
kaalinta waxbarshada. inkastoo ay ahayd markii ugu horaysay
ee wafdi noociisa ah oo kale uu yimaado dalkan Suudaan
oo ka socda Maamulka P/L hadana waxaan oran karnaa waxay
ahayd mid laga gaaray guulo waawayn oo wax ku ool ah.
Mohamed Hassan Yosuf, Suudaan, Kharduum
Mudugonline.com
DEEGAANKA FIQI
FULIYA OO SHIR UGA FURMAAYO BEELHA SANAAG BARI
Ceergaabo, [MOL] 26 July 2003- Wararka ka imaanaya deegaanka
Fiqi Fuliye oo 50 km u jira magaalada Ceergaabo ayaa lagu
soo waramayaa in halkaasi shir uga furmaayo beelaha degaankaasi.
Shirkaasi oo looga hadlaayo dhul daaqsimeed ay ku muransan
yihiin beelaha degaankaasi iyo beelaha dega soomaaliland.
Qaar ka mid ah madaxda puntland oo uu ay mid yihiin wafuud
heer wasiir ah iyo xubno baarlamaan ah ayaa goobtaasi
lagu wadaa in ay u safraan caawadan si ay uga qayb qataan
shirkaasi loga hadlaayo dhul daaqsimeedka maqan.
Ciidamada daraawshiita puntland yaa iyana ku xeeran gobtaasi.
qaar ka mid ah dadka deegaan kaas hadda sheegatay ayaa
mar sii horasay oo ah 1993 wadahadala labadda dhinac dhex
maray lagu heshiiyay ayna ogolaadeed inay dhulkaas isaga
guuraan. Lama garanayo sababta sheegashada dhulkaasi u
soo noqotay marba haddii waqti hore laga wada xaalay.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Ciidamada Hubka Dhista Somaliya
oo xaruntooda loo doortay Gaalkacyo
Gaalkacyo, (AllPuntland)- Ciidamada Africa
ee ka qayb qaadan doona hub-ka dhigista maleeshiyooyinka
Soomaaliya waxaa xaruntoodu noqon doontaa magaalada
Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo loogu doortay
iyadoo ah magaalo istratijig ah, sidaas waxaa sheegay
Colonel Cabdixamiid Khaliifa, madaxa wafdiga ka socda
Midowga Africa ee dalka Somaliya socdaalka ku maraya
ee loo xil-saaray in ay soo qiimeeyaan goobaha ay degi
karaan ciidamada hub ka dhigista ee midowga Africa.
Colonel Khaliifa iyo wafdiga uu hogaaminayo oo beryahan
joogay Puntland horena u soo maray Boosaaso, Qardho iyo
Garoowe waxaa uu codsi u jeediyey dadka eer Gaalkacyo
iyo maamulkuba in ay gacan ku siiyaan sidii ciidamadaas
loo keeni lahaa Gaalkacyo.
Wafdiga oo ay wehliyeen madax ka tirsan xukuumadda Puntland
oo beryahan safarka ku wehlisay ayaa la shiray saraakiisha
maamulka Galkacyo oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha gobolka
Mudug, Cabdirashiid Cali Xaashi.
Warbixin uu guddoomiyuhu siiyey wafdigaas AU-da (Midowga
Afrika) wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in la shaqeyaan
ciidamadaas iyo madaxdooda.
Colonel Khaliifa wuxuu sheegay inuu aad ugu farxay soo
dhaweynta, horumarka iyo ilbaxnimada ka jirta gobolada
maamulka Puntland, madaxa wafdiga AU wuxuu kaloo sheegay
in marka shira nabadda ee ka socda Nairobi lagu dhiso
dawlad loo dhan yahay, la waydiisan doonto caalamka iyo
Africa in gacan laga siiyo hub ururinta dalka iyo dib
u dhiskaba, isla markaana ay ciidamada Africa degdeg dalka
loo geyn doono oo ay shaqadooda bilaabi doonaan.
Sida la xasuusto sannadkan horaantiisii waxaa gobolada
dalka soo maray wafdi khubaro militri oo ka socday IGAD
iyo AU oo la kulmay dhamaman madaxda ururada iyo maamulada
dalka Somaliya ka jira, halkaas oo ay ugu qaybiyeen foomam
ay ku buuxiyeen qola waliba dhulka ay xukunto, tirada
askarta iyo hubka ay hatystaan iyo fahfaahino kale.
AllPuntland
|