Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

SHIRKA NABADA OO GELAYA WEJIGA SADEXAAD

NAIROBI, [MOL] 25 July 2003- Qabanqaabiyeyaasha Wada hadalka nabada Soomaalida ee ka soconaya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in todobaadka soo socda uu dib u furmayo shirweynaha si loo soo gabagabeeyo wejiga labaad isla markaana loo gudo galo wejiga sadexaad ee ugu danbeeya.

James Kiboi, oo ah Sarkaalka Gudiga farsamada IGAD u qaabilsan siyaasada iyo arrimaha diblomaasiyada ayaa IRIN u sheegay in axdiga KMG ah la soo hordhigi doono shirweynaha todobaadka soo socda si ay ergooyinku uga doodaan.

Kiboi waxa uu sheegay in heshiis uu ka soo baxayo arinta la is ku khilaafsan yahay ee ku saabsan axdiga. “waxaanu heynaa 87 boqolkiiba waxaana hada ka shqeyneynaa 13 ka kale ee haray, waxaanu dooneynaa ayuu yiri marka aan u gudbino shirweynaha inaanu u helno heshiis macquul ah.

Kiboi waxa uu IRIN u sheegay in marka la isku raaco Axdiga KMG ah, uu shirku u gudbi doono wejiga sadexaad ee ugu danbeeya, kaasi oo la rajeynayo ayuu yiri todobaadka soo socda. Wejiga sadexaad waxaa lagu dooran doonaa xubnaha Baarlamaanka qaabka 4.5 ee qabaa’ilka.

Wejigan ugu danbeeya waxaa kale oo ku jiri doona arinta qeybsiga awooda oo noqon doonta mida ugu dhibka badan, sidaasina waxaa IRIN u sheegay mid ka mid ah ergada Soomaalida ee shirka ka qeybgalaya.

"Hogaamiye kooxeed kasta iyo qabiil walba waxa uu doonayaa inuu qeyb weyn helo, waxaana ay qaadan doontaa dadaal badan sidii looga dhaadhacsiin lahaa inay qaataan wax ka yar waxii ay rajeynayeen.

Gudiga farsamada IGAD waxa uu bilaabay inuu keeno madasha shirka hogaamiye dhaqameedyada, ayuu yiri Mr Kiboi, ilaa iyo hada waxaa la keenay 30 Hogaamiye dhaqameed, kuwa kalena waxaa la rajeynayaa todobaadkan dabayaaqadiisa. Kiboi waxa uu IRIN u sheegay in Soomaalidu ay kalsooni ka dareemeyso dhinaca dhexdhexaadiyeyaasha markii la keenay dhamaan hogaamiye dhaqameedyada sharciga ah ee Soomaaliyeed, dhamaana ay si is le’eg ay qabaa’ilku wax u qeybsadaan.

Wejiga sadexaad oo ah midka u danbeeya waxa uu soconayaa sadex ama afar todobaad markaasi oo dawlada KMG ah la dhisi doono sida uu sheegay Mr. Kiboi.

Wada hadalka nabada Soomaalida oo ka bilawday bishii October sanadkii hore magaalada dhinaca galbeed ku taala dalka Kenya ee Eldoret ayaa waxa loo soo wareejiyey Magaalada Nairobi bishii February ee sanadkan.

(DHAMAAD)

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.