Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Maraykanka Ayaa Sheegay Inay Dileen Labadii Wiil ee Saddam Xuseen , Uday iyo Qusay

Ottawa [MOL] 23 July 2003- General General Ricardo Sanchez ayaa sheegay inay Uday iyo Qusay ku dhinteen dagaalkii Masoul shalay ka dhacay Maydkooduna yahay mid lacadayn karo. Generalku wuxuu yiri ilo kala duwan ayaan u adeegsanay inaan xaqiijinoo arrinkaan.

Uday & Qusay

Warkaan ayaa soo baxay ka dib markii ay nolol ku waayeen labada wiil oo loogu sheegay inay ku jiraan guriga ay weerarka ku qaadeen ciidanka Maraykanku, guriga weerarku ka dhacay ayaa la sheegay inuu lahaa nin ay Saddaam Xuseen ilma adeer yihiin oo ka mid ah Isimada Deegaanka Masoul. Waxay kaloo maraykanu sheegeen inay halkaas ku dileen labo qof oo kale oo mid yahay wiil yar oo lo malaynao inuu dhalay Uday, wiilkaas ayaa la sheegay inuu markasta la socon jiray.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u kharaar muddo lix saaca ahna socday, maraykanka ayaa iyagu dalbaday Diyaardaha cirka wax ka dukheeya isla markiiba ka dib markii ciidamadooda lugta fooda galin waayeen guriga ay ku jireen ilma Sadaam xuseen ayna diideen inay si dhiibaan. Waxay kaloo Maraykanku sheegeen inay goobtaas ku qabteen ninkii 34-aad ee ka tirsanaa ragii 55 ahaa ee ay aadka u raadinayeen.

Todobaadka iyo Dhacdooyinka Dunida
MudugOnline.com


Dagaala Ayaa Markale Kasoo Cusboonaaday Caaasimadda Wadanka Liberia

Ottawa [MOL] 23 July 2003- Maalintii afraad ayaa dagaal xoogleh ka socdaa magaalada Manrovia gudaheeda, dagaalka ayaa waxaa isaga soo horjeeda Charles Taylor oo ah Madaxwaynaha Wadanka Liberia iyo Mucaaradka Lurd (Liberians United for Reconciliation and Democracy), dagaladaan waxuu ka danbeeyay kadib markii Charles Taylor uu diiday inuu wadanka ka baxo oo uu aado Wadanka Nigeria oo uu magangalyo Siyaasdeed ka helay wuxuuna yiri wadanka ka bixi mayo tan iyo inta ciidama nabad ilaalin ah oo Caalami ahi ay imaanayaan. Mucaaradku in muddo ah ayay waxay codsanayeen inuu xukunka ka dago Charles Taylor markaas oo uu diidana illaa dagaaladu Caasimadda  kasoo gaaray. Mr Taylor wuxuu ballan ku qaaday inuusan Caasimada ka baxayn uuna dariiq walba kula dagaalamayo Mucaaradka.

Dagaalkan hadda socda ayaa la sheegay inay ku dhinteen 600 oo qof ugu yaraan, dadka maydka iyo dhaawaca ah ayaa waxaa la soo tubay Safaaradda Maraykanku ku leeyayay Monrovia horteeda taasoo ay ula jeedaan inay Maraykanka ku khasbaan inuu soo diro ciidamo nabad illaalin ah. Maraykanka ayaa xoogaa ciidamaa  keenay si ay u ilaaliyaan dadka maraykanka  ka jooga wadankaas wuxuuna sheegay in Ciidamadu imaandoonaan marka ay yimaadaan ciidamada Afrikada Galbeed  ee loo yaqaan Eqwas xabad joojin buuxdaana ay dhacdo, wuxuu kaloo Mayarkanku ku eedeeyey mucaaradka inay jabiyeen xabadjoojintii hirgashay muddo todobaadyo laga joogo.

Maraykanka ayaa caado u leh inuu ka dhago adaygo inuu wax ka qabto meelaha aan maslaxad dhaqaale ama Ciidan ugu jirin, waxaana taas tusaale u ah Liberia oo ah wadanka kaliya ee Afrika ku yaal oo xiriir taariikhi ah la leh Maraykanka maantana uu ku fiirsanayo dayaca iyo nabadgalyo la’aanta.

Todobaadka iyo Dhacdooyinka Dunida
MudugOnline.com


Ninkii Wadanka Ingiriiska U Qaabilsanaa Hubka Iraq oo is Dilay!

Ottawa [MOL] 23 July 2003- Dr. Kelly ayaa isdilay kadib markii guddi loo saaray Hawsha la xiirirta Awoodda hubka Iraq ay Su’aalo ka waydiiyeen Warbixinntii uu Siiyay BBCda, wuxuuna sheegay inuusan ahayn ninka sirta la xiiriita Hubka Iraq u gudbiyay BBCdasi kastaba ha ahaatee dad badan ayaa aaminsan is dilka ninkan inaysan ahayn mid aan Tony Blair ka fara maranayn maadaama uu ahaa nin kaliya ee sirta ugu badan ee ku saabsan hubka Iraq ka hayay dawladda uu madaxda ka yahay Tony Blair. Dr. Kelly ayaa sheegay inay dawladda Ingiriisku ka badbaadisay awoodda hubka Iraq.

Ciidamada Nabadgalyada Oxfordshire ayaa sheegay in Dr. Kelly uu iska jaray xididada Cumaancumaha gacmaha ku yaalla waxay kaloo ka helayn aktiisa kaniiniga kaarka jabiya iyo mindi, waxay Ciidamadu sheegeen inuu isagu isdilay.

Mudanayaal ka tirsan xisbiga Liberalka ee Tony Blair ayaa sheegay in loo baahanyahay in Tony Blair is casilo si loo badbaadiyo sumcadda xisbiga oo haatan ka hoos martay Xisbiga la tartanma ee Muxaafidkaa, dadka Ingiriiska intooda badan ayaa rumaysan in Dowladda Tony Blair khiyaamysay wadanka, Tastuurkana ku tumatay.

Waxaa raga siayasadda ka faaloodaa sheegeen inaan sinnaba Tony Blair uga fakanayn geerida Dr. Kelly maandaama uu ahaa khabiirka dawladda u qaabilsan sirta ku saabsan Hubka Iraq uuna sheegay in arrinta la been abuuray fartana uu ku taagay ninka dawladda u qaabilsan xiriika Mr Campbell, Wasiirka Gaashaandhiga  Geoff Hoon  iyo Tony Balir laftiisa.

Todobaadka iyo Dhacdooyinka Dunida
MudugOnline.com


Tony Blair oo Khudbad U jeediayay Labada Aqal ee maraykanka looga Taliyo

Ottawa [MOL] 23 July 2003- Prime Ministerka Wadanka Ingiriiska Tony Blair ayaa khudbad Taariikhi ah  u jeediay Labada Aqal ee Wadanka Maraykanka Looga Taliyo ee Kala ah Mudanayaasha , iyo Golaha Adoyaasha. Waa markii Seddexaad ee Prime Miniter Ingiriis ahi la hadlo labaadaas gole, Prime Ministerkii ugu horeeyay wuxuu ahaa Church Chill oo  wadanka Ingiriiska ka talinayay dagaalkii labaad ee dunida (Wolrd War II) oo isagu saddex jeer khudbo u jeediyay labada Gole ee aMaraykanka, kii labaadna waxay ahayd Margaret Thatcher oo iyaduna Prime Ministerkii labaad ee fursadaas la siiyo noqotay , Tony Blair ayaa isagu noqday Prime Ministerkii Seddexaad wuxuuna helay fursaddaan mar ay dacwad kaga furantahay wadankiisa gudihiisa, dacwadaas ayaa la xiriirtay inuu marin habaabiyay Maamulka wadanka kadib markuu been ka sheegay Hubka ay Iraq haysato, dhawr jeerna uu warbixin sir ah oo been abuur ah u gudbiyay Wadanka Maraykanka oo isgu ahaa Wadanka kaliya ee doonayay mar inuu mar marsiiyo u helo doodiisa ku aadan Iraq.

Hadaladuu khubdiisa ku so qaatay ayaa waxaa ugu mihiimsanaaMaraykanka waa inay dunida dhagaystaan isla mar ahaantaasna hogaamiyaanoo uu ula jeeday in Maraykanku dhumiyay saxiibadiisii aduunka ka dib markuu go’aan kaligiis ah ka qaatay wadamada Iraq iyo Afghanistan, isla mar ahaantaasna waxaa hadalkaas loo qaatay inuu ku gudbinayay in Maraykanku xaliyo xurgufta dhexmaratay isaga iyo wdanamada Yurub (European Union)

Waxaa kaloo Tony Blair ka codsaday madaxwayne Bush seddex ka mid ah Nimanka maxaabiista ah ee ku xiran Guantanamo Bay in lagu maxkamadeeyo Wadanka Ingiriiska ee laga daayo Maxkamadda Qarsoon ee Millatariga Maraykanka, Tony Blair kamuu helin Bush jawaab qancisa, Bushna wuxuuu u sheegay inay maxkada Caddaalad ah la saari doona nimankaas.

Todobaadka iyo Dhacdooyinka Dunida
MudugOnline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.