Boosaaso [Radio Midnimo]
22 July 2003- Madaxweyne ku xigeenka DGPL Maxamed Cabdi
Xaashi ayaa maata soo saaray wareegto uu isugu bedelayo
Wasiirada Maaliyada iyo Caafimaadka.
Wasiirka Maaliyada C/raxmaan Maxamed Faroole ayuu u wareejiyey
Wasaarada Caafimaadka, iyadoo uu Wasiirkii Caafimaadka
Siciid Maxamud Caduurna u magacaabay Wasiirka Maaliyada.
Lama yaqaan sababta dhalisay isku bedelka Labada Wasiir
iyadoo ay wakhtigaan Golaha Xeer Dejintu ay u fadhiyaan
siday u ansixin lahaayeen Golaha Wasiirada oo wakhti badan
dhaafay xiligii ay Goluhu ansixin lahaayeen Wasiirada
Dowladda.
Tallaabadan uu qaaday Ku Xigeenka Madaxweynaha ayaa dad
badani ka caraysiisay, wararka ka imaanaya magaalada Garoowe
ayaa sheegaya in arrintani ay salka ku hayso arrimo la
xiriira dhinaca dhaqaalaha, iyadoo toddobaadyadii la soo
dhaafay ay golaha Xukuumadu si weyn uga shirayeen dhaqaale
xumo soo food saartay Maamulka DGPL, iyo weliba dhaliil
loo soo jeediyey ciidamada Booliska ee ka howl gala gobolada
marka laga reebo G/bari.
Warar laga helayo ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in ragga
ka ganacsada lagaha la soo been abuuray ay dadaal ugu
jiraan siday gobolka u keeni lahaayeen Boqolaal Bilyan
oo Shilinka Somaliga ah oo la soo been daabacay, qorshahan
oo la filayey in uu hirgalo 18 bishii Juun ayaa dib u
dhacay.
Waxaa jira heshiis qarsoon oo Maamulku la galay nimankaa,
marka ay lacagaha soo daabacaan in ay ku soo wareejiyaan
gacanta maamulka, dabadeedna uu u baxo si qorshesan oo
saami wadaag ah.
Ragga ugu cad cad ee lacagahan ka faashleeya ayaa wararku
sheegayaan in ay ka biyo diidsan yihiin Wasiirka Maaliyada
ee xiligaan C/raxmaan Maxamed Faroole, tanoo keentay in
ay dib u dhigaan in ay gobolka keenaan lacagahaas.
Warar aanu ka helnay ilo lagu kaloon yahay ayaa sheegaya
in toddobaadyadii la soo dhaafay si weyn loogu dheg taagayey
magacaabista wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo
ah dalabka nimanka lagacaha soo daabaca oo iyagu go’aankooda
ku adkaystay in Siciid Caduur Wasiirka Caafimaadka oo
horay u ahaan jiray wasiirkii Maaliyada aqoon iyo xiriir
fiicana la lahaa Lacag soo sameeyayaasha loo magacaabo
xilkaas, markaasna ay keeni doonaan lagacaha oo iyagu
diyaar ah.
Wasiirka Caafimaadka Siciid Caduur ayaa ka gaabsaday
in uu fuliyo dhaartii la mariyey Golaha Wasiirada, mudo
bilo ahna aan wax shaqo ah qaban, hase yeeshee mar danbe
ku soo laabtay madasha golaha Wasiirada.
Arrintu siday doonto ha ahaatee, Tallaabada isku bedelka
Labada Wasiir ayaa dhalisay shaki iyo muran ka dhex aloosmay
Maamulka dhexdiisa, taasoo ay qaar qabaan in aysan waafaqsaneyn
sharciga Puntland u degsan, kaasoo u ogolanaya Madaxweynaha
oo keliya in uu isagu waxna magacaabi karo waxna ruqseyn
karo, balse uu la talin ku leeyahay Madaxweyne ku xigeenku
ee uusan ninka xilkiisa ka qaadi Karin, qaar kale ayaa
tilmaamaya in xiligaan oo uu socdo shirka dib-u-heshiisiinta
ee rajada laga qabo in dowlad Soomaaliyeed lagu soo dhiso
aysan habooneyn in wax la gacmo gacmeeyo, waxaa kaloo
badan rag maamulka ka tirsan oo tallaabadaan u arka abuuris
qalalaase siyaasadeed oo lagu duminayo maamulka DGPL,
xataa Golaha Xeer Dejinta ayaa lagu soo waramayaa in ay
arrintaan ku kala jabeen.
Wararkii u danbeeyey ee Garoowe naga soo gaaraya ayaa
sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/laahi Yuusuf Axmed
oo ku sugan madasha shirka dib-u-heshiisiinta Mpegati
ee dalka Kenya uu xiriir la soo sameeyey Ku-xigeenka Madaxweynaha
Maxamed Cabdi xaashi uuna u sheegay in uu ka noqdo qoraalkaas.
Warku wuxuu kaloo intaas ku darayaa in C/raxmaan Faroole
uu weli si caada ah u wato shaqadiisa, ayna soo gaartay
Puntland warqad qoraal ah oo ka timid Madaxweynaha DGPL
C/laahi Yuusuf Axmed, warqadaas oo uu ku caddeynayo in
aan waxna la kala bedeli karin, wuxuuna xusay in Madaxweyne
ku xigeenku uusan arrintaas kala tashan, sharcina aysan
aheyn.
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com
|