Boosaaso [MOL] 21 July
2003-Sida ay sheegayaan warar ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada
Puntland ee Garoowe, waxaa saaka xilkii uu ka hayay wasaaradda
Maaliyadda Puntland laga wareejiyay Wasiirkii Wasaaradda
Maaliyadda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole laguna
wareejiyey Siciid Caduur oo horay u ahaan jiray wasiirka
wasaaradaasi tasoo ka danbaysay markii sida laga helaayo
ilo xog ogaal ahi ay sheegayaan in raga soo daabaca lacgaha
been abuurkaa ay ka ashtakoodeen wasiirkaasi iyagoo ku tilmamay
nin ka soo horjeeda arimahadooda, Waxaa iyana jira warar
sheegayay sababta loo badalay Faroole ay la xiriirto dhaqaale
xumo soo faadsaartay DGPL laguna eedayay wasiirka maamul
xumo.
Dhanka kale warar kale ayaa sheegaya in Wasaarada Maaliyadu
noqotay meel ay tar tan u galaan dad badan iyadoo loo
arko in nafac badan ka soo galayo qofkii iyo beeshii hesha
jagadaas. Waxaa caada ka ah Puntland in si cad loo xado
xoolaha Dawlada iyadoo waliba lagu amaano wasiirka ka
nooleeya tolkiis hadba wasaarada uu hayo. Horumar la'aanta
Puntland ayaa waxaa sababay musuqmaasuqa iyo eexda oo
aan ahayn wax laga xeshoodo.
Mudugonline.com
weriye C/risaaq Sheekhaduun
JAMHUURIYADA
SOMALILAND OO SOO SAARTAY DIGNIIN
NAIROBI, MOL] 21 July 2003- Maamulka Jamhuuriyada Somaliland
ayaa soo saaray war saxaafadeed digniin ah oo ku aadan
cid walba oo isku dayda inay ka matasho Somaliland shirka
Nabada Soomaalida ee ka soconaya dalka Kenya.
War saxaafadeedka oo soo gaaray IRIN isniintii ayaa lagu
sheegay in Somaliland ay uga digtay hogaamiyeyaasha Soomaalida
iyo beesha caalamka inay ka fogaadaan ficil kasta oo kasoo
horjeeda ama wax loogu dhimayo Somaliland.
"Hadii cid sheegato inay matalayso Dawlada Somaliland
ama dadkeeda oo laga tixgeliyo shirkaasi nabada Soomaalida
ee iminka ka socda Kenya, waxaa Dawlada Somaliland ay
si rasmi ah halkan uga cadeyneysaa in taasi ay wax u dhimi
doonto wada hadal mustaqbalka dhexmara Somaliland iyo
Dawlad sharci ah oo mustaqbalka ka dhalata Soomaaliya,
sida warbixintu sheegtay.
Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Cabdillahi Muhammad
Ducaale, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay soo dhaweyneyso
heshiis kasta oo dhexmara kooxaha Soomaaliya, laakiin
aanay wax shaqo ah ku lahayn.
Qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha Soomaalida ee ka qeybgalaya
wada hadalka nabada ee ka soconaya Kenya ayaa soo jeediyey
in tiro ergo dheeraad ah la qoondeeyo si ay u matalaan
Somaliland, iyagoo ku celceliyey in Somaliland ay kasoo
qeyb gasho hanaanka nabada.
Ducaale waxa uu IRIN u sheegay in go’aanka Somaliland
uu mar walba ahaa mid cad "marnaba kama aynaan mid
noqon shirarka Soomaalida mana laga yaabo inaan ka qeybgalno
midkan iyo kuwa mustaqbalkaba" ayuu yiri Wasiirka.
War saxaafadeedka Somaliland waxa lagu sheegay in maamulku
diyaar u yahay inuu ka qeybqaato wada hadal dhexmara laba
dawladood oo isku mid ah, hadii Dawlad Soomaaliyeed oo
sharci ah si dimuquraadi ah loo soo doorto.
Somaliland, oo ah gobol uu horey u gumeysan jiray Ingiriiska
waxa ay ku dhawaaqday inay ka madax banaan tahay Soomaaliya
inteeda kale sanadkii 1991 balse weli ma aanay helin Aqoonsi
caalami ah.
»»Warsaxaafadeedkaas
oo af ingiriis a halkaan ka aqriso»»
Mudugonline.com
weriye C/risaaq Sheekhaduun
Iska hor-imaad
saaka ka dhacay Gaalkacyo
Gaalkacyo (AllPuntland) - Saaka waxaa hiirtii
waabari ka dhacay dhanka koofureed ee magaalada Gaalkacyo
(barta koontaroolka magaalada) iska hor imaad hubeysan.
Ciidanka Booliska magaalada iyo maleeshiyo ka tirsan
dhinaca koofureed ee gobolka Mudug, ayuu u dhexeeyey isku
dhacu, waxaana la xaqiijiyay inuu hal qof ku dhintay ayna
ku dhaawacmeen ugu yaraan shan qof.
Sababta iyo cidda bilowday dagaalku wali ma cadda.
Maahan markii koowaad oo isku dhac noocaas ahi ka dhaco
goobtaas oo ay daggan yihiin ciidan boolis oo ka tirsan
ciidanka Dowlad-gobleedka Puntland.
Sababta ugu badan oo iska hor imaadyada ka dhalisa meeshaas
ayaa la rumasyan yahay inay tahay, goobtaas oo ku taala
u dhexeysa labada dhican.
AllPuntland
|