DHABTA IYO
DHALANTEEDKA HABKA FEDERAALKA
M. Dalmar
Dhalanteedka: Habka
federaalku wuxuu kala googooynayaa
dalka, wuxuuna
lid ku yahay midnimada
qaranka.
Dhabta: Federaalku
ma kala googooynayo dalka. Bil caksi, federaalka waxaa loo arki
karaa xal
dhexdhexaad ah oo la isugu soo dumi
karo gobollada
iyo belaaha kala
tagay ee
Soomaaliyeed. Federaalku ma sameeyo dawlado
kala gaar
ah, balse wuxuu baahiyaa
awoodda xukunka
oo uu gaarsiiyaa
gobollada iyo
degmooyinka. Habka maamulka mideeysan
(unitary) isaga qudhiisuu
wuu baahiyaa awoodda.
Farqiga
labada u dhexeeyaa waxaa weeye, habka
federaalka ah, baahinta
awooddu waxay ku
timaada heshiis,
waxaana lagu qeexaa
distuurka. Habka maamulka
mideeysanse, baahinta
awooddu waxay ku
xiran tahay
doorashada dawladda dhexe iyo hadba
intii xilal
ah ooy u wakiilato gobollada. Waxaa moodaa in federaalka
lagu khaldayo
habka konfederaalka oo ah mid ka kooban ah dawlado kala madax
bannaan, haseyeeshee,
wadaaga dano qaarkood
sida lacagta,
xeerka socdaalka iwm. Haddii dhabahaan loo
qaato hadbka federaalka
ah, waxaa dalka
ka jiraya hal dawlad
qaran oo
keliya ah sida Maraykanka, Kanada iyo dalalka kale ee ku dhaqma
habkaan. Waxaa intaas weheliya,
habka federaalka
waxaa loo jaangooyn
karaa hadba
sidii ugu habboon
ee loogaga
hirgelin karo Soomaaliya,
waxaana lagu
talagali karaa inuu tadawur qaadan
karo isagoo
la saanqaadaya duruufaha dalka.
Dhalanteedka: Federaalku
wuxuu dhiirigalinaya qabiilka, maadaama gobolladu isu raacayaan
hayb qabiil.
Dhabta: Siday
degmooyinku isu oggol yihiin
ama isu
raacayaan kuma
xirna habka la qaadanayo ee waxay ku
xiran tahay
garashada, kalsoonida iyo biseeylka bulshada.
Qabiilku,
sida la ogsoon yahay, waa dhaqan
ku xidideeystay
mujtamaca Soomaaliyeed oo ka facweeyn nidaamyadaan casriga ah sida federaalka, maamulka mideeysan iwm. Qabiilku waa kan hadda
la go’aansaday in lagu
saleeyo dhismaha dawladda cusub. Haddaba, la iskuma heli karo
in qabiilka marna
la dareensado marna la dugsado.
Dhalanteedka: haddii
maamulka lagu baahiyo gobollada
waxaa la gaaraya
horumar.
Dhabta: Magac
la qaatay laguma gaaro horumar.
Horumarku
kuma yimaado hab
la qaatay oo
keliya ee wuxuu
u baahan yahay
ficil dhab ah, dadaal dheeri ah iyo daacadnimo. Wuxuu u baahan yahy hoggaan toosan,
maamul aan
musumaasuq lahayn iyo qorshe cilmiyyesan
oo ku
wajahan horumarka
dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaa jira
dawlado qaatay
habka federaalka oo dib u dhacay iyo kuwa ku
horumaray. Waxay isku
dhaafeen waa
tacab, tacliin iyo tashiil.
Dhalanteedka: Federaalku
waa hab cusub oo
aan weli
la tijaabin, sidaas daraadeedna waxaa shaki ku jira
dhaqangelintiisa.
Dhabta: Haddii
dhabahaan loo darso, federaalku
ma cusba. Waxaa la baahiyey awoodii
maamulka ee
hawlihii iyo adeegyadii
waa isla
kuwii. Haddaan mitaal u soo
qadanno, dugsiyada waxaa awal laga
maamuli jirey
magaala-madaxda. Haddii federaal
la qaato dugsiyadu
waxay hoos imaanayaan
gobollada. Marwalba hawlihii
waxbarashadu waa
isla kuwi. Haddii
daacad laga yahay
wax kasta waa
la higelin karaa. Sida Ingriisku ku maahmaaho: Haddii
niyadi jirto
farsamo lama waayo. Teeda kale, hirgelinta habkaan waxaa lala kaashan
karaa aqoonyahannada
Soomaaliyeed oo tirada badan, iyo
beesha caalamka
oo taakuleeyn, iyo talabixin diyaar
la ah. Waxaase la isweeydiin karaa,
haddii aan
hab cusub la tijaabin
oon la baadigoobin,
ma waxaa la rabaa in dib lagu noqdo hab-ku-sheeggii
sababay masiibada
manta taagan.
Dhalanteedka:. Haddii la qaato federaalka
oo awoodda
la baahiyo, waxaa laga badbaadi doonaa
diktatooriyad.
Dhabta: Federaalka
oo la qaataa damaanad uma aha in laga badbaado diktatooriyad. Diktatooriyadda
waxaa laga badbaadi
karaa markay
jiraan hay’ado dawladeed oo rasmi
ah oon maqaarsaar
ahayn, sida garsoor
madax bannaan,
barlamaan awood leh, doorasho xor
ah, saxaafad xor
ah, sharci loo siman
yahay iyo
dadweeyne wacyi leh oo xisaabtamaya.
Qoraaladii Hore ee mohamed Abdurahman:
»»SOOMAALIYA
IYO HABKA FEDERAALIGA AH
»»FAALO:MAXAA
SABABA DAGAALLADA SOKEEYE?
»»MONETARY
EXPERIENCE OF SOMALIA...What
lessons we can learn from past experience
»»MAXAA
LOOGU DAGAALAMAYA PUNTLAND?
Mohamed abdurahman
mdalmar@sympatico.ca