Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Abwaankii Hadraawi oo booqasho ku tagay Kismaayo

Ottawa [MOL] 19 July 2003- Abwaano dhawr ah oo uu horkacayo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa socdaal ku tagay magaalada Kismaayo ee ay xooga ku haystaan isbahaysiga Dooxada Juba oo ka kooban beelaha Cayr ee habar gidir iyo beesha Mariixaan.,Safarkaas oo ujeedadiisa lagu sheegay Safarkii Olelaha nabadeynta ayaa Hadraawi waxaa magaalada ku soo dhaweeyay xoogaga Isbahasiga Jubba oo uu horkacayo Barre Hiiraale. Hadraawi ayaa asbuucyadaan waxuu safar ku joogay magaalada Muqdishu.

Illaa hadda ma cadda ujeedada dhabtaa ee abwaan hadraawi iyadoo dad badan isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Abwaanka oo Somali oo dhan Caan ka ah lana garanayn sababta u geysay in uu xilligaan Kismaayo tago iyadoo dadkii magaalada lahaa ku jiraan gumaysi iyo gumaad joogta ah. Booqashada Hadraawi ayaa waxay siinaysaa dhiirigalin kooxaha xooga ku jooga magaalada inay waxa ay samaynayaan sax yihiin kuna sii dhiiri galin doonta gumaadka iyo bililiqada ay ka wadaan magaalada Kismaayo.
MudugOnline.com


Boosaaso: Gacan ku dhiiglayaal lagu qisaasay Maanta Bosaaso

Bosaaso [MOL] 19 July 2003- Waxaa maanta toogasho qisaas ah lagu fuliyey askar dhan sedex askri oo ka tirsanaa ciidanka qalabka sida ee maamulka Puntland kuwasoo horay u dilay qaar kale oo ka mid ahaa ciidanka Puntland. go'aanka dilkaasi ayaa waxaa xakumay maxkamda ciidanka puntland.

Raga qisaasta lagu fuliyey ayaa waxaa ka mid ahaa nin dilay askari ahaa dadka loo yaqaan jareerta ee dega K/Somaliya oo ka tirsanaa ciidanka puntland.

Goobta toogashdu ka dhacaysay manata ayaa waxay ahayd meel fagaare ah waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socota mamaulka o isugu jira kuwa amniga iyo dadwayne aad u farabadan. masuuliyiinta goobtaasi timi ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka duqa magaalada boosaso taliyaha qaybta boliska puntland iyo masuuliyiin kale.

Raga qisaasta lagu fuliyey ayaa waxay kala ahaayeen:

1. Axmed Cabdi Yuusuf

2. Deeq Barre Shiikh

3. Axmed Maxamuud Faarax

Qisaata noocaan ah yaa waxaa ku qancay dadweynaha reer Boosaso o u arka mid sharci ah qaar ayaa waxay ku tilmaameen in aanay dhici doonin dad ciyaar loo dilo mar danbe.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


WADAMADA SAFKA HORE OO SHEEGAY INAY KA MIDEYSAN YIHIIN ARINTA SOMALIYA.

NAIROBI, [MOL] 19 July 2003– Wadamada safka hore la isku yiraahdo ee xuduuda la leh Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay ka mideysan yihiin dadaalka ay ku doonayaan in lagu guuleeysto wada hadalka nabada Soomaalida ee ka socda dalka Kenya, sidaasina waxaa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaarada Arrimaha dibeda ee Kenya.

Warkan ayaa waxa uu daba socday sida uu ku waramay Wasiirka Arrimaha dibeda Kenya Kalonzo Musyoka hadal dhawaan ay sheegtay saxaafada oo sheegayay in ay wadamada safka hore ee Kenya, Djibouti iyo Ethiopia ay ku kala qeybsan yihiin arrinta Soomaaliya. Wasiirku waxa uu sheegay in ay ku boorinayaan kooxaha Soomaalida ee shirka inaanay qaadin wax talaabo ah oo Qatar gelin kara wada hadalka oo haatan gaaray heer xasaasi ah.

Kalonzo Waxa uu uu sheegay in Dawlada Kenya ay sii wadi doonto dhexdhexaadinta wada hadalada nabada Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo mar kale sheegay in dawlada Kenya ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato ciidamo kasta oo nabad ilaalineed oo Soomaaliya la geeyo.

Dhinaca kale waxa uu beeniyey wararka sheegaya in Kenya ay isku dayayso inay dhexdhexaadiso xiriirka aan fiicneyn ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia. Warbixin kale oo gaar ah ayuuna ku sheegay in Kenya marnaba aan la weydiisan inay dhexdhexaadiso labada wadan ee deriskeeda ah.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Kismaayo oo khatar dagaal qarka u saaran

Kismaayo, (AllPuntland)- Xaalada magaalada dekeda ah ee Kismaayo ayaa aad u kacsan tan iyo shalay ka gadaal markii xilalkii ay hayeen laga qaaday xubnihii ku sugnaa labada ilood ee dhaqaalaha laga helo magaaladaasi.

Maleeshiyooyin iyo saraakiil ka soo jeeda beesha Habar-Gidir ayaa la wareegtay xilalkii iyo mas'uuliyadii maamulka Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha magaalada, kuwas oo lagu badalay kuwii horay u joogay, lama yaqaan sababta keentay isbadalka.

Arintaas waxaa ka gadooday beesha Mareexaanka oo Maleeshiyooyin beeshaas ka tirsan ay shalayba xirteen dhigteena jidgooyooyin wadooyinka magaalada, goobahaas oo lagu baarayo wixii soo mara lagana qaadayo lacag.

Shalay iyo xalay waxaaa yaraaday isu socodka gudaha magaalada arintaan darteed, xaalada ayaana gaartay halkii ugu saraysay oo cabsi xoog leh laga qabo inuu yimaado isku dhac keena dagaal qarxa saacad kasta, haddaan la xalin arinta khilaafka abuurtay.

Isbahaysi ka kooban labada beelood ayaa bartamihii 1999-kii dagaal weerar ah oo ay kusoo qaadeen deegaankaas kula wareegay gacan ku haynta magaalada, iyadoo xiligaas wixii ka dambeeyay ay magaalada ka dhacayeen dagaalo dad badani ku dhinteen oo isku dhacyo beelaha wada haysta halkaasi ay sabab u ahaayeen.

AllPuntland


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.