Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Nolosha Somalida ku Nool Dalka Canada

Ottawa [MOL] 19 July 2003- Somalida Dalka Canada ku nool hadda waxay maraysaa xilli kala guur ah oo ay badankoodu la qabsadeen nolosha iyo nidaamka wadanka isla mar-ahaantaasna waxay hadda bilaabeen inay dhex galaan bulshada wadanka kana dhexmuuqdaan qeybo badan oo ka mida ah bulshada ay la nool yihiin. Waxay bilaabeen in ka mid noqdaan Xisbiyadda Siyaasadda wadanka gaar ahaan xisbiyadda Liberalka iyo National Democratic Party (NDP), waxaa kaloo soo badanaya dhalinyarada qoranaysa Ciidanka Qalabka Sida (Military) iyo Ciidamada Nabadgalyada (Police) intaba. Waxaa magaalada Toronto iyo Ottawaba ka mid ah Ciidamada Nabadgalyada Dhalinyaro Somali ah oo aad u firfircoon kuwa kalena waxay galayaan dhawaan taasi oo ku tusinaysa in Somalidu bilowday inay wax ku yeeshaan wadanka Canada iyadoo Somalida intooda badani ay daganaayeen wadanka muddo 20 sanno ku dhow

Waxaa kaloo iyadana Dhalinyarada Somalidu si wayn uga muuqdaan Jaamacadaha, Collegeyada iyo Goobaha shaqada taasi oo mujtamaca Caddaankaa ee wadanka u badan ay la noqotay la yaab in wiilal iyo gabdho hooyooyinkood kaliya(single mothers) koriyeen ay maanta kula tartamayaan nolosha hadii ay ahaan lahayd shaqo ama waxbarasho mid walba, waxaana siyaasiyiinta badankoodu muujiyeen in Somalidu ay aad uga fiican tahay dadka madowgaa ee ay Somalida midabka wadaaga yihiin ayse ku kala duwan yihiin diinta iyo dhaqanka haddii ay noqon lahayd horumarka ay ku tilaabsadeen muddadii yarayd ee ay wadankaan joogeen taas oo loo tirinayo Somalida oo isla weyni u dhalatay oo aan cidna marti ugu noqonayn inay wadanka wax kala soo baxaan. Waxaa iyaduna markhaati ma doonta ah in Gabdhaha Somalidu ay wiilasha dhan walba kaga fiicanyihiin haday ahaan lahayd shaqo ama wax barasho inkastoo ay jiraan gabdho Somaliyeed oo beerta galay rag ajaanabi ahna ay qaarkood la noolyihiin diintii iyo dhaqankoodiina dayacay misana intooda fiican markii loo eego wiilasha waxay dheeryihiin baac.

Dhalinyarada Somalidu waxay ka midyihiin dadka ugu danbi galka badan marka la eego danbiyada yar yar ee ay ka midka yihiin dagaalka, Gaari Jabsiga, xatooyada dukaamada, cabidda iyo gadidda xashiishka intaba waxaana lagu qiyaasaa inay yihiin boqolkiiba 40% dhalinta danbiyada yar yar loo geeyo xabsiyada gaar ahaan Magaalooyinka Toronto iyo Ottawa. Sababo badan ayaa dhallinyarada ugu wacan inay danbiyadaas galaan oo ay ka mid tahay Somalida oo aan lahayn hal urur oo daryeelkooda u taagan sida qowmiyadaha kale ee wadanka uga soo horeeyay, dhalinyaradda oo intooda badani yimaadeen iyagoo dhaafay xilligii Schoolada hoose lagu layliyilahaa badankoodna ay Schoolka ka billaabeen Fasalka Sagalaad iyo ka kor oo ah mid aan waalidku fara galinkarin heerka waxbarasha caruurtiisa sida dugsiyada hoose, dhalinyarada oo khalad ka fahantahay xorriyadda ay leeyihiin khaasatan midda u saamaxaysa hadii ay waalidka nacaan inay la noolaadaan inay helayaan Hay'ado caruurta qaatta oo markaas u saamaxaya caruurta inay falalka xun xun ee dhaqanka iyo diinta Islaamka ka so horjeeda inay ku barbaaraan iyo caruurta oo badanaa la nool hal waalid siiba hooyada (Single Mother) oo aan luuqadda iyo dhaqanka wadanka midna waxba kala socon dabadeedna markay tiraahdo wiilka ama gabadha xagee ka timid saacaddan uu ugu jawaabo hooyo Maktabadda akhriska ayaan ka imid (Library) kadibna uu saas ilmihii ku barto akhlaaq xumo dhalisa inuu xabsi ku abaado ama uu guriga uga cararo.

In badan oo ka mid ah dhalinyada Somalida ayaa waxay ku jiraan Isbitaalada Maskaxda iyagoo u galay sababo la xariira daroogada oo ay iska badiyeen, mararka qaarkoodna waxaad ku arkaysaa calaamadihii lagu yaqaanay dadka jinniga ama mingiska qaba, aqoon la'aanta Somalida ka haysata Daroogada ayaa iyana sii kordhinaysa in dhalinta lagula tacaalo dawooyinka ama quraan akhris aan waxba ka qabananayn xanuunkooda maadaama aysan la xiriirin sidii dhiigooda looga nadiifin lahaa daroogada ku jirta.

Dumarka Somalida ayaa laftigooda arkaysaa inay xoogaa dhaqankii ka durkayaan marka la eego Dhanka labiska la dhaqanka ragga iyo siday ula qabsadeen dhammaan caadooyinka wadanka. Waxaa kaloo dumarka Saomalidu bilaabeen inay Cabbaan Badeecada (waa tubaako laga cabo wadamada Carabata gaar ahaan Khaliijka) mararka qaarkoodna waxay ku darsadaan daroogo si ay ugu doorsoomaan.

Ragga Somalida ayaan ahayn laftigoodu kuwa ka soo baxa kaalintii lagu yaqaanay, markay wadankaan yimadeen ayaa in badan oo ka mid ahi waxay bilowday inay makhaayadaha ka sheekeeyaan ama qaad cunidda ku saaqiddaan in badan oo ka mid ahina caruurtoodii ay Schoolada ka tagday caawimaad ay aabayashood ka waayeen awgeed. Waxaa kaloo iyadana ay ciyaaraan bakhtiyaa nasiibka (Lottery) iyo Khamaar oo qaarkood ka dhameeyay xoogaagii cayrtu siisay ama ay shaqeeysteen.


Dhinaca ganacsiga Somalidu waxay leedahay meherado kala duwan oo isugu jira Kawaanno, Timajarayaal, Makhaayado, Dukaamo dhar, Rugaha Camamiska, Rugaha Tigidhada Diyaaraha laga Goosto iyo goobo ganacsi oo kale. Markaad guud ahaan eegtitid Ganacsiga Somalidu maaha mid gaara ama soo jiita Qowmiyadaha ka Baxsan Somalida oo wuxuu ku egyahay iyaga, sababo badan ayaa loo aaneeynayaa Somalida ganacsigeedu inuu ku ekaado dhexdaada oo ay ka mid tahay Somalida oo aan lahayn contooyin kala duwan oo ay ku soo jiitaan dadka ajanabigaa sida ay Qowmiayadaha Turkga iyo Carabtu ay u leeyihiin cunnooyin fara badan oo kala duwan oo markay wadamadaan yimaadeen ay ganacsigooda ku fidiyeen, sidoo kale Somalida ganacsigeedu malaha bilic soo jiidata dadka Somalida ka baxsan sababtuna waa iyagoon marka horeba ku talo galin dad iyaga ka baxsan inay u yimaadaan.

Somalidu waxay kaloo leeyihiin aadna ugu shaqaystaan Gawaari tagaasi ah oo ay ku shaqaystaan inkastoo in yar oo ka mid ahi leeyihiin sharciga tagsiga hasayeeshee badankoodu way kiraystaan gaariga ama sharciga intaba.


Guud ahaan waxaad orankartaa Somalidu waxay isu diyaarinayaan inay ka mid noqdaan mujtamacyada ku nool Canada kana dhex muuqdaan bulshada ay wadanka ugu yimaadeen.


Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.