Ottawa [MOL] 18 July 2003- Madaxwaynaha Wadanka Maraykanka
ayaa waxaa soo food saaray eedayn xoogleh oo ku saabsan
duullimaadkii wadanka Iraq oo uu cuskaday warbixino been
abuur ah oo ay Sirdoonka Maraykanka iyo Ingriisku ka been
abuureen Wadanka Niger, Mudanayaal Democratic ah oo ka
tirsan Aqalka Odayaasha ayaa waxay sheegeen in madaxwaynuhu
dhumiyay kalsoonidii looga baahnaa wakhtiga dagaalka iyo
la dagaalanka argagixisada isla mar ahaantaasna uu wadanka
Maraykanka usoo jiiday magac xumo iyo in been abuur lagu
barto iyadoo bay yiraahdeen aan illaa iyo hadda la hayn
wax caddayn ah oo tilmaamaya in Iraq ay haysatay hubka
lagu eedaayay ee aad wax u gumaada.
Sidoo kale waxay odayaashu
sheegeen warbixintii uu madaxwaynuhu ka jeediyey Khudbad
Sannadeedkii 2003 iyo midii Colonel Powel ka jeediyay
Golaha Qaramada Midoobay ay kala duwanaayeen iyadoo bay
yiraahdeen madaxwaynuhu Isticmaalay warbixinta Sirdoonka
Colonel Powelna uu ka gaabsaday inuu isticmaalo, iyadoo
labada Khudbo asbuuc kaliya uu u dheexeeyay.Waxaa kaloo
isaguna tilmaamay eedaynta Iraq inay been tahay Hogaamiyihii
hore ee Baarayaasha Hubka Iraq Mr, Henis Blex oo ku tilmaamay
warbixinata sirdoonka Maraykanak iyo Ingiriiska kuwa xaqiiqda
ka fog. Codbixin dhawaaan laga qaaaay dadka Maraykanka
ah ayaa tilmaamaysa in boqwolkiiba konton in ka badan
dadka Maraykanku inay rumaysanyihiin eedayntii madaxwaynaha
ee wadanka Iraq inay been abuur ahayd, aftida ayaa intaas
ku dartay inay dadku hadda wixii ka danbeeya ay tahay
inay si aad ah isaga fiiriyaan Go'aamada Madaxwayne Bush
iyo Maamuulkiisa Muxaafidkaa.
Madaxa Sirdoonkla Maraykan
ka George Tennet ayaa sheegay in madaxwaynuhu Isticmaalo
warbixinta beentaa inuu isagu ka mas'uul ahaa inkastoo
Joornaalka Washington Post uu sheegay in Madaxwaynaha
Khudbaddiisa ay CIA-du ka saartay warbixinta tilmaamaysa
in Iraq Niger ka dalbatay macdanta Uraniumka. Si kastaba
arrintu ha ahaatee waxaa haatan dunida u cadaatay in Maraykanku
uu yahay galigi taliye xoog badan oo manaxe ah.
Todobaadka iyo Dhacdooyinka
Dunida
MudugOnline.com
North Korea
oo Mar kale Asbuucaan Sheegtay Inay kor u Qaaday Quwadeeda
Nuclearka
Ottawa [MOL] 18 July 2003-
Siyaasiyiin Ka Tirsan Wasaradda Arrimaha Dibadda ee Wadanka
Maraykanka ayaa sheegay inay warbixin ay u soo Gudbiyeen
Siyaasiin North Korea ah ay sheegayso inay North Korea
ay haatan haysato 8000 oo ah tuubooyinka laga sameeyo
Qumbulo Duriyaha taas oo North Korea u saamaxaysa inay
illaa lix madax oo hor leh samaysato halkii markii hore
loo malaynayay labo madax kaliya inay haysato.
Warbixintan ayaa naxdin iyo
lama filaan ku noqotay maamulka Madaxwayne Bush waxay
kaloo hubin la'yihiin inay North Korea arrintaan ula jeedo
inay maraykanka lacag baad ah uga hesho qorshaha ku saabsan
hubkeeda Nuclerka ah. Waxaa kaloo ay Maraykanku sheegeen
inay hawo ay ka qaadeen Warshadda Nuclearka ay North Korea
ay tilmaamayso inay North Korea dib u bilowday kordhinta
quwadeeda nuclearka. Siyaasiyiin sar sare oo ka tirsan
maamulka madaxwayne Bush ayaa tilmaamay in laga yaabo
in Maraykanku dagaal ku qaado North Korea isla sannadkaan
dhexdiisa.
Maraykanka ayaa isagu raba
wada hadalkasta o lala galayo North Korea inay ka mid
noqdaan China, Japan iyo South Korea taasi oo ay si cad
u diideen Maamulka Pyongyang ee North Korea.
Todobaadka iyo Dhacdooyinka
Dunida
MudugOnline.com
Lacagtii Loogu
Talo Galay in Lagula Dagalamo Cudurada Aids-ka, Qaaxada
iyo Maleeriyada oo Aad u Yaraatay
Ottawa [MOL] 18 July 2003-
Wasiirka Caafimaadka Maraykanka Tommy Thompson ayaa sheegay
in ay ka dhimantahay 800 Million lacagtii loogu talo galay
in lagula dagalamo Aidska, Qaaxada iyo Maleriyada, sidoo
kale isla arrintan ayaa looga hadlayaa shirka Caalamiga
ah ee la dagaalanka Aidska oo ka dhacaya Magaalada Paris
ee Wadanka Frence. Wasiirka ayaa la filayaa inuu arrinta
la wadaago wasiiro ka yimid Qaaradda Africa, Hay'adda
Caafimaadka Aduunka WHO iyo UNAids sidoo kale waxa la
filayaa shirarkaas inay ka soo qaybgalaan ururada u dhaqdhaqaaqa
la dagaalanka Aidska sida South African Treatment Action
Campaign.
Lacagta lagula dagaalamo
Aidksa ayaa waxaa horay badankeeda u ballanqaaday Madaxwaynaha
Wadanka Maraykanka waxaana loogu talo galay in lagula
tacaalo cudur dilaaga ah ee Aidska iyo in ka hortag loogu
sameeyo dadka aan haatan Aids-ka qabin.
Lacagta Khasnadda ugu jirta
ururka la dagaalanka Aids-ka, Qaaxada iyo Maleriyada ayaa
lasheegay inay tahay 300 million aysanna daboolin karin
dhowka bilood ee soo socda mashaariicda la rabo in la
fuliyo.
Todobaadka iyo Dhacdooyinka
Dunida
Mudugonline.com
Kuwait oo Diiday
in Loo Soo Gacan Galiyo Nin U Dhasahay Wadankeeda
Ottawa [MOL] 18 July 2003-
Kuwait ayaa sheegtay inay diiday in wadanka Iran usoo
gacan galiso Afhayeenkii ururka Al-Qaeda oo magaciisa
la yiraahdo Sulayman Abu-Qays, waxayna Kuwait sabab uga
dhigtay diidmadeeda inay ninkaas dhalashadii ka qaaday
kadib markii Abu-Qays ShaashaddaAl-jazeera laga soo saaray
isagoo canbaaraynaya weerarkii Maraykanku ku qaaday dalka
Afghanistan sanadkii 2001 wuxuuna Maraykanka uga digay
inuu aad uga shalayn doono weerarka gardarada ah ee uu
ku qaaday Dalka Afghanista.
Sulayman Abu-Qays ayaa wadanka
Kuwait aad caan uga noqday sanadkii 1990 markaas oo uu
dadka Kuwait ku booriyay inay wadankooda ka xoreeyaan
Saddam Xuseen oo xoog ku qabsaday, markuu Maraykanku ka
saaray Saddam Xusen Kuwait ayaa Abu-Qays wuxuu bilaabay
inuu khudbooyinkiisa wax kaga sheego xukunka reer Al-nahyaan
ee Kuwait ka taliya, taasina waxay sababtay in Abu-Qays
laga joojiyo inuu meelo fakaare ama masaajidda ka khudbeeyo.
Abu-Qays wuxuu Afghanistan aaday kadib markii qaraxu ka
dhacay xurintii Ganacsiga ee ku yaallay New York.
Maraykanku in muddo ah ayuu
wadanka Iran ku eedaynayay inay hoy siisay dadka looga
shakisaanyahay inay ka midyihiin ururka Al-qaeda iranna
si kulul ayay uga jawaabtay eedaymaha ka soo yeerayay
Maamulka Bush waxayna tiri qofkii ka tirsan ururka Al-Qaeda
ee wadanka Iran lagu qabto waxaan u gudbinaynaa wadankuu
u dhashay.
Dad badan oo carab ah ayaa
wadanka Iran uga gudbay wadamadoodii hooyo qaar badanna
intay Iran qabatay ayay u gacan galisay wadamada Sacuudiga
iyo Yemen.
Todobaadka iyo Dhacdooyinka
Dunida
Mudugonline.com
Saddam Xuseen
ayaa Markii Saddexaad Cajalad Cod ah Usoo Gudbiyay Shaashadda
Al-Arabia
Ottawa [MOL] 18 July 2003-
Waa markii saddexaad ee Saddam Xuseen usoo diro Shaashadaha
Carabta cajalad cod ah tan iyo markii maraykanku xuganka
xooga uga qaaday. Cajaladaan ayaa Saddam si aad ah wax
uga sheegay sababihii beenta ahaa ee Maraykanka iyo Ingiriisku
u cuskadeen inay dagaalka ku qaadaan wadanka Iraq, sidoo
kale wuxuu Saddam sheegay in 25 labaatanka xubnood ee
Maraykanku ka taliya yiri wadanka Iraq inay yihiin rufiyaamiin
calooshood u shaqaysatayaal ah.
Saddam ayaa cajaladan soo
saaray iyadoo ay maanta tahay sannad guuradii 35 shanaad
tan iyo intii xisbiga Al-Bacthy uu talada wadanka Iraq
la wareegay. Wuxuu kaloo Saddam ka codsaday dadka reer
Iraq inay iska xoreeyaan kuwa xooga ku haysta, wuxuuna
kaloo waxba kama jiraan ku sheegay inay Iraq haysato hubka
Maraykanka iyo Ingiriisku ku eedayeen.
Sida wariyayaasha reer galbeedku
sheegeen ciidamada Maraykanka ee jooga Iraq ayaa maalin
kasta lagu soo qaadaa illa saddex iyo toban weerar ugu
yaraan. John AbiZaid oo ah Generealka xukuma Ciidanmada
maraykanka ee jooga Khalija ayaa sheegay inay haatan la
dagaalamayaa ciidmo u dagaalamaya sidii Guriilaha dagaalkoodna
ay la beegsanayaan goobaha jilicsan iyo askarta Maraykanka
ah ee kaligood ah ama wadada maraya.
Todobaadka iyo Dhacdooyinka
Dunida
Mudugonline.com
|