Waxaa Dhamaan Shirarkii ka horeeyey kan
hadda Kenya ka socda la soo bandhigi jiray Habka Fidaraalku
in uu noqdo Habka Waddanka lagu maamulo. Waxaana muuqatay
walina muuqata in aanu jirin hab Waqtiga la joogo iyo Duruufta
la marayo ugaga haboon in Waddanka lagu maamulo, maxaa yeelay.
1. Xadgudub xun baa Dadka ka dhex dhacay.
2. Luqadii, Diintii iyo Somalinimadii way xakameeyn kari
waayeen Nacaybka maarugay.
3. Waa la kala irdhoobay oo is Aaminkii iyo Darisnimadii
way dhumeen.
4. Qofkasta meeshii uu Isir ahaan ka soo jeeday buu Afka
saaray
5. Magaaloyinkii xarumaha ahaa sida Xamar iyo Hargaysa Beelaa
xalaalaystay.
6. Ma jirto Magaalo Dadka ka wada dhaxaysa oo wax laga wada
maamulikaro.
Hadaba iyada oo ay cadahay in Somali inta
Badan aanay doonaynin, danina ugu jirin in Dowlad dhexe
oo xoog badan la dhiso, ayaa haddana dhamaan Heshiisyadii
ka horeeyey kan hadda Kenya ka socda waxaa la go´aansan
jiray in la dhiso Dowlad Dhexe sababtoo ah:
1. Kooxo sadbursi doon ah baa lagu maslixijiray.
2. Waxaa la iska dhaadhicinjiray „Dowlad xun baa Dowlad
la´aan dhaanta“.
3. Indhahaa laga lalinjiray in Dhibkuba ka dhashay Dowlad
xun oo dhexe.
4. Lama rabin xaq ee Xal baa la raadinjiray!!.
Maadaana aanay suurto gal ahayn in Xal la
helo aan Xaq ku salaysneyn waxay dhammaan Shirarkii hore
oo dhan ku dhammaan jireen fashil waxayna soo dhaafi waayijireen
Xaafad Xamar ka mid ah sababtoo ah:
1. Salaadba Waqtigeedaa la tukadaaye lama joogo waqti Dowlad
dhexe.
2. Is aamin noocaas ah Waqtigaan la joogo aad baa looga
fog yahay.
3. Xildhibaan la haysta ah oo Magaalo qalaad jooga Xeerkee
buu dajin karaa.
Ugu danbayn sida muuqata iyada oo Xaqiiqdaas
lama dhaafaanka ah laga amba qaadayo oo laga faa´idaysanayo
Fashilkii Shirarkii hore iyo sababtii keentay in ay fashilmaan
waxay Somali inteedii badnayd isku raaceen oo ay isla ogolaadeen
Qalinkana ku duugeen in Nidaamka Fidaraalku noqdo Habka
Waddanka lagu maamulo, waxana la dhihikaraa Shirka Kenya
ka socda waa Shirkii ugu
horeeyey ee ay Go´aamo Dhaxal gal ah ka soo baxeen
maxaa yeelay:
1. Waa Go´aan Xal ah Xaqna ku dhisan.
2. Dadka intii badnayd baa loo daneeyey oo doonayaan.
3. Tartan Horumar keenikara baa Dowlad Gobeleedyada ka dhex
dhici doona.
4. Xukun kaligi talis ah si dhib yar kuma dhalankaro.
5. Labo Cayrinka ku qaybsatay Bisaylka iskuma qabqabsato
oo sidaas ayuuna u dhici karin Dagaal Dalka wada gaar.
6. Waa la isu hiloobi oo is Aaminkii baa dhaqso u soo noqonaya.
Iyada oo Somali intii badnayd Go´aankaas
sidaas u wada saxeexeen oo ay isku raaceen in Waddanka Habka
Fidaraalka lagu maamulo baa Koox yar oo Dhiig ku nool ah
oo sadbursi doon ah diiday in ay Heshiiskaas qaataan waxaana
ku raacay ra´yigaa Prof. Samatar iyo Gaandi oo la
ogaa in ay:
1. La shaqaysta Kooxaha Dhiig ku noolka ah ee wixii kaalma
ah ee Dadka tabaalaysan la siiyo Neyrobi ku cuna.
2. La shaqaystaan Cabdiqaasim oo Qayb ka siiya wixii uu
Qaranka ka dhaco
3. La shaqaystaan Ururada Dagaalka sokeeye sii huriya si
ay kaalmo dibadaha uga helaan.
4. waxaa kale oo la ogyahay in ay Qowlaysato Qurbaha joogta
oo Waddankaan wax u qabanaynaa ku qaraabata qayb ka yihiin.
Haddaba Diidmada Kooxdaas aan Xaqa gayin ay
Go´aankaas diideen Dadku lama yaabin maxaa yeelay:
1. Cabdiqaasim wuxuu cunay in Cid uga dabatimaada ma doonaya
2. Prof. Gaandina wuxuu ku caan baxay Caddaalad darida oo
wuxuu Carte ka yiri „Xal aan Xaq ku dhisneyna bay Somali
u baahan tahay“
3. waxaa kale oo cad in Gaandi iyo Samatar ay kooxaha Dhiig
ku noolka ah la shaqaystaan oo ay saxan Dhiig ah dhinaca
ka fadhiyaan.
Sidaas ayeyna Diidmadoodu la yaab u lahayn
Waxase la yaab leh Qaabka ay Go´aanka u diideen iyo
ku Andacoodka uu Samatar ku andacooday in „Go´aankaas
Somali lagu khayaameeyey iyo in Go´aankaas Somali
lagu kala goynayo“, taas oo keentay in la isweydiiyo Su´aasha
ah „Horta Samatar Somali yuu u yaqaan ???“, ilaan Somali
Go´aankan way wada
saxeexeene.
In Samatar wax si ka yihiin Qofna kama qarsoonayn
gaar ahaan markii la fiiriyo Dhamacda Cadaawadeed ee waayahaan
danbe Afkiisa ka soo dhacdhacaysay iyo sida jenjeerte ee
uu Warbixinada u jeediyo gaar ahaan markuu yiri.
1. Jamicada Boosaaso waa Boos banaan oo Masayr loo xaarxaartay,
meesha uu tan Xamar iyo tan Hargaysana uu bogaadiyey, taas
oo aan Xaqa waafaqsaneyn maxaa yeelay Jamicada Boosaaso
waxa sameysteen Dad la soo dhacay oo mucsur ah oo soo qaxeen
oo waxay haysteen la dhacay meel banaan wax ka bilaabay
meesha Xamar iyo Hargaysa ay ahaayeen magaaloyinkii Maalkii
Ummada la galiyey.
2. Muxaadaro uu london ka jeediyey oo uu ku difaacayey dulmiyadii
Somaliya ka dhacay dhowladii hore ka dib wuxuu is barbar
dhigay midab takoorkii Sudafrika ka jiray iyo dhaqankii
Dowladihii hore ee Somaliya
3. Haddeer oo uu leeyahay Somali Go´aanka uma dhana
ayaa la garankaraa in aan Gar loo dhiiban karan.
Haddaba sida muuqata Samatar Somali wuxuu
u yaqaan inta Ummada saloolatay ee ay isaga Gacan saarka
leeyihiin oo kaliya, wuxuuna Kooxdaas difaacaa isaga oo
og Danbiyada ay galeen iyo isaga oo ku faraxsan in ay sidaas
sameeyeen, taasna garosho la´aani uma geyn ee Naceybka
uu Beelaha qaar u qabo iyo dano dhaqaale ayuu xaqiiqdii
ka door biday. Waxaana xaqiiq ah in aanay suurto gal ahan
in Cashar Somalinimada ku saabsan laga dhagaysto
1. Qof danayste ah oo si uu dantiisa u ilaashado u diida
Go´aamada danta Guud loo galay
2. Qof ku caan baxayna Naceybka Beel Beelaha Somaliya ka
mid ah
horaana mar laga hadlayey Qof wuxuu ogyahay
inkira loo yiri „Abki la gub Afkana wuu yaqaan waana ka
agnaane sida Hadalku u kala agmari wuu arkaa ee uuna oranayne“.
mahadsanidi
jagne
jagne3@hotmail.com
YAA
HORTAAGAN HORUMARKA SOOMAALIYA
AFHAYEENKA BEESHA CUMAR MAXAMUUD EE MAGALADA
MANCHESTER / UK.
XUSEEN MAXAMED XUUBSIREED.
waxaa sida aad wada ogsoon tihiinba shir uga socda soomaalida
wadanka kenya magaalada Nairobi shirkaasoo micnihiisu yahay
sidii soomaali ay uga gudbi lahayd , dawlada la'aanta,
cadaalad darada dhaca, afduubka, kufsiga, hadaba anigoo
dhinac walba ka eegaya su aashu waxay tahay yaa intaba hor
taagan.ama xagee ayay dhibtu ama mashaakil ka socdaa.
Soomaaliya waxay lahaan jirtay dawlad dhexe oo wadanka oo
dhan maamusha, Wadanku wuxuu lahaa Caasimad aduunka oo dhan
looga yimaado ama aynu ku faani jirnay, maamulkii dawladii
hore ma ahayn mid lagu tilmaami karo Cadaalaad oo waxay
ahayd maamul ku dhisan kaligii taliye nimo, laakiin qabiil
walba oo yiraahdo waan ku ayiday wax la qayb san jirtay
taas oo aan micnaheeda oran karo waxay ku dhisnayd yaa wax
ila qaybsanaaya ee kuma dhisnayn yaa ila qabiila , haadii
si loo eego waxayba la diriri jirtay ama ay baa binin jirtay
kuwa iyaga la qabiilka ah ama ay magaca guud wadaagaaan.
hadaba sidii uu ku tagayba maamulkaasu tag, yaase badalay
waaba kadar oo dibi dhal.
-
Caasimadii quruxda badnayd maanta waa
Qabri.
-
Nidaamkii dawliga ahaa ama kala danbayntii
maanta waxaa badalay Afduub,Dil iyo Dhac.
-
Hal magaalo ayaa waxaa ka taliya in
ka badan 10 Hogaamiye waa Caasimadiiye
-
Wadooyinkii quruxda badnaa ee caasimada
waxaa u danbeeyay in Geeda ay ka baxaan oo meel Duur
ah ama ay baadiye noqoto
-
shacabkii magaalada dhex mushaaxi jiray
maanta waxaa u danbaysay baqdin ay ka baqayaan in la
afduubto ama la diloba .
-
Gaadiidkii lagu xaragoon jiray maanta
waxay noqotay in Hub lagu waardiyeeyo si aan loo dhicin
Hadaba qofka bini aadmiga ahi wuxuu ka
socdaa Madaxa Wadana waa caasimad caasimadiina Cudur
baa ku dhacay oo way xanuunsanaysaa.
maanta in Soomaliya dawlad ay u dhalato
waxay dan wayn ugu jirtaa Waa dadka kasoo jeeda Muqdisho
wadanka intiisa kale waa nabad iyo Barwaaqo, kala danbayn
iyo maamulo ayaa ka jira, hadaba iyadoo intaasoo dhiba
ay haysato muqdisho oo caasimadiiya sida lawada ogsoonyahayna
ay yihiin dadka kaliya ee maanta ugu baahida badan in
ay helaan nabad iyo kala danbayn maxay ku diideen in
la helo:
-
Nidaam Federaal ah
-
Dawlad dhalata
-
Kala danbayn iyo sharaf
Waa marka horee ujeedada nidamka federaalka ah loogu
baahan yahay waxay tahay, Dadka aan ka soo jeedin muqdisho
waxay arkeen goboladii kale in ay Caasimada la aanteed
gaari karaan horu mar aad u saraysa kana horaysa Caasimada.ninka
diidan nidaamka federaalka ah waa nin doonaya in uu ka
taliyo meel uusan u dhalan cunana wax uu san lahayn, qof
waliba meel buu ka soo jeedaa ee ha aado meesha uu ka
soo jeedo.
Caasimaadu waa magac loo bixiyay magaalo
waxay qiima leedahay marka wadanka oo dhan laga maamulo,
shacabka wadanka oo dhana danahooda ay ku xiran tahay
, markii magacii loo bixiyay ee caasimadu uu noqdo mid
aan soconayn waxay ku laabanaysaa magaceedii ay horay
u lahayd ee ahaa Muqdihso, magaalooyinka kale ee wadanka
ku yaala ayayna la sinaanaysaa oo waxaa imaanaya tartan
xaga horumarka ah oo dhinac walba leh taas oo aan oran
karo waa looga horumaray Muqdisho,
waxaan oran karaa waxa maanta hortaagan
Soomaaliya in ay u dhalato Dawlad iyo kala danbayn waa
Hogaamiyayaasha ka soo jeeda Muqdisho qaarkood iyagoo
fiirsanaya danahooda gaarka ah, waxaan oran karaa Waxay
ilaaween Kala danbayn iyo dawladnimo oo waxay la qabsadeen
Fawdada iyo dhibka oo maskaxiyan in ay ka tir tiran
tay kala danbayntii ayaan filaya.
Maamulkii lagu soo dhisay carto waxay
ahayd Tijaabo waxa hor istaagay waa Hogaamiyayaasha
Muqdihso iyo Hogaanka laftigiiso oo aad u hooseeyay
wax qabadkiisu, ninkii Hogaaminayay Maamulkaas Carto
waxa loo doortay wuxuu ahaa nin hawiya ah oo ujeedadu
ahayd bal nidaamkii dawlad nimo iyo Sharaftii caasimada
soo celi oo waliba aan la oran maamul muqdisho oo kaliya
ee la yiri soomaaliya oo dhan u tali waxaynu ogsoonahay
iska daa in uu horumar keenee kuwii iskood horumarka
u gaaray ee Puntilland iyo soomaaliland ayuu isku dayay
in uu bur buriyo, Hal isbitaal ama iskuul ma dhisin
hal wado ma hagaajin, Taariikkh lagu xasuusto kama tagin,
hadaba maka sugaysaa shirka keenya ee soomaalidu ku
shirayso waa Cabdi qaasine in uu horumar ku kordhinaayo
waa maya.
Uma arko wax khalada in nin walba gurigiisa
dhisto maamul dhexena la isugu yimaado, waxaan filayaa
markii horeba in dad soomaaliyeed ay isu yimaadeen una
doorteen Muqdisho in ay noqoto Caasimada soomaaliya
hadii ay ka soo bixi wayday Caasimadnimadii hadee uma
aysan dhalan in ay ahaato Caasimade hadana waxaa jooga
Soomaali inteedii kale oo waa ay furan tahay in la isu
yimaado laganaa doodo meeshii kale ee u qalanta Caasimada
ama qaadi karta Mas'uuliyadaas.
waxaana ku talin lahaa in aanan lala tashan
kuwa is hortaagaya horumarka Soomaaliya dana aan u wadin
Dalka iyo Shacab waynaha soomaaliyeed ee ku dhibaataysan
wadanka Dibadiisa iyo Gudihiisaba.
Puntilland iyo Soomaaliland aad ayay ugu
amaanan yihiin horumarka ay gaareen oo ay kaga horumareen
Caasimadii hore ee Soomaaliye
Wa bilaahi tawfiiq.
AFHAYEENKA BEESHA CUMAR MAXAMUUD EE MAGALADA MANCHESTER
/ UK.
XUSEEN MAXAMED XUUBSIREED.
mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
WAR CELIN
IYO JAWAAB
Weli waxaad mooddaa inaan dad badani ka
aflixin inay ka waantoobaan abuurista fidnada iyo inay
halkooda kasii wadaan sheegashada ama kuraadgadashada
qolyaha ayagoo aan si weyn ula socon xaqiiqda reeruhu
leeyihiin amaba ay dhici kartaba inay yihiin adeegayaal
fulinaya dano dad shisheeye ayagoo markaa marmarsiiyo
ka dhiganaya wax aan raad lahayn sida waa nala dulmaa
waa nala quursadaa waa nala xumeeyaa walaalkayga sheeganaya
in la yiraahdo jabarti ee beesha majeerteen qoriga dabka
ah kula dhex wareegaya waxaan markale ku oran lahaa
haddaad sooqaadatay halyeygii cumar samatar kuligayo
waxaan ognahay halyeygaasi inuu hoggaaminayay majeerteenoo
dhan sidoo kale sheekh cali majeerteen inuu horkacayay
majeerteenoo isku duuban sidoo kale gen.
Moorgan uu ilaa iyo maanta garwadeen u
yahay majeerteenoo dhan markaa xaggeebay kaaga muuqataa
majeerteen ku kala tagay maalin talo ama wax wanaajin
haddaad moodday ujeedadaydii ahayd oo aan ku iri majeerteen
madax iyo shacabuu kala leeyahay inaan uga jeeday maxamuud
saleebaan ha uqaadane waa maalintaas ninka hoggaaminaya
beesha waana caddahay taasi waana wax ilaa iyo maanta
jira waligeedna waxaa beeshaan caada u ahayd inaysan
ku kala tagin cidda madax u noqonaysa laakiin beryahaan
dambe ay soo baxayaan kuwa hawl gaba oo aan kala garan
karin baahida beeshu u qabto wakhtiga xun siday uga
bixi labayd iyo sidii loo abuuri lahaa jawi dagganaan
ah mar haddii majeerteen sannadihii ugu dambeeyay noqday
reer nin walbaa u istaagay sidii uu u waxyeelleyn lahaa
ayadoo lawada og yahay dhaawicii beeshaan ka soo gaaray
muqdisho iyo weliba dhibka ilaa hadda sii socda ee kismaayo
iyo dhulka ku xeeran ayay qaar ku raad gadanaya beeshu
ama awr kiraalayaal adeega wakhti uu nin damiirlihi
kadheeraado wixii wax yeeli kara beeshooda.
Walaalkay waxaan usheegi lahaa inuu ka
dheeraado beeshaan iyo siyaasaddeeda u gaarka ah hadduu
doonayo ama uu danaynayo siduu sheeganayo danta dadka
majeerteen ee uu asagu ugu yeeray inuu kashaqynayo maslaxaddooda
marna uu kusheegayo inuu majeerteen leeyahay dad laga
badan yahay ama aqaliyaad taas oo ah wax lagu qoslo
markaa walaalle haddaad garanayso xuquuq majeerteen
maalin kala qaaday ama kala sarrayn maalin majeerteen
dhexdiisa soomaalidaa waxay tiraahdaa doqoni meel rag
ku kaftamay in lagu kala tagay mooddaa waxaana hadalkayga
ku soo gunaanadayaa ilaah bari oo bal isxisaabi wanaaggana
ka tali xumaanna ka dheeroow.
mukhtar said
yeey68@hotmail.com
|