Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dawlada Kenya oo taageero u raadinaysa in Ciidamo Afrikaana la geeyo Somaliya

Nayrobi [MOL] 13 July 2003- Dawlada Kenya wasiirkeeda arimaha dibada Mudane Kalonzo Musayoka ayaa ka sheegay shir madaxeedkii dalalka Afrika uga socday magaalo madaxda dalka Musambique ee Maputo codsi taageero ciidan iyo mid dhaqaale in loo helo ciidamo nabad illaalin oo la geeyo Somaliya. Mudane Musayoka oo u waramayay Reuters ayaa yiri "Waxaan ka rajeynaynaa Dawladaha Yurub iyo America in ay si weyn jeebka gacanta u gashaan si ay qeyb weyn uga qaataan hawshaan una maal galiyaan hawshaan culus. Waxuu intaas ku daray in aan nabadgalyo Dawlada la sameeynayo keeni karin haddii aan la helin ciidan nabad illaalin ah oo suga amaanka.

Mr Musayoka waxuu sheegay hub ka dhigista dableyda, dib isugu dhafka dableyda si ay uga midnoqdaan bulshada caadiga ah ay tahay dhibaatada ugu weyn ee hortaagan Dawlada KMG ah ee la filayo in la sameeyo. Ciidamo nabad illaalin la'aantoodna taas maahan mid suura gala ayuu yiri Mr Musayoka. kooaxaha Somalida ayaa horey shirka ugu heshiiyay sameynta Dawlad Federal ah oo leh 351 baarlamaan kana kooban 4 qabiil oo waaeyn iyo isku dhafka qabiilada laga tirada badan yahay.

Mr Musayoka ayaa sheegay in ciidamadaasi ka imaan doonaan wadamada Afrika ayna heli doonaan aqoonsiga qaramada midoobay iyagoo caawin doona Dawlada KMG ah ee Somaaliyeed ee la filayo in dhawaan lagu sameeyo wadanka Kenya. Dawlada Kenya ayaa jecel in ciidamada Afrikaan ah sugaan nabada ka dib markii kuwii qaramada midoobay ku fashilmeen dadaal kan la mida sannadkii 1993, halkaas oo Ciidamo Maraykanka ah ay dagaal isaga horyimaadeed Gen. Caydiid dad badana ku nafwaayeen ka dibna ka soo baxeen Somaliya iyagoon sugin soona celin kala dambeyntii iyo nabad galyo toona.

Dhinaca kale Madaxweynaha DKMG ah ee Carta Cabdiqaasim Salad ayaa la sheegay in uu ku soo hungoobay dadaal uu ka waday madasha shirka madaxda Afrika. Cabdiqaasim oo halkaas eedayn ugu soo jeediyay Dawlada Itoobiya oo uu ku eedeeyay inay faragelin ku hayso gudaha Somaliya iyagoo buu yiri wadanka hub culus soo galiya si ay isaga horkeenayaan dagaal oogayaasha. Cabdiqasim ayaan helin wax eedayntaas meesha ka qaada halkaasna waxuu kala soo noqday niyad jab weyn ka dib markii Dawladiisa oo awalba magac ahaan kaliya u jirtay ay ku kala fur furantay shirkii Somalida ka dib markii Ra'iisal wasaarihii Dawladiisi iyo gudoomiyihii baarlamaankuba wax ka saxiixeen heshiiskii 5-ta bishaan lagu gaaray Mbagathi ee madasha Shirka Somalida.


Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.