Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

GOLAHA XEER DEJINTA PUNTLAND AYAA MINDIYAHA U AFEYSANAYA GOLAHA WASIIRADA OO MIISKA U SAARAN

Garoowe [Radio Midnimo] 12 July 2003- Golaha xukuumada ayaa maanta barnaamijkoodii waxay horgeeyeen Golaha xeer dejinta oo mudo kalfadhigoodu uu ka socday magaalada Garoowe.

Uguhoreyn, waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Yuusuf X. Siciid, wuxuuna sheegay in kalfadhigoodu uu bilowday 19kii Juun ilaa iyo iminkana uu socdo, wuxuu kaloo intaas ku daray in dowladu ay ka shaqeynayso sidii wax loo qaban lahaa.

Yuusuf X. Siciid wuxuu carabka ku dhiftay in ay wada shaqeeyaan Dowladda, Baarlamaanka iyo Golaha Garsoorkaba, khilaafkana la yareeyo oo Saddexda Gole gacmaha is qabsadaan, wuxuu kaloo intaas ku daray in barnaamijku uu noqon lahaa mid fulla oo fiyoobaada lana yareeyo ishaysiga ka dhexeeya Golayaasha Puntland, lagana wada shaqeeyo midnimada Puntland.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan khalkhal dibadda ugaga socda Puntland, loona baahan yahay in looga gudbo midnimada Puntland, laakiin shaaca kama uu qaadin Guddoomiyuhu cidda khalkahlka dibadda uga wada Gudaha Puntland, hase yeeshee wuxuu sheegay in loog gudbi karo adkeynta midnimada. isdhaliilka iyo dhaliisha, isagoo intaas ku daray in isxamashada iyo ishagardaameyntu in ay lumineyso danta ummadda.

Guddoomiyhu wuxuu kaloo ka sarqamiyey in dhaqaalaha Puntland uu xiligaan xun yahay, hase yeeshee wuxuu intaas ku daray in aynu leenahay dhaqaale aynu ka faa’iideysan karno, isagoo si gaar ah carabka ugu dhiftay in loo baahan yahay dadka howsha yaqaana in ay wax ka qabtaan, wuxuuna ammaan u soo jeediyey in guul lagu gaari karo in dadku ay wada shaqeeyaan.

Intaaas ka dib, waxaa hadalkii la wareegay Ku xigeenka Madaxweyne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi, wuxuuna sheegay in Golaha Xeerdejintu ay ansixiyaan kordhinta dowladda, wuxuuna si gaar ah uga dardaarmay Wasiirada iyo ku xigeenada ku yimid dib-u-heshiisiinta in aan la qabsan, wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay in si wadajir ah wax loo qabto “Barnaamijka dowladdu idiin soo gudbisay ma aha mid boqolkiiba boqol dhamaysiran, adduunkaan wax aan ceeb laheyn waa Ilaah oo keliya, sidaas darted wixii Golaha Xeerdejintu ay ku kordhin karaan ay ku kordhiyaan loona saxo” ayaa ka mid ahaa hadaladii Ku xigeenka Madaxweynaha uu saaka ka jeediyey Golaha Xeerdejinta hortiisa.

Intaas kadib Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa ayaa wuxuu akhriyey liiska Golaha Wasiirada iyo barnaamijka dowladda, waxaan soo xaadirin Lix Wasiir oo ka mid aha kuwa la doonayey in Golaha Xeerdejintu ay ansixiyaan kuwaasoo ay Saddex ka midi ay fasax ku maqnaayeen, kuwaasoo kala ah Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Axmed Cawad Casharo, Wasiirka Dhaqan Celinta iyo Dib-u-heshiisiinta Dr. Cabdi Cabdulle Jini-boqor, iyo Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Isboortiga C/nuur Cilmi Biindhow.

Waxaana iska maqnaa Wasiirka Warfaafinta Diiriye Jaamac Geelle, Wasiirka Dekeddaha iyo Kalluumesiga C/risaaq Siciid “Shaahdoon” iyo Wasiirka Xiriirka Caalamiga Xasan Maxamed Jaamac “Daafeedow”.

Madaxweyne Ku xigeenka DGPL ayaa isagu sheegay in Wasiirka Warfaafintu uu qaatay fasax 20 casho keliya ah mudo bilo ahna uu maqan yahay, iyo Wasiirka Kalluumeysiga oo uu sheegay in uu iskiis isaga maqan yahay.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, kalfadhigaan Golaha Xeer dejinta la soo hordhigay barnaamijka iyo xukuumada Puntland ayaa ah mid ahmiyad gaar ah leh.

Beryahaan danbana waxaa soo shaac baxayey khilaaf siyaasadeed oo ay si ba’an isugu hayaan Golaha Xukuumada, kaasoo la sheegayo in ay ka dhasheen arrimo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, iyadoo dhinaca kalena Golaha Xeer dejintu mudo u dhabar adeygayeen codsigoodii ahaa in golaha xukuumada la hor keeno golaha xeer dejinta.

Radio Midnimo
radiomidnimo@hotmail.com
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.