Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Deegaanka Afbarwaaqo oo Maanta xasiloon dagaalkii shalay ka dib

Gaalkacyo [MOL] 10 July 2003- Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanka tuulada Afbarwaaqo ee ka tirsan degmada Jariiban ayaa sheegaya in Maanta deegaankaasi xasiloonaa dagaalkii shalay ka dib. warka ayaa intaas ku daraya in wararka soo gaaraya magaalada Gaalkacyo sheegayaan in dagaalku iskiis u istaagay shalay gabal dhicii iyadoo qolo walba ku mashquulsan tahay asturka meydka iyo daryeelka dhaawicii shalay. dhimashada dagaalkii shalay ayaa la sheegay labada dhinacba inuu gaarayo 43 qof halka dhaawacuna ku dhawyahay illaa 100 qof.

Waxaa meelo badan oo Puntland ah iyo Somaliyaba laga soo diray baaqyo xabad joojin ah walise ma cadda in dagaalkaas dhamaaday iyo in uu dib u bilaaban doono. Labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo oo deegaankaan wada dega ayaa waxaa ka dhexeeyay aanooyin qabiil oo socday mudo dhawr sanno ah taas oo odayaasha beelahu ku guulaysan waayeen inay heshiis kama dambays ah ka gaaraan.

Mudugonline.com


Wararkii ugu dambeeyay Dabkii shalay qabsaday xaafad Bossaaso ka mida.

Bosaaso [MOL] 10 July 2003- Sidii uu shalay war deg deg ahaa nagu soo gaarsiiyay weriyahaga Magaalada Bosaaso C/risaaq Sheekhaduun waxaa shalay dab qabsaday xaafad ka mida xaafadaha Bossaaso oo loo yaqaan Buulo Eelay oo ay deganaayeen dad qaxooti ah oo ka kala yimid Koonfurta Somaliya iyo wadanka Itoobiya. Dabkii shalay oo holiciisa oo badnaa dabayl xoogana hurinaysay aan lagu guulaysan dabintiisa ayaa xaafadaas u geystay qasaare balaaran oo naf iyo moodba leh. inta la ogyahay 6 qof ayaa ku dhintay dabkaas boqolaal dad qoxooti ahina waa ku guryo beeleen.

Maamulka Gobolka yaa balan qaaday inay u gurman doonaan dadkaas qaxootiga ah iyadoo hawsha ugu horeysa ay tahay sidii dadkaas loo gaarsiin lahaa teendhooyin ay dabaysha iyo kulaylka Bosaaso oo xilagan sareeya ka galaan.

»»Halkaan ka aqriso war kale oo arintaas la xiriira iyo Sawiro tusinaya waxyeelada dabkaas geystay»»

Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.