Waxaa Dhamaan Shirarkii ka horeeyey kan
hadda Kenya ka socda la soo bandhigi jiray Habka Fidaraalku
in uu noqdo Habka Waddanka lagu maamulo. Waxaana muuqatay
walina muuqata in aanu jirin hab Waqtiga la joogo iyo
Duruufta la marayo ugaga haboon in Waddanka lagu maamulo,
maxaa yeelay.
1. Xadgudub xun baa Dadka ka dhex dhacay.
2. Luqadii, Diintii iyo Somalinimadii way xakameeyn
kari waayeen Nacaybka maarugay.
3. Waa la kala irdhoobay oo is Aaminkii iyo Darisnimadii
way dhumeen.
4. Qofkasta meeshii uu Isir ahaan ka soo jeeday buu
Afka saaray
5. Magaaloyinkii xarumaha ahaa sida Xamar iyo Hargaysa
Beelaa xalaalaystay.
6. Ma jirto Magaalo Dadka ka wada dhaxaysa oo wax laga
wada maamulikaro.
Hadaba iyada oo ay cadahay in Somali inta
Badan aanay doonaynin, danina ugu jirin in Dowlad dhexe
oo xoog badan la dhiso, ayaa haddana dhamaan Heshiisyadii
ka horeeyey kan hadda Kenya ka socda waxaa la go´aansan
jiray
in la dhiso Dowlad Dhexe sababtoo ah:
1. Kooxo sadbursi doon ah baa lagu maslixijiray.
2. Waxaa la iska dhaadhicinjiray „Dowlad xun baa Dowlad
la´aan dhaanta“.
3. Indhahaa laga lalinjiray in Dhibkuba ka dhashay Dowlad
xun oo dhexe.
4. Lama rabin xaq ee Xal baa la raadinjiray!!.
Maadaana aanay suurto gal ahayn in Xal
la helo aan Xaq ku salaysneyn waxay dhammaan Shirarkii
hore oo dhan ku dhammaan jireen fashil waxayna soo dhaafi
waayijireen Xaafad Xamar ka mid ah sababtoo ah:
1. Salaadba Waqtigeedaa la tukadaaye lama joogo waqti
Dowlad dhexe.
2. Is aamin noocaas ah Waqtigaan la joogo aad baa looga
fog yahay.
3. Xildhibaan la haysta ah oo Magaalo qalaad jooga Xeerkee
buu dajin karaa.
Ugu danbayn sida muuqata iyada oo Xaqiiqdaas
lama dhaafaanka ah laga amba qaadayo oo laga faa´idaysanayo
Fashilkii Shirarkii hore iyo sababtii keentay in ay
fashilmaan waxay Somali inteedii badnayd isku raaceen
oo ay isla ogolaadeen Qalinkana ku duugeen in Nidaamka
Fidaraalku noqdo Habka Waddanka lagu maamulo, waxana
la dhihikaraa Shirka Kenya ka socda waa Shirkii ugu
horeeyey ee ay Go´aamo Dhaxal gal ah ka soo baxeen
maxaa yeelay:
1. Waa Go´aan Xal ah Xaqna ku dhisan.
2. Dadka intii badnayd baa loo daneeyey oo doonayaan.
3. Tartan Horumar keenikara baa Dowlad Gobeleedyada
ka dhex dhici doona.
4. Xukun kaligi talis ah si dhib yar kuma dhalankaro.
5. Labo Cayrinka ku qaybsatay Bisaylka iskuma qabqabsato
oo sidaas ayuuna u dhici karin Dagaal Dalka wada gaar.
6. Waa la isu hiloobi oo is Aaminkii baa dhaqso u soo
noqonaya.
Iyada oo Somali intii badnayd Go´aankaas
sidaas u wada saxeexeen oo ay isku raaceen in Waddanka
Habka Fidaraalka lagu maamulo baa Koox yar oo Dhiig
ku nool ah oo sadbursi doon ah diiday in ay Heshiiskaas
qaataan waxaana ku raacay ra´yigaa Prof. Samatar
iyo Gaandi oo la ogaa in ay:
1. La shaqaysta Kooxaha Dhiig ku noolka ah ee wixii
kaalma ah ee Dadka tabaalaysan la siiyo Neyrobi ku cuna.
2. La shaqaystaan Cabdiqaasim oo Qayb ka siiya wixii
uu Qaranka ka dhaco
3. La shaqaystaan Ururada Dagaalka sokeeye sii huriya
si ay kaalmo dibadaha uga helaan.
4. waxaa kale oo la ogyahay in ay Qowlaysato Qurbaha
joogta oo Waddankaan wax u qabanaynaa ku qaraabata qayb
ka yihiin.
Haddaba Diidmada Kooxdaas aan Xaqa gayin
ay Go´aankaas diideen Dadku lama yaabin maxaa
yeelay:
1. Cabdiqaasim wuxuu cunay in Cid uga dabatimaada ma
doonaya
2. Prof. Gaandina wuxuu ku caan baxay Caddaalad darida
oo wuxuu Carte ka yiri „Xal aan Xaq ku dhisneyna bay
Somali u baahan tahay“
3. waxaa kale oo cad in Gaandi iyo Samatar ay kooxaha
Dhiig ku noolka ah la shaqaystaan oo ay saxan Dhiig
ah dhinaca ka fadhiyaan.
Sidaas ayeyna Diidmadoodu la yaab u lahayn
Waxase la yaab leh Qaabka ay Go´aanka u diideen
iyo ku Andacoodka uu Samatar ku andacooday in „Go´aankaas
Somali lagu khayaameeyey iyo in Go´aankaas Somali
lagu kala goynayo“, taas oo keentay in la isweydiiyo
Su´aasha ah „Horta Samatar Somali yuu u yaqaan
???“, ilaan Somali Go´aankan way wada
saxeexeene.
In Samatar wax si ka yihiin Qofna kama
qarsoonayn gaar ahaan markii la fiiriyo Dhamacda Cadaawadeed
ee waayahaan danbe Afkiisa ka soo dhacdhacaysay iyo
sida jenjeerte ee uu Warbixinada u jeediyo gaar ahaan
markuu yiri.
1. Jamicada Boosaaso waa Boos banaan oo Masayr loo xaarxaartay,
meesha uu tan Xamar iyo tan Hargaysana uu bogaadiyey,
taas oo aan Xaqa waafaqsaneyn maxaa yeelay Jamicada
Boosaaso waxa sameysteen Dad la soo dhacay oo mucsur
ah oo soo qaxeen oo waxay haysteen la dhacay meel banaan
wax ka bilaabay meesha Xamar iyo Hargaysa ay ahaayeen
magaaloyinkii Maalkii Ummada la galiyey.
2. Muxaadaro uu london ka jeediyey oo uu ku difaacayey
dulmiyadii Somaliya ka dhacay dhowladii hore ka dib
wuxuu is barbar dhigay midab takoorkii Sudafrika ka
jiray iyo dhaqankii Dowladihii hore ee Somaliya
3. Haddeer oo uu leeyahay Somali Go´aanka uma
dhana ayaa la garankaraa in aan Gar loo dhiiban karan.
Haddaba sida muuqata Samatar Somali wuxuu
u yaqaan inta Ummada saloolatay ee ay isaga Gacan saarka
leeyihiin oo kaliya, wuxuuna Kooxdaas difaacaa isaga
oo og Danbiyada ay galeen iyo isaga oo ku faraxsan in
ay sidaas sameeyeen, taasna garosho la´aani uma
geyn ee Naceybka uu Beelaha qaar u qabo iyo dano dhaqaale
ayuu xaqiiqdii ka door biday. Waxaana xaqiiq ah in aanay
suurto gal ahan in Cashar Somalinimada ku saabsan laga
dhagaysto
1. Qof danayste ah oo si uu dantiisa u ilaashado u diida
Go´aamada danta Guud loo galay
2. Qof ku caan baxayna Naceybka Beel Beelaha Somaliya
ka mid ah
horaana mar laga hadlayey Qof wuxuu ogyahay
inkira loo yiri „Abki la gub Afkana wuu yaqaan waana
ka agnaane sida Hadalku u kala agmari wuu arkaa ee uuna
oranayne“.
mahadsanidi
jagne
jagne3@hotmail.com