Waxmatarayaal
dheh Warbaahinta Puntland
Waxaa dhacda
haddii qof mas'uul ah hadal ka fakado ama inuu asagu
isa saxo amase ay warbaahinta markaas jirtaa saxdo
(la xisaabtantaa).
Warbaahinta soomaaliya
ka jirta lama dhihi karo waxay u dhisanyihiin qaab
ku salaysan inay bal xogta ogaadaan, sababtoo ah
ayagaanba ka xishoon beenta marka ma qofkale ayey
kula xisaabtami karaan arimo xog ku salaysan.!
Waxaan dhamaadkii
sannadkii lasoo dhaafay ka akhriyey shabakada Ruunkinet
waraysi uu bixiyey Wasiir-Xigaha Warfaafinta Puntland
asagoo ka hadlaya qaabkii loo qeybiyey ergada PL
uga qayb-geylaysa shirka dib-u-heshiisiinta, (lifaaqa
arag) waxaan ka xishooday inaan ka hadlo waraysigaas...Waxaanse
islahaa waxaa wax ka waydiin doonta Saxaafada
ku abtirsata Puntland ama muxaafid ha ahaadeen ama
Mucaarad ha ahaadeene.
Si kastaba ha
ahaatee, waxaan maalin dhoweyd jawaab ka bixiyey
wareegto sharciga ka soo horjeeda oo uu soo saaray
Wasiir-Xigahaas taas oo dad badan oo reer PL ay
aad u xiisaynayeen in waxlaga qabto xad-gudubka
wasiir-xigaha;
http://www.mudugonline.com/2003/Jun/270603aragti.htm
Waxaa kadib waraystay
mudanahaas Allpuntland, ayagoo sidii la rabay su'aalo
uga weydiin hadalada uu ku hadaaqay wasiir-xiguhu,
sidoo kale waxaa arinta aan waxba kasoo qaadin wargayskii
Yamayska ee markii hore qoray wareegtada qormadiisii
dambe...
http://allpuntland.com/news1/news/news_item.asp?NewsID=516
Warbaahinta Puntland
ee gabtay hawsheedii, aan garan in sharci dejinta
waddanku uusan ahayn hadaaqa wasiir amase 'aragti'
mas'uul ee ay hay'adda iska leh sharci-dajinta ay
tahay Golaha wakiilada;
"QODOBKA
43 AAD
GOLAHA WAKIILLADA: 1. Awoodda Xeer-Dejinta ee Puntland
waxaa leh Golaha Wakiiladda oo matala shacabka puntland
oo dhan."
Isla waraysigaan
danbe ee aan xisaabtanka lahayn wuxuu wasiir-xiguhu
ku hadaaqay in;
"waxa kaloo
jirta in isimadda Puntland ee shirkaas jooga uu
ka maqan yahay Beel-daaje Xaaji Cabdullaahi
oo ka mid ah isimadda qiimaynta ku leh Puntland"
Waa runtiis inuu
maanta garawsaday in Beeldaaje Xaaji C/llaahi yahay
isim muhiim ah, kadib markuu 2002 ka xayuubiyey
sharaftii qiimihii, iyo qadarintii isim beeleed,
asagoo ka mid ah shacabka Beel-daaje Xaaji C/llaahi,
marka bal aan eegno qoraaladii uu ka qoray isimada
Beel-daaje Xaaji C/llaahi hogaaminayey ee garabka
Jaamac markaas ahaa:
http://yamayska.com/wargayska/mar2002/kubkub260302.htm
Mudane C/shakuur
oo markaas u ololeynayey soo celinta C/llaahi Yuusuf
kadib balanqaadka jagada uu hadda joogo ayaa ka
hadlay Beel-daaje Xaaji C/llaahi asagoo leh;
"maadaama
aqoon xagga sharciga ah Isimadani ku tabayeen, ayaa
la oran karaa iyagaa sababay waxa Puntland ka dhacay,
marka lagu biiriyo abaabulkii kooxaha gaarka ah"............"Mid
ka mid ahaa isimaddii kacdoonka kaga saaray Bosaaso
Col C/.laahi goob joogna ka ahaa markii la jebinayey
khasnadii bangiga Bosaaso ayey dibnihiisu is-hayn
kariwaayeen kolkii la furay khasnaddaas oo ay ka
soo daateen jawaano lacag ahaa oo is dul rasaysnaa
isagoo yiri: “war illeen beladdu tuug ma ahayn”"
Marka bal C/shakuuroow
sideen ku qadariyaa isimkaad ku sheegtay inuusan
waxba ogeyn, sharci aqoon, garanwaayey siyaasada
PL, iyo khiyaanada siyaasiyiinta?...Sideebaanse
kaaga yeelaa isimkaad shalay intaas oo cilo ku sheegtay
maanta shirka hala keeno, soo sidii oo kale loo
indha-sarcaadin maayo?, mise qoraalkaaga hore baan
raad iyo sal toonna lahayn?, hadday taas tahay oo
aad markii hore isimkaaga ku xad-gudubtay, waxaan
soo jeedin lahaa inaad marka hore xaal mariso Beel-daaje
Xaaji C/llaahi, siiso qadarinta uu kaa mudanyahay,
ugana dambayso talada iyo arimaha gaarka ah ee reerka!
Qaarkalena waxbaba
ulama harin asagoo leh; "Arinta la yaabka reebtayse
waxay ahayd; markuu magaca Isimada Puntland ku hadlay
nin aabihii ka mid ahaan jiray illaaladii Talyaaniga!.Hadduu
Danjire Carlo ogaan lahaa ninkaas in aabihii ka
mid ahaa Baandadii Talyaaniga wuxuu ku oran lahaa
“adigu Isin ma tihid, waxaad tahay wiilkii illaalkii
Talyaaniga u shaqayn jiray”. "
Gunaanad:
Haddaan la helin,
warbaahin xor ah oo la xisaabtanta mas'uuliyiinta
PL, siyaasiyiinta, isimada, ganacsatada, kana xog-warama
arimaha runta ah ee kajira Puntland, waxay ila tahay
in hor-u-markeenu uu qaadan doono inta laga helayo
warbaahintaas...Maanta nin walba oo u istaaga warbaahinta
Puntland wuxuu noqday nin leh damac siyaasadeed,
sida C/shakuur oo mas'uul ka ahaa Radio Midnimo,
iyo Mudanaha hadda wax ka qaybsaday maamulka PL
ee Awaare oo mas'uulka ka ahaa Radio SBC....
Miicaad Marasheeg
marasheeg@hotmail.com
>>>>Hoos
ka arag waraysigii C/shakuur Mire Aadan ee Ruunkinet>>>
-------------------------------------------------------------------------------------------
Wasiirku xigeenka
wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Puntland
C/shakuur Mire Aadan, "Haddee Soomalidu waa
beel beel, Soomaalidana waxay ku maahmaahdaa doofaar
ficil la’aan baa loo cadaabaa, hadduu Maxamed Cabdi
Xaashi keeno Axmed Maxamuud Goonle dee anaguna waxaa
weeye inaanu keenno Jamac Cali Jaamac iyo Maxamuud
Shiddo". (Wareysi) Ruunkinet 24/12/02
Waxaan waraysi
la yeeshay wasiirku xigeenka wasaaradda warfaafinta
dowlad goboleedka Puntland isla markaana ah afhayeenka
reer puntland ee shirkan Eldoret. Mudane C/shakuur
Mire Aadan.
Wareysigana wuxuu u dhacay sida tan:
Ruunkinet: Mudane C/shakuur sidee baad u
qeybsateen ergooyinkii haddii aad tihiin reer Puntland?
C/Shakuur: Run ahaantii annagu ergo ma aanan
qeybsan , Madaxweyne ku xigeenka Mohamed Abdi Hashi
ayaa qol la galay oo iska qortay wax ay Puntland
qeybsatay oo loo wada dhan yahayna ma jirin.
Ruunkinet:
Sidee buu isagu wax u qeybiyay isagu?
C/Shakuur: Marka aan dib ugu noqdo ergada
Puntland waxay halkan timid iyadoo wadajir ah, intaa
waxaa u dheereyd oo ay kaga duwaneyd ergooyinka
kale wada tashiga tusaale ahaan qodob kasta oo la
soo qaado waa laga wada hadli jiray, madaxweynaha
markuu soo qaaday in wax qabiil lagu qeybsado ergadaa
u codaysay waana la isku raacay,tan kale waxaa ka
mid ah parlamaanka 450 ka ahayd markii laysku soo
qaaday ergaygii Puntland u matalayay Dr. Yusuf Cismaan
Samatar ( Bardacad) loo sheegay in la sameynayo
Baarlamaan ka kooban 450 mudane ayuu dib ayuu noogula
soo laabtay waana kawada munaaqishoonay markii 46da
loo ogolaaday DKMG waanaloo yeeray waanu ka wada
hadallay wax baanu meel isla dhignay,waxaa jiray
ballan qaad ergooyinka qeybintooda in madaxweyne
ku xigeenka iyo toddobo xubnood oo golaha xukuumadda
ka joogo ay wada qeybiyaan mana dhicin ee Maxamed
Cabdi Xaashi qolbuu la galay isagaa qeybsaday isagoo
lumiyay caddaaladda.
Qeybinta 4.5
waxaa keenay CARTA, tusaale ahaan daaroodka sidii
ay u qeybsadeen waxay aheyd si cad waana la garan
karaa qolada DKMG ahna 46dii la siiyayana sidii
Carta ayay ku qeysadeen harti oo la siiyay 4 mareexaankana
2 iyo labada beelood ee kalana min hal ayaa la siiyay
Annagu fajiciso ayay nala noqotay sidii uu wax u
qeybiyay Maxamed Cabdi Xaashi, taasoo ka fog caddaaladda
beeluhuna ay isugu dheelli tirneyn tusaale ahaan,
Gobolka sool wuxuu siiyay 10 xubnood, Gobolka Bari
wuxuu siiyay saddex Xubnood, gobolka nagaal waxba
ma siin, gobolka mudug 6xubnood ayuu siiyay gobolka
sanaagna 3 xubnaad.
Taasi way ka fogtahay caddaalada haddii beelaha
Soomaaliyeed caddaalad ku dhaqmaan. Tan kale oo
ugu wayn ee uu san Maxamed Cabdi Xaashi nagala tashan
waxaa ka mid ah isagoo ku soo daray ergada ku xigeen
kii Jaamac Cali Jaamac, Axmed Maxamuud Goonle, adduunka
waa ka war hayaa dadka Soomaaliyeed waa ogyihiin
inta goor ee shirka laga saaray Jaamac Cali Jaamac
ninka uu ku xigeenka u yahay, waana laga war hayaa
inaan Puntland dhexdeeda uu heshiis la gelin waxna
laysla meel dhigin ku saabsan xaaladdooda taasina
waa mid uu ku keenay Maxamed Cabdi Xaashi si qabiili
ah uguna soo daray ergooyinka Puntland. Haddee Soomalidu
waa beel beel, Soomaalidana waxay ku maahmaahdaa
doofaar ficil la’aan baa loo cadaabaa, hadduu Maxamed
Cabdi Xaashi keeno Axmed Maxamuud Goonle dee anaguna
waxaa weeye inaanu keenno Jamac Cali Jaamac iyo
Maxamuud Shiddo. Run ahaantiina beelaha hartiga
si caddaalad ah waxba uma qeybsan wixii ka soo baxana
waala wada arki doonaa
Ruunkinet:
Arrintaan aad isku heysataan Eldoret dhexdeeda Madaxweynihiina
Puntland wax maka ogyahay?
C/Shakuur: Dabcan haa baan oran karaa wax
waa ka ogyahay mar haddey arrimuhu siyaasad yihiinna
dhinacyo badan baa laga eegi karaa, agaasimaha madaxtooyada
oo isaga ah nin awood badan oo golaha xukuumadda
ka awood badan ayaa inta badan la xiriira madaxweynaha
maadaama uu ku maqan yahay gudaha, dabcan waxani
waa wax dhameystiran oo la wada ogyahay weeye baan
qabaa.
Ruunkinet:
Haddii ay dhacday in Maxamed Cabdi Xaashi uu
kaligiis wax qeybiyay ma jirtaa tallaabo laga yaabo
inaad ka qaadi kartaan?
C/Shakuur: Dabcan haa anigu Maxamed Cabdi
Xaashi kaabbo qabiil iima ahan Soomaaliduna shirkan
Eldoret waxbey ku qeybsaneysaa hadduu isagu sidaa
wax u qeybiyayna wajigan waalaga gudbi doonaa waxaana
uu isagu ku ekaan doonaa tuulada BOOCAME ee uu isagu
ka yimid cid dambena wax uma qeybin doono.
Waxaa wareytay Nafisa Nur Osman, Ruunkinet, Edoret
MA DHABAA
SOMALIYEEY IN DHULBEEREEDKII MOGABO DAROOGO LAGU BEERO.
Bismilaah:
Asalaamu caleykum
wr wb –waxa aan maalmahan ku arkay saaxada internetka
in mashruucii mogabo ay saarantahay daroogo loo
iib geeyo dibada dalka ,hadaba warkaasi waa war
naxdin leh oo somali wada khuseeya ,aan is weydiino--
maxay tahay mogabo iyo beeraheeda?
Mogabo waa mashruuc
wax soosaar,wax soosaarkeeduna ahaa soosaarid bariis
tayo leh oo ay leedahay somali dhamaanteed ka soo
bilow ka jooga saylac ilaa ka jooga Afmadow una
ahayd hanti ay wada leeyihiin ummada idilkeeda.
Waxay ka mid ahayd mashaariicda keliya ku samaysmay
sidii loogu talogay,waxayna ku midho dhashay 5sanadood
gudahooda,waxayka mid ahayd kuwa ugu tayada weynaa
ee ka hirgalay somaliya xaga wax soosaarka ,waxaana
loogu talo galay wax soo saar gudo iyo dibed kaafiya
,dhulbeereedkedu wuxuu is haystaa - -min jilib sokadeeda
ilaa jamaame sokadeeda.
Hirgelinta mashruucaa
- - wuxuu illaahay u fududeeyey fulinteeda Aqoona
u lahaa siduu u dhamaystiro hirgelinta mashruuca
- - Aqoon yahan somaliyeed Anigu bilad geesi halyeeynimo
aan siin lahaa hadii wax la iga weydiiyo, wuxuu
ahaa Dr.Cabdi Moxamud Giire,taasoo uu mashruucii
kaga midho dhaliyey kana soo saaray Bariiskii ugu
horeeyey ee tijaabada ahaa.
Waxa dhacday
in mashruucii ummadu sugaysay loo bedeshay irmaan
reer leeyahay, Aqoonyahankii dhisay la isugu daray
xadhig iyo xoog loogaga leexsaday hawshuu ummada
u hayey ,waxaana loo magacaabay oo la siiyey Col.Bare
hiiraale.
Waxa dhacday
in mashruucii wixii ay somaliyi ka sugaysay ay isbedesho
wixii ka soo baxana uu dad afkood galo ,mashruuciina
uu waayey Aqoon daacada oo hagta si uu wax soosaarkeedu
u noqdo mid tayo leh .
Burburkii ka
dib waxaa hantiyey qabqablayaasha dagaalka taasoo
dhul beereedka baaxadaa leh ee mashruucaas leeyahay
la yidhi waxaa lagu beeraa daroogo .suaal hadii
dhul beereedkaas diyaarsan la saaro daroogo lacagta
ka soo baxdaa waa balaayiin doolar xagay lacagtaasi
gashaa ?ma ta ummadu ka degi weydey ee la yidhaahdo
shirkasta way burburisaabaa?wali dhul beereedkaa
ma Bare Hiiraale ayaa wali ka taliya oo saara wax
baaskan lagu sheegayo mise waa dhab Cismaan Caato
ayaa leh bilaayada ku beeran beerahaas.
Waxaan aad ugu
hambalyeenayaa ummada somaliyeed inta wax u qabatay
ee nool uuka mid yahay maareeyihii wershada sibidhka
Berbera oo isaguna ummada u soo qabtay shaqo xalaala
wax tarna leh. Waxaan illaahay uga baryayaa inta
ummada somaliyeed wax u qabatay ee dhimatay in illaahay
naxariistiisa janno ka waraabiyo maqaalkan laguma
soo wada koobi karo ,laakiin waxaan ka soo qaadayaa
Dr.Cabdi Moxamud Giire oo ahaa aasaasihii mashruucaa
la biliqaystey oo bishii hore ku xijaabtay Australia
iyo professor Abyan oo xijaabtay 91kii ,wuxuu professorku
fuliyey mashruucii sidam (waxsoosaarka Aqoonyahanada
maamulka iyo maareenta iyo xisaabaadka ilaa heer
master degree).
Waano:
Waxaan ku waaninayaa kuwa sida xun wax ku raadinaya
inay waantoobaan ,khaasatan mashruucan laleeyahay
waxaa lagu beeray daroogo.waxaana idiin dhaama inaad
ummada quud(cunto) ugu beertaan . walaalayaal waxa
idin sugaya qabri 2mitira waxan aad guraysaana idima
raacayaan , janadiinana waxaa idinka xiga keliya
inaad illaahay u toobad keentaan dadkiisuna(Adoomihiisa)
idin saamaxo,ku dadaala sidii aad illaahay iyo adoomihiisa
aad cafis uga heli lahaydeen.
Axmed Moxamud
moxamud19@hotmail.com