Gabaygaan waxaa igu kallifay in
Kooxda carta iyo Kooxda G8, ay shirka hor taagan yihiin,
qaarkoodna laga sheegay inay Nadaamka Federaalka diidan
yihiin, kaas oo ah sida qur ah ee Soomaalida dantu ugu
jirto haddii la doonahayo cadaalad, iyo in loo noqdo xasiloonidii
ka luntay intii burburka lagu jirey. Marka aniga oo taageeraya
Federaalka in Soomaaliya lagu dhaqo,xalna u arka, waxaan
iri, sidaan soo socota:
1. Farkar xumo khilaaf
baa lehiyo dhalo falluuqowe,
2. Rag la falay, dadkii fale iyana, sida Fircoonkiiye,
3. Ma fayooba Soomaaliyoo faasuq baa galaye.
4. Shirka furan, Mugaatina
fadhiya foolan kari waaye,
5. Doofaarrey fagaaraha facsharan ka fulin doona?
6. Shirkii loo furaashaba la waa inuu fallaaxaaye!
7.Niman baa fatuudiyo
u tagey inay faduushaane,
8. Kuwii qaranki fuuqsaday miyaa laga firayn waayey?
9.Wax fashiliya Kooxdii Cartiyo Gurub fujaareede.
10. Ninkaan fiiro dheerayn
saddano waa ku fududaane,
11. Isaga oo fakanayuu shacbiga kala finiinshaaye,
12.Fajiistaba markuu madax noqduu faras jin fuulaaye;
13. Sidii faranfar ciid qodi la mood ficilladoodiiye,
14. Federaal haddaan lagu heshiin dirir ma loo faagtay?!
15. Niman baa ku taajiray
fasaad oo ku faaraxaye,
16. Waa wuxuu Ibliis fuushadoo fidno loo dhalaye,
17. Haddii aan u fiirsaday kuwii uunkii kala fiijey,
18. Aqoon fiican ma lahoo cidlay farandulleeyaane!
19. Haddii aan asluub fari lahaa maba fahmaayaane.
20. Fool xume dhurwaa
iyo libaax kala fir weeyaane,
21. Soomaalida fadqalallowdayoo furin colaadeeda,
22. Nimankaa fongoran baa rogoo shaw u faashadaye.
23. Foorahaas haddaan
laga furayn, waa figtii hore e,
24. Faa'iido laga waa illayn ficilka qaarkiise,
25. Federaal haddaan lagu heshiin dirir ma loo faagtay?!
Dhamaad
W/T
Aden Dirie Ali
dirieadam@hotmail.com
|