Bosaaso [MOL] 05 July 2003- Waxaa
xaafad Wadajir ee Baraxley ee magaalada Gaalkacyo ka dhacay
shir balaaran oo looga hadlayey nabadgelyada iyo maamul
u samaynta koonfurta gaalkacyo oo ay degaanadda qeyb ka
mida ka amar qaataan Cismaan Caato oo ah garab ka tirsan
USC/SNA. Waxaana shirkaasi uu bilaamay maanta iyadoo ay
ka soo qayb galeen qaar ka mida masuuliyiin ka socota
dadka dega koonfurta magaalada gaalkacyo waxaana la filaya
in ay ku dhawaqaan maamul u gaar ah.
Waa markii 3-aad ee maamul noocaas
la isku dayay in laga sameeyo Xaafada Wadajir ee Gaalkacyo,
iyadoo isku dayadii hore aysan wax natiijo ah ka soo baxin
ka dib markii beelaha xaafadaas degaa ku heshiin waayeen
maamulkaas la samayn lahaa. Waxaa iyana jira wali dadaal
kale oo isla beelaha Xaafada Wadajir wadaan sidii maamulka
degmada Gaalkacyo loo mideyn lahaa oo ay ugu soo biiri
lahaayeen maamulka Puntland. Xaafada Wadajir ayaa waxa
wada dega beelo kala duwan oo kala taageera hogaamiye
kooxeedyo kala siyaasad duwan.
Weriye C/risaaq (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
Gabar
23 jir ah oo Maxkamad Garoowe la isku haysto
Garoowe [MOL] 05
July 2003- Maxkamadda rafcaanka darajada labaad ee magaalada
Garoowe ayaa xukuntay in lagu kala saaro dhiiga loo
yaqaano DNA-ga laba beelood oo isku qabsaday gabar 23
jir ah oo haysata saddex caruur ah.
Gabadhaan oo mudo
ku dhow sadex bilood ay dacwadeedu socotay ayaa waxaa
isku haysta Oday iyo Habar waayeel ah oo iyagu sheeganaya
inay dhaleen, ayna ka dhuntay iyadoo saddex sano jir
ah iyo Oday kale oo isna sheeganaya in ay gabadhiisu
dhashay iyo weliba wiilkiisii oo isna leh walaashay
baa dhashay.
Sheegshada odaygaasi
sheeganaayo awoowaha u ah gabadha ayaa waxaa ku mar
khaanti furay ninka qaba Gabdhaasi oo isgu rumaysan
in ay reerkaasi ka soo jeedo, waxaana labada qolo la
yimadeen calaamdo cadaynaaya in ay dhaleen Gabadha,
waxaana maxkamadu xakuntay in lagu kala saaro arintaan
dhacaanka DNA-da.
Weriye C/risaaq (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
|