Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

KULANKII IIGU XIISAHA BADNAA
TODDOBAADKA HAL-ABUURKA IYO QORAAGA SOOMAALIYEED
Dad isku bah ah oo aragtidoodu isu oomanayd, muddo dheerna kala irdhoobay, waayaha iyo sannado badani diidanaayeen kulankooda ayaa mar qura isugu tegay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, waxay aheyd farxad iyo rayrayn, maxabadii la isu qabay ayaa midba kan kale laabta saaray, labada daan ayaa la iska dhunkanayey, salaanta sacabada la isa saarayayna tiro ma laheyn.

Mararka qaar waxaad moodeysay dhalaan iyo waalidkii mudo kala maqnaa in ay meel lama filaan ah isku heleen, marka aad eegtid hilowga, qosolka iyo farxada damaashaadka wadatay oo ka dhex dhacaysay dadkii ka soo qayb galay kulankii iigu xiisaha badnaa noloshayda ee i soo maray tan iyo markii la waayey dowladii ama Qarankii quruxda badnaa ee Soomaaliya ka dumay horaantii 1991-gii.

Waxaa laga yaabaa in aad is weydiisid muxuu yahay kulanksasi? Jawaab fudud aan ku siiyee, 24kii Juun ee sannadkan magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaa ka furmay kulan loogu magac daray “Toddobaadka Hal-abuurka iyo Qoraaga Soomaaliyeed”, kulankaan waxaa soo qabanqaabiyey Ururka qorayaasha Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loogu yeero "PEN" iyo Machadka Afafka ee dalka Jabuuti. .

Kulankaan wax aa ka soo qayb galay Qorayaal Sare iyo Abwaano Soomaali iyo Ajnebiba isugu jira, kuwaasoo dhamaantood ku hawlan horumarinta Afka Soomaaliga. Nuuradiin Faarax, Maxamed Daahir AFrax, Aw Jaamac Cumar Ciise, C/salaam M. Ciise Salwe, Saalax Xaashi Carab, Maryan Cariif, Cabdishakuur Mire Aadan, C/qaadir Maxamed Wacays, iyo qaar kale oo badan ayaa ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed ee aadka loo yaqaan ee madasha shirkaan goob jooga ku ahaa, waxaa kaloo isaguna aan meeshaa ka maqneyn Georgi Kapchure oo u dhashay dalka Ruushka, luqada Soomaaligana wax ku qora, waxaana Soomaalidu codkiisa ka maqli jireen laantii Afka Soomaaliga ee Mosko, ee Midowgii Soofiyeetiga.

Ma yareyn Abwaanada Caanka ah ee Soomaaliyeed ee kulankan ka soo qayb galay, Maxamed Ibraahin Hadraawi, C/qaadir Xirsi Yamyam, Maxamed Gacal Xaayow, C/qaadir Cabdi Shube, Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye”, Cali Sugule, Mustafe Sheekh Cilmi, Cabdi Muxumad Amiin, Ibraahin Gadhle, Cabdi Qays, Maki X. Banaadir, Cumar Macalin iyo qaar kale oo da’ yar oo run ahaantii mustaqbal fiican ku yeelan doonaa Hal-abuurka Soomaaliyeed.

Kulankaan waxaa barbar socday Kongareeskii Labaad ee Ururka Qorayaasha Soomaaliyeed ee PEN, waxaana Labada sanno ee soo socota hogaamiyaha ururka loo doortay Maxamed Daahir Afrax, waxaana kaloo la doortay xubno ururka uga wakiil noqda gudaha dalka Soomaaliya oo Saddex qaybood loo qaybiyey, Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaa intaas dheer xubno kuwaas la mid ah oo loo doortay dalka Jabuuti iyo Killalka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

Waxyaabihii iigu xiisaha badnaa ee aan shirkaas kala kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa, dadka reer Jabuuti oo ay ka muuqato jacayl Soomaalinimo leh, iyo weliba ahmiyad weyn ee ay siinayaan barashada Hidaha iyo Afka Soomaaliga, taasoo aan la inkiri Karin Madaxweynaha Jabuuti; Ismaaciil Cumar Geelle sida uu guntiga dhiisha isaga dhigay oo aan oran karno wuxuu ku jiraa Jihaad Soomaalinimo, halgan soo nooleyn Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed iwm. Khudbadii furitaanka oo uu Madaxweynuhu shirka ka akhriyey ayuu kaga hadlay xaalada Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in Soomaalidu ay danaheeda u garato.

Dowladda Jabuuti iyo dadkeeduba waxaa dhabarka u dhigteen culeyska socodsiinta kulanka Toddobaadka Hal-abuurka iyo Qoraaga Soomaaliyeed, waxaa kaloo in la xuso mudan in Ururka PEN oo horay u deganaa magaalada Londan ee dalka Ingiriiska iminka xaruntiisa loo soo wareejiyey magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Arrimihii looga hadlay Kulankan ayaa waxaa ugu waaweynaa Suugaanta Soomaalida iyo taariikhdeeda, Taabagelinta Afka Soomaaliga iyo sooyaalka taariikheed ee farta Soomaaliga. Aw Jaamac Cumar Ciise oo ah nin waayeel ah oo taariikhda Soomaaliya wax badan ka qoray ayaa sheegay ka hor qoraalkii fartan Soomaaliga ee hadda la is ticmaalo in ay jireen faro ka horeeya oo wax lagu qoran jiray, wuxuu tusaale u soo qaatay, far sida Carabiga u dhigneyd oo la is ticmaali jiray, tii Cismaan Yuusuf Keynadiid iyo kuwo kale, wuxuu kaloo carabka ku dhiftay in wakhtiyo Lixdankii ka mid laga dooday qoraalka farta Soomaaliga hase yeeshee ugudanbeyn Kacaankii 21 Oktoobar si khasab ah lagu hirgeliyey farta hadda la isticmaalo oo sida Laatiinka u qoran.

Dhinaca kalena, Saalax Xaashi Carab oo ka tirsan qorayaasha Soomaaliya ayaa isagu soo bandhigay Eray Ururiye “Qaamuus” cusub iyo buug dhigaya hab cusub oo loo qorayo farta Soomaaliga, buugaan ayaa qeexaya hanaanka cusub ee qoraalka farta Soomaaliga, intii badneyd Bahdii halkaas isugu tagtay waa soo dhoweeyeen fikirkaan cusub oo macquul loo arkay, laakiin waxaa la is weydiiyey sida lagu hirgelin doono.

Dhinaca kale, waxaa lagu soo bandhigay maddashii kulanka buugaag aad u fara badan oo sheekooyin, taariikh, gabayo iwm lagu soo daabacay oo qorayaasha Soomaaliyeed isku howleen, waxaa kaloo aan laga tallaabsan karin buug loogu magac daray Hubsiimo Hal Baa La Siistaa oo qeexaya Maahmaahyaha Soomaaliya ugu caansan oo uu qoray Georgi Kapchits.

Mudadii uu socday Kulanka Toddobaadka Hal-abuurka iyo Qoraaga Soomaaliyeed, waxaa socday dood wadaag suugaaneed oo Abwaanada Soomaaliyeed gabayo iyo sheekooyin dhaqameed ku soo bandhigayeen, waxaana laga hadlay kaalinta ay Suugaanta Soomaaliyeed ka qaadan karto nabadeynta iyo baadigoobida qaran Soomaaliyeed, Abwaanadu waxay xuseen Gabayo iyo Heesho goor hore la tiriyey, Abwaan Garab Yare oo ah Abwaan reer Jabuuti, ayaa ka sheekeeyey goorta uu bilowday Fanka Soomaalida iyo dhibaatooyinkii ay kala soo kulmeen mushtamaca oo wakhtigaas Fanka u haystay wax aad u xun.

Doorka Saxaafada ee taaba-gelinta dhaqanka, nabada iyo Suugaanta ayaa ka mid ahaa doodihii ugu kululaa ee ka dhacay mudadii kulanku socday, suxufiyiintu midba meel ayuu diirada saaray, qaar badan ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in saxaafadu ay xoriyad waafiya heshay tan iyo markii la waayey dowladii Kacaanka aheyd ee xakameyn jirtay Saxaafada madaxa banana.

Doodihii Suxufiyiinta, ayaa waxaa ka mid ahaa in ay bateen Idaacado gaar loo leeyahay, magaalada Muqdisho oo keliya ayaa laga sarqamiyey in ay Toddoba idaacadood ay leedahay, Puntland iyo gobolo kalena ay ka jiraan idaacado madax banan, laakiin Suxufiyiin ka socday maamulka Somaliland ayaa sheegay in magaalada Hargeysa ay ka jirto hal idaacad oo Maamulka hoos tagta, wuxuu kaloo intaas ku daray in sharci Saxaafada xakameyn lahaa lagu guul darreystay kadib markii golaha Shacabku is hortaageen. Waxaa kaloo iyana kaalin ku lahaa Suxufiyiinta dalalka shisheeye ku nool oo run ahaantii halkaas keenay joornaalo tayo sare leh oo ka fiican kuwa gudaha wadanka ka soo baxa, waa markii ugu horeysay ee tiro intaan leg oo suxufiyiin iyo qorayaal reer Puntland ahi ay ka qayb galaan kulan noocaan oo kale ah.

Gabagabadii, Kulanka Toddobaadka Hal-abuurka iyo Qoraaga Soomaaliyeed, ayaa ah mid in badan bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan intii kulanka ka soo qayb gashay laga dhadhasan karay hilowga iyo xiisaha Soomaali in badan kala maqneyd isu qabeen.

Tallaabadan ayaa lagu ammaani karaa karaa shakhsiyaadka wakhti badan u huray in ay riyadaan maruun rumeeyaan, oo Hal-abuurka iyo Qoraaga Soomaaliyeed u horseedaan siday u xafidi lahaayeen Afka iyo Hidaha Soomaaliyeed oo runtii ah kuwo hodan ah.

Ururka PEN iyo dowladda iyo dadka Jabuutina waxaan uga mahadcelinaynaa howshan quruxda badan ee ay walaalahood Soomaaliyeed u horseedeen.

W.Q. Maxamed Siciid Cumar (Kaashawiito)
Radio Midnimo
Boosaaso – Puntland
Soomaaliya.
Mudugonline.com


KIPLAGAT OO KU GUUBAABIYEY HOGAAMIYEYAASHA SOOMAALIDA IN LA SAMEEYO TANAASULAAD

NAIROBI, 01 July (IRIN) – Gudoomiyaha Gudiga Farsamada IGAD Danjire Bethwel Kiplagat ayaa sheegay in loo baahan yahay in tanaasulaad la isku sameeyo si loo soo afjaro shirka nabada dawladna loo dhiso Soomaaliya.

Danjire Kiplagat waxa uu ka hadlayay munaasabad lagu maamusayay sanadguurada 43aad ee kasoo wareegtay xornimadii gobolada koonfurta Soomaaliya iyo is raacii labada gobol ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dadka shirka jooga ay daaleen, loona baahan yahay in xilligan laga gudbo waxayaabaha la isku maandhaafsan yahay oo uu yiri micno malaha tirada baarlamaanka inta ay tahay laakiin waxaa muhiim ah ayuu yiri in Soomaalidu ay dawlad sameystaan oo ay muujiyaan inay wada shaqeyn karaan.

Mr Kiplagat waxa uu sheegay in dawlada ka dhalata shirka dib u heshiisiinta ay si deg deg ah caalamka uga heli doonto aqoonsi, dawlada Kenyana ay noqon doonto tan ugu horeysa ee aqoonsata maamulkaasi.

Kiplagat waxa uu xusay in maalinta kowda Luulyo ay tahay maalin taariikh leh, misena dhinaca kale ay tahay murugo in Soomaaliya ay ku xusto maalinteedii xornimada dalka Kenya gudihiisa.

Munaasabadaasi oo ay kasoo qeyb galeen Ergada shirka Mbagathi ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Hogaamiyeyaasha siyaasada qaarkood Col C/laahi Yusuf Ahmed, C/laahi Axmed Cadoow iyo Xasan Cabdulle Qalaad, kuwaasi oo ka waramay taariikhdii xoriyada Soomaaliya, iyadoo koox fanaaniin Soomaaliyeed ahna ay heeso iyo sugaan halkaasi kusoo bandhigeen.

Weriye C/risaaq (Sheekhaduun)
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.