Nairobi: Ilaa iyo xalay waxaa Mbagathi ka socday dabaal
deg iyo damaashaad lagu xusayey 43 guuradii ka soo wareegatey
is raacii waqooyi iyo Koonfur oo 1/7/1960-kii ku midoobey
magaca jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xuska 1-da Luuliyo oo meelo kala duwan oo Nairobi ka tirsan
lagu kala qabtay ayaa dadweeynihii iyo siyaasiyiintii
ka qayb gashay ku abuurtay qiiro ay qaarkood la ilmeeyeen.
Damaashaadka 1-da Luuliyo waxaa ka mid ahaa cayaaro,
heeso, gabayo ay fanaaniin dareenka dadka hanatay si wadaninimo
leh ugu luuqaynayeen, waxaana xaalay saqdii dhexe bir
dherer badan dhalada laga saaray calanka soomaaliya.
Waxaa intaa dheeraa khudbado ay hablo Soomaaliyeed iyo
madaxda Soomaalidu iyagoo farxad iyo niyad wanaag muujinaya
golaha shirweynaha ka soo jeediyeen. Madaxdii maanta munaasabadda
1-da Luuliyo ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sheekh Aadan
Madoobe oo sheegay inaan qaranimo iyo guul lagu gaadhayn
in la yidhaahdo inta uu hebel maqan yahay ma imanayo,
isagoo xusay inay wacan tahay in horta inta joogtaa ay
is qanciso, taaasina waxay keeni kartaa buu yidhi in markaa
ka dib kuwa maqan laga hadlo.
Sheekh Aadan Madoobe oo ay xamaasad aad u saraysaa ka
muuqatey waxaa hadaladiisii maanta ka mid ahaa: “Dadkii
kala dirayey kuwii joogey, weliba rag markaad fiiriso
aad ka dareemaysid inay rabaan inay shirka fashiliyaan
ayaa yidhaahda kuwa maqan baan u doodaynaa”. Taasna shiikhu
wuxuu ku tilmaamay mid aan macquul ahayn, isagoo tilmaamay
inay Soomaalidu maanta isku mid tahay oo uu qof waliba
xuquuqdiisii iyo karaamadiisii u taagan yahay.
Guddoomiyaha RRA wuxuu carrabaabay in la isugu iman karo
oo keliya in la is wada qadariyo. “Ma aha inay marba koox
yari intay meel gaar ah ku shawrto inay wax soo saamaayn
karto oo dadka marin karto, talada banaanka aan soo dhigno,
talada ummaddeena aan meel cad ku gooyno, caddaaladda
iyo xaqana aan ku dadaalo, rabitaanka shaqsiga, ha laga
hor mariyo rabitaanka shacbi weynaha Soomaaliyeed”. Ayuu
yidhi Sheekh Aadan Madoobe oo intaas ku daray inuusan
federaalku kala go’ ahayn balse uu Soomaali oo is nacday
oo caddaalad darro iyo musuq maasuq lagu sameeyey ay ku
midooobayso, isagoo arrintaas ka hadlayana Sheekhu wuxuu
yidhi: “dadka qaar waad ogtihiin waxay leeyihiin waan
go’nay Soomaaliya, waxay arkeen caddaalad darro iyo dulmi,
marka in loo hanjabo ma aha, waa in la yidhaahdo khaladkii
la idinka galay waa laga tanaasulayaa ee walaalayaal noo
imaada”.
Waxaa iyana fagaarihii maanta ka hadashay gabadh magaceeda
la yidhaahdo Faadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) oo
shaaca ka qaadday inay muhiim tahay in dhibaatada laga
gudbo oo la fiiriyo danta weyn ee Soomaali maanta hor
taalla. Faadumo waxay hogaamiyaasha Soomaalida ka codsatay
inay isu tanaasulaan, inay danta guud fiiriyaan, inay
u daneeyaan Soomalida dhibaataysan oo marba qof la afduubayoo,
la miisaamayo.
Masuuliyiintii Soomaaliyeed ee xuska 1-da Luuliyo ka
hadashay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha dawlad goboleedda
Puntland Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo ugu horraaynba
Guddoomiyaha gudiga farsaaamada Igad, safiirada wadamada
safka hore iyo dhamaan Soomaalida xafladda is raaca Soomaaliya
ka soo qayb gashay u mahad celiyey, Maadaxweyne C/llaahi
Yuusuf oo Soomaalida u habalyeeynayey waxaa hadalkiisii
ka mid ahaa: “Waxaan idiinku hambalyaynayaa oo idinku
bogaadinayaa xusuusta aad xusuusateen gobanimadeenii,
wadaninimadii iyo sharaftii qarankii Soomaaliyeed ee aynu
inagu iska bur-burinay, qaarkiina waxaan ugu hambalyaynayaa
xusuusta aad xusuusateen dhalinyaranimadiinii iyo waagii
aad dance’ka iyo cayaaraha ciyaari jirteen, sidii xaalayba
halkan ka dhacday oo anigoo haatan odaya la I cayaarsiiyey,
maantana danjire Kipligat oo aan u maalaynayo inaanu isku
da'aad nahay la ciyaarsiiyey, aad ayaan ugu farxsaanahay,
idinkoo dhana waxay ila tahay inaad ku faraxsan tihiin”.
C/llaahi Yuusuf oo xafladdii xalay ka hadlayey wuxuu
xusay inay xalay calankii saareen oo uu hadda korkooda
ka babanayo, isagoo inshaaraay (Rajeeyay) inuu caalanku
halka la saaray insha Allaahu ku negaan doono. Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf oo kaftan aad u wanaagsan maanta soo ban
dhigay ayaa isagoo faraxsan waxaa hadaladiisii ka mid
ahaa: “waxaan u malaynayaa xalay da’ baa la isku riix-riixay,
intayadii xalay joogtay waxaa la isla qiray, run iyo been
midday doonto ha ahaatee inaan anigu ugu da’ weynaa, xataa
Mawliid Macaane waa igu dafirayoo wuxuu yidhi adigaa iga
weyn, haatan rag kale oo odayaal ah ayaa inagu soo biiray,
C/llaahi Axmed Caddow waa fadhiyaa, isaga laftiisu musharax
weeye, waan dhegaystey khudbaddiisii, barnaamijkiisii
fiicnaana waan ugu hambalyaynayaa, ka soo qayb galka xafladdaana
waan ugu hambalyaynayaa.
Haatan haddaan da’ isku riix-riixnana wallaahay labadayada
mid weyn Illaah baa yaqaan, sidaan xalay u sheegay 43
sano ka hor lix xidigood oo saddexba dhinac tahay ayaan
xalay oo kale sitey, Soomaalidu dhame ayeey u taqaan,
meeshaan joogeyna waxay ahayd buuro u dhexeeya Talyaaniga
iyo dalka Austari, marka ninkii 43 sano ka hor dhamme
ahaa, dalka xoriyadiisiina ka maqnaa, isagoo dalkiisa
masuuliyadda kaga aaddan oo kaalin ciiddaan ah u soo diyaar
garoobayey, waxay ila tahay inaad wada qirsan tihiin inuusan
yarayn, laakiin nasiib wanaag dadka ugumana buurri, ugumana
cirro badni, bidaarna ma lihi, nimaan ogahay oo dhawr
iyo labaatan sanno ka hor aannu meel ka wada shaqayn jirey
oo inan yar ahaa baa iga cirro badan oo waa Hiloowle Iimaan”.
Markii uu kaftankaas oo si weyn loogu qoslay ka gudbay
wuxuu sheegay inuu rajaynayo sannadkan, sannadkiisa xaaladda
Soomaaliya oo aynu maanta ku jirro mid ka beddelan inaynu
ku ciidnaa, taas oo uu ku tilmaamay inay noqoto Soomaaliya
oo xasishay, gobanimadeedii la soo noqotay, tafaraaruqii
ku dhacay ka midowday oo is raacday, isagoo intaa raaciyey
in nidaamkay ku midooobayso ay Mbagathi ka soo saari doonaan
haddii Eebbe idmo. Col. C/llaahi Yuusuf wuuxuu kaloo yidhi:
“Bilaash baa 13-kii sanno oo qudha loo eedeeyaaye, anigu
21-kii ka horeeyeyna waa dhibanaa, dadku ma wada dhibanayne
qaar iska ladnaa baa jooga, yeelkeede koley Soomaaliyi
waa dhibanayd”. Wuxuu ku nuux-nuuxsaday inay dhibaato
jirtey oo mabaadii aysan Soomaalidu weligeed arag oo horay
u soo marin, xukun adag oo bela’ ah la soo maray.
“Halkan waxaynu u joognaa inaynu Soomaali isu keenaa,
nabadaynaa, hubka ka dhignaa, bur-burka dhacay sidii looga
soo kaban lahaa ka shaqaynaa, Soomaaliyi waxay ahaan jirtey
ku soo celinaa, dadkii halkan ka hadlayey waxaa hadalkoodii
ka mid ahaa dhibaatooyin baa jira, shirkii waa cakiran
yahay, waxyaabo la isku khilaafsan yahay baa jira, waa
run oo wuxu ama mabda’ ha noqdeen, ama wax si kale ah
ha noqdeene waxyaabo la isku hayaa waa jiraan laakiin
dadkaas waxaa ugu bishaaraynayaa koley shirku u fashilmi
maayo wax aniga idin la hadlaya iyo intii aanu isku aragti
nahay aanu sabab u noqono ku fashilmi mayo haddii Alle
idmo” ayuu yidhi Col. C/llaahi Yuusuf .
C/llaahi Yuusuf oo ka hadlayey waxyaabaha la isku hayo
ayaa dadweynihii xafladda joogey u sheegay in sida uu
aaminsan yahay aysan waxa muhiimka ah ee la isku hayaa
ay san ahayn lamabar (Tiro), wuxuu xusay in siyaasadda
la isku qabto, la gor-gortamo, la murmo, aakhirkase meel
dhexe ayaa la isugu yimaaddaa. Markuu halkaa marayey wuxuu
dadkii weeydiiyey su’aal ahyd waxa la isku hayo ma idiin
sheegaa?, dadkii waxay yidhaahdeen haa, wuxuu yidhi dabadeed:
“Waxaa la isku hayaa shirka ha la wado, 366 baa fadhiga
leh, wax alla iyo wixii lagu soo heshiiyo oo ay hogaamiyayaashu
ku soo heshiiyaan shirka ha la keenoo, ha laga gudbiyoo,
ha la mariyo, khasab ma aha inuu shirku iska raaco waxii
ay madaxdu ku soo heshiisee, ee aqlabiyadda shirku halka
ay ku dhamaataa muhiim ah, Shirku ha socdo ha guulaysto
waa mabda’, mayee shirku ha bur-buro in kastay khaldan
tahay iyana waa mabda’ kale, runtu sidaas weeye”.
Raggii xafladda munaasabadda ka hadlay waxaa isna ka
mid ahaa C/llaahi Axmed Caddow oo sheegay inay xafladdani
tahay mid marna farxad leh, marna leh ahmiyad weyn oo
aan qiimaheedana la soo koobi Karin. Isagoo maalinta xornimada
ka hadlaya kaftananna ku daraya wuxuu yidhi: “Anigu waagaas
waan dhalin yaraa, saaxiibkay C/llaahi Yuusuf da’ buu
sheegay, kolleyse ma sii kala weynin isku mar ayaanu Soomaaliya
nimid annagoo xidiglayaal ah, koleyse waxaa mahad ah inaanu
maanta wada caafimaad qabno, wada dabaal degayno, marka
C/llaahi mar baynu fadhiisan doonaa qalin baynu qaadan
doonaa, waxaynu isla eegi doonaa sannooyinkii ama bilooyinkii
aynu kala weeyneyn”.
Wuxuu kaloo xafladdii Caddow ka sheegay in Mbagathi loo
joogo arrin muhiim ah oo ah in la dhiso qaranimadii Soomaaliyeed
ee bur-burtay isagoo arintaas ka hadlaya waxaa hadaladiisii
ka mid ahaa: “Ummaddii Soomaaliyeed waa ina sugaysaa gudaha
iyo dibedaba, waxaan ka warqabaa markii la maqlo inay
wax jiraan dadku waa qalbi kacaan, waa wel-welaan, waxaa
la yidhaahdaa rejo waa dhamaatay, maxaa loo leeyahay rejo
waa dhamaatay?, waxaan filayaa shirkani inuu yahay kii
14 aad, markaan runta ka hadalo meel aan u noqonaa nagama
horayso, dalkanagii waa bur-buray, ummadanadii waa baaba’day,
waa tabaalaysan tahay, ummaddaasi waxay sugaysaa shirkan
inay dawlad loo dhan yahay ka soo baxdo”.
C/llaahi Axmed Caddow oo ka hadlayey arimaha la isku
hayo waxa uu sheegay inuu rumaysan yahay inaysan nidaam
dawlad dhexe oo midnimo shaqaynayn oo uu doonayo inay
dalkooda ku dhisaan habka federaalka. Arrimaha Somaliland
mar uu soo qaaday wuxuu sheegay in loo baahan yahay in
la doono si loo soo celiyo midnimadii qarankii Soomaaliyeed.
Raggii maanta xafladda ka hadlay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha
maamulka gobolka Hiiraan Xasan Cabdulle Qalaad.
Danjire Kipligat oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay
in sida ugu fudud uguna dhaqsaha badan shirku horay ugu
socon doono oo dawlad Soomaaliyeed oo ay soomaalidu leedahay
halkan laga askumi doono. Taas oo leh madaxweynaheeda,
ra’isal wasaareheeda iyo dawladda qaybeheeda kale, Kipligat
wuxuu kaloo sheegay inay Dawladda Kenya noqon doonto dawladda
ugu horeysa ee aqoonsata dawladda halkan ka dhalata. Wuxuuna
yidhi: “Kenya ayaa ugu hor aqoonsanaysa dawladda dhalata”.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay dawladaha Itoobiya iyo Djibuti
iyaguna markiiba dawladda cusub aqoonsan doonaan.
Waxaan u mahadnaqayaa Maxamed Deeq C/qaadir oo barnaamijkan
ila soo saaray.
Ibraahim Maxameddeeq
AllPuntland
|