Bosaaso [MOL] 01 July 2003-Waxaa maanta si wayn looga
xusay degaanada Puntland xuskii 1-da Lulyo oo ah maalin
taariikh ku leh xornimda soomaaliya, ahna maalintii Koonfurta
Somaliya Xornimada qaadatay lana midowday Waqooyiyaga
Somaliya sannadkii 1960 oo haatan laga joogo mudo dhan
43 sannadood.
Waxaa lagu soo bandhigay goobtaasi lagu hayey xaflada
xuska maalinta xornimadda ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka
iyo heeso wadani ah oo ay ka qaadayeen kooxo fanaaniin
ah. Goobta xafladaasi lagu qabtay ayaa ahayd mid aad loo
agaasimay. waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan
mamaulka Puntland, Dadweyne aad u tiro badan waxaana kaloo
gobtaasi salaan ku bixiyey cutubyo ka tirsan ciidanka
qalabka sida ee puntland ee Daraawiishta oo iyana loo
tumayey muusigada banbowga.
Sidoo kale maanta waxaa iyana xaflad sidaas
oo kale ah luga dhigay degmada Carmo oo ay ka soo qayb
galeen masuuliyinta degmada iyo iyadoo ay halkaasna ka
ciyaareen kooxo fanaanin ah oo qaadayay heeso soo jiitay
dadkii ka qayb galay xafladaasi. Waxaana qaban qaabiyey
xafladaasi urur dhalinyaro ah oo lagu magacaabo PYSA oo
ah urur NGO ah oo ka hawlgala degaankaasi, sidoo kale
magaaloyinka Garoowe iyo gaalkacyo ayaa xus kaa la mid
ah laga dhigay maanta oo lagu maamuusayay xaflada 1-da
Luulyo ee xornimadda Koonfurta Somaliya iyo midowgii koonfurta
iyo waqooyiga Somaliya..
Weriye C/risaaq (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
1-da Luuliyo oo si fiican
looga xusay Mbagathi
Nairobi, (AllPuntland)- Xaflado lagu xusayay
munaasibada kowda Luuliyo ee xornimada Koonfurta iyo
midowga waqooyiga iyo Koonfurta Somaliya ayaa lagu kala
qabtay Mbagathi oo uu ka socdo shirka Somalida iyo gudaha
Nairobi.
Xaflada ka dhacday Mbagathi oo u muuqatay mid iyadu ka
agaasin saraysay mida lagu qabtay gudaha Nairobi ayaa
waxaa ka qaybgalay dadweyne buuxiyay xerada shirku ka
socdo.
Inta badan madaxda Somalida ee joogta shirka Kenya oo
xafalada ka qaybgalay ayaa ka waramay heerarkii halganka
gobonima doonka Somalida.
Gen. Naaji abaanduulaha ciidamada DKMG ah / Kooxda Carta
oo xafladaan ka ahaa xiriiriyaha ayaa hadalo kaftan iyo
taariikh ah ka jeediyay goobta, Cabdalle Dooreew Isaaq
ayaa ku dheeraaday heerarkii ay soo martay xoriyada Somalidu,
Cabdicasiis Shiikh Yusuf, Salaad Dheere iyo Xuseen Caydiid
ayaa iyaguna hadalkoodu u badnaa mid ay kaga sheekaynayeen
halkankii taariikhda gobnimada Somaliya, waxaa kaloo hadlay
inta badan madaxda Somalida ee shirka ka qaybgalaysa.
Waxay ahayd midaan dadku filayn markii Mawliid Macaani
oo ka mid ah kooxda G8 uu ka istaagay xafladaas isagoo
dhaar ku celcelinaya uu ku dhaaranayo in uu isagu qof
ahaan daacad ka yahay in Somaliya shirkaan dawlad loogu
dhiso.
Cabdullaahi Yusuf oo isaga la siiyay hadalka xiritaanka
ayaa markuu u istaagay hadalka sheegay inuusan caawa ka
hadlayn siyaasad, wuxuu ku bilaabay inuu dadka waydiiyo
bal in qof walbaa dib u xusuusto halkii uu joogay kowdii
Luuliyo 1960, Caawa oo kale, wuxuu daba dhigay inuu isagu
xiligaas joogay Osteriya iyo Talyaaniga meel u dhaxaysa
isagoo ahaa kabtan ciidanka Somalida ah, uuna xusuusto
qiimaha maailkaas, wuxuu dadka waydiistay inay dib u xusuustaan
qiimihii kowdii Luuliyo 19960-kii.
Xafladaan oo calanka Somalida la saaray ayaa ku dhamaatay
jawi dadkii ka qaybgalay raali galisay.
Wariyahayaga oo ayan u suuroobin inuu labada xafaladoodba
ka wada qaybgalo xafaladaha oo isku mar socday awgeed
ayaa markii xafladaasi dhamaatay la xiriiray wargal joogay
xaflada kale wargalka ayaa u sheegay in xaflada kale oo
ay ka qaybgaleen tiro yar oo dad ahi marka loo fiiriyo
tan lagu qabtay Mbagathi halka lagu qabtay oo ahayd Hotel
kooban awgeed.
Xafladaas waxaa joogay xubno ay ka mid ahaayeen Cabadiqaasim
Salaad Xasan, Cusmaan Caato, Xasan Abshir iyo Maxmed Qanyare
Afrax iyo xubno kale.
AllPuntland
|