Wararka Mudugonline

Dhaqdhaaqyadii Nabad Raadinta ee uu waday C/lahi Yusuf oo si diiran Looga soo Dhaweeyay Gobolka Mudug.

Galkacyo,, 28 Jan 2003 (MOL) - Mar ay Mudugonline kuurgashay heshiisyo kala duwan oo Cabdulahi Yusuf la galay beelo dhawr ah oo degga Gobolka Mudug dhawrkii asbuuc ee la soo dhaafay ayaa la sheegayaa in si wanaagsan ay u hirgaleen, afgarad iyo heshiis wanaagsana uu dhexmaray Maamulka Cabdulahi Yusuf iyo beelahaas, taasoo lagu macnayn karo in C/lahi Yusuf uu la soo baxay Agenda Siyaasadeed oo ka duwan kii horay looga bartay Dawladiisa sida ay noo sheegeen shaqsiyaad codsaday inaan magacooda la faafin oo goobjoog ka ahaa heshiisyada uu maamulku la galay beelahaha kala duwan ee Gobolka Mudug.

Dadka siyaasadda u kuur gala ayaa sheegaya in laga yaabo is badaladaan inay ka danbeeyeen la tashi uu Cabdulahi Yusuf la sameeyay qaar ka mid ah duqayda deegaanka Puntland iyo qaar ka mid ah ganacsatada waawayn ee deegaanka waxaana ka mid ahaa wax yaabihii ay ka wada hadleen in nimanka wadaada ah ay wadanka u hayaan shaqo badan oo ay ka mid tahay Waxbarashada, Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga ka socda Puntland oo ay iyagu laf dhabar u yihiin wuxuuna u ballanqaaday odayaasha iyo ganacsatadii ay is arkeen in uu haatan wixii ka danbeeya uu ka shaqayn doono isu soo dhawaanshaha Ummadda Soomaaliyeed muhiimad gaar ahna siinayo sidii nabad iyo is afgarad loogu soo dabaali lahaa khilaafaadka ka jira Deegaanka Puntland dhinac kastaba.

Mar C/lahi la waydiiyay maxaad u aragtaa nimanka wadaada ah ee aad ku tilmaanto argagixisada inay yihiin ayaa C/alhi wuxuu ku jawaabay aniga dadku waa ii siman yihiin cidna gooni u takoori mayo taasi oo dad badan u arkaan isbadal aad u weyn oo uu damacsanyahay in uu ku sameeyo maamulkiisa oo khilaaf ba'an u dhaxeeyay waqti dheer Culumada aan ahayn Qaadiriyada. sidaas si la mid ah ayuu ku jawaabay markuu dib ugu soo laabtay magaalada Eldoret ee dalka Kenya, oo uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaana ka mid ahaa hadaladii C/lahi mar la waydiiyay sidee u aragtaa waxyaabihii wadanka ka dhacay mudadii aad shirka ku maqnayd iyo ka tagidda shirka ee qaarka ka mid ah Hogaamiya kooxeedyadii? ayuu ku jawabay haatan diyaar uma ahi cidna inaan canbaarayn usoo jeediyo.

Si kastaba xaalku ha noqdee waxaa dhaba in haatan Cornelku waji cusub la soo baxay, lana heshiiyay shaqsiyaad badan oo ay ku kala duwanaayeen aragtida siyaasadeed iyo fikirka ee ka jirta Gobbolada Puntland, dadkuna ay u badinayaan in ay tahay tilaabo wanaagsan marka laga eego dhibaatada shacabka Soomaaliyeed haysata maanta, loona baahnaa in la soo afjaro wax kasta oo dib u dhac u keeni kara dhismaha iyo jiritaanka Puntland qaasatan iyo Somaliya guud ahaan iyadoo loo marayo wadahal iyo is qadarin labada dhinac ah.

Mudugonline.com


Madaxweyne ku xigaha Puntland oo dig ugu soo noqonaya Garoowe.

Elderet, 28 Jan 2003 (MOL) -War aan wali shaacin oo aan ka helay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan madasha shirka Somalida ee Eldoret ayaa noo sheegay in madaxweyne ku xigaha Puntland mahamed abdi xaashi uu dib ugu noqon doono Magaala madaxda maamul goboleedka Puntland. Madaxweyne ku xigeenka oo haatan ku sugan shirka Eldoret ayaa waxuu ka mid ah ahaa wafti balaaran oo Dalwad Gobleedka Puntland uga qayb galiyay shirka dib u heshiisiinta Somalida ee Eldoret.

Madaxweynaha Puntland Cabdulahi Yusuf ayaa isna isla asbuucaan dib ugu soo noqday Eldoret ka dib markii uu in mudo ah hawlo u joogay Puntland, Hawlahaas oo Cabdulahi Yusuf ku soo afjaray booqooshooyin uu ku kala maray magaalooyinka Bosaaso, Garoowe, Galkacyo, iyo waliba booqashooyin uu ku tagay degmada iyo tuulooyinka Galdogob, Bayra iyo Bursalax. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sii wadi doona intuu socdo shirka ELdoret hawlaha Maamulka oo hadda si ku meel gaara uu u hayo wasiirka Xanaanada xoolaha Dr. Cabdiraxman Faroole.

Mudugonline.com


Dugsi Cusub oo laga furay Boosaaso iyo Shir Haweenka Boosaso

Boosaaso, Jan 27, 2003 , (AllPuntland )- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Faarax Maxamud Yuusuf (Doxajoog) ayaa maalmahaan ku marayey kormeer howleed xafiisyada dawlada iyo kuwa aan dawliga ahayn ee magaalada Bosaasso, taasoo uu Wasiirku sheegay in lagu dardar galinayo howlaha horumarineed ee maamul Goboleedka Puntland.

Dugsiga Cusub ee la Furay shalay

Wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ka koobnaa Wasiir kuxigeenka Waxbarashada Cali Axmed Gamuute, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdishakuur Mire Aadan, Wasiir kuxigeenka Badda iyo Dekedaha Maxamed Axmed Cilmi, Wasiir kuxigeenka Hawlaha Guud Axmed Maxamed Nuur, Wasiir kuxigeenka Xiriirka Caalamiga Axmed Saciid Shabeele, wasiir Kuxigeenka, Garsoorka iyo Cadaalada Axmed Yuusuf Cumar ayaa maaliintii shalay furay iskool wayn oo laga dhisay magaalada Boosaasso kaasoo uu xariga ka jaray Wasiirka Ganacsiga oo Wafdiga hogaaminayey.

Iskoolka ayaa loogu magac daray Shiikha lacagta lagu dhisay bixiyay oo lagu magacaabo Shiikh Xamdaan ahna Shiikha Xil kahaya Camaarada Dubai ee isku taga Emaaraadka.

Halkaan Guji si aad uga bogatid warbixinta dugsiga cusub iyo sawiro dheeraada.

 


Activist is injured as Somali delegates fight

By DAVID MACHARIA
and LUCAS BARASA

A fight erupted at the Somali peace talks in Eldoret yesterday, leaving one person seriously injured.

Uasin Gishu police chief Joseph Kiget said four delegates attending the Somalia National Peace and Reconciliation Conference were arrested in connection with the fighting.

The fight was sparked by differences over plans to move the talks from Eldoret to either Nairobi or Thika by February 1.

Eyewitnesses said a civil society activist sparked the row when he supported the transfer of the talks.

"A free for all ensued with delegates pouncing on the professor breaking his hand. Most delegates detest civil society activists whom they view as intruders in the talks," an eyewitness said.

Security personnel quickly intervened and calmed the situation at the Sirikwa Hotel, which, together with 10 other hotels, has been hosting the talks since last October 15.

Mr Kiget said the activist, a professor, was receiving treatment at an Eldoret hospital.

Most delegates are against plans by the Inter-Governmental Authority on Development (Igad) to move the talks owing to the "freedom" they have been enjoying in the North Rift town. They had also acclimatised to the area, they said.

Hoteliers and suppliers of other services to the delegates feared they would lose a lot of business should the talks be shifted to Nairobi.

The business community, led by hotelier Michael Rono and suppliers David Sawe and Peter Wafula, said they feared the change of guard at the Igad technical committee, where Mr Elijah Mwangale was replaced with Mr Bethwel Kiplagat, could lead to transfer of the talks to another venue.

An officer at the technical committee's secretariat confirmed there were plans to shift the talks to Nairobi but details had not been finalised.

The traders appealed to Foreign Affairs minister Kalonzo Musyoka to let the talks continue in Eldoret.

Since the talks started, hoteliers have earned more than Sh100 million. Transporters have also earned their share of money from the talks, which are in their second phase.

Daily Nation


Leaders' Committee Proposes Delegates for Somaliland

Somali leaders attending the peace talks in the Kenyan town of Eldoret have proposed that extra delegates be allocated to represent the self-declared republic of Somaliland in northwestern Somalia, according to one of the leaders.

Col Abdullahi Yusuf Ahmad, the president of the self-declared autonomous region of Puntland, northeastern Somalia, told IRIN on Monday that the leaders' committee had agreed to propose to the Inter-Governmental Authority on Development technical committee "to give Somaliland 50 extra delegates and five members in the leaders' committee". The leaders' committee comprises representatives of faction leaders, the Transitional National Government and five members of civil society.

Abdullahi Yusuf said the leaders had arrived at this decision for the sake of Somali unity. "We don't want to form a government without Somaliland," he said. "We should involve them and consult them. This kind of incentive is for the sake of Somali unity." He added that it was now up to the technical committee to take a decision.

Reacting to the call for the inclusion of Somaliland in the talks, the Somaliland minister of water and mineral resources, Mahmud Abdi Farah, said the Somaliland people had made their decision, put in place a constitution to govern themselves, and held free and fair elections, official Radio Hargeysa reported on 26 January.

Somaliland has consistently maintained that the peace talks do not concern it, because it is a "sovereign state with de facto recognition".

Somaliland, a former British protectorate, declared unilateral independence from the rest of Somalia in 1991, but has received no international recognition.

Meanwhile, Abdullahi Yusuf said that the stance adopted by the newly elected Kenyan government, and the appointment of a highly respected diplomat to head the talks "will breathe new life" into the conference. "I am confident that if the Somalis themselves don't derail them, the talks will succeed," he asserted.

The appointment of retired Ambassador Bethwel Kiplagat, to replace Elijah Mwangale, was officially announced on 18 January.

The talks, which started on 15 October under the auspices of the regional Inter-Governmental Authority on Development, have been dogged by wrangles over representation and allocation of seats. But they are now expected to move into phase three in the "next couple of weeks", a source close to the talks told IRIN.

In phase three, the delegates will discuss the contentious issue of power-sharing and the establishment of an all-inclusive government.

IRIN





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001