Hawl
gal Maanta ciidamada daraawiishtu ka sameeyeen Xeradii daraawiishta
Galkacyo,
23 Jan 2003 (MOL) - Waxaa Maanta Magaalada Galkacyo ka dhacay
Hawl gal ciidanka daraawiishtu ay ka sameeyeen Xeradii hore
ee ciidanka Daraawiishta, Hawlgalkaas oo u dhacay si nabad
ah ayaa dadkii deganaa xeradaas ciidanka daraawiishutu uga
saareen xoog iyadoo wax rabshado ah aysan dhicin. Xerada Daraawiishta
ayaa la xaraashi doonaa dhawaan lacagta ka soo baxdana loo
isticmaali doonaa mashaariic la filayo in laga fuliyo gobolka
Mudug.
Xaraashida
xerada oo soo jiitamaysay dhawr sanno ka dib markii halkaas
ay ka dhaceen dhawr iska hor-imaad oo dadweynaha magaaladu
ku diidan yihiin iskuna hor taageen in hawshaas la fuliyo
dhawr jeer oo hore. iska horimaadyadaas oo kii ugu dambeeyay
dhacay bishii October sannadkii hore ayaa duqa magaalada
oo markaas damacsanaa inuu xaraasho xerada ayaa dadweyne caraysan
oo ay la socdaan ciidanka Poliska ay is hortaageen duqa magaalada.
Waxaa
laba asbuuc ka hor Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland
Cabdulahi Yusuf isagoo markaas u qudbaynayay dadweynaha magaalada
sheegay in Dawlada hadda ka go'an tahay xaraashida Xerada
Daraawiishta qarashka ka soo baxana lagu fulin doono mashaariic
gobolku u baahan yahay. waxuu kaloo hadalkiisa ku daray inaan
loo dulqaadan doonin ciddii dambe oo is hortaagta xaraashida
xerada waa sida uu hadalka u yiriye. Taas oo loo qaatay in
xoog lagu xaraashi doono xerada daraawiishta.
Mar
Mudugonline.com asbuucaan gudihiisa
u kuurgalay arintaas ayaan ogaanay in dadka magaalada
intooda badani ka soo horjeedaan xaraashka Xerada daraawiishta
oo dad badan u leh xasuus iyo muhiimad gooniya. arinta si
kastaba ha ahaatee waxaa xaqiiqa ah in dadweynaha Gaalkacyo
il gooniya ku fiirin doonaan sida loo maamulo hawsha xaraashida
xerada oo dad badan tuhunsan yihiin in arintaasi aysan musuqmaasuq
ka marnaan doonin.
Mudugonline.com
Maleeshiyo
Beeleed Isku Dayday inay La Baxaan 2 Nin oo Horay u Dil Gaysatay..;
Maleeshiyo
maryo calas ah ayaa maanta ku guul daraystay inay la baxaan
gacan ku dhiiglayaashii 14/01/03 dadka ku laayay magaalada
Buurtinle ee gobolka Nugaal kadib markii ay iska caabin adag
kala kulmeen ciidamadii ilaalinayay ee dawlad goboleedka Puntland
iyo waliba odayaasha beesha ay ka dhasheen nimanka wax dilay.
Maleeshiyadaan
oo aad u hubaysnaa ayaa isku dayday inay halkii lagu hayay
kasoo saaraan gacanku dhiiglayaasha dabaeedna waxaa halkaasi
ka dhacay is rasaasayn aad ubalaaran oo aysan cidina wax ku
noqon , balse waxaa fakaday dhamaan dadkii weerarka soo qaaday
ayagoo qaarkood ay hubkii ay wateen ka carareen.
Dhinaca
kale gaari Tikniko ah oo uu leeyahay maamulka Puntland ayaa
ku rogmaday magaalada Buurtinle waxaana halkaasi kudhaawacmay
dad gaaraya 10 qof oo isugu jira dadkii saarnaa gaariga iyo
hal qof oo wadada marayay. dhaawicii ayaa la keenay isbitaalka
wayn ee magaalada Gaalkacyo oo haatan lagu dawaynayo.
Qaybta
Wararka AllPuntland