MUNAASABADLE, TIR.38aad
,Kismaayo, Axad , 19 Janaayo, 2003 ,waxaa soo saara "
Waamo Information Centre" Tafatire Cali Saciid Max'ed.Tel:254722723344
,Email:assiyaasa_newspaper@yahoo.com
Waxaan la kulmay sheeko yaab , ammakaag iyo
murugo leh , mar aan booqasho ku tagay dalka Eretareeya bishii
Meey 1993kii , anigoo ka soo laabtay dalka Suudaan oo aan
ku soo diyaariyey Diplooma Sare & Master Digrii , dhacdadii
aan la kulmay waxey aheyd 50 qoxooti Soomaali ah oo ay Dowlaladda
Ereteteeya dejisay hoteel ku yaal bartamaha caasimadda ee
Casmara lana yiraahdo Dankaaliya waxey dowladda Eratereeya
ku tiri halkaan degenaada kana cunteeya inta mushkilada idin
heysata laga xallinayo , maxey qoxootigii Soomaalida sameeyeen
ma ka soo baxeen iney xurmeeyaan qawaaniinta iyo sharafka
dalkii soo dhoweeye , jawaabtu waa maya , haddaba maxey sameeyeen
?
intey khamri ka dhergeen ayey waxey jejebiyeen
daaqadihii muraayadaha ahaa ee hodheelka , maamulkii hodheelka
ayaa u dacwooday dowladda ,wuxuuna ka codsadey in qaxootiga
laga raro , dabadeed dowladda Eretareeya waxey dejisay xero
ciidan oo ay ciidankii keligii taliye Mangisto ka carareen
,
waxaana halkaa ugu diyaarsanaa sariiro ay u
dhan yihiin qalabkii lagu hurdi lahaa iyo cunno 3da gelin
ah .
Inkastoo xerada ay magaalada ka fogeed haddana
waxaa jirey bas taga xerada agteeda ,waxey dowladda u qeybisay
qoxootiga Soomaalida waraaqo af Amxaari ku qoran oo ay ku
taal dhammaan basaska magaalada waxaa la farayaa iney ku qaadaan
lacag laaan qoxootiga Soomaalida meel alla meeshey rabaanna
geeyaan .
Abaalka ceynkaas maxey qoxootiga Soomaalida
kaga jawaabeen ?
Waxay sameeyeen arin qofkastoo damiir danqada
leh uu ka yaqyaqsoodo ( ka laba laboodo ) markey waraaqahaasi
heleen waxey la aadeen baarar khamriga laga cabo iyo guryaha
gaabsiga ( galmada xaaraamta ah ) lagu sameeyo , markey khamri
cabbaan ama ay dhillo u galmoodaan oo la weydiiyo lacagtii
wax lagu kala iibsaday waxey dhiibaan waraaqihii basaska in
lagu raaco loogu talo galay .
Xaalku markuu meeshaasi fool xun marayo ayaa
baararkii khamriga iyo dhillooyinkii ay ka aruuriyeen waraaqihii
qoxootiga ay siteen , dabadeen waxey u geeyeen dowladda waxeyna
codsadeen iney dowladda bixiso kharashyada ay qoxootiga qabaan
, dowladda Eretareeya wey bixisay kharashyadii , dabadeed
waxey u sheegtay qoxootiga ineyan siini doonin fursad kale
u saamaxda iney lacag laaan ku raacaan baabuurta magaalada
mar haddii ay siisay cunno iyo meel la seexdo oo nadiif ah
.
Intaa ka dib maxaa dhacay kadaroo dibi dhal
: Soomaalida Qoxootiga aheyd waxey ka qeyb
galeen 23kii May 1993kii dabaal deggii xurriyadda
Eretareeya , oo waxey tosheen calankii Soomaalida & kii
Eretareeya oo ay munaasibaddaasi kaga qeyb galeen , maxaa
ka dambeeyey , dhowr casho ka dib waxaa dhacday nin oday ah
oo ka mid ahaa qoxootiga - oo beri samaadkii ahaan jirey gashaale
dhexe turabitaariyada oo ka shaqeeya dekadda Berbara - ayaa
Calankii Soomaalida intuu soo duuduubay jeebka ku soo ritay
dabadeed u soo dhaadhacay magaalada dabadeed wuxuu galay baar
khamri , wuxuu dalbaday bakeeri khamri , markuu dhameystay
ayaa wuxuu dareemay ineyan ku filleyn oo ay ku bar goday
, dabadeed wuxuu istaagay baarka khamriga hortii wuxuuna la
soo baxay calankii Soomaalida ee jeebka ugu jiray wuxuuna
yiri waxaan ahay qaxooti Soomaali ah waxaana markhaati ii
ah calkeyga , waxaa igu bar goay khamrigii ee khamri
ha la ii iibsho.
Intaa markey dhacday oo dadweynihii Eretareeya
oo macaansanaya xurriyadda ay markaa qaateen , iyagoo dareensan
dhibaatadii iyo rafaadkii ay u soo mareen xurriyadda iyo calanka
, ayaa hal mar illimeeyey iyagoo oranaya nimankii 1977kii
jebiyey ciidamadii Itoobiya ee loo yaqaanay Libaaxyadii Afrika
maanta Calankoodii ma waxaa u dambeysay in koob khamri ah
la siisto .
Dhacdadani xaqiiqda ah ee aan la kulmay waxaan
u soo qaatay iney ka soo qeybgalayaasha shirka Eldoret dhammaantood
ay mar kale ila ooyaan , waxna ka qabtaan xal u helidda Mushkilada
Soomaaliya sida ugu dhakhsaha badan hadduu Alle idmo .
w/d :Xuseen Cali Cilmi Eldoret-Kenya
Assiyaasa News paper
Eldoret: Cabdullaahi Yusuf 'Soomaaliya
lama qeybin karo'
Waxa maagaalada Eldoret ee dalka Kenya Arbacadii
dib looga furay shirkii kooxaha Soomaalida oo in muddo ahba
ay dhibaato xagga maamulka iyo is-fahamka Soomaalida dhexdeeda
ah ay haysatay.
Waxaa haddaba Arabacadii hotelka Sirikwa ee
magaaladaasi Eldoret lagu qabtay xaflad ballaaran oo uu markii
ugu horeysay ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda
cusub ee Kenya, Mr Kalonzo Musyoka iyo masuuliyiin kale oo
fara badan.
Waxay ahayd maalin mar labaad dib loo soo nooleeyey rajadii
Soomaalida ee shirka Eldoret, ka ddib markii, mar qura ay
beesha caalamka gaar ahaanna inta daneysa arrimaha Soomaaliya
mar kale isugu wada yimaadeen madasha shirka.
Waxaa si aad ah loo xiisaynayey imaanshiyaha
shirka ee wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee dalka Kenya,
Mr Kalonzo Musyoka, ergada Midowga Yurub, kuwa Mareykana,
Masaarida iyo Jaamacadda Carabta, kuwa urur goboleedka IGAD
iyo Qaramada Midoobay, waxaana xafladdaasi khudbab qiiro leh
ku furay Mr
Kalonzo Musyoka oo si aad ah u muujiyey dareenka dowladdiisa
cusub ee shirka kooxaha Soomaalida.
Mr Musyoka waxa uu yiri "Dowladdayda cusubi
waxay u heellan tahay nidaamka shirkan, waxaanan sii wadi
doonnaa in aan taageero buuxda iyo talooyinba siinno dhexdhexaadiyeyaasha
iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed annagoo si toos ahna
ugu lug yeelan doonna shirkan gacan ka geysashada dhismaha
dowlad qaran oo Soomaaliyeed."
Mr Musyoka waxa uu intaas ku daray "Annagoo
taasi dabajoognana si aanu u lumin habsami u socodkii shirka
waxaa la goostay in uu shirku sii socdo isagoo aanan la joojin
iyadoo weliba la eegayo waqtiga, dhaqaalaha iyo dadaalka jira.
Sidaasi darteedna waxaa lagu heshiiyey in la xoojiyo dadaalka
jira nolol cusubna loo geliyo guddiga farsamada ee shirka,
sidaasi darteedna madaxweyne Kibaki waxa uu magacaabay ergay
cusub."
Ergaygaasi cusubi oo ah siyaasiga caanka ah,
Mr Bethwel Kiplagat ayaa isagana halkaasi ka hadlay isagoo
sheegay in uu Soomaaliya weligiis ku dhowaa uuna horseed ka
ahaa dadaal labada dal la isugu soo dhoweynayey bartamihii
toddobaatamaadkii. Mr Kiplagat waxa uu xusay in gobolkan,
Geeska
Afrika, ay weligiis dhibaato ka taagnayd.
Kiplagat waxa uu yiri "Gobolkan weligiis
ma arag nabad, xitaa hal maalinna ha ahaatee. Bal fiiri dhibaatada
Geeska Afrika, ka soo billow Soomaaliya, bal eeg inta badan
Kenya, inta badan Ethiopia, inta badan Djibouti, inta badan
Sudaan, inta badan Uganda, dhammaanteen dhibaato ayaa na soo
martay ilaa kontonkii sano ee la soo dhaafay. Hadda ma u guntan
karnaa innagoo ka billaabayna shirkan oo midkani noqdo billowgii
dhammaadka ee dagaallada."
Shirkan maanta ka dhacay hotelka Sirikwa ee
Eldoret waxaa sidoo kale joogay boqollaal Soomaaliyeed oo
runtii muujinayey sida ay u jeclaan lahaayeen in shirku guulaysto.
Masuuliyiintii Soomaaliyeed ee halkaasi ka hadashay waxa ka
mid ahaa Colonel Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Xasan Abshir
Faarax oo ku hadlay magaca hoggaamiyeyaasha Somaaliyeed iyadoo
Caasha Cilmina ay ku hadashay magaca ururrada bulshada raydka
ah.
Colonel Cabdullaahi Yusuf Axmed waxa uu u sheegay
masuuliyiinta hoggaaminaysa shirka in ay hubiyaan cidda ummadda
u wakiilka ah si looga samata baxo dhibaato is qab-qabsi,
laakiin waxa uu si weyn ugu dheeraaday sida loogu baahan yahay
in dowlad Soomaaliyeed loo helo taas oo ay ka wada qeybgalaan
dhammaan maamullada jira sida maamulka la magac baxay Soomaaliland,
waxana uu muujiyey dareen aanan hore looga dhawaajinin.
Shirkan Soomaalida dib ugaga furmay Ekdoret
maalintii Arabacada waxa joogay boqollaal Soomaaliya oo runtii
jecel in ay arkaan shirka oo guulaysta. Masuuliintii Soomaaliyeed
ee halkaas ka hadlay waxa ka mid ahaa Col. Cabdullaahi Yusuf
Axmed iyo Xasan Abshir Faarax oo iyagu ku hadlay magaca hogaamiyayaasha
Soomaaliyeed iyadoo ay Caasha Xaaji Cilimina ay ku hadashay
magaca Ururada Bulshada ee Raydka ah.
Waxa uu Col. Cabdullahi Yusuf Axmed uu u sheegay
masuuliinta hogaaminaya shirka Soomaalida in ay hubiyaan cidda
ummadda u wakiilka ah, si looga baxo dhibaatooyinka is-qab-qabsiga.
Cabdullahi Yusuf waxa uu si weyn ugu dheeraaday sida loogu
baahanyahay in dowlad Soomaaliyeed loo helo taas oo ay ka
soo wada qeybgalaan ayuu yiri dhammaan maamulada waddanka
ka jira, sida maamulak la magac baxay Somaliland oo aan haatan
ka qeybgalin shirka Eldoret.
Cabdullahi Yusufu waxa uu yiri "Haddii
ay jiraan sida la sheegayo dalal aqoonsi u raadinaya Somaliland,
waxa u fiican maanta in ay ogaadaan, Jamhuuriyadda Soomaaliya
in aan la kala goyn karin, la kala qeybin karin, sidii la
doono laga yeeli karin"
Gebegabadii, waxa uu u muuqdaa shirka Eldoret
mid haatan yididdiilo cusub yeeshay isagoo Wasiirka Arrimaha
Dibadda ee Kenyana uu ka dhawaajiyey in aanan laga seexan
doonin taabba gelinta miraha ka soo baxa shirkan. Inkastoo
ay masuuliyiin Soomaaliyeed oo badani madasha shirka ay joogeen
haddana waxaa ka maqnaa meesha Maxamed Qanyare Afrax, Muuse
Suudi Yalaxow, Maxamed Cumara Xabeeb iyo
Cali Mahdi Maxamed, kuwaas oo qarkood la sheegay in ay soo
foolleeyihiin beryaha soo socda.
BBC Somali
KU TUMASHADA XUQUUQDA DADKA LAGA TIRO
BADAN YAHAY.
ASSIYAASA NEWS
PAPERS
MUNAASABADLE, TIR.38aad
,Kismaayo, Axad , 19 Janaayo, 2003 ,waxaa soo saara "
Waamo Information Centre" Tafatire Cali Saciid Max'ed.Tel:254722723344
,Email:assiyaasa_newspaper@yahoo.co
Tan iyo intuu billowday shirka Eldoret 15kii
Oktoobar waxaa si ula kac ah loogu tumanayey xuquuqda Beelaha
Soomaaliyeed ee laga tiro badan yahay , dhowr jeer oo kala
duwan oo la soo cel celiyey qeysashada tirada ergada shirka
ka qeyb geleyso Haddeynu tusaale u soo qaadanno qeybtii ugu
dambeysay 27 ergo ayaa ku soo hagaagtay 12 beelood oo kuwa
laga tiro badan yahay ,waxey aheyd in min labo ergo ugu yaraan
ay beelkasta hesho balse waxaa dhacay in caddaalad darro weyn
la sameeyey .Tusaale beesha Shiidle oo Jowhar wax ka degta
waxaa la siiyey 13 ergo , reer Xamar 4 ergo Baajuun 2 ergo,
Reer Baraawe2 ergo ,Carab Yaman , Carab Saalax , Madhibaan
, Yibir , Ajuuraan , Baantuu, 6 daan beelood waxaa mid kasta
la siiyey hal ergo , waxaa la qadiyey beelaha kala ah : Muuse
Dheri ,Tumaal & Eyle oo dhammaantood ka tirsan kuwa laga
tiro badan yahay
Sidaa aawadeed Heyadda Xuquuqda Aadanaha
Soomaaliyeed waxey ka codsaneysaa maamulka Puntland , Hoggaamiye
kooxeedyada Soomaalida Isimada & Cuqaasha,Haweenka iyo
Ururka Dhallinyarada Soomaalida iney is garab taagaan beelahaasi
ilaa ay ka helaan xuquuqdooda ee u suuro gelineysa iney Ummadda
inteeda kale wax la Qeysadaan
Assiyaasa News paper
Jawaab & Talo Ku Wajahan ka qeyb
galayaasha shirka dib u Heshiisiinta .
ASSIYAASA NEWS
PAPERS
MUNAASABADLE, TIR.38aad
,Kismaayo, Axad , 19 Janaayo, 2003 ,waxaa soo saara "
Waamo Information Centre" Tafatire Cali Saciid Max'ed.Tel:254722723344
,Email:assiyaasa_newspaper@yahoo.com
Sidaan wada ogsoonnahay Wargeys ku sheegga loo
yaqaan Kulmiye ,Tirsigiisa 5aad ,ee soo baxay Sabti 18/ 1/
03 waxaa boggiisa 5aad ku qornaa maqaal ka soo horjeeda dib
u heshiisiinta oo lagu dhaleeceynayo nidaamka Federaalka oo
dhaqan gelintiisa ay hore ugu heshiiyeen hoggaamiyeyaasha
Siyaasadda ee sSoomaaliya ee ka soo qeyb galay Shirka dib
u Heshiisiinta ,wuxuu kaloo sheegay in shirku rajo xun yahay
. Tarjumada xun oo wargeys ku sheeggu Nidaamka Federaalka
ka bixiyey waa wax kama jiraan aan sal iyo raadna laheyn ,
shirkuna rajadiisa wey fiican tahay mar haddii la soo magacaabay
Guddoomiya Guddiga Farsamada IGAD ee beddelaya Elijah Mwangla
.Dalka Mareykanka oo caalamka ugu awood badan ugun a hodonsan
wuxuu ku dhaqmaa nidaamka federaalka waana dalmideysan. Wargeys
ku sheegga wuxuu si aan xishood laheyn ugu hadlaa af Dhulboobayaasha
& kuwa xaqdarrada ka wadey dalka Soomaaliya 12kii sano
ee la soo dhaafay , mana aha wargeys madax bannaan sida ay
ku andacoodaan qorayaashiisa ay aqoontooda iyo garashadooda
ay liidato marka hore : 1- waa xubno ka tirsan malleeshiyada
Dhulboobayaasha oo marakan qalin ku dagaallameya marka xiga
:2- waxaa maalgelin siiya & mushahar ugu yaraan 60,000
ksh bilkasta heyadda loo yaqaan NOVIB oo looga dacwooni
karo carqalada iyo fashalinta ay la damacsan yihiin Shirka
dib u Heshiisiinta . qarayaashaasi waxey ahaayeen kuwii ka
dambeeyey ceyrinta aqoonyahanno xirfad iyo waayo aragnimo
u leh qorista iyo soo saarista wargeysyada oo heyadda
hore ugu shaqeyn jirey oo la kala yiraahdo C/ Laahi Maxed
Sheegow & Ibraahim Jaamac Axmed ,waxey ka qoreen war bixin
isku dirtay iyaga iyo heyadda , waxey socdaanba maanta
waxey marayaan meeshii ugu liidatay .
Sidaa aawadeed waxaan kula talineynaa dhammaan
inta shirka dib u heshiisiinta ka soo qeb gashashay oo ay
ka mid yihiin Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda , Isimada , Haweenka
, dhalinyarada & ururada Bulshada iney dhammaan ay dacwo
lid ku ah qorayaasha wargeys ku sheegga Kulmiye ay u qoraan
Heyadda NOVIB oo cinwaankeedu yahay sidatan
NOVIB-SomaliaT/F254-2-4444977.Fax :254-4445126,Email
: mjaffer@novibsomalia.org www.somaliacivilsociety.org
RIVERVIEW RD.OFF. RING RD WESLANDS POBOX491,00606
Nairobi Kenya
loona sheego iney in soo noqnoqotay carqalada
uu wargeys ku sheegga ku hayo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
, ka dib markii qorayaashii aqoonyahanka ahaa laga ceyriyey
shaqada wargeys , heyaddana laga codsado iney qorato
aqoonyahanno takhasus leh oo talo wanaagsan ku soo kordhin
kara qaabka uu shirka u najaxayo
Assiyaasa News paper