Intaas
haddaan iri ee warbixin ah, war Sow Soomaalidu kun
sano aqoon, reer reer, deegaan, dagaallo la isku
barto, dhaqan ahaan,waxaas oo haddii la tixgelin
lahaa aan la isku saqajaameen!!! markii dagaalkii
shacabku qarxay, waayo sidii Hawiyuhu u dhaqmay
ma ahayn si dad Daarood dhaqaan yaqaan ay ula
dhaqmi lahaayeen!
Ugu
dambaystii wali ma rajaad ka leedahay in lagu heshiin
doono shirka Eldoret ayadoon labo waxyaalood oggolaan:
1) Inay soo celiyaan xoolihii ay dhaceen iyo hantidii
qaranka iyo dadkii ay laayeen oo dhan magtoodii
inta aan la heshiin.
2) laba iyo toban sano ayey hayeen madaxweynenimada,
ee maanta inay Daarood u oggolaadaan.
Haddaan
sharuudahaas la keenin Qabiil walba gooni ha u tashado
waayo Soomaalinimo jirtee.
adam
dirie
dirieadam@hotmail.com
YAA AAYAHA
PUNTLAND XILKA SAARAN YAHAY?
Nairobi
Aduunka
korkiisa meel walba waxaa ay leedahay magic waxaana
loogu doortaa hadba xaaldada dhab ahaaneed ee deegaankaas
ka suuroobi karta, waxaana terminology ahaan la
doorbidaa cimilada iyada o lagu cabiraayo cilmiga
sayniska, haddaba hadii xaaladu sidaas tahay aan
yarahe ka faaloono xaaladaha guud ee puntland iyo
sida ay xaalad ahaan manta tahay.
Haddii
aan taariikhda dib u yare jaleecno laga soo bilaabo
ilaa iyo intii burburka dalku dhacay 1991 waxaa
ay puntland hoy u noqotay dadyo farabadan ha ahaadaan
kuwo ku sunaa burburka ka hor oo ku nabad galay,
ha ahaadaan kuwo deegaan ahaan ka soo jeeda reer
puntland oo ka soo kala qaxay gobo badan oo dalka
ah ama ha ahaadaan kuwo aan deegaanka u dhalan laakiin
soo raacay nabada iyo kala dambaynta, dadyowgaas
oo noloshoodu marxalado kala duwan tahay, haddaba
aan isweydiino ee muxuu deegaanka puntland uga duwan
yahay inbadan oo gobolada dalka ah, ha ahaadaan
kuwa maamulo ka jiraan ama ha ahaadan kuwo aanay
ka jirin intabaa.
Puntland
waa deegaan balaaran oo dhamaantiisba ay ka suurowbaan
arimaha la xariira nolosha aadanaha waa deegaan
ku can baxay soo dhawaynta iyo ilaalinta nabada,
waana deegaan ay ku noolaankaraan shaqsiyaad kasta
ayaga oon loo eegin halka ay asal ahaan ka soo jeedaan,
deegaankaan waa deegaan shaqo waxaana ka jira camalada
badda, beeraha, dhaqashada xoolaha, waxaana alla
ku manaystay khayraad dabiici ah inksta oon noocyadiisa
qormadaan oo kaliya lagu soo uruurin karrin.
Haddaba
waxaa sanadahan dambe soo food saaray abuuritaan
colaado sokeeye iyo ciriiri siyaasadeed kaas oo
sababi karra in deegaankan ay ka dhacaan arrimaha
uu inbadan oo gobolada dalkaa uga gaddisnaa, inay
dhacaan rabshado hubaysan ku waas oo keeni inuu
deegaankaan balaaran ee nololwadaagaa kala qoqomo,
waayo colaadaha sokeeye ma sababaan ama lagama dhaxlo
waxaan dhibaato ahayn, hadii aan yare fiirino dhanka
siyaasada waxaa habboon in siyaasadaadu ku salaysnaato
oo keliya horumarka deegaanka waana in aad ka digtoonaataa
inaad ku dhaqanto siyaasaddii gumaystaha ee loo
yaqaaney (farud-tashud) ama kala qaybi oo xukun.
Hadaba
yaa aayaha puntland xilka saaran yahay waxaan talo
ahaan soo jeedinayaa in la badbaadiyo musiirka iyo
aayaha buntland ayada oo lagu waana qaadanayo wixii
laga dhaxlay burburkii 12ka sano wixii laga dhaxlay
oo ahaa xasuuq,dhac, boob,kufsi, iyo dhibaato caynwalba
leh, hadaba miyaanay reer puntland intaas oo dhan
ka nabad galin mise waxaa la doorbiday in manta
foolxumooyinkaas oo idil loo bareero waxaa ay soo
jeedintaan ku socotaa dhamaanba reer puntland, intii
samaha ka shaqaysa xumuhuna dhiboo, intii aqoonta
iyo garashada u saaxiibkaa, intii aayaha iyo mustaqbalka
puntland qiimo la leeyahay, intii badbaadinta dadkooda
iyo dalkooda danaynaysa,
hassan
ali gurhan(mataan)
gurxan2002@yahoo.com
Reer
Mudug: seefi naqaadaye yaan soori naqaadin!
Soomaalidu
waxay tiraahdaa nin soori qaadday iyo nin seefi
qaadday kee daran? Iyagaa ka jawaabay waxay dhaheen
nin seefi qaadday waad ka samirtaa laakiin nin
soori qaadday si xil leh buu ubbaxayaa.
Qofkii
taariikhda gobolladaas yaqaan waxaa usoo baxaysa
beelaha iyo dadka ehelka ah oo halkaas dega waxaa
caadi u ahayd dagaal joogto ah inkastoo ay mar
walba ka heshiin jireen. Waxaad arkaysaa inta
qof oo seef ama xabbadi dishay ay wax badan ka
badan tahay dadka sida kale u dhinta. Waqtigan
xaadirka ah wali colaadii waa shidantahay.
Soomaalida
dhexdeeda waxaad maqlaysaa qabiilooyin dhan oo
la yaso oo la caayo. Markaad waydiisid waxyaalaha
ay arrintaas ku muteen waxaa ka mid ah in lagu
yiraahdo:
awoowgood baa ugaas dilay ama
awoowgood baa bakhti cunay isagoo gaajo nafta
uga dhacayso.
Rukhsadii
Ilaahay banneeyey oo uu sharfay nafta qofka Binu
Aadamka ah, qofkii qaatay miyaa caayan?! Culimada
qaarkeed waxay dhahaan qofkii gaajo xun hayso
oo bakhti u yimaada oo nafta ku celin waaya ka
dibna dhinta waa ehlu naar. Awoowgaas Soomaaliyeed
waxaan u arkaa inuu ahaa nin caqli badan.
Waa tahay imisa awoow ama qof Soomaaliyeed baa
maanta bakhti iyo doofaar cunta. Ma jiraa qabiil
aan laga helayn qof doofaar cuna ama khamri cabba?
Ma filayo. Iyaguna soow nasab dhimad ma ahan?
Waxay ixasuusinaysaa sheekho yar oo qosol ah oo
Carabi ah. Maalin baa nin ku dheereeye Naxwaha
Carabigu wuxuu ku soo baxay nin kale oo dhalin
yaro ahaa markaasuu wuxuu waydiiyey nin ay isla
yaqaaneen dameerkiis wax ku dhacay wuxuu yiri:
"maa
facala fulaalun biximaarihi" oo micnaheedu
yahay sidee buu hebel yeelay dameerkiisii. Wiilkii
dhalinyarada ahaa wuxuu yiri "baacihi"
Sheekhii wuxuu yiri war dheh "baacahu"
oo ah wuu gaday iyadaana sax ah. Ninkii dhalinyarada
ahaa wuxuu u qaatay ba'da ku jirta ximaarka oo
wax hoos dhigta, in tan ku jirta ficilka tagay
ay la mid tahay. Markaasuu shiikhii waydiiyey
oo yiri maxaa adiga ba'daada ka dhigay mid wax
hoos dhigta taydana mid wax godda. Hadda maxay
dadkaasi bakhtiga nasab dhimad ugu noqdeen, dadka
kalana ayna waxba ka qaadin. Haday jirto wax naga
qarsoon oo aan fahmin ha naloo sheego.
Teeda
kale haddii ugaas la dilay nasab dhimid lagu noqonayo
imisa ugaas baa dhowaanahan laga dhigay qaar la
dilay iyo qaar la ihaaneeyo oo xabsiyo loo taxaabo?
Waxaan uga golleeyahay magaalada Gaalkacyood.
Waxaan dhigan jiray dugsiga sare ee Cumar Samantar
ee Gaalkacyood labo sano dugsiyeed 1980/81 ilaa
1981/82. Yacni dhaxal buu iskuulkaasi reebay.
Iskuulkaas bilicduu lahaa ma malayn kartid inkastoo
aan wax dayactir ah lagu samayn saan filayo ilaa
waagii la dhisay. Fasallada, jikada iyo Hall-kii
ciyaaraha uu lahaa kuma arag iskuul kale bal wuxuu
kaga fiicnaa jaamacadaha Soomaaliya ku yaal. "corridor,"
meelaha fasallada horteeda ee lagu socdo siday
ahayd iyo xafiiska maamulaha wuxuu ahaa cajiib.
Waxaa inta dhaadheera wuxuu ahaa boarding school.
Waxaan imid dugsiga sare ee Benaadir si aan ugu
dhamaysto labadii sano ee kale ii harsanayd. Inkastoo
iskuulkaasi ahaa iskuullada ugu caansan Soomaaliya
dhinac kasta, ahaana iskuul aad u wayn laakiin
ma gaarin iskuulkaas yar ee dhowrka fasal ahaa
dhinac kasta waa waqtigaase. Iskuulkaas ardadii
ka aflaxday waa laga yaqaanay jaamacadaha Soomaaliya,
qaarkood hadda waa dad caan ah oo la yaqaan.
Ka
waran haddii iskuulkaas la gadi lahaa waagii reer
Mudugu kasoo horjeesteen maamulkii Maxamed Siyaad
Barre? Ama la xiri lahaa?
Qasadkaan
leeyahay waa in dadweynaha Gaalkacyood ogaadaan
qiimaha ay leedahay dhulka dadka ka dhaxeeya.
Haatan waxaa beec ah xeradii daraawiishta ee Gaalkacyood.
Maxaa arintaas keenay?
Gaalkacyo
waagii iigu dambaysay waxay lahayd xero yar oo
booliis, xabsi yar iyo xeradaa daraawiishta. Ma
lahayn dab damis. Haddana sida la iisheegay magaaladii
waxay u dhisantay si aad ah. Waxaan filayaa intaa
ku ogaa in kabadan inay ku darsantay. Caqligu
wuxuu keenayaa magaaladu hadday weynaato waa in
adeegyada kalana sida iskuullada, isbitaalka,
xerada booliiska iyo xabsigu waynaadaa ama la
badiyaa. Dab damis waa in la sameeyo ilayn magaalo
intaas le'eg oo si qaab daran loo dhisay way ubaahantahay
adeegaas. Teeda kale daraawiishtan tiradii ka
badatay ee dadkii kaga dhawaajisay xagay ku hoydaan
oo xero u ah. Xataa Boosaaso waxaa la sheegaa
mararka qaarkood jaamacadii bay degaan.
Waxaan
dadweynaha kula talin lahaa inaan qofna lacagtiisa
galin gadashada xeradaas. Yeeynaan noqon dad soori
qaadday waliba dhul dadka u dhaxeeya. Dhaqan umaynaan
lahayn in soor quureed aan cunno. Ninkii ama duulkii
ama jifadii ama beeshii laga celin waayo u daaya,
faraha uga qaada, ha gateen, magacna haka raaco.
Ilayn sidaan maqaalka kusoo bilaabay magacyadan
dadkii ka hari waayey oo xitaa tafiirtoodii gaartay
maalin bay baxday waxayna ku baxday wax dadkoo
dhan sameeyo. Marka ninkii maanta raba inuu sameeyo
wax aan degaankaas looga horayn rabana inaan magac
ka raacin waa wax aan dhici karin.
Waxaa
intaas dheer dhulkaan dadweynahaa/dowladda ayaa
leh qofkii gata beri jeegadaa laga qaban. Marka
ceeb iyo cay yaan la isku darsan. Xeradaas hadal
haynteedu ha dhamaato.
Inkastoo
nin laga sheegay Ilaahay waan aqaan dabadeed daylo
waan aqaan, calaankiina waan aqaan. Waxay ku baxday,
reer arigood waxaa ku jiray lax tuugo ah oo marka
arigu foofo guriga xaggiisa inta soo aada dhanta
caanaha iyo waxa reerka u yaal. Maalintii dambe
baa reerkii xeradii ka guuray. Markii reerkii
degay ee awrtii la furay oo gurigii la dhisay
bay arigii tiriyeen markaasaa waxaa la waayey
laxdii. Ninkii reerka lahaa wuxuu yiri hadalkaas
kor ku qoran. Wuxuu gartay in laxdii aaday meeshii
laga soo guuray iyadoo caano ka raadinaysa, waa
daylo. Wuxuu ogaa in dhurwaagu meesha buuxo, calaanka.
Wuxuu gartay xaalada ka jirta baadiyaha (sunada
Ilaahay) in laxdaas iyo dhurwaagu ayna isa seegayn.
Isagoo taas cindiga ku haya ayuu meeshii laga
soo guuray ku noqday markaasu wuxuu arkay laxda
raqdeedii.
Marka
qofkii ceeb u barta waa is arkayaan.
cabdulwaaxid
Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com