Kooxdaasi waa jalayaal oo waxay la jal yihiin
Cidii Jeebka u buuxisa.
Iyagoo
Cadowgu reer Puntland afartaas Kooxood dibadaha
ka soo kaxaysteen ayey ku guulaysteen in ay Puntland
Bowdka uga soo dhacaan oo ay isku Duubnidii Gudaha
Puntland ka jirtay dhaawacaan.
Waxaana
si dhaawacaas markasta loo danqiyo Cawoga Puntland
tidceen Warbaahin Aduunkoo dhan ku teedsan oo
ay ka mid yihiin Homepageyo Magac reer Puntland
maqaar saar ahaan u wata oo badanaa Xamar laga
leeyahay iyo Raadyayaal Qaarkood Caalami yihiin
sida BBCda Laanta Afsomaliga iyo kuwo FM ah oo
ay dhamaantood Cadwoga Puntland leeyihiin.
Dhamaan
Warbaahintaas waxay u adeegsanayaan sidii ay Ray´ga
dadka reer Puntland u khaldi lahaayeen, iyo sidii
ay u heli lahaayeen Dad dibadaha jooga oo dayeysan
oo ay duufsadaan, kuwaas oo Sheekada Haadba Haad
kici ka dhigayaan oo Dadka gudaha Puntland sidaas
maamulkooda uga horteenaya,
taas
oo keenaysa in uu cadowgu gaaro siduu rabay.
Hadaba
waxaa cad in Puntland dibadaha laga burburiyey
ee reer Puntlandiga Gudaha joogow yow idiin rarin
Qof aan idiin furi doonin oo yaanay idin qixin
kuwo iyagu Qoxootinimo haysta.
Mahadsanin
m.jagne
djagne@hotmail.com
Muqdisho
Dalka Culayska Ka Qaad
Cabdullahi
dadka Puntland waa wadanayiin ee qoriga ka daa.
War iyo wacaal toona ha sheegin , Kornaylka hadal
ma leh oo ina Suudi Yalahow weli ugama jawaabin
warki ka soo yeeray oo ahaa"majo waxaay u laabmaan
meesha madaxa jiro" ,Eldoraatna waa bukaan
socod, Puntland farahiisa kuma jirto oo hoos ayuu
u qabiileeyay xoogna u adeegsaday in daacad loo
ahaado ,nabadi ay sanadahan danbe ku nasteen iyadana
waa la degay,beerki reer galbeedka ma caqli xumo
ayuu ku soo siyaadiyay misa arrinta waa wax walba
ha mareen meeshi ay martay SSDF oo kornaylka zamanka
ma badelin , kornaylka miyuunan ku cibra qaadan
xaalkaay ku danbeeyeen dagaaladi waddankeena ka
aloosnaa ee ku salaysnaa xoog ku gaar madaxtinimo
tan iyo inti la eryay rejiimki ina Siyad Bare madaxda
ka ahaa iyo hoos ugu noqashada reerkaada bohal aad
ku dhacdo kaagama horeyso, ma arkin kamana fa'iideysan
dhibka haysta kuwi magaalada Muqdisho dhashooda
la dhacay madaafiicda si ay u helaan sad aynan baran
xil qaadkiisa culayska uu ku leeyahay nimaan ilaah
ka baqin ,kornaylka ma hilmaamay in uu xabsiyada
dalka itoobiyo ku xirnaan jiray iyo wuxuu u xirnaan
jiray masa waa ka ilduufay in siyaasada masaalix
tahay saaxiib joogtaana aynan lahayn, tolow darsigan
qoyan ma ka faa'iideysan doonaa, kornaylka oo deriska
u soo digay si ay ugu qaybgalaan aroskiisa ka dhacayo
Eldorat waa siduu jeclaaye isla markaasna ku howlan
adkaynta gacan ku haynta Puntland ayaa mar kaliya
ku soo baraarugay Muusa Suudi oo ku leh madaxtinimo
misaankeeda ma lihid ee cagaha dhulka la hel iyo
kaabihiisi Meles Sanaawi oo ku leh warka Muusa Suudi
haka jawaabin haddeer ee u gaadi ilayn warar cusub
ayaa naga soo gaaray dhanka Maraykanka iyo saaxibadeena
aan dadaalka ugu wada jirno dabargoynta wax lagu
sheego argagixisada oo ay noo dheertahay in aan
mar kale daraasa ku sameyno Muqdisho yaa qaban karo
laguna kalsoonaan karaa oo aan masaalix is dhaafsankarnaa,
haddaba waa su'aal aan jawaabteeda madaxa daalineyn
Cabdullahi weli rajo miyaa kuugu danbeyso in aad
gacanta ku dhigto awooda u sareyso ee Soomaaliya
adiga oo og in aad ka dhamaan la'dahay diidmada
kaaga imaanaysa beeshaada iyo gaar ahaan gobalka
Bari oo ah halbowlaha dhaqaalaha ee dowlada Puntland
iyo dalkeena guud ahaan oo ah meel lagu gorgortamo
qabiilka qaranimo ka hor.
Cabduqaasim haddii cahdi la wada galo naftaada
ayaa cahdigaas fulintiisa laga bilaabaa
Qaab xuma u socodka ma ina Yuusaf ayey ku ektahay
misa waa mid hogaamiyayaasha Soomaalida intooda
badan saameyso ,su'aal uma baahna oo Dr Cabduqasim
ayaaba ka daran oo jaakatki jabuuti looga soo xiray
ka hor dhamaaday maantana joogo in uu u caga jugleeyo
jufadiisa gaar ahaan kuwi soo dhisay haddana doonaya
in ay iska fogeeyaan kol haddii uu fashilmay magacoodina
la haray ina caydiidna leeyahay abti awalba annaga
ayaa idin wadnay oo indha saasa siyaasada kuma aadan
lahayn ee ku ekaada boob iyo qoryaha oo aad noo
qaadaan, waxaay maanta arrinta joogtaa waa Al-Itixaad
iyo iguma dhihi kartid afkaadana edeb u yeel haddii
kale madaafiicda gacantayda ku hartay walaal waan
adeegsanayaa,waxaa intaas u dheer in laga cunay
xoolaheey boobka ku tacbeen 12 toban sano iyo kisti
baryada dibada looga keenay oo Soomaali weyn loogu
tala galay iyo gogasha bukaanka ah ee Eldorat oo
Deerow iyo Xasan Abshir leeyihiin reerkaada ma mathalno
ee reeraheena ayaan mathalnaa . waa su'aal muhima
oo aan jawaabteeda madaxa daalineyn, dagaalki aad
u wada gasheen madaxtinimo iyo ilaalsiga xoolihi
aad boobka ku soo xareyseen ma ka harteen misa weli
raja ayaa idinku danbeyso in aad gacanta ku dhigtaan
awooda u sareyso ee dalka Soomaaliya adiga oo aan
garan dowlad mar kaliya madaxda dowlada ugu sareyso
ma u dirsataa wada hadalo aan la garanayn salkooda,ujeedada
ka danbeysa iyo waqtiga ay ku egyihiin,adiga oo
ku soo haray u khudbeynta haweenka,caruurta iyo
inta taakta daran oo aad la degtay deeqihi baryada
loogu keenay, saddexdi sano dushaada ayey ku dhamaatay
adiga oo aan mari Karin wadada hormarto villa Soomaaliya(guriga
dowladda) gelid warkeedaba iska daa.
Xuseyn ninki gurigiisa qurxiya ayaa mid kalana ku
daro ee degmada Dagaari weligaa ma taktay.
Waxaa la leeyahay kuranki uu dhalay Generaal Caydiid
ayaa magaalada Eldorat tartartan ugu jira qabashada
hogaanka Soomaaliya ,oo wiilka ma hilmaamay in uu
itoobiya ku joogay baxsad uu waddanka kaga maqnaa
mudda sanad ka badan isaga oo ka cararaya ina Daylaaf
jameecadiisa keddib shirqoolki uu ka badbaaday ee
loogu dhigay deggada magaalada Muqdisho oo ay ku
nafwaayeen dhamaan saraakiishi ka soo qeyb gashay
gogashi lagu khaarijin lahaa misa hilmaamay raggan
in ay dilaan doonayo in ay ka soo baxeen dugsigi
aabihiis ,madaxtinimadana ay kaga weyn tahay nolasha
wiilka macalinkoodi oo isagaba ku nafwaayay raadinta
kurisigaas Soomaali oo dhan la haray,wiilka ma hilmaamay
heshiiska qaahira isaga iyo Cali Mahdi ku dhexmaray
halki uu ku danbeeyay iyo reer Muqdisha waxaay ka
yiraahdeen ,haddaba waa su'aal aan jawaabteeda madaxa
daalineyn ina Caydiid weli raja miyaa kaa heyso
hanashada madaxtinimada Soomaaliya adiga oo aan
haba yaraatee meel ku sheegin salbalaarti aabahaa
kaaga dhuuntay ,meelna aadan ku ogaan mujaahidiinteedi,
taageerayaasheedi iyo shaqaalaheedi, adiga oo aan
awood u lahayn dhayida nabaradi aabahaa u geystay
Magaalada Muqdisha iyo dadkeeda gaar ahaan iyo Soomali
oo idil guud ahaan.
Muqdisho
heeryada iska qaad,dalka iyo dadkiisana culayska
ka qaad.
Arrin waxaay ku biya shubtay in ay muuqato in aan
lagu caana maalayn guul laga gaaro shirka bukaan
socodka ah ee Eldorat uga socda Soomaali weyn sidaa
darteed waxaa caddaan ah in ay talo ku soo aroortay
Muqdisheey heeryada iska qaad, dalka iyo dadkiisana
culayska ka qaad .
hogaamiyayaasha aan kor ku soo xusay,hogaamiyayaasha
reer Baydhabo ee tartanka ugu jiro daadinta dhiiga
taageerayashooda iyo burburinta magaalada Baydhabo
iyo hogaamiyayaal badan oo aynan suurta galayn in
aan maqaalkan ku soo wada xuso halgankooda siyaasadeed
iyo dhiiga ay daadinayaan iyo dhiiga ay horay u
dadiyeen waxaa sabab u ah oo keliya rabitaankooda
in ay mar uun jaga ka qabtaan hadii lagu heshiiyo
xukuumad soomaaliyeed waxaana xaqiiqo indhaha aan
laga qarsan karin ah in aynan marnaba u maqnayn
danaha deegaanada ay ka soo jeedaan iyo taageerayaashooda,
dhaqan xumadoodana waxaa ummadda Soomaaliyeed ka
badabaadin karo dadka reer muqdisho oo nabadeeyo
caasumada Soomaaliya ilaaheey idinkiis.
"Korka meel ka mid ah haddii ay jirato korka
intiisa kalana waa la qabaa" jirada Soomaaliya
waa Muqdisho waxayna jiradeeda ka bilaabatay damac
qabiil iyo dagaal qorsha la'aan ah oo lagala hortagay
xukuumadi Maxamed Siyaad madaxda ka ahaa iyo marki
la riday oo ay soo baxday dulduleeladi qabiil qabiil
xukunka ka tuuray oo aan heshiis ku ahayn talo wadaag
,qorshahiisana aynan ku jirin mabda' ka duwan kii
ina Siyaad wadankeena ku dhaqayay 21 sano dalkana
u horseedi karo qaranimo iyo In laga fogaado wixi
keeni karo qarankeena oo iftiinkiiso damo, nasiib
daro ma dhicin in lala yimaado xilkasnimo iyo caddaalo
wax lagu qeybsado oo ummadan lagu dhaqo, waana muuqataa
foolxumada aan ku jirno laga soo bilaabo 12 sano
ka hor ilaa haddeer waxaa iyadana looga bixi karaa
Dadka reer muqdisho in ay la yimaadaan midnimo,
xilkasnimo, dulqaad badan, wada tashiyo ku salaysan
ixtiraam iyo dhageysiga talooyinka dhamaan dadka
asal ahaan ka soo jeedo deegaanka Muqdisho iyo dadka
degan magaalada oo ay khuseeyso nabaddaynta Muqdisho
si maamul mideysan loogu sameeyo gobalka banaadir
iyada oo la tixgelinayo xaqa ay u leeyihiin gacan
ku dhigida maamulka Muqdisho dadka loo yaqaan deegaanka
isla markaasna la dhowrayo xaqa dowladda ku leedahay
caasumad ahaan iyo xaqa u sinaanta joogitaanka iyo
ka shaqaysiga dadka Soomaaliyeed guud ahaan, nabad
waddankeena ku nasto waxaay ku xiran tahay reer
muqdisho oo soo afjaro colaada, daawana u helo jirada
taal caasumadi Soomaaliyeed ugana gudba iskaashi
,wada shaqayn iyo iyaga oo intaas keddib Soomaali
weyn ugu yeero gogal lagu dhameeyo dhibka Soomaliweyn
kala gaaray laguna soo dhiso qaran ku shaqeeyo caddaalo
iyo sinaan lagu dhaqo ummadda Soomaaliyeed.
Abdalla Moalim Mahamud(Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
JAALIYADAHA
DAAROODKA WAQOOYI ( EAST SOMALILAND ).
Ku:
Qaramada Midoobay. 06.01.03
Ku:
Ururka Midowga yurub.
Ku:
Ururka Midowga Afrika.
Ku:
Wadamada Deeqda Bixiya.
Ku:
Maxkamada Aduunka ee Heeg.
Ku:
Ururada Samafalka ee Qaramadda Midoobay
Ururada Deeqda Bixiya
Ururada Samafalada ee Caalamiga ah.
Ku:
Ururada Xuquuqda Aadamiga.
Ku:
Dhamaan Beelaha Soomaaliweyn.
Ku:
Saxaafada madaxabanaan.
Ujeedo:
Heshiis kuma nihin gooni u go'is Somaliland iyo
kala qoqob Soomaaliyeed
Sida
aad ogtihiinba Gobolada Waqooyiga Soomaaliya waa
degaamadii uu Ingiriisku Gumaysan jiray ( British
Somaliland ) waxayna ka kooban yihiin Goboladda
Sool, Sanaag, Togdheer, Waqooyi Galbeed iyo Awdal
waxaana wada dega Beelaha Dir iyo Daaroodka Waqooyi.
Dirku:
waxay degaan Gobollada Awdal, W/Galbeed iyo qaybo
ka
Togdheer
iyo Sanaag. GALBEED SOMALILAND
Daaroodku:
waxay degaan Gobollada Sool iyo qaybo ka mida Togdheer
iyo
Sanaag. BARIGA SOMALILAND.
Markii
Dawladii Soomaaliyeed burburtay waxay Beelaha waqooyi
isugu yimaadeen Magaalada Burco oo ay ku gaadheen
heshiis xabadjoojin iyo nabadgelyo.Hadaba waxaa
dhacday in Beelaha West Somaliland ( Dir ) ay heshiiskii
nabadgelyada si khaldan u isticmaaleen iyagoo ku
daray qodobo been abuura oo aan heshiiska ku jirin
kuna macneeyey in Beelaha Waqooyi ( British Somaliland
) ay go,aansadeen inay ka go,aan walaalahooda Soomaaliyeed,
lana baxaan Somaliland.
Waxaan
Dawladaha, Ururada Dawliga ah, Ururada Caalamiga
ah, Ururada Samafalada, Ururada Xuquuqda aadamiga
u dooda, Maxkamada aduunka iyo Beelaha Soomaaliyeed
ee warqadani ku socoto u cadaynaynaa,
In
heshiiskii Burco ee Beelaha Waqooyi gaadheen uu
ahaa heshiis xabadjoojin iyo nabadgelyo oo aan wax
siyaasada lagaga wadahadlin ama lagaga heshiin.
In
aanay jirin wax kala go,is SOOMAALIYEED ama gooni
isutaag Somaliland oo lagu heshiiyey, iyadoo ay
markhaati buuxa idiin tahay.
A. Sida Beelaha Daaroodka Waqooyi ( EAST SOMALILAND
)
U diideen Doorashadii Dastuurka oo fure u
ahayd Gooni isutaaga ama go,ista
B. Sida aan Maamulkoodu u gaadhin degaamada East
Somaliland
oo Beelaha Daaroodku degan yihiin.
C. Sidii aanay uga qaybqaadan Doorashooyinkii Degaamada,
kuwaas oo ka dhacay Degaamada Dirka ( WEST SOMALILAND).
D. Diidmadii iyo dagaalkii dhiigu ku daatay ee ka
dhacay Magaalada
Laascaanood ka dib markii uu tegay hogaamiyaha West
Somaliland.
Mudane Daahir Riyaale isagoo masuul ka ah dhiigii
daatay iyo
dadkii shacabka ahaa ee ay xasuuqeen 07.12.02. isaga
iyo
maleeshiyadii uu watay oo laayey shacab warmaqabto
ah.
E. Hogaamiyihii West Somaliland 1991 ee aan heshiiska
xabadjoojinta
iyo nabadgelyada wada galay Mudane Abdiraxmaan Ahmed
Ali ( Tuur ) oo cadeeyey inaan kala go,is Somaliyeed
lagu heshiin
kaasoo ah markhaatiga ugu weyn ee la soo qaadan
karo laguna
qanci karo, cadayna kara inaan wax Somaliland oo
lagu heshiiyey jirin.
In
aanan raacsanay kala go,a Soomaaliya soona dhaweynayno
waxkasta oo lagu helayo nabadgelyo iyo midnimo Soomaaliyeed.
Inaanu
nahay laba qaybood oo kala duwan East Somaliland
( Daarood Waqooyi) iyo West Somaliland ( Dir ),
Maamul naga dhexeeyaana jirin.
Waxaan
aad uga xunahay in Dawladaha iyo Ururada qaarkood
ay dhegaha u raariciyaan Maamulka been abuurka ah
isla markaana ay afduubaan xuquuqdii ay lahaayeen
Beelaha Daaroodka Waqooyi( East Somaliland) iyagoo
wixii macaawimo ee aan ka sugaynay kala tashaday
ama u dhiibay Maamul Goboleedka West Somaliland
kuwaasoo ku tagri fala islamarkaana aan waxba soo
gaadhsiin Degaamada East Somaliland iyagoo isticmaala
farsamooyin aan sal lahayn.
Sidaasdarteed
waxaan Dawladaha, Ururada Dawliga ah,Ururada Caalamiga
ah iyo kuwa Samafalada ahba ka codsanaynaa,
In
ay joojiyaan xadgudubka xuquuqeed iyo cabudhiska
ay ku hayaan Beelaha East Somaliland ( Daaarood
).
In
wixii mucaawimo ee ay siinayaan East Somaliland
si toosa noogu keenaan iyagoon kala tashan Maamul
Goboleedka West Somaliland.
Waxaan
Maxkamada Aduunka (heeg) iyo aduunweynahaba ka codsanaynaa
in gacan ku dhiigle Daahir Riyaale Kaahin laga abaal
mariyo Xasuuqii shacabka ee isaga iyo maleeshiyadiisii
ka fuliyeen Degmada Laascaanood 07.12.02. Taasoo
horjoogsan doonta in xasuuq dambe ka dhaco Soomaaliya
ama afrikaba, islamarkaana keenanaysa in gacan ku
dhiigleyaasha Soomaalidu baqaan, taasoo horseedaysa
nabadgelyo Soomaaliya ka dhacda.
Waxaan
dhamaan shacabka Soomaaliyeed u soo jeedinaynaa
inay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo isku
dayda inay kala dhantaasho midnimada Soomaaliweyn.
Waxaan
rajeynaynaa inaad tixgelin doontaan xuquuqdayada
iyo xaalada dhabta ah.
Waad Mahadsantihiin.
Axmed Maxamed Aadan Qudhac. Gudoomiye.
Maxamed Boobe Gaxash.
Bile Khaliif Xaaji Cali.
Xuseen Dacar.
Axmed C/lahi Maxamuud Dhegaqool.
Mukhtaar Axmed Ibraaim.
Maxamed Khaliif Haaji.
Cabdale Shafay.
C/risaaq Haaji Cali.
Saleebaan Yuusuf Xasan.
dar_woq@hotmail.com Tel: 004741529576 Dibada.
41529576 Gudaha.
Waxaa lagu turjumay dhawr luqadood.
Nacaybka
reer Puntland loo qabo iyo Nacasnimada haysa.
Dadka
reer Puntland ku abtirsada 80% ten waxay intii uuna
Dagaalka Sokeeye bilaaban ku noolaayeen meelo Puntland
ka baxsan sida Xamar iyo Hargaysa meelahaa oo ay
u arkayeen Dhulkoodii waxay gashadeen dhamaan Hanti
wixii farahooda ku jiray, meeshana maba aanay soo
dhigan in waxaas oo Hantiya Duhur cad laga fara
maroojin doono, sidoo kale kuma aanay fakirin in
la isku dayi doono in la dabargooyo, laakiin markii
Dagaalkii sokeeyo qarxay wuxuu noqday malahaasi
mid lagu khaldamay, maxaa yeelay khasaaraha Dadkaas
loo gaystay kuma ekaan Hanti laga dhacay oo kaliya
ee waxaa loo gaystay Xasuuq Aduunka ka dhaca kii
ugu xumaa, waxaana la isku dayey in Aduunka laga
cirib tiro.
Wax
yaalaha Dadkaa lagu sameeyey Qoraal lagu ma soo
koobikaro waxaase ka mid ah Hanti waxay lahaayeen
oo laga dhacay, Gabdhahoodii oo lagu xadgudbay,
Caruurtoodii oo la laayey, magaalooyinkoodii oo
laga barakiciyey sida Kismanyo, iyo Qaxootigoodii
oo Baqo dartiis Shanta Qaaradood buuxshay oo waliba
qaar 12san Xeryaha qoxootige ee Kinya ku jiraan
meesha Sarahoodii iyo Guryahoodii Rag kale ku dangiigaan.
Iyada
oo ay waxaasi dhaceen hadana waxaa taas ka sii daran
waxa wali lala maagan yahay, mana u baahna Qofku
in uu Caqli dheeraad ah leeyahay si uu Nacaybka
Dadkaa loo qabo u dareemo, ee waxaa Qofka ku filan
in uu fiiriyo Homepageyada Somalidu ay leeyihiin
sida ay Dadkaas wax uga qoraan iyo sida ay u jecel
yihiin in Puntland halaag uga dhaco iyaga oo waliba
si ay taas u gaaraan aan ka gaban in ay si toos
ah oo muuqata ay Dadkaas isugu diraan, wuxuuna isku
Dirkaasi Mararka Qaarkood gaaraa heer Xoolonimo
oo sidii labo Rati oo ay isku soofaynayaan bay dhahaan
"sirig", taas oo ku tusaysa in Nacaybka
ay Homepageyada leh Dadkaas u qabaan Xadkii Bin
Aadamka dhaafiyey.
Mana
ahan in ay jecel yihiin in uu Puntland Halaag ka
dhaco oo kale ee waliba waxaad garanaysaa in Homepageyo
Magac Puntland maqaar saar ahaanta u sita loo samaysta
si Halaagaa loo sii huriyo iyo in ay ku tala galeen
in ay Dabka Puntland ka shidan Baansiin ku sii shubaan,
taas oo ku tusaysa in Dadka Homepageyadaas furteen
aanay reer Puntland ahayn maxaa yeelay Qof caqli
leh kama suurtowdo in uu Dabka Gurigiisa qabsaday
meeshii uu ka damin lahaa sii afuufo oo waliba Baansiin
ku sii shubo.
Inkasta
oo ay Magac Puntland wataan ama ay reer Puntland
iska dhigaan, haddana Nacayka ay hurinayaan ayaad
ka garanaysad in ay yihiin Dhidar Dhogor Idaas soo
xirtay iyo Dad Qalatadii Dadka labo iyo tabo sano
soo qalanaysan oo Macaga Puntland soo hagoogatay,.waxaanad
taas ka garan kartaa, sida aanay Meelkale uga hadlin
una soo qaadan, waxaanay ka hadlin waxa Kismanyo
ka socda waxa xamar ka dhacaya iyo wax meel kale
oo somaliya ka dhacaya.
Bal
iswaydii Akhritow, maxaa Beelaha kale ee Somaliya
sidaas oo kale wax looga qori waayey?, maxaa ku
koobay Qoraalada Nacaybka huwan reer Puntland oo
kaliya?, maxaa beelaha Isaaq, Hawiye, iyo D&M
la isgu diriwaayey?
Waxaad
kale oo aad iswaydiisaa, xagee bay Dadka Homepageyadaan
lihi labo iyo Tobankii sano ee ina soo dhaaftay
ee Dagaalka sokeeye socday jireen?, haddii ay reer
Puntland yihiin maxay Qadiyada koobaad ee reer Puntland
oo dhan ka dhaxaysa ee Kismanyo ah mar uun uga hadli
la yihiin?,.maxayse Morgan markasta u weeraraan?,
maxay Puntland Beel Beel iyo Jilib Jilib ugu kala
tuurayaan haddii ay u hadlayaan Nin u baahan taageerada
reer Puntland oo dhan, kuna dooda in uu Puntland
Madaxweyne u yahay sida uu Jamac cali Jamac sheegto?.
Akhristo
waxaad igu leedahay 1000$ haddii aad sheegtid meesha
ay Homepageyada Mucaaradka iska dhigayaan ee Magac
Puntland wata ka furan yihiin.iyo Dadka leh.
Waxaan
xusuustaa Maalin ay labo Homepage oo Xamar laga
leeyahay ay Xungurufi dhexmartay in ay isku handadeen
Hebalow waan ku ka shifi iyo waan ku ka shifi,iyo
iyada oo waliba midi xataa ka sheekeeyey IP(internet
protocoll) Homepagekaas lagu toydo iyo sida uu u
isticmaalo, inkasta uuna Homepagekaasi sirta sii
wada dayn lakiin Ninkii Caqli leh waxa u cadayd
in uu midi ku sigtay in uu kashifo in mid Homepageyada
Xamar laga leeyahay maamulo Homepage iska dhika
reer Puntland, waxaa kale oo tusaale u ah in Xamar
laga leeyahay iyaga oo hawada ka baxaan maal mihii
Xamar Taleefonku ka gana.
Waxaa
cad in Homepageyadaas Xamar laga leeyahay ee akhristo
isweydii, ma kaa suurtowdaa in aad Nacayb aad Dad
u qabto darteen iyagii iska dhigto oo aad intaa
oo waqtiya isku dirkooda ku lumisid.
Haddaba
Homepageyaad cusub ee Magac Puntland lagu furtay
iyo Waqtiga isku Dirka reer Puntland lagu luminayo
waxay Halbeeg u yihiin n`Nacayka Dad reer Puntland
loo qabo iyo sida aan wali Dhiigooda looga dhargin
iyo sida waliba nabadooda looga xun yahay.
Waxase
taas ka daran Dadka iska aaminayaan ee iska dabagalayaan
Homepgeyo aanay aqoon waxa leh waxa kale oo ka sii
daran kuwa kuwaas u Jawaabayaan oo markaas si dadban
ugu taageerayn isku Dirkoodii maxaa yeelay sheekadu
waxay u ekaan reer Puntland is haysta waanay siday
rabeen..
Xaqiiq waxaa ah in aad Halkaas ka garan Nacaybka
reer Puntland loo qabo iyo Nacasnimada haysa.
Mahadsanidin
m. jagne.
djagne@hotmail.com