Wararka Mudugonline

Wajigii seddexaad ee shirka Somalida oo bilaamaya Febraayo

Eldoret, 15 Jan 2003 (MOL) - Wajiga seddexaad ee shirka dib u heshiisiinta Somalidu waxuu furmayaa bisha dambe ee Febraayo sidaas waxaa yiri ergayga gaarka ah ee Dawlada Kenya Mr Mwangale mar uu shalay qabtay shir jaraa'id oo kaga hadlayay khilaaf la sheegay inuu u dhaxeeyo Mr Mwangale iyo kooxaha siyaasada Somaliyeed ee Eldoret ku shirsan. Mr Mwangale ayaa sheegay in shirku soo maray marxalado kala duwan dhawr jeerna uu qaaday talaabooyin wax ku ool ah haatana rajadiisu fiican tahay.

Mr Mwangale ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymo ay u soo jeediyeen ergooyinka Somalida ee Somaliya lagu celiyay ka dib markii tiradii ergada hoos loo dhigay. Mr Mwangale ayaa ku sheegay waxba kama jiraan in gudiga uu madaxda u yahay jaahwareer ku rideen shirka ayna laaluush qaataan. Mwangale ayaa sheegay in eedaymaha ergadaas la xiriirto ka dib markii ergadaas boos looga waayay shirka oo wadankoodii lagu celiyay inay isaga wax ka shegaan. Mr Mwangale ayaa shirkaas Jaraa'id ku sheegay inuu sii wadi doono hawsha shirka oo uusan marnaba iscasilayn isagu.

Mudugonline.com


Muuse Suudi oo Muqdishu ku soo noqday shalay

Muqdishu, 15 Jan 2003 (MOL) - Hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi ayaa maalintii shalay ahayd dib ugu soo noqday magaalada muqdishu ka dib markii uu ka soo carooday sida uu u socdo shirka dib u heshiisiinta Somaliyeed. Muuse oo garoonka Cisilay ka soo degay ayaa xurintiisa ugu waramay saxaafada magaalada Muqdishu, Muuse waxuu sheegay inuusan ku qanacsanayn sida uu u socdo shirka dib u heshiisiinta Eldoret. Muuse Suudi oo lagu yaqaan inuu u hadlo si niyad furan ayaa sheegay inuusan dadka Somalida rajo tirayn oo uusan hadda qaadacayn shirka laakiin haddaan wax laga badalin hanaan socodka shirka uusan rajo badan ku qabin.

Muuse Suudi oo hadda u muuqda nin taageero ka raadsanaya beelaha kale ee Muqdishu ee ay haybta wadaagaan ayaa moodaa inuu mawqifkiisii siyaasadeed badalay isagoo hadda la sheegay inuu isla xalayba la shiray saraakiil ka socota Dawlada KMG ah ee Carta lagu soo dhisay oo ay ka dhaxaysay khilaaf ba'an tan iyo intii lagu soo dhisay Tuulada Carta ee dalka Jabuuti. Muuse ayaa waxuu ka mid yahay asaasayaashii golaha SRRC. wali ma cadda in Muuse gabi ahaanba ka baxay golahaas balse taas waxay cadaandoontaa asbuucyada soo socda.

Mudugonline.com


2 Nin oo Lagu Dilay buurtinle Caawa

Buurtinle, Jan 14, 2003 , (AllPuntland )- Warar goor dhaw ay AllPuntland ka heshay Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa xaqiijinaya dil laba nin oo lagu kala magacaabay Ina Saleebaan Shire iyo Cabdulqaadir Cali Axmed.

Warka ayaa intaas ku daraya in nimankaan la dilay iyagoo markaas joogay bakhaar ay lahaayeen.

4 nin oo hubaysay ayaa yimid Bakhaarka ka dibna laba ka mid ah dablayda ayaa rasaas ku furay wadada si aan dad u soo aadin xagooda, halka labadii kale ee dablayda ahaydna ay rasaas la beegsadeen nimanka ay dileen.

Nimanka wax dilay ayaa warar sheegayaan inay uga baxsadeen magaalada dhinaca tuulada Godobyar, ilaa hadda sababta loo dilay ma cadda, marka laga reebo tuhumooyin la xiriiro anooyin qabiil.

Qaybta Wararka AllPuntland

Somali peace talks bounty

For more than three months, the residents of Eldoret, in western Kenya, have been host to more than 1,000 Somali delegates attending the ongoing peace talks. The delegates include warlords, politicians, intellectuals, elders and representatives of civil society from Somalia or living outside the country. Factional differences have hindered the talks, but for Eldoret's business people and hotel owners, business is booming.

Smokers

"Things are actually doing very well, this is a windfall business," Eric Ochoo, operations manager of the Sirikwa Hotel says. "The turnover is good, it has been 100% occupancy for the last three months." But he says that the rooms where the delegates have been staying will need redecorating."The rooms have been messed up. Maybe 60% of the Somali delegates are smokers - even the non-smoking floor has been tampered with.

"After their departure, we will actually need to make some service so we can bring the rooms back to the normal status." "The Somali delegates - some are good, and some are not so good," he says.

Weddings

The BBC's Wanyama Chebusiri met many Somali delegates at a discotheque in Eldoret. They say they are enjoying their stay. "The climate is quite OK, people are very hospitable, they welcome us very nicely," one of the customers, Abdullahi Mohammed, from Mogadishu, says. But most Somalis are Muslims, and doesn't Islam forbid them to go to bars and discos, our correspondent asked?


The taxi trade is faring well in Eldoret "Yes... but these people came from all over the world - they came from Australia or America, so most of them are westernised." The delegates' busy social life in Eldoret has also led to a number of marriages with local women. "It is not the first time. Kenyans and Somalis are already married, they have good relations," Mr Mohammed says. Others in Eldoret hope the Somali guests will stay as long as possible, for financial reasons. "It has really increased my business," says Morris Abuto, a taxi driver.

"If they go, our business will go down."

BBC


Somali boat tragedy 'kills 80'

At least 80 people, mostly Somalis, are reported to have died when their boat caught fire on its way to Yemen. Survivors told the BBC that the boat capsized after it caught fire, leaving them adrift for eight days. None of the children on board are reported to have survived.

This is one of the worst known tragedies in the Gulf of Aden which separates Somalia and Yemen.

Fleeing anarchy

James Alemi, a local official for the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR), said a passing vessel rescued 23 Somalis and Ethiopians from the boat which was carrying up to 120 people.

"According to those rescued, there was an explosion in the engine room which caused a fire. It seems some people panicked and jumped from the overloaded boat," he told Reuters news agency.

The Somalis, together with about 20 Ethiopians, were taken from the town of Bossaso in the semi-autonomous region of Puntland, by agents who arranged their voyage to Yemen.

The voyage is said to take four to five days, and costs around $500 per person.

Correspondents say the tragedy is only the latest to befall Somalis attempting to reach Yemen, before going on to Saudi Arabia.

In November last year up to 30 Ethiopians and Somalis were believed to have died off the coast of Djibouti as they tried to emigrate to Yemen.

In April last year, more than 90 people were reported to have drowned when their boat sank on its way from Somalia to Yemen.

And in 2001, a boat captain was arrested for allegedly ordering at least 86 Somalis to jump into the sea after his ship developed engine trouble.

Thousands of Somalis have attempted the dangerous journey.

Somalia has been without an effective central government since 1991, when Siad Barre was overthrown.

A peace conference between rival warlords currently being held in neighbouring Kenya has failed to end 11 years of anarchy and fighting.

BBC





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001