Qoraalada
Maanta ee akhristayaasha waxaa ka mida:
|
>JAWAAB:
BAAQA CUMAR MAX'UD...
>
Jawaab-
Qoraalada Wax Ma Garadka Reer...
>Aan
isdabaqabano....
>Jawaab
Bilowgii dhamaadka jiritaanka...
>Muran
iyo eedaymo xoog leh o ka dhex aloosmay Beesha.. |
JAWAAB:
BAAQA CUMAR MAX'UD
A/c
(Asalaamu calaa manitabacal hudaa!!)
Waa
yaabe!! ma qoraalkaa baseless" ah mise beesha
Cumar sidaanaa ka daacada ah!!?
walaalayaal
sidaynu ogasoonahay PL waa beelo isu tegey oo isir,
dan iyo deris wadaag ka dhexeeyo, waxay dhisatay
maamul, waxayna qoratay dastuur lagu shaqeeyo, dawladdii
la doortay muddadii ay haysay xilka in la dhaliilo
mooyee cid qori usoo qaadatey majirin! dhibtu waxay
timi markii ninkii dawlada u sareeyey isu bedeley
"anaa maroorsaday" oo uu ku tuntay dastuurkii,
ilaa ay intii la shaqaynaysey afka kacanta saaraan,
oo uu kuxigeenka madaxweynuu yiraahdo "arrintu
waa arrin dastuur oo maxkamad ubaahane, wax lagu
dagaalamaa meesha mayaalaan, markii la qori waayeyna
uu ka huleelay", dastuurka oo ah waxa aadamiga
kala haga markii lagu tunto wax walbi caadigii ayey
ka tegayaan waxaan la filayna way imaanayaan sida
socota!..
meelkasta
xaal haka degtee waxaa garabyadii isku haystey meeshii
u haray Col. c/hi, meeshii laga sugayey inuu dib
isugu noqdo oo dastuurkii uu ku tuntay saxo ayuu
yiri "ragbaa i inqilaabay, anna waan inqilaabay"
yacni hadaan kooyey! waxay ku noqotay tani ummadii
fiyoobeyd ee reeeeeer PL deg kafaar!
waxaa laga sugayey beesha col c/hi kasoo jeedo inay
waaqaca ka turjumaan oo wiilkooda u caqli celiyaan
iyyagoo runta faraha kasaaraya dibna u xasuusinaya
sida beelaha PL uwada noolayeen, iyo sida aan cidina
aaney cidkale tunka ugu ruxi karin! bil caksi daalik,
waxaa caqligii beesha ka soo baxay markay arkeen
dulmiga iyo xasuuqa uu dalkooda kawado oo aanu cid
aan naftiisa ka ahayn aanu ugu danayneyn "nooloow
c/hi nooloow iyo jir oo noo joog" waa sida
hadalkooda laga arkayoe!! halkii la filayey inay
xasuustaan tan todomaatameeyadii dhibkuu ummadaan
col-ku ku hayey oo uu mar walba kursi ku raadsanayey
dhiiga wiilashooda..
Tolow
idinka oo aan noo arag cadowgiin iyo jilibka Jaamac
midna dib isugu noqda oo dawga deegaanka aad ka
leedihiin qaata, dareema dadnimadu waxa ay ku jirto
oo ah, isxaqdhawr, ehelnimo, derisnimo, diin iyo
dulmi sokeeye oo aan lagu qoslin..
Tolow
dib ulaabta oo dareema,daneeya dareenka reer PL!
oo ah inaynu ilaalino wixii dastuur ah ee aynu degsanay,
cidii aynu dooranona daacad u noqono, allow muu
ahaado dadkaynu midkagaha unaqaane! (midgaan waakii
aan ALLE aqoon) oo intii aynu dan shaqsi ilaalin
lahayn, aynu tan ummada ilaalino,
xasuustana pl shalay qori lagu dhisin maantana qori
in lagu wado maslaxo uma aha!! waxaanuna leenahay
"intii qorigu talin lahaa caqligu hataliyo"
Nabaadiino...
Baaqa
jawaabtani udhacayso waa kan:
http://www.mudugonline.com/2003/January/060103aragti.htm
waxaa qoraalkan kala xiriiri kartaa urur goboleedka:
SUXUFI ORG
mucaad1@hotmail.com
Jawaab-
Qoraalada Wax Ma Garadka Reer Puntland iyo Cadowga
Adeegsada:
Ugu horrayntii cadowga reer Puntland wuxuu u qayb-samaa
sadex qolo oo kala ah: Cadowga kowaad oo ahaa kuwa
reer Puntland waligood kasoo horjeeday jiritaankooda
iyo dhismaha ay dhisteen maamul ay u madax-banaan
yihiin oo ilaaliya jiritaankooda, nabad-galyadooda,
xuquuqdoodana u dooda. Cadowga labaad wuxuu ahaa
midkii ururada magaca diineed huwanaa, laakiin aragti
guracan oo siyaasadeed lahaa, doonaayeyna inay arligaan
ka dhisaan dowlad magac islaameed leh, laakiin qowmiyado
kale u adeegaysa.
Qaybta
sadexaad cadowga reer Punta ee ah kan ugu xun, uguna
dhibaatada badan waa kuwo u dhashay qowmiyada reer
Puntland, uuna adeegsado labada cadow ee aan kor
kusoo sheegay, ayagoo mar-walba qaata xoogaa dhaqaale
ah, kuna iibsada dadkooda iyo dhulkooda labadaba.Cadowgaan
sadexaad ee ay reer Puntland u yaqaanaan calooshooda
u shaqaystayaal, kuwana ayba ku xantaan inaysan
aragti dheer lahayn, kolba sidii la rabana loo isticmaalo,
ayagoo aan fahmi karin danaha laga leeyahay, marka
xeero iyo fandhaalna kala dhaceen soo baraaruga.
Haddaba,
haddaan wax ka iraahdo ninka qoray maqaalka aan
ka jawaabaayo wuxuu ka mid yahay cadowga reer Puntland,
walibana wuxuu ka tirsan yahay kuwa diinta islaamka
sida xun ee qaabka daran u tarjuma oo masaajidkii
Ilaah ee lagu cibaadaysan jiray la galay siyaasad
iyo wax ka dheer diinteenii suubanayd. Wuxuu ka
mid yahay Doqomada u dhashay reer Puntland ee cadowgu
kabaha ku kararto, waxay doonayaana ku fushadaan.
Puntland,
maanta waxay maraysaa mar-xalad ay kala baratay
cadowgeeda iyo xabiibkeeda. Waxay dhisatay dowladdii
ugu adkayd sidii ay uga hortagi lahayd cadowgeeda
faraha badan ee uu ninkaan uurka ka jiran ee sheegta
inuu Mudug kasoo jeedo, laakiin aan caqligii, kartidii,
dad jacaykii, nabad-doonkii iyo aragti-dheeraantii
reer Ciideed aysan ka muuqan ee lagu magacaabo C\Waaxid
Khaliif ka mid yahay.
Maanta cadowgii Puntland waa ku hungoobeen rajadii
ay ka lahaayeen inay qala-laase ka dhex abuuraan
dadkaan danbiga ay horay uga galeen, kuway adeegsadeena
waxay noqdeen kuwa fadhiid ah oo ay u meel mari-weyday
aragtoodii raqiiska ahayd ee ay ugu adeegayeen kuwa
xumaha jecel mar-walbaba. Markii xag ciidan iyo
mid caqliba looga xoogroonaaday, bay maanta arintii
waxay u rogeen cay iyo been qayaxan ee ay ka qoraan
dadkaan xaqooda ku diraraaya, laakiin su'aashu waxay
tahay intee bay u socon kartaa dacaayadaha raqiiska
ah ee ay soo qoraayaan?
Dhammaan
Isimadii reer Puntland oo uu ugu horreeyo Islaan
Maxamed, Suldaan Garaase, Boqorka Daarood, Islaan
Bashiir, Garaad Saleemaan iyo dhammaan dubabka reer
Puntland waxay maanta taageersan yihiin jiritaanka
dowladdaan iyo madaxdeedaba. Mar-dhowna waxaan la
filayaa inuu dib ugu soo laabto Xasan Abshir Farax,
ka dib markuu taabtay xeerada salkeeda oo uu ogaaday
xaqiiqda dhabta ah iyo inuu ku khaldanaa isku daygii
uu isku dayey inuu kala daadiyo dadkaan uu maanta
ku faanaayo inay soo dirsadeed magacoodana uu madasha
ku fadhiyo, cidina aysan darajada uu sheeganaayo
ka qaadi karin aan ciddiisa ahayn. Bal haddaba eegoo
hadii aysan Puntland maanta dhisnaan lahayn sidaas
ma u hadli lahaa? U malayn-mooyo!
Qofkasta
oo cadowga Puntland sheegta, hadduu yiraahdo waxaan
u dhashay dadkaas iyo haddii cadowyada kalaba yahay,
ha ogaadeen inaysan waligood gaarayn himiladooda,
waayo reer Puntland Ciddana danbi kama galin, kamana
gali-doonaan, waxayna ku dagaalamayaan waa xaq iyo
wado toosan oo waxay difaacayaan magacooda iyo jiritaankooda,
cid alla ciddii is-hortaagtana jab-baa u danbayn,
sida kuwii horaba ugu guul daraysteen.
Kuwa
meesha dhow wax ka arka iyo kuwa calooshooda u shaqaysta
ee reer Puntland goor-may garwaaqsan-doonaan in
jiritaankoodu ku xiran yahay jiritaanka dadkooda,
xumaha ay faraha kula jiraana ka fara xalan-doonaan?
Raage Jaamac
jamarage@aol.com
U.S.A.
Qoraalka
Jawaabtani u dhacayso waa kan
http://www.mudugonline.com/2003/January/020103aragti1.htm
Aan
isdabaqabano
Waxaa yaab ah an lana filayn in musiibadaan an ilaa
hadda si dhab ah la isugu taxalujin sidii wax loo
ga qaban lahaa.
Caqliga banii aadamku waa kora sida jirku u koro,
laakiin kan Soomaaligu waxaad mooda in u ku qufulanyahay
waqtigii awooweyaalkeen.
Dad badan oo an kala sheekaystay dhibaatada Wadankii
guud ahaan ku habsatay, waxay taaganyihiin. Tan
nalaka damcay marna yeeli mayno, uma muuqato tan
guud ee waxaa u muuqda mid gaar ahaaneed.
Arinta puntland ka taagan dadka qofba si buu u haysta,
kuwo u haysta in ay tahay mid labo qoys u dhexaysa,
kuwo u haysta in ay tahay mid u dhaxaysa maamul
dad isku haya iyo siyaabo kale oo kala duwan.
Runtii waxa la isku hayaa waa mustaqbalkeena kan
caruurteena iyo wadankeena, in aynu ka aamusno.
Oo wax ka oran arintaas waa liidnimo, in aynaan
wax ka qabana taariikhdu ina ku cafin mayso.
Waxaan la yaaba kuwa ku farxayaa oo meel walba la
taagan intaas baan dilnay, dadka ay dilkooda ku
faanayaan sowmaaha kuwa ay rabaan in ay xukumaan,
waa dhacday hadda iyo dagaalkii hore labdaba.
Waxaan soo jeedin lahaa in la isdabaqabto oo si
qoto dheer arintaan loo baaro, iyada oo laga bilaabayo.
Meeshii u ku istaagay waanwaantii dec.02 ee qardho.
Arintaan waa mid u taal dadka dega degaanka oo dhan,xabbadii
dhacda qofwalba waa ku dhaci karta, Nabadgelyo xumi
wadanka ka dhacda qoyskasta waa saamaynaysaa, dhaqdhaqaaqiisa
iyo dhaqaalahiisa intaba.
Wada hadal iyo waan dhab ah baa arintaan lagu xalin
kara ee yaan laga daalin.
Wax aa soo jeediyey:
Hassan Yusuf Dhuux (garabey)
garab@alphalink.com.au
Jawaab
Bilowgii dhamaadka jiritaanka dowlad goboleedka
Puntland
Bismilah:
Waad salaamatihiin akhristayaasha .
Waxaan kuu sheegayaa ardaygoow waa saad sheegatay
ama qoraalkaaga laga fahmayo in aadan ba fahminba
cilmiga aad tidhi arday baan u ahay ee siyaasada
jaale hayaan bad baad gashay oo wax aadan aqoon
fiican u lahayn baad ka hadashay,ee waxaa kuu
rooneyd oo kaaga fiicneyd inaad iska hubisid
waxan aad doonaysid inaad ka faalooto waxa ku
jebiyey waa mala awaalka iyo beenta aad ku base-garaysay
qormadaada saadaasha xun gurigaaga la hel habaarkaaga--
geelow daaq markaad ciin daaqdid baa laguu yaaba,
haatan hayaanow in badan baad puntland isimadooda
gaar ahaan sool iyo sanaag aad qormooyin ugu geftay
oo aanay ku sineyn mar iyo laba aadna sheeganeysey
inaad difaacaneysey somalilander nimo, maxaa maantana
puntland kusii geeyey iyo saadaalinteeda shareed
miyaadan filayn in somaliland dhibkaa aad
sheegtay inuu ku habsado,waxay la mid tahay arinkaagu
arin ku dhacay mid reer burca oo degaankiisii
ka doolay(fogaaday) markaas baa la yidhi sanqoolow
maxaa berbera ku keenay-markaasuu yidhi faduul-markaasaa
la yidhi oo maxaa burco kaa keenay-markaasuu yidhi
fali waali haatan hayaanow maxaa s/land kaa keenay
faduul-oo maxaa puntlandna kuu geeyey fali
waali.
burco
iyo berbera waxaa ka dhigan labadan maamul ee
aad midna difaacaatid midna aad muduci ku tahay
had iyo jeer, teeda kale waxaad iskaga dul dhacday
adoo nidhahu kuu xidhan yihiin,oo aadan meelna
u dhaafin Maamul goboleedka madax(Hogaamiye dhaqameedka
iyo Hogaamiyaasha siyaasada,aqoonyahanadii ,tujaartii)
ilaa majo(shacabka intiisii kale)----anigu waxaan
u arkaa qoraal khalad ku ah reer puntland ----reer
puntlandna min Boqor,isim,ciroole, aqoonyahan
,ciidan ,shacab waa dad u bisil waqtiga iyo xaalada
marba lagu jiro, mana aha dad taladu ka habowdo,labada
is hayey ,xaalad baa arinkoodu ku ilaabmay, waxaana
ogahay in reer puntland wada og yihiin yaqaanaana
card- adhkooda ay marba waqti ku ciyaaraan ,adigoo
miidhan baa dalaq iska odhanaya ,hubsiimaa hal
la siistaa ,adeer waa waqtigii c/laahi yeey iyo
waxa taabacsan weeye waana waayo arag soo taabtay
derbigii shidada,somali ayaan u arkaa inuu badbaadinkaro
sida uu u badbaadiyey puntland .
afarta
qodob ee aad tidhi waxay huriyeen dagaalka waa
beentaa,
Hogaamiyeyaasha------------
Shacabka----------------
Jariidadaha-------
Qabyaalada------------
Ta qabyaalada aan horaysiiyee waa isku reer aad
isusii xiga 2 nin ee is hayey ,hogaamiyaasha Intuba
isku wada duubo way wada yaqaanaan maslaxada puntland
C/laahi yuusuf 100% reer puntland way wada
taageersan yihiin maanta, hub shacab gacanta u
gelaya ama u galayna ma jiro nidaam iyo kala danbaynbaa
dalku leeyahay,mediada jaraidka iyo idaacadaha
intuba kama shaqeeyaan ba a shacabkoodee waxay
ka shaqeeyaan danta iyo horumarka puntland iyagana
been baad ka sheegtay,shacabkuna sidaan hore u
soo sheegay waa shacab lagu barbariyey xadaarad
ee orodoo beenahaaga hooga aad saadsanayso meelo
kale iyo riyaale ula tag. Wa bilaahi tawfiiq.
Axmed
Moxamud
moxamud19@hotmail.com
Qoraalka
Jawaabtani u dhacayso waa kan http://www.mudugonline.com/2003/January/050103aragti.htm
Muran
iyo eedaymo xoog leh o ka dhex aloosmay jaaliyadaha
beesha Cumar Maxamuud ee dalka Ingiriiska kabid
markii shakhsiyaad koobani ay isticmaaleen magacyo
aysan ogolaansho u haysan
Kadib
markii dhawaan lagu shaaciyey qaar kamid ah bogagga
internet-yada qoraal ay qoreen shaqsiyaad
koban ayagoo si ku tagri-falasho ah u isticmaalay
magacyo aysan dadkii lahaa laka tashan, kuwaas
oo ay
ka soo min-guuriyeen liiska besha, ayaa dhalisay
xasarad xoog leh oo ka dhex aloosantay jaaliyada
Cumar
Maxamuud ee ku nool wadanka Ingiriiska. Maalmahaan
oo dhan waxaa meel kasta oo aad tagtid aad
maqlaysaa cabasho, muran iyo eedaymo loo soo jeediyey
ragii qoraalka qoray. Kuwaas oo ka imaanaya dadkii
magacyadooda la isticmaalay.
Dad
badan oo reer London ah ayey fajiciso ku noqotay
markay magacoodii ku arkeen qoraal aysan wax war
ah u haynin. Nin
aanu guri wada deganahay ayaa waxuu ii sheegay sidatan:
Maalin k ahor intaanu qoraalka la soo daabicinin
ayaan la kulmay qaar ka mid ah ragga qoraalka qoray,
wax haba yaraatee ay ii sheegeen ama rukhsad isticmaalka
magacyga oo ay I waydiiyeena ma aanu jirinin!. Muhimadu
maahan in fikirka ay qoreen aad la qabtid iyo inakle,
laakiinse waxaa weeye aysluubta ayey khilaafsantahay
inaad isticmaashid magac aadan qofkii lahaa kala
tashanin.
Sidoo
kale nin aanu saaxiib nahay oo wadankale ku nool
oo teleefoon igula soo xiriiray ayaa asan cabasho
taas la mid ah muujiyey, isla mar ahaantaasna iga
codsaday inaan u soo gudbiyo telefoonada ragga qoraalkaas
magaciis aku darsaday ayagoon asaga laka tashanin.
Waxaa
ayana xusid mudan in qoraal kaas la mid ah oo ku
soo baxay magaca beesha Ciise Maxamuud oo asna sidoo
kal eay qoreen shaqsiyaad koobani uu beeshaas ka
dhex aloosay tashwiish, muran, cabasho iyo eedaymo
la mid ah kuwa beesha Cumar Maxamuud.
Isku
soo duub, indhawaydba waxaa dadka qaarkiis caado
u noqotay in ayagoo dano gaar ah ka leh ay si khaldan
u isticmaalaan qof magaciis taas oo ay keento jaahilnimadu
iyo ayagoo aan fahamsanayn ama iska indho tira inay
ilbax-nimad iyo asluubtuba nafarayso inaad ogolaansho
waydiisatid qofka aad magaciisa
isticmaalaysid xataa hadduu fikirka aad qorayso
kugu raacsanyahay.
Abdullahi Mohamed
Abdullahimohamed2000@yahoo.com