Wararka Mudugonline

BAAQ NABADEED PUNTLAND [BEESHA REER BICIIDYAHAN]

Bismillaahi Raxmani Raxiim

Annagoo matalayna Mawqifka islamrkaasna ku hadlayna magaca beesha REER BICIDYAHAN { Cali Ibraahim} gaar ahaanna jaaliyadaha Yurub, North America & Afrika, kaddib markaannu yeelannay xiriir badan iyo wada tashiyo kala duwan dalkii iyo dibeddaba oo dhex-maray bulshada isla beesha BICIDYAHAN ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba:

  • Annagoo aad uga damqanayna kana gubanayna colaaddii khasaaraha badani ka yimid ee ka dhacday geyiga ama Gobollada Soomaaliyeed ee la isku yiraahdo PUNTLAND iyo dhibkii kala gaarey dadka ehelkaa ee gobolladaas ku dhaqan oo lagu waayey naf iyo maalba, wax kaloo badanba;
  • Annagoo og in cawaaqibxumada colaaddan oo kale laga dhaxlaa, tii shalay iyo tan maantaba, ay yihiin kuwa tafiir-xumo inakaga tegi kare tan iyo jiilasha dambbe(magac ahaan iyo mansab ahaanba) haddii aan si taxaddar, indheergaradnimo, samir iyo isu-sarriigasho ku dheehantahay loo dhammayn iyadoo wixii dhaawaca oo horay u dhacayna la wada dhayanahayo;
  • Annagoo garowsan inaan nabddu qaybsamin NABADANA dantennuna ku wada jirto oo ninna nabad ku naalloon karin haddii ninka deriskaagaa oo dantiinnu isku xirantahay gurigiisa uu colaad ku abaado;
  • Annagoo aad u dareensan in mushkiladda weyn ee maanta gobollada Puntland lugta jiidday, gadaalna uga dhigtay halkii ay horey u gaartay ama ay haatan higsanaysay uu asalkeedu ahaa khilaaf siyaasdeed oo la xakamaynwaayey waqtigii ku habboonaa, iyadoo uu jiro dareen ah in arrintu sii eersatay oo ay sii cakireen gacmo ka baxsan dadka Gobolka oo danaynaya inay dhunto nabadda iyo horumarka degaankaas ujeeddadoodu waxay rabto ha ahaato dhankay rabaanna ha ka soo jeedeene;
  • Annagoo xusuusan oo aad u qaddarinayna qiimaha dhabtaa oo ay leedahay walaalnimada, nabad ku wada noolaanshaha iyo muhimadda is-garabsiga  si looga gudbo dhibaatooyinka waaweyn sida ee degaanka ka jira iyo isku-kaalmaysiga horumarka dhinacyadiisa kala duwan ee bulshooyinka degaanka iyo dantuba ka dhexeeyaan guud ahaan iyo, gaar ahaan,  kuwa xiriir hoose oo ehelnimo ka dhexeeyo sida bulshada reer Puntland;
  • Annagoo tixgelinayna guud ahaan xaaladda maanta ka jirta dunida iyo gaar ahaan tan geeska Afrika iyo Somaaliyaba oo shucuubtu ay ku taamayaan horumar dhab ah iyo tartan xaddaaro ku salaysan kaasoo ka bilowda unug-degaameedyada hoose  (i.e. regional states) oo ay ka mid tahay Puntland, kaasoo khasbaya tixgalinta dhaqankii wanaagsanaa ee nabad-ku-wada-noolaanshaha ka sokow iskaashi aan loo kala maarmin laguna kala tegi karin marna;

WAXAANNU QAADANNAY MAWQIFKA SOO SOCDA OO KU SALAYSAN BAAQNABADEED IYO BAADI-GOOB XAL WAARA OO KA DHACA PUNTLAND:

  1. Waxaannu soo jeedinaynaa BAAQ NABADEED oo ku waajahan dhammaan shacabka ku nool gobollada Puntland: Waxaan ku baaqaybnaa in si deg-deg ah  oo waarta loo joojiyo fikir kasta oo colaadeed oo dambbe iyo fal kasta oo taas sabab u noqon kara dhankuu rabo ha ka yimaadee iyadoo si gaara looga fogaanayo tillabo kasta oo dhankaas noo dhaqaajin karta (provocation) dhinac kastaba ha ka timaaddee;
  2. Waxaan ugu baaqaynaa kuna dhiirrigalinaynaa annagoo ku garabtaagan dhammaan Madaxda iyo masuuliyiinta siyaasadeed, Hoggaammada dhaqanka iyo Isimada, culumada diinta, saraakiisha ciidamada iyo cuqaasha, ganacsatada, aqoonyahanka iyo urrurrada bulshada rayidkaa, ururrada haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshada iyo inta ay ku weyntahay DANTA UMMADDA iyo NABAD KU WADA NOOLAANSHAHA in laga WADA SHAQEEYO iyadoo isu-hagar-bax dheeri ah iyo isla-shaqayn dhab ah laga wada yeelanayo, islamarkaasna fursad kasta oo la heli karo la siinayo sidii XAL KAMA DAMBAYSA OO WAARA UNA WADA QALMA SHACABKA PUNTLAND loogu soo dabbaali lahaa gobolka oo dadkiisu aad baahi ugu qabaan WAX KASTA oo aan ka ahyn COLAAD AAN DHAMMAAN, KHILAAF, IS-BUR-BURIN (self-destruction)  iyo KALA IRDHOW;
  3. Waxaannu ka codsanaynaa dhammaan qaybaha kor ku xusan in ay la yimaadaan xilkasnimo dheeri ah, dul-qaad dheeri ah, sabir dheeri ah, is-qaddarin, isu-sarriigasho iyo in laga hormariyo wax kasta DANTA DADKA iyadoo meel la iska dhigayo wax kasta oo QAB SIYAASDEED ah oo keeni kara in taas laga durko. Waxaan soo jeedinaynaa inay cid kastaa MASUULIYADDEEDA ka soo baxdo laguna tixgaliyo; Waxaa hubaal ah in cid kasta oo jiritaanka iyoxuquuqda shacabka reer Puntland ku xadgudubta taariikhdu ay qori doonto;
  4. Waxaannu uga tacsiyeynaynaa dhammaan ummadda reer Puntland dhibkii iyo khasaarihii ka ay keentay colaaddii dhawaan ka dhacday isla geyigaas. Si gaar ah waxaan ugu tacsiyeynaynaa ehelkii iyo qaraabadii intii halkaas ku nafweyday ama ku naafowday;
  5. Ugu dambayn waxaan NABAD ugu baaqaynaa dhammaan shacabka soomaliyeed ee walaalahaa meel kasta oo uu joogo annaga oo rajeynayna in aakhirtu sannadkani noqdo kii Soomaaliya ay ka bixi lahayd bur-burka iyo meesha madow ee ay taariikhda adduunka waayadaan dambe ka gashay, heshana Dawlad u qalanta Umadda Soomaaliyeed oo caadila.

Baaqan waxaa lagala xiriiri karaa

Xiriirka guud ee Baaqa: shakiib2001@yahoo.co.uk
Jaaliyadda Kenya: attogoshe@yahoo.com
Jaaliyadda USA: hayle5@hotmail.com
Jaaliyadda UK: faatoxo@hotmail.com
Jaaliyadda Holland: warsame112@hotmail.com
Jaaliyadda Denmark: dayax70@hotmail.com
Jaaliyaddaha Sweden iyo Norway: guledhakim@yahoo.com


Dadka liiska saxiixay BAAQA NABADDA  Beesha Cali Ibraahim {Reer Biciidyahan}

1.                 Suldaan Cabdiraxman Aden Dude
2.                  Suldaan C/salaam Sheekh Maxamud X. Axmed Nur
3.                 Suldaan Cabdi Xaashi Albaab 
4.                 Suldaan Shirwac Cabdille
5.                 Samadoon Mohamed  Dahir Haji Ali
6.                  Samadoon Xaashi Cali Xoosh
7.                 Samadoon Adan Cabbdulle Axmednur (Aden Gaalkacyo)
8.                 Samadoon Maxamud Siciid Qiilmawaaye
9.                 Col. Maxamed Darwiish
10.             Col. Cabdiqani Suldan Xasan Suldan X. Cali Baalle
11.             Col. Max ed weli Sheekh Max’ed Qaalli
12.              Col. Cabdi Xaaji Cali Baalle (Urufey)
13.             Col. C/laahi Xaaji Cigaal (Shaxam)
14.              Col. Max'ed Xaashi Aw Yuusuf
15.             Col. Yaxye Max’ed Farax (Dhaladheere)
16.              Dr. Cabdiraxman C/llahi Saylici
17.             Dr. C/qadir Maxamud Axmed-Nur (Jazira)
18.             Prof. Warfa Cabdi Max’ed
19.              Dr. C/rashid Max’ed Dahir
20.             Eng. C/llahi Cabdulqadir Cali (Faatoxo)
21.             Dr. Bashir Sh. Max'ed M. Xuseen
22.             C/Xakiim Axmed Guuleed
23.               Eng. Max’ed Yusuf Tahliil
24.             Nuradin Sheikh Max’ed Cali Madow
25.             Sheekh C/risaq Warsame Farax Yare
26.             Bashir Xaashi Waraabe
27.             C/Weli Caarif
28.             Burhan Muuse X. Cali Baalle
29.             C/qadir C/llahi Warfaa
30.             Dahir Ashkir Cali Seed
31.             Muxyadiin Jamac Cali Xoosh
32.             C/risaaq Cali Baalle
33.             Xuseen Dayl Jaamac Gadood
34.              C/laahi Guuleed Looyaan
35.             C/laahi Samatar Jaamac (Ganlibaax)
36.             C/laahi Max'ed Adan (Galayar fuje)
37.             Xuseen Cali Dude
38.             Cali Sheekh Nuur
39.             C/wali Faraah Huluul
40.             Saciid Muuse Cabdi (Gooshe)
41.               Faysal Ahmed Xayle
42.               Qaasim Sheikh Maxamed Macallin
43.             Xuseen C/laahi Fagare
44.             Cali Xirsi Salaad (Cali Ciro)
45.             Max'ud Max'ed Qaali (MMJ)
46.             C/nuur Max'ed Cali Bare (Kulcade)
47.             Adan Ismacil Qordher (Adan qaylo)
48.             Cismaan Sheekh Yuusuf
49.             Mahad Daahir Baalle
50.             C/salaan Muuse Shirwac
51.             Adan Xasan Cawl
52.             Xabiibo Yaasiin
53.             Nadiifo Cali Dude
54.             Carfi Daahir Cali 
55.             Ruqiyo Daahir Baale
56.             Sahal Rashiid Sheekh Sahal
57.             Salwaax Gardafiil
58.             Xuseen Max’ed Farax (Sanweyne)
59.             C/nasiib Sheekh Xuseen
60.             Yusuf Jaamac Daqarre
61.             Cabdi Xuseen Cumar
62.             Farax  Max’ed Cigaal
63.             Shabeelow Jaamac Jirac
64.             Cabdiqaadir Binow
65.             Eng. Max’ed Ismaaciil Warsame
66.             Liibaan Ibraahim Dable
67.             Eng. Max’ed Xasan Dooy
68.             Dr. Max’ed Cali Warsame Dhegey
69.             C/nur Max’ed Kullane (Jalawsade)
70.             Jibriil Aden Galool
71.             Cabdi Cabdillahi Warsame (Japan)
72.             Max’ed C/qadir Cadceed
73.             C/kariin Salaad Xirsi Dacaley
74.             Cali C/dulle Beedaani
75.             Jamac Dheere
76.             C/nasir C/qadir Cadceed
77.             C/llahi Maxamed Farax
78.             Ilyaas Aden Galool
79.             Xalwo Xirsi Tinle
80.             Xaliima Macallin Timadheere
81.             Faduma Max’ed Farax
82.             Naciima Sheekh C/qadir
83.             Amina Garre
84.             Nasro Max’ud Aw Yusuf
85.             Ruqiyo Sheekh Xuseen
86.             Faduma Indhagaduud
87.             Layla Xaaji Yaxye
88.             Haweeya  Faarax Hiirad
89.             Deeqa C/llahi Jiisow
90.             Samsama Max’ed Cali Madow
91.             Maryan Xaaji Max’ed Yaxye
92.             Mullaaxo Xaraare Oogcadde
93.             Faduma Max’ed Cali Nuux
94.             Nasro Muse Xaji Cali
95.             Cayni C/llahi Salaaf
96.             Luul C/llahiJapan
97.             Malyun Aden Qawle
98.             Hinda C/llahi Japan
99.             Khadro Aden Nuur
100.         Maryan Xaaji Farax Koronto
101.         Foos C/lle Beedaani
102.         Sacdiya Aden Galool
103.         Hodan Aden Galool
104.         Faduma Max’ed warsame
105.         C/qani Cumar Warsame
106.         Aden Max’ed Guhad
107.         C/ladiif Axmed Caydid
108.         C/raxman Axmed caydiid
109.         C/weli Carif
110.         Sahra Carif
111.         Khadra Xasan Cadceed
112.         Rooda C/llahi 
113.         Sahal Cali Xasan Bulxan
114.         Deeqa Max’ud Jariir
115.         Axmed C/qadir Cali
116.         Jaabir C/qadir Cali
117.         C/kariin C/llahi Cali
118.         Maxamed Ottor 
119.         C/xamiid Khaliif (Kaaba ku dhalay)
120.         Safiyo Caarif 
121.         C/rashid Maxamud Cabdille Geesaweyne
122.         C/risaaq Ibraahim Cigaal
123.         Liibaan Cabdi Xuseen (Dhegacade)
124.         Cabdi Colaad Ciise
125.         Maxamed C/qaadir Xaashi
126.         Maxamed Cabdi Xuseen (Dhegacade)
127.         Carfoon Warsame Axmed
128.         Xaawo Ashkir Cilmi Kooshin
129.         Luul Dhoodi Maxamed
130.         Layla Xasan Xirsi Carab
131.         Safiya Xasan Siciid
132.         Caasha Maxamed Siciid 
133.         Saalax Yuusuf Diiriye
134.         Liibaan Diiriye Aadan
135.         Maxamed C/laahi Xuseen (Xalus)
136.         Deeq Salaad Aadan
137.         Casayr Colaad Ciise
138.         Nabadoon Axmed Cuuke
139.         Seynab Sheekh Cali-geelle
140.         Saaqa Xasan Cabdille-Ashkir
141.         Faadumo C/qaadir Xuseen (Xalus)
142.         Nuuro Cali Jaamac Dheere
143.         Carfi Yuusuf Jariir
144.         Ifraax Maxamed Guure
145.         Hani Maxamed Xaashi
146.         Rooda Cabdullaahi Asad
147.         Fartuun Cali Baydaani
148.         Xasan Xuseen Ciise
149.         Nabaddon Xuseen Ciise Maxamud
150.         C/casiis Max'ed Warsame Farax
151.         Aamino Geelle Qaniin
152.         C/rashiid C/laahi Daafeedoow (Jeeri)
153.         Cabdi Xuseen Dhoorre
154.         Raawe Xuseen Madoobe
155.         C/risaaq Cali Sanweyne
156.         Axmed Aden Galool
157.         Cabdi guuleed Warfaa
158.         Caydruus Max’ed Jaamac
159.         Ismaciil Dahir Guure
160.         Maxamed Dahir Guure
161.         Deeq Cismaan Suudi
162.         Fadumo Koronto
163.         Sacdiyo Dhalamuro
164.         Ruqiyo C/qadir Xuseen Xalus
165.           Maxamed Axmednur Carab 
166.           Cabdullahi Warsame Farah  
167.           Maxamed Cabdullahi Warsame
168.           Maxamed Cabdulle
169.           Xasan Farah Yaxye
170.           Cabdullahi Adan Karahaye
171.           Cabdullahu Hussein
172.           Ahmed Cabdi Tumay
173.           Ciise Cali Jaamac
174.           Cali Farah
175.           Cabdirashiid Daahir Cali
176.           Cabdi Maxamed Xirsi
177.           Mahad Adan Xassan
178.           Cali Axmed  Yusuf
179.           Saciid Haji Maxamed 
180.           Jamal Xaji Maxamed 
181.           Maxamed Diiriye Shire
182.           Cabdi Daahir Xasan
183.           Mustaf Farah Cigaal
184.           Cabdisamed Farah Cigaal
185.           Saciid Farah Cigaal
186.           Cabdullahi Cabdi Jamac 

Baaqa waxaa lagala xiriirayaa:

Xiriirka guud ee Baaqa:

shakiib2001@yahoo.co.uk (Holland)

attogoshe@yahoo.com (Kenya)

hayle5@hotmail.com (USA)

faatoxo@hotmail.com (UK)

dayax70@hotmail.com (Denmark)

warsame112@hotmail.com (Holland)

guledhakim@yahoo.com (Sweden iyo Norway)




Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001