BAAQ KA
DIGAYA SHIRQOOL LALA RABO PUNTLAND
Annagoo dhammaantayo ah dadka Reer
Puntland, isla markaana kala joogna dalka gudihiisa
iyo dibeddiisaba, ayaan si adag uga digeynnaa shirqoollada
baan oo lala damacsan yahay dawladda iyo shacabka
Reer Puntland. Waxaa hore loo ogaa, in duminta Puntland
ay heshiis ku ahaayeen Madaxweynaha Djibuti
mudane Geelle iyo Kooxda Carta oo uu isagu sameeyey
kana talo qaadata isaga. Mudane Riyaale Kaahin oo
ku fariistay kursigii uu ka dhintay Madaxweynihii
dawladda isku magacawday Somaliland ayaa isna dhowaan
la kala ogaan doonaa, inuu saddex ku noqday labadaas
nin iyo in kale.Waxaa noqonaya cadowga dadka iyo
dalka Reer Puntland, cid alla ciddii soo dirta,
taageerta ama magan galisa dadka loo adeegsanayo
burburinta iyo qaska Puntland. Waxaa la wada ogyhay,
inay dhammaan mucaaradka Puntland hoos tagaan Jama
Ali Jama isaguna uu hoos tago kooxda Carta, gaar
ahaanna uu ka amar iyo talo qaato shaqsiyaad ay
ka mid yihiin Qanyare iyo Caato! Aynnu
isweyddiinnee, ma isu dhiibi karaa shacabka Reer
Puntland , qof ama koox ku xiran meelahaas? Waa
maya, siday nala tahay.
Waxaan ka digeynnaa qoraallada fidno ka taliska
ah, sida midka uu daabacay webmaster dayniile
Bisha 03.01.2003 kaasoo aan lahayn sal iyo
raad toona. Cinwaanka qoraalkaasi waa Tacsi
..., hase yeeshee dulucdiisa iyo danta laga
leeyahay waa isku dir iyo dagaallo hor leh oo laga
oogo deegaannada Puntland. Waxaana u ah marag: -
Ma ay aha dad loo wakiishay, inay ku hadlaan codka
Beesha Cumar Maxamuud oo dhan. Tusaale ahaan, waxaa
liiskayagan aad ugu badan dad Beesha Cumar Maxamuud
u dhashay kumana raacsanin dhiirri gelinta dagaal
oo ay ka shaqaynayaan. Waxaanna qabnaa, in wax kasta
lagu dhammeeyo nabad iyo wada hadal.
-
Run ahaan, kuma ay heshiin marna
Beesha Cumar Maxamuud goaannada iyo heshiisyada
ay ka sheegeen. Sidaas darteedna waxaa lagu tilmaami
karaa qoraalladooda been abuur iyo dhagar qarsoon.
-
Ma ay aha dadkaasi dad aqoonsan
Dawlad Goboleedka Puntland ee waa dad raba in
la burburiyo, sida ku cad qoraalladooda. Halkaas
waxaa ka caddaanaysa, inay wax ka soo direen lana
safan yihiin kuwa uga imaanaya qurbaha dagaalka
sokeeye, dadkaasoo ka maqnaa dalka muddo dheer.
-
Waxaa ah nasiib darro, in dadkaas
sheeganaya inay ka tirsan yihiin Beesha Cumar
Maxamuud ayan marna ka hadlin kuna baaqin, in
la joojiyo dagaallada sokeeye wixii khilaafaad
ahna lagu dhammeeyo wada hadal iyo wada tashi.
Waa ay isburinayaan oo dhanna tacsi ayey dirayaan
oo ehelnimo ayey sheeganayaan dhan kalena hadda
ayey isku guubaabinayaan dadka ehelka ah.
-
Waxaa si cad uga muuqata qoraalkooda
in la doonayo in Puntland loo kala googooyo gobol-
gobol, degmo- degmo iyo sidoo kale jilib-jilib,
taasoo ah mid liddi ku ah talada, rabitaanka iyo
danta dadka Reer Puntland.
Haddaba, waxaa loo arki karaa , inay dadka sameeyey
qoraalladaas wax ku lahaayeen taladii dagaalladii
uu dagaalkii dhowaan ka dhacay Dhuuda
ugu dambeeyey, ayna soo direen dadka qurbaha uga
yimid dagaalka sokeeye, dagaalkaas oo ay dad Reer
Puntland ahi ku nafwaayeen.
Waxaannu uga digeynnaa dhammaan dadka Reer Puntland,
in laga digtoonaado fidnada, isku dirka iyo majare-habaabinta
kaga iman karta dalka gudiihiisa iyo dibeddiisaba,
sida kuwa kor lagu soo sheegay. Waxaan shaki ku
jirin, in dagaallada sokeeye ay ka dambeeyaan soona
maal galiyaan cadowga dadka Reer Puntland.
Waxaannu aqoonsannahay, in ay Puntland tahay Dawlad
Goboleed leh Gole wakiillo, gole dawladeed, madaxweyne
iyo madaxweyne ku xigeen.
Waxaannu ku talinaynnaa, inay dhammaan dadweynaha
Reer Puntland si buuxda uga shaqeeyaan adkaynta
midnimadooda, si ayan ugu dhicin fawdo, burbur iyo
xasillooni laaan. Waxaannu ka xunahay, in
dawladda Puntland lagu khasbo dagaal uu dhiig ku
daato. Laakiin, waxaan u sheegeynnaa dhammaan inta
aan ogeyn, inaan marna cidina gar ku heli doonin
dagaal hubaysan oo lagu soo qaado Maamul Goboleedka
Puntland.
Waxaan ka codsanaynnaa Dawlad Goboleedka Puntland,
inay sugto nabadda iyo xasilloonida dhammaan shacabka
Reer Puntland, gaar ahaan dadka safarka ah oo isaga
gooshaya dhammaan deegaannada Puntland. Ugu dambayntii,
waxaannu tacsi u diraynnaa dawladda, dadweynaha,
qoysaskii
iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii dhowaan
ku dhintay dagaalkii sugidda nabadda iyo ammaanka
dalka Puntland.
MAGACYADAYADIINA WAA KUWA HOOS KU TAXAN:
1. Mohamoud Said Farah (Qiilmawaaye)
2. Suldan: Hussein Mohamed
3. Abdulkadir Jama Abdille
4. Adan Mohamed Abdille
5. Dr. Mohamoud Mohamed
6. Ing. Abdi Ali Elmi
7. Dr. Abdiqani Ali
8. Omer Adan Hussein
9. Bashir Mohamed Adan
10. Mohamed Hassam Jama
11. Mohamed (Shino) Mohamoud Omer Hussein
12. Dr. Jama Abshir Walde
13. Dr. Abdiqani Ali Ahmed
14. Yassin Abdullahi Mire
15. Prof. Hussein Hassan Burale
16. Ahmed Mohamed Jama Aden (Matan)
17. Mohamed Abdirahman (Dhabancad)
18. Mohamed Abdullahi Shire
19. Mohamoud Mohamed (Dubasare)
20. Abdiwahid Ahmed (Dalab)
21. Hussein Abdikarin (Shirdon)
22. Abdirahman Farah Ali
23. Mahamoud Abdille Abdihosh
24. Abdikarin Mahamed Ali (Barre)
25. Ahmed Shuriye Ali
26. Prof. Mahamed Sheikh Hassan
27. Prof Abshir Mahamed Osman
28. Ing. Jama Shabel
29. Digale Sheikh Mahamed
30. Sheikh Abdulkadir Ali Abdi
31. Dr. Yasin Ali (Awke)
32. Caaqil: Mahamed Ali Holon
33. Abdiwali Isse Muse Yussuf
34. Prof. Abdirisaq Warsame
35. Hassan Dahir
36. Abdullahi Mohamed (Katombe)
37. Abdikarin Ismail (Ilkaase)
38. Yahye Mohamed Farah (Dhaladhere)
39. Dr. Yussuf Mohamed Yussuf (Dhuh)
40. Mohamed Dhel Abdille
41. Hassan Warsame Guleid
42. Mohamoud Suldan Abdille War. (Awdon).
43. Said Abdille Ali (Ilweyn)
44.. Adan Hussein Hassan
45. Abdihalin Mohamed Ali (Ilweyn)
46. Abdi Elmi Id (Abdi Shell)
47. Ali Farah (Urdan)
48. Abdifitah Abdille Ali
49. Sahra Abdille Ali
50. Abdirahman Dahir Hassan
51. Farah Dahir Ali (Farah Dhad)
52. Hussein Sheikdon Abdille Guleid
53. Ali Yolah Sheikdon Abdille
54. Abdihashi Salad Abdille
55. Bashir Shire Abdille
56. Hussein Suldan Abdille W. (Awdon).
57. Mohamed Farah Ali (Bahal)
58. Mohamed Ali (Mad)
59. Mohamed Osman Ali (Mad)
60. Yassin Mohamed Gure
61. Ahmed Dhexdhere Ismail (Jeenicad)
62. Abdi Jama Guhad
63. Sadiq Abdi Jama
64. Haybe Abdi Jama
65. Ing. Mohamed Hussein (Deble)
66. Muse Hassan Yusuf
67. Abdinasir Said Abdille
68. Yasin Abdi
69. Ahmed Ali Abdille (bagaag)
70. Ali-said Ahmed Khalif
71. Dahir Mohamed Aden
72. Abdulkadir Mohamed Aden
73. Dahir Jama Mohamed (Mufo)
74. Jama Timayare Abdille
75. Caaqil: Ahned Khalaf
76. Ali Abdille Hussein
77. Abdullahi Hashi Mohamed
78. Sheikh Hashi Abdullahi
79. Ing. Hassan Yasin
80. Dr. Abdinoor
81. Mohamed Farah Muse
82. Abdirashid Farah hassan
83. Dr. Said Harun
84. Aden Farah Muse
85. Abdullahi Ahmed Gure
86. Abdullahi Hassan Moahamed
87. Ali Hussein Mohamoud
88. Ahmed Hassan Mohamoud
89. Mohamed Ali Ahmed
90. Ahmed Mohamed Isse (Dhakal)
90. Ahmedd Hussein Farah (Heryo)
91. Ahmed Omer Haji (Ninile)
92. Ahmed Noor Abdullahi Botan (Dhiin Dhalaal)
93. Said Hussein Farah
94. Muhyadin Abdi (kawis)
95. Hassan Mohamed Ali
96. Mohamed Farah Hersi /Ananug)
97. Abdullahi Moahamed Ali
98. Abdullahi Ali Shadho
99. Abdiasis Adan (Bidar)
100. Omer Botanan Elmi (Gurey)
101.Mahad cali maxamed
102. Nasib Balille
103. Dayib Abdille (wees)
104. Yusuf Ahmed Ali (lweyn)
105. Abdinoor Hashi Botan
106. Mahamed Abdullahi Hashi (Lugey)
107. Abdirashid khalif Ali
108. Hussien Abdullaahi Abdullahi khalif (Naftixoor)
109. Warsame Dhagarab Geyre (Awl)
110. Mahamoud Farah (Awkombe)
111.Abdullahi Mohamed Omer Warsame (Joar)
112.Mohamoud Muse Hasan (Wali)
113.Kamil Abdirahman Noor
114. Abdulkadir Mohamed Jama (Sandeyl)
115. Jama Mohamed Hassan
116. Abdullahi Sheikhdon Abdille
117. Fadumo Yussuf Adod
118. Abdullahi Abdisalan Dambalas
119. Amina Omer (Farabadane) Hussein
120. Said Muse Noor Dahabo Ali Elmi
121. Abdirahman Ali Basin Nadifo Osman Jama (Dalab)
122. Mohamed Isse
123. Abdullahi Osman Ali (Mad)
124. Mohamoud Yussuf Ahmed (Tumey)
125. Salah Abshir Deble
126. Abdullahi Guleid Ali (Fod)
127. Hadsan Ali (Ilweyn) Mohamoud
128. Asha Jama Warsame (Islan)
129. Sahra Abdi Driver
130. Hawo Omer (Farabadane) Hussein
131. Mohamoud kalif Farah (Sed)
132. Abdnasir Omer Elmi
143. Mohamed Jama Mohamed
134. Abdinoor Jama Mohamed
135. Abdinasir Jama Mohamed
136. Fardowsa Mohamed Abdille
137. Faysal Said Abdille
138. Sahra Abdi Ali Samey
139. Shukri Yussuf Adod
140. Mohamed Abdisalan Dambalas
141. Fadumo Adan Arab
142. Jama Abshir Walde
143. Saleban Yussuf Abdille
144. Asha Hersi Guto
145. Lul Mohamoud Kalif
146. Abdul Abdullahi Abdille
147. Adar Mohamoud Indhayare
148. Fadumo Mohamoud Indhayare
149. Omer Mohamoud Indhayare
150.Abdimahad jama Mohamed Hassan
151. Abdulkadir Ali Shabin
152. Hawo Farah Kilwe
153. Adar Adan Amhed Noor
154. Idil Abdisalan Dambalas
155. Abshir Hussein Sheikhdon
156. Sahra Hersi Farah Ali
157. Liban Jama Deble
158. Hawo Mohamed Hassan
159. Fadumo Kahlif Hassan Adde
160. Deqa Mahamed Ali Yussuf
161. Sahra Farah Hayir Sadiya Farah Hayir
162. Ahmed Farah Hayir
163. Duale Digale
164. Hodon Abdullahi Hashi
165. Fos Ali Noor
166. Abdi Ali Noor
167. Farhiya Yussuf Abdille
168. Ayan Said Mahamoud (Indhayare)
169. Fadumo Abdikosar Mahamoud (Indhayare)
170. Saido Abdullahi Mahamoud (Indhayare)
171. Ahmed Mahamoud Indhayare
172. Fadumo Dhodi
173. Noor Dahir Abdille
174. Shukri Mahamed Hussein
175. Fadumo Hosh Ileye
176. Abdulkadir Said Farah-Gas
177. Nadifo Omer Hassan
178. Mohamed Bashir Hersi
179. Safiya Mohamoud Kalif (Elmiqate)
180. A bdulkadir Farah Haji
181. Mohamoud Mahamed Jama (Sayruq)
182. Karur Abdulkadir Yussuf (Gab)
183. Sado Abdi Jama
183. Hani Abdi Jama
184. Mohamed Hassan Guled (Mohamed-Jowhar)
185. Yahye Osman Hussein Hirey
186. Salah Jama Jibril (Jinnoole)
187. Mohamoud Ahmed Ali (Ilweyn)
188. Seynab Farah Hashi (Hanaf)
189. Muhubo Farah Hashi (Hanaf)
190. Burhan Farah Id
191. Fadumo Adan Hassan
192. Yassin Abshir Hassan (Barre)
193. Salad Farah Jama
194. Mahad Abdullahi Timayare
195. Ubah Habib Ali (Samey)
196. Mahad Muse Islan
197. Ruqiyo Salad Takar
198. Maryan Abdi Badi
198. Prof. Abdullahi Ali
200. Ing. Ali Mohamed Warsame
201. Dr. Abdikafi Mohamed
202. Dr. Ali Hersi
203. Ing. Abdifitah Mohamed
204. Ing. Mohamed Abdirahman Yusuf
205. Dr. Mohamed Muse Hassan
206. Caaqil: Hassan Mohamoud Dalmar
207. Dr. Saleban Abdi Ali
208. Abdirisaq Ali Jama
209. Bashir Mohamed Warsame
210. Sheikh Ahmed dahir Abdulkadir
211. Sheikh Farhan Abdi Jama
212. Abdullahi Abdi Ali
213. Mohamed Farah Sangoos
214. Abdiasis Farah Hashi
215. Mahdi Mohamed Omer
216. Ex-Xiddigle Mohamed Farah (Dhagaweyne)
217. Ex-G/le/Dhexe Muse Hassan Wali (Muse Dhere)
218. Ex-/Dhamme Abdisalan Hassan Wali
219. Dr. Abdulkadir Aden Hussein
220. Shamso Ali Elmi
221. Qasin Abdullahi Ali (Barre)
222. Sheikh Ali Dahir A. Hashi
223. Isse Aden Farah
224. Dr. Hawa Ali
225. Abdirahman Ali Abdi
226. Abdullahi Ali Hussein
227. Mohamed Abdi Ali (Samey)
228. Ifrah Abdi Ali (Samey)
229. Murayo Mohamed Ali (Ilweyn)
230. Ardo Abdille Ali
231. Nadifo Abdille Ali
232. Dr. Abdirisaq Mohamed Guleid
233. Yahye Kilwe (Ileye(
234. Abdi Salad (Abdi Dhere)
235. Mohamed Jama Guleid
236. Qule Ali Samey
237. Dr. Abdirahman Jama (Ras)
238. Said Jama Noor (Jiif Masoole)
Waxaad nagala soo xiriiri kartaan:
E-Post: danjire_saa@hotmail.com Denmark
E-Post: ereg2@hotmail.com Australia
E-Post: farahfenten@online.t.de Germany
Opinions
expressed in this columns are those of the
authors and not necessarily those of Mudugonline
|
Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana
loo fasiran karo tan Mudugonline.
|
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug
Online 2001
|