Wararka Mudugonline

Shirkii Eldoret oo khilaaf cusubi soo wajahay

Eldoret, 6 Jan 2003 (MOL) - Wararka ka imaanaya Magaalada Eldoret ee uu ka socdo shirkii dib u heshiisiinta Somaliya ayaa sheegaya in khilaaf iyo isafgaranwaa cusub soo wajahay shirka ka dib markii habeenkii Xalay ay gudiga qabanqaabada IGAD soo saareen liis ergooyin cusub oo ka badan 300-kii ergay ee awal ay ku heshiiyeen hogaamiyaasha iyo Dawlad goboleed Puntland. tirada liiska ergada cusub ayaa la sheegayaa inuu gaarayo illaa 396, tirada ergooyinka ayaa la soo sheegayaa in intooda badani yihiin ergooyin cusub oo aan ahayn kuwii horey loo soo magacaabay.

Ergayaga Kenya Muwangale ayaa sheegay in tirada cusub ay ka dambeeyeen dawladaha deeqda bixiya walow aysan arintaas wax xaqiijin ah uusan ka bixin ergayga Kenya. Shirka Eldoret ayaa illaa iyo intii uu bilaamay bartamihii bishii Oktobar aysan wax horumar ah oo la taaban karo laga gaarin. rajo badan ayaan dadka Somalidu ka qabin in shirkaan ka soo baxdo Dawlad loo dhan yahay illaa inta wax laga badalayo habka iyo qaab maamulka IGAD oo uu hadda ku socdo oo ah Fawdo, laaluush iyo jaahwareer aan la garanayn meel uu u socdo shirku.

Mudugonline.com


Madaxweynaha Puntland Cabdulahi Yusuf oo la filayo inuu shirka Eldoret dib ugu soo nqodo.

Garoowe, 6 Jan 2003 (MOL) - Wararka ka imaanaya magaala madaxda Dawlad goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cabdulahi Yusuf la filayo in uu dib ugu soo noqdo madasha shirka Somalida ee magaalada Eldoret ee Dalka Kenya dhamaadka asbuucaan ama asbuuca dambe. Cabdulahi Yusuf ayaa shirka ka soo qaatay fasax si uu u xaliyo arimo xasaasi ah oo ka jiray Puntland oo ay ugu weynayd Ciidan mucaarad ah oo uu hogaaminayay Gen. Cadde Muuse oo isku uruursaday buuralayda Dhuudo iyo lacago been abuur ah oo wadanka soo galay oo loo xirxiray saraakiil ka tirsanaa Dawlada. Ka dib dagaal gaystay qasaare balaaran labada dhinacba ayaa Ciidanka Daraawiishtu ku guulaysteen inay ka adkaadaan ciidankii Gen. Cadde oo hadda u cararay dhinaca xaduudka Dawlada isku magacowday Somaliland.

Dawlad goboleedka Puntland ayaa ka codsatay Dawlada Somaliland inay u soo celiso hubkii, ciidankii iyo gaadiidka ay la fakadeen Gen. Cade Muuse. wali wax jawaab ah arintaas kama bixin Dawlada Somaliland oo la rumaysan yahay haddii caawimaad u fidayaan mucaaradka Puntland ay faraha la gali doonaan dagaalka sokeeye ee Somaliya taasna soo afjari doonto rajadii ay dadka reer Somaliland ee ahayd inay Somaliya ka go'aan.

Madaxweynaha Puntland socdaalka uu ku imaan doono Eldoret ayaa la filayaa inay ku wehlin doonaan qaar ka mida xukuumadiisa. Shacabka Garoowe ayaa iyagu aad u soo dhaweeyay soo noqoshada Dawlad ay Garoowe oo ku soo noqotay ka dib markii si ku meel gaara ay Dalwadu u daganayd magaalada Bosaaso. Cabdulahi Yusuf ayaa dadka Garoowe maanta kala hadlay Barxada weyn ee Garoowe hlkaas oo uu dad ugu sheegay in dagaalkii sokeeye ee Carta ay ka riday Puntland hadda soo afjarmay haatan waxii ka dambeeyana hay'adaha Dawladu sidii la rabay u hirgal doonaan.

Mudugonline.com


Gen. Morgan iyo Wasiirka Malaiyada Puntland oo Maanta Yimid Garoowe

Garoowe: Waxaa galabta soo gaaray shalay magaalda Garoowe wafdi uu hogaminayo Gen. Maxamed siciid Xirsi Morgan oo isagu malmihii lasoo dhafay ku sugnaa Boosaaso, wafdi Gen. Morgan oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan ururka SPM/SRRC waxaa kusoo dhaweeyay Garoowe xubno sare oo ka tirsan madaxda xukuumada iyo gobolka.

Dhinaca kale wafdi sare oo uu hogaaminayo wasiirka Maaliyada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa shalay galab soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, wafdiga wasiirka oo ka soo kicitimay Boosaaso ayaa waxaa ka mid ahaa xubno golaha xukuumada, golaha xukuumada Puntland ayaa lagu waddaa inuu manta shir halkaas uga furmo.

Iyadoo hadda la dhamaystiray ku soo noqoshaddii maamulka ee Caasimada Garoowe

AllPuntland


 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001