Bilowgii
dhamaadka jiritaanka dowlad goboleedka Puntland
Akhristayaal
dhamaantiin waad salaamantihiin.
Xaqiiqada
ayaa waxay tahay in xaalada gobolkaa ay ka wanaagsaneyd
ka hor intaan la sameyn maamul goboleedka Puntland ha
ahaato mid dhaqaale iyo iyo mid ammaanba. Dadka ku nool
gobolkaa ayaa haystay xoriyad shakhsiyadeed kuna hami
qabay inay gaaraan harumar dhinac walbaba ah. Maanta ayaa
xaaladu sikale tahay. Ammaankii ayaa xumaaday isla markaana
ganacsigii yaraaday. Hantidii gobolka ayaa waxaa la galinayaa
hub taasoo keenaysa in hubkaa gacanta ugalo dadweynaha
iyadoo ay dhalaneyso ammaandaro. Laakiin waxaa jirta maahmaah
oranaysa hadba meeshaa goglataa ku seexataa. Waa tan heysata
dadka kunool gobolkaa maanta.
Taariikhda
ayaa sideedaba waxay tahay wixii horay u dhacay layskuna
raacay. Maadaama aan taariikh dadka puntland degan ku
heshiisay iskuna raaceen ayan jirin (intaan aniga ka ogahay)
waxaan rabaa inaan halkaan fikradeyda shaqsiyeed ka dhiibto,
taasoo ah xoriyadeyda shaqsiyeed ee muhiimka ah isla markaana
ah awooda kaliyah ee aan kuleeyahay Soomaaliya. 12 toban
sano ka dib markii dagaalada sokeeye ka bilowdeen Soomaaliya
ayaa waxaa soo baxay dagaalo dhexmaraya dadka degan Dowlad
goboleedka Puntland. Hadaba waxaa isweyndiin leh maxaa
sababay dagaaladan? Xal marka la raadinayo waxaa wanaagsan
in aasaaska waxa dhibaatada keenay la ogaado, laga hadlo,
laguna heeshiiyo.
Wax ka bilowday qilaaf dhexmaray dad kooban ayaa ku socda
inay isku bedesho dagaal balaaran oo dhex maraya qabaa´il
keenina kara qasaaro lixaad leh.
Waxa
sababay dagaalka ama waxa ay tahay ulajeedada laga doonayaa
ayaa ku xiran hadba qofkaa weydiiso. Run ahaantii ayaa
waxay tahay in ulajeedada dagaalkan ay tahay oo kaliya
arin lagu doonayo in lagu helo awood xukun. Hadaba waxaa
isweydiin mudan maxaa dan ah oo ugu jirta shacabka halkaa
degan? Dad ayaa qaba in dagaaladan ay sababeen inqilaab
lagu doonayo in lagu afganbiyo hogaanka Puntland. Koox
kalaa aaminsan in ay dagaalada sabab u yihiin xornimo
lagu raadinayo in lagaga xoroobo maamulka kaligitalinimada
ee ka jiraa gobolkaa. Xaaladu si walbaba ha ahaatee waxaa
cad in dagaaladan ay keeni doonaan qasaare lixaad leh
ee ku yimaada gobolkaa isuguna jira mid dhaqaale, mid
bani´aadaminimo, mid siyaasadeed, mid bulsho iyo
mid dabiiciyeedba. Waxaa xaqiiqadu tahay in dagaaladan
ayan keeni doonin qof ku guulaysta iyo qof laga guulaysto
ee keeni doona halaag ku dhaca dadka rayidka.
Dhowr waxyaalood oo suurageliyey dagaalada ayaa kala ah:
1- Hogaamiyeyaasha
2- Shacabka
3- Jariidadaha warisgaarsiinta
4- qabyaalada
1- Hogaamiyeyaasha
Marka
dib loo fiirsho hogaamiyeyaasha halkaa ka jira maanta
ayaa isla markiiba arkeysaa inay wax badan iyaga iskaga
mid yihiin isla markaana wax yar la wadaagaan hogaamiyeyaasha
dunida horey umartay. Ugu horeyntii waa dad ku guuldareystay
inay sameyaan wax hurumar ah. Marka labaad waa dad aan
aaminsaneyn gobolka ay xukunkiisa doonayaan. Marka sadexaad
waa askar ayan jirin cid ay ka naxayso iyo cid ay u naxeyso
ayna ku yartahay aqoonta siyaasada, mida dhaqaalaha, mida
bulshada amaba tan bani´aadaminimada. Hogaamiyihu
hadii uu taliskiisa aaminsanyahay muxuu reerkiisa ugala
tegay gobolkaa? Muxuuse maalintii lacayriyo ama dagaal
dhaco uu uga cararaa meesha ee dadka uu doonayo inuu xukumo
uu wax ula qabi waayey??
2-
Shacabka
Shacabka
degan gobolkaa ayaa iyaguna masuul ka ah dagaalada ka
dhacaya gobolkaa. Hadii ayan jiran taageerida balaaran
ee isugu jirta mid dhaqaale, hub, askareed, mid shaqsinimo
iyo iyo mooralba ee ay u fidinayaan hogaamiyeyaashaa dagaalka
isla galay, xaaladu heerkan masoo gaarteen ayaan qabaa.
Hadii hogaamiye lasoo doortay waxa lasoo doortay askari.
Hadii la bedelay waxaa lagu bedalay askari kale. Hadii
dagaal la qaaday waxaa qaaday askari, kii dagaalka lagu
qaadayna waa askari kale. Doorashada aad maanta samayso
ayaad natiijadeeda beri heshaa. Inkastoo loobaahanyahay
cilmi siyaasadeed, mid bulsho iyo mid dhaqaaleba si natiijo
wanaagsan loo gaaro ayaa hadana waxyaalo badan oo xunxun
laga hortagi karaa hadii la isticmaalo maskaxda ilaahay
nasiiyey. Maxaa loo waayey hogaamiyeyaal aan askari aheyn
ee danta gobolkaa katalisa??
3-
Jariidadaha warisgaarsiinta (media)
Waxyaabaha
wanaagsan ee kasoo baxay burburkii Soomaaliya ah ayaa
ah in lahelay jaraa idyo badan oo xor ah. Nasiibdaro loogama
faa iideysan sidii wanaagsaneyd ee danta umada ku jirtay.
Jariiradaha soomaaliyeed ayaa iyagu noqday kuwa u adeega
hogaamiye kooxeedyada dagaalka iskula jira. Iyadoo Soomaalidu
sideedaba ay tahay dad ku nool maxaa la yiri ee aan marnaba
ku fiirineyn indho shakisan waxa ay jariidadaha soo gudbinayaan,
ayaa waxaa batay jariidaha nooc walba ha isugujireene
soo gudbiya beenta tooska iyo mida dadbanba. Halkii ay
ka qeybqaadan lahaayeen horumarinta dadka ayey waxay ku
beeraan isnaceyb kadib dhaliya dagaal geysta mid naf iyo
mid dhaqaalaba.
4-
Qabyaalada
Ma aaminsani qabyaalada sideedadaba mana qabo in haba
yaraatee meel lagu gaarayo. Qabiilka ayaa noqday wax ay
ku gabadaan hogaamiyekooxeedyada ka jira wadanka oo dhan
qaasatana kuwa kajira Puntland. Waxaa kaloo qabiilka ku
gabada dadka iyaga aan gaari karin natiijo shakhsi ah.
Maxay sideedaba xaalada Puntland ugaartay mid qabiil ee
ay u ahaan weyday mid shakhsiyaad ama kooxeed xukun doonaya??
Maxaase qabiiladii isku qabiilka ahaa u dagaalamayaan??
Nolosha heerka laga gaaro ilaahay ka sokow ayaa shakhsi
walba dadaalkiisa iyo halgankiisa ku gaaraa, waxaana qabaa
soomaalida inteeda badan inay sidaa tahay. Inta yar ee
xukun kuhesha ama maal ku dhacda ayuu qabiilku wax taraa.
Shalay labadii isku qabiilka ahayd yaa maanta cadowga
iskugu xun ah. Xabada lagu dhufto ee disha qofka reer
Puntland ah maanta, 99% waxay ka imaanaysaa qof isla qabaa
ilka halkaa dega ka timid ah. Goormaa laga faa iidaaa
qabiilka sidiisaba??
Natiijo:
Natiijada hadii dagaalada ka bilowday Puntland sii socdaan
ayaa waxay noqonayaa kuwo badan oo kala: