Wararka Mudugonline

Kalfadhigii Golaha Wakiilada Puntland oo saaka ka Furmay Xarunta Puntland

Garoowe: Waxaa saaka 9 subaxnbimo wakhtiga Somaliya ka furmay kal fadhigii golaha wakiilada (Baarlamaanka) Puntland, furitaankii kal fadhiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaweynaha Puntland, Gudoomiyaha golaha wakiilada, madaxda golaha xukuumada, xubnaha golaha wakiilada, Madaxda Gobolka Nugaal iyo marti sharaf lagu casumay.

Midig: Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha, Islaan Maxamed

Munaasibadii furitaanka waxaa markii ugu horaysay ka hadlay gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Yusuf Xaaji Siciid oo ka waramay hawlaha horyaal kalfadhiga, xaalada Puntland, gudoomiyaha ayaa markaas furitaanka kal fadhiga kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Cabdullaahi oo khudbad dheer ka jeediyay halkas ayaa mar uu ka hadlayay nabada iyo khilaafkii Puntland wuxuu sheegay in la soo afjaray, si buuxdana loosoo celiyay amarkii iyo kala dambayntii, wuxuuna sheegay in si buuxda loo soo celiyay nabadii, isagoo taas uga mahadnaqay ciidamada Daraawiishta, Booliska iyo shacabka Puntland oo aan u kala harin .

Mar uu ka hadlayay golaha xukuumadiisa ayuu u sheegay in loo baahan yahay inay sii laba jibaaraan hawsha ay hayaan, aana la is qabqabsan, loona bahan isaga.

Warbixinta oo dhamaystiran iyo Sawiro dheeraada ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland [GUJI-IIX]


Waxaa ka mida Faaqidaada Radiogalkacyo:04/01/03
  • Maamulka Hotel Sarigwa oo sheegay in beri waxii ka dambeeya uu cuntada iyo jiifka ka joojin doono ergada dheeriga ah.
  • Kalfadhigii Golaha Wakiilada Puntland oo ka Furmay Xarunta Puntland ee Garoowe
  • Barnaamij ku saabsan habka Federaaliga ah. iyo warar kale

Waxaa ka mida Faaqidaada Radiogalkacyo:03/01/04

  • warar ku saabsan Gen Cadde Muuse iyo halka uu ku sugan yahay.
  • Maxaabiis iyo Gawaari dagaal laga qabtay ciidanka Cadde Muuse oo Garoowe la keenay iyo warar kale


 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001